Friday, July 02, 2004

Qabiil Soomaaliyeed oo ka Cabanaya Masiixiyiintooda!

Mudullood Muslin ama Masiixi



by: Dr. Ali Ahmed Hirabe
Email: Hirabe_a@hotmail.com



Waxaan isweeydiiyaa Mudulood miyuunan aheeyn Muslim mise wax kale aayaa ku hoos qarsan Muslinimada eey sheeganaayaan, waxaa xaqiiq ah in umadaani eey ahaan jireeyn Muslim marka la fiiriyo taariikhda aan soo marnay, taa waxaan ula jeedaa umada Mudulood wax yaabaha lagu yiqiin ayaa waxaa ugu horeeya ku dhawaanshaha diinta Islaamka, waxaan shaki ku jirin in eey ka dhasheeyn Mudulood culumo aad u faro badan islamarkaasna lagu yaqaan barashada ama barida diinta umadaha la diriska ah, waxaa eey dad badani isweeydiiyaan oo eey qiraan in Mudulood caadada lagu yiqiin eey ka mid aheeyd in eey wax walba ka jeclayeen in eey Faataxada qaataan marka dhib loogeeysto sida dilka ama dhaawaca ku yimaad , dhaqankaas waxuu ahaa mid qaas u ah Mudullood oo kaliya, taa waxaa daliil u ah in Faataxada eey tahay hooyada Quraanka Kariimka haddii aad dib u fiirisid umada kale ee Soomaaliyed waxaa hubaal ah in marka dhib dhaco eey waxa ku kala qaadan jireen xoolo iwm.

Ruuxa Mudullood waxaa lagu dhaarin jiray Ilaah magaciisa waxii jirana waa uu sheegijiray haddii eey dhib ka soo gaaraaya xitaa, halka umadaha kale eey isku dhaariyaan QOODHAA IYO XIRADAA IYO XANIINTAA iwm waxaa hubaal ah in diinta eey aheeyd waxa kaliya eey odayada Mudullood xushmad iyo qadarin siin jireen, waxaa caado u aheeyd in eey dhihi jireen " Nin aan shaqeeysan shaah waa ka xaaraan " isnaasnuujinta Mudullood kuma dheereen waxaa Ilaaheey siiyay nasiibna eey u heleen in Moqadisho uu Ilaaheey caasimadii Soomaali uu ugu dhigo, waxaa eey fursad u heleen wax walba oo eey umadi ku hormarikarta, waxaa eey dhalinta Mudullod u hano qaaday in eey umadaha kale ka hormarin waxaa eey nasiib u heleen in Xamar laga helaayay skoolaadka, jaamacdaha,iyo waliba shaqada, halka umadaha kale eey ahaayn in eey u soo safraan si eey wax u bartaan ama eey u shaqeeystaan, laa kiin nasiib xumo waxaa dalka ka dhacay cadaalad daro xoog leh, cadaalad xumidaana waxaa sabbabay in kuwii maamulka dalka qabtay in eey u bateen umadaha kale oo degaan ahaan aad ugu fogaa moqdisho, sida umadaha ku dhaqan gobolka bari, kuwa gobolada dhexe iwm.

Mudulood qidmada wadanka wax uu ka qabtay ayaa yareed waayo waxaan dhihikaraa maqaarsaar Mudulood aya jiray, maqaarsaarkaasna waxeey u badnaayeen kuwii la soo shaqeeyay talyaanigii dalka xukumaayay waxeeyna u badnaayeen kuwo aad ugu fog diinta oo badankood ahaa calmaaniyiin, rag aad iyo aad u faro badan ayaa jira kuwaas oo wada qorsho aad u dheer arinkuna waxaa uu soo bilaabmay xiligii gumeeytaha cadi uu dalka joogay, 1960 ilaa iyo maanta waxaa eey ku dadaalaayeen in umada Mudulood eey ka fogeeyaan diinta, wax qarsoon maahin waxaa jiray qaar masiixi ah oo ilaa iyo hada ka shaqeeya sidii umadaaani looga fogeeyn lahaa diinta, Cali mahdi markii lagu doortay Jabuuti waxaa caalamka la mariyay in uu ka soo jeedo qabiil aad iyo aad ugu adag diinta waxaana uu aduunka u arkay in aan loo baahneeyn in la taageero, taariikhda waxaa wanaagsan in runta laga sheego , waxaa xaqiiq ah in Mudullood uu sameeyay maxkamadaha Islaamiga markii ugu horeeysay ee taariikhda Soomaaliyeed, waxaana uu Mudullood doorbiday in umada Soomaaliyeed lagu dhaqo diinta Islaamka si loo gaaro cadaalo iyo nabad,waad garan kartaan xilgii maxkamadaha Islaamiga in Soomaalida eey u riyaaqeen halka umadaha aduunka eey ku tilmaameen in soomaaliya eey ka jirta xaqdaro xaga aadimaga, qoraaladii eey faafiyeen kuwa u olaleeya xuquuqda aadaimag aad ayeey u dhibsadeen xukunka ka jira dalka, waxaa haboon in qarnigaan aan ku jirna ee 21 aad in Mudulood uu ku noqdo diintii lagu yaqaanay si loo badbaadiyo umada Mudulood ee diin laáanta ku dhimaneeysa maalin walba, waxaad ogaatiin in hamigii eey rabeeyn kuwa masiixiga Mudullood ka ah eey gaareen maanta, waayo maanta majiro Mudullood ku mideeysan diinta ama diinta isku jecel, maanta waxaa jira in diinta aaneey qiimo iyo qadarini ka laheeyn umada Mudullood dhexdiisa, waxaa batay munaafaq, iyo masiixii mudullood oo u soo taagan in uu umadaani maran habaabiyo kana dhigo kuwo naca diinta sida maantaba eey jirto, waxaan dhihi lahaa waa in aan u kala baxnaa Muslim iyo Masiixi si aan u ogaano kuwa cadawgeena ah iyo kuwa aan cadowgeena aheeeyn, waxaad ogaatiin in aan isku raacikarin magac mudullood waayo kii Masiixiga haa iyo kii Muslimka ahaa waxaa ka dhaxeeys cadawtinimo dheer oo ilaa iyo hada socoto, Bush waxaa uu dhahay waa in aan soo celinaa calaamada Salibiyada ama kirishtada, Mudullood masaska na hoos jiifa ee cadawga ah waa in aan wallaal ka dhigan , waa in aan u kala baxnaa Islaam ama Masiixi.

Waxii la qariyaaba qaawisaatim ee Muduloodka masiixiga ah waa mid jecel in magaca Mudullood uu ku qarsanaada si uu hoowlihiisa ugu fusho magac Mudullood, aniga waxaan dhihi lahaa waa in aan aragno kuwa masiixiga ah oo fasahaadinta umada Mudullood iyo umada wada, waxaa haboon ogowbow in qarnigaan aan ku jirno lagaaray in Mudullood uu kala miirmo si loo gaaro ama loo helo badbaadada umada Mudullood.



By: Dr. Ali Ahmed Hirabe, Sweden Uppsala

Hirabe_a@hotmail.com__



No comments: