Saturday, June 26, 2004

Sheekh Nuur Baaruud oo Furka Tuuray!


Sheekh Nur Barud Posted by Hello CULIMADA SOOMAALIYEED OO QEYLO DHAAN TII UGU SAREYSAY KA JEEDISAY FAAFINTA DIINTA KIRISHTANKA OO CAALAMADAHEEDA LAGU ARKAY DALKA “

Hay’ado Jabka Umadda Soomaaliyeed Ka Faa’iideysanaya Hadiyado Wasaqeysan Ka Qaadan Meyno…”
Culimada Soomaaliyeed ayaa qeylo dhaan tii ugu sarreysay ka soo saaray calaamado muujinaya ku faafidda Diinta Kirishtanka dalka Soomaaliya oo 100% ah Muslim, aaminsana in ay Diintoodu tahay lama taabtaan.

Guddoomiye ku xigeenka Daladda Culimada Soomaaliyeed Sheekh Nuur Baaruud iyo Xasan Max’ed Ibraahim oo xubin ka ah xafiiska dacwadda iyo Tarbiyada Islaamka ayaa shacabka Soomaaliyeed uga qeylo dhaamiyey qalab cusub oo dalka Soomaaliya lagu qeybiyey dhawaanahaan oo ay ku dhex jiraan dukuminti si toos ah u tilmaamaya in ciddii ku soo biirta Diinta Kirishtaanka saacidaad la siinayo isla markaana lagu qoray ciwaano ay la xiriiri karto iyo qalab kale oo ay ka mid yihiin alaab carruureed iyo calaamadaha Diinta Kirishtaanka oo ay wehliyaan xasiisyo gaagaaban sida “Faraxsanow Ciise ayaa ku jeclaanayee”.


Sheekh Nuur Baaruud wuxuu sheegay in qof kasta oo Muslim ah ay ku waajib tahay inuu ka caroodo arrimaha noocaan ah isagoo tilmaamay in Diinta Islaamku aysan ahayn sida tan Kirishtanka oo Baadari Kaniisad fadhiya kaliyuhu aaminsan yahay, isagoo tilmaamay in culimda Soomaaliyeed ay ka hortageen in Kaniisaduhu ku faafaan dalka.
“Hay’ado jabka Soomaaliya ka faa’iideysanaya haddiyado wasaqeysan oo ay qeybiyaan ka qaadan meyno, shacabka Soomaaliyeedna wey garanayaan” ayuu yiri Sheekh Nuur Baaruud oo Soomaalida u jeediyey digniintii ugu dambeysay in laga hortago arrintaas”.
Sheekh Nuur Baaruud wuxuu sheegay in arrimahani ay ka dambeeyaan iyadoo la dhibsanayo in Soomaalidu 100% muslim ahaato, isagoo dhanka kalana tilmaamay in kooxo shirka Soomaalida horey ugu sheegtay inay Kirishtaan yihiin ay u sii sheegeen inay murtadiin ay dalka uga soo horeyso in la dilo.
Sheekh Nuur Baaruud oo saxaafada warramay wuxuu sheegay in dadka Soomaaliyeed ee ka ganacsada arrintaan ay dambi weyn ku sugan yihiin Diintoodana meel uga dhaceen, isagoo Culimada Soomaaliyeedna ugu baaqay inay hal far noqdaan difaaca Diintana u istaagaan.

Kabadhe.raasonetMoqdisho

No comments: