Friday, August 20, 2004

Injiilka Shariifka Ah (The Noble Gospel)

The Noble Gospel is dedicated to martyr Liibaan Ibraahim Hassan
(St. Liibaan of Somalia)
First Draft
Chapters 1 - 15

Abtirsiinyaha Sayid Ciise Masiix

117Abtirsiinyada Ciise, Ibraahim iyo Daa’uud
Waa afariyo toban oday, Daa’uud iyo waagii
Baabuloon la aadayna, waa afar iyo toban oday
Baabuloon iyo Masiixana, waa afar iyo toban oday:

16Ciise, Yuusuf, 15Yacquub, Mataan,
Elecaasaar,14Eliyuud, Akhiim, Saadooq,
13Asoor, Eliyaaqiim, Abihuud, 12Serubaabel,
Salaatii’eel, 11Yekoniyah,10Yoosiyaah,
Aamoon, Manaseh,9Xisqiyaah, Axaas,
Yootam, 8Cusiyah, Yooraam, Yoosafaat,
7Aasa, Abiyah, Rexabcaam, 6Sulaymaan
(ina Batshebac), Daa’uud,5Yesay, Coobeed
(ina Ruut), Bo’as (ina Raxab), 4Salmoon,
Naasoon, Caminadaab, 3Araam, Esroom,
Feres (Serah walaalkiis, ilmo Tamar),
2Yahuudah, Yacquub, Isaaq, Ibraahim.

1Intaasi waxay ahayd, abtrisiinyadii Ciise,
Ku abtirsada Daa’uud, Ibraahim ka sii ah.

Dhalashadii Sayid Ciise Masiix
18Ciise hooyadiis oo, Yuusuf weli u doonnayd
Intaanay is taabanin, uur yaa ku soo baxay
Uu qudduusku leeyahay, Yuusuf aanuu garanayn
19Nin xaquu ahaayoo, Maryan in ay ogaadaan
Dadka kale arkaanna, marna aanan doonayn
Wuxuuse uu go’aansaday, in uu hoos isaga furo
20Intii aanuu weli furin, fikirkaasna uu weday
Ilaah yaa malaa’ig, riyo ugu soo diray
Uu Yuusuf kuna tiri, ha ka baqan in aad Maryan
Arad aad ka dhigato, Ruuxa ah Qudduuskaa
Uurkeedu kaba yimid. 21Wiilka ay dhalayasana
Ugu wanqal Ciise, isagaa dadkiisa
Ileyn kaba badbaadin, dembi wixii ay gelayeen
22Waxaas oo idilna, waxaa ay u dhacayaan
In la oofiyaa uun, hadaladi Ilaahey
Nebigiisu uu yiri, 23Inan bikrad ah baa
Uuraysan doontoo, oo wiil umuliyoo
Magiciisu uu yahay, ‘Ilaah baa innala jira’”
24Yuusuf wuu istaagoo, hurdadii idlaystoo
Amarkii malaa’igta, yuu toos u fuliyoo
Ooridiisi qaatoo, 25Inkastuusan uba tegin
Illaa ay umushay wiil, Ciise uu u bixiyey

Booqashadii kuwii bari ka yimid
2 Markii Ciise uu dhashay, uu ku dhashay Beytlaxam
Herodos ahaa Boqor, marti yaa isaga
Bari uga yimid oo, iyagoo intaa leh
2Amiirkii Yuhuudda, intee lagu umulayoo
Bari waxaan ku aragnay, xiddigtiisi oo ifi
Oo waxaannu dooni, in aan caabudno e
3Welwel ayaa ku beermay, oo saaqay Herodos
Iyo Yeruusaalemba. 4Wadaad saroo dhan ururi
Culimadu isugu yeer, weydiiyey idilkood
Halkii uu Masiixii, uu ku dhalan lahaa iyo
5Oo waxay u sheegeen, in ay Beytlexam tahay
Nebigiina uu qoray:

6Adiga Beytlaxamey, oo dhulkii Yuhuuda ah
Kuma aad yarida eeg, aaqilada Yuhuuda ah
Oo waxaaba kaa iman, taliyaha adduunkoo
Dadkayga Israa’iil, yuu u talin doonaa

7Markaas ayuu Herodos, raggii aaqiliintii
Hoos ugu yeeroo, oo uu ka hubsaday
Goortii ay u muuqatay, xiddigtii ifeysay
8Markaas ayuu Beytlaxam , cid uu u dirayoo
Oo uuna kuna yiri, taga oo ilmaha yar
Aad iigu doona, goorta aad heshaanna
Ogeysiis i siiyoo, si aan u tago oo
Oo aan u caabudo. 9Markii ay boqorkii
Warkiisii ay maqleen, waa ay tageenoo
Xidigtii bari ayaa, idilkood horkacdoo
Illaa aya dul timid, oo ay kor joogsatay
Ilmihii dushiisa, 10xiddigti arkeenoo
Farxad aad u weyn bey,ay wada farxeenoo
11Aqalkii galeenoo, oo waxay arkeen
Ilmihii yaraa iyo, Hooyadiis Maryan ahayd
Waana ay dhaceenoo, isagay caabudayeen
Khasnadihii u fureen, waana aya u dhiibeen
Hadiyado dahab ah , beeyo iyo malmal
12Riyaana loogu digay oo, uma noqon Herodos
Jid kale ayeyna, dhulkoodi u mareen

U cararkii Masar
13Goortii ay ka tageen, malaa’igti Ilaahey
Ayaa Yuusuf riyo, ugu muuqatay oo
Iyadoona kuna leh, kac oo kexeeyoo
Ilmaha iyo hooyadiis, oo Masar u carara
Oo halkaasna jooga, illaa aniga ammarkey
Sababtoo ah Herodos, yaa ilmaha dooni
Sidii uu u dili lahaa. 14Wakhti habeen ah
Yuu soo kacay oo, ilmihiyo hooyadiis
Uu soo kexeeyoo, oo ay tageen Masar
15Oo ayna joogeen, illaa Herodos dhimashadi
Oo waxaa la oofiyey, waxyigii Ilaahey
Nebigiisu uu yiri, oo ahaana sidatan:
Inankayga Masar baan, ayaan uga yeeray

Caruurtii la laayay
16Markuu arkay Herodos, in reer barigii
Aad ugu ciyaareen, ayuu intuu carooday
Cid laysa u diray, inamadi dhammaantood
Intii yaryarayd, oo laba jirsatay
Iyo intii ka yarayd, oo joogay Beytlaxam
Iyo meeluhuu dhaw, wakhtigii uu ka hubsaday
Nimankii aqliga lahaa. 17Markaasaa la oofiyey
Waxyigii Ilaahey, uu nebi Yeremyaah
U soo dhiibey beri hore:

18Cod ayaa la maqlay, oo Raama laga maqlay
Oohin iyo baroor weyn, Raaxeel oo ooyi
Caruurteed u ooyi, oo aanan doonayn
In la qalbi qaboojiyo, waayo ma aanay joogin

Ka soo noqodkii Masar
19Herados markii uu, dhintay oo xijaabtay
Malaa’igti Ilaahey, Yuusuf riyo ku aragyoo
Masar intuu joogay, oo ayna kuna tiri
20Ilmihiyo hooyadiis, kac oo kaxeeyoo
Oo taga Israa’iil, dhulkii uu lahaa
Oo wey dhinteen, intii dili lahayde
21Markaasuu kacay oo, ilmihii kexeeyey
Iyo hooyadiisba, oo tageen dalkii
Israa’iil ahaa. 22Laakiin markii uu
Maqlay in Arkhela’os, meeshii aabbihiis
Herodos ahaa, u taliyo Yuhuudiya
Wuu ka baqay inuu, tago aaggaas isaga ah
Markaasaa Ilaahey, riyo ugu digay oo
Oo uu ku leexday, Galiliya agteeda
23Waxaa uuna yimid, oo degay magaalo
Naasaret la oran jiray, si ay u noqoto
Nebiyadi Ilaahey, wixii ay yiraahdeen
Reer Naasaret inuu, magiciisu uu noqon


Risaaladii nebi Yaxye
3 Yaxye Baabtiisaha oo, isna maalmahaas yimid
Ayaa Yuhuudiya, cidladeeda tegay oo
Wacdi uga jeediyey, isagoo intaa leh
2toobad keena ummad yahay, ileyn boqortooyadi
Ahayd tii Jannada yaa, ayaa soo dhawaataye
3Ileyn kani waa kii, uu nebi Ishacyaah
Ka hadlay oo yiri:

Cidlada ayaa, mid cod uga qayl yaa
Jidka Eebbe hagaajiya, waddooyinkiisa oo idil
In la toosiyaa waa,

4Nebi Yaxye isaguba, waxaa uu guntanaa
Waa dhogorta geel oo, dhar ahaan u tolnayd
Oo suun megedna, dhexda ugu xidhnaaye
Cunto waxaa u ahaa, ayax iyo malab
Uu soo qaraabtee. 5Oo reer Yeruusaalem
Ayaa u soo baxay, iyo dhammaan Yahuudiya
Dadkii Urdun agteediyo, agaheeda deganaa
6Webi Urdun ayuu, ku biibsiisay iyagoo
Dembigooda qiranoo. 7Kolkuu arkay laakiin
In badan oo Faarrisiin, iyo Sadukiin ah
Oo u yimid baabtiis, ayuu wuxuu yiri
Ilmihii jilbisay, yaa idiinka diga
In aad ka carartaan, carada imanaysa?
8Miro toobad istaahila, waa in aad bixisaan
9Oo ha ku fikirina, in aad tiraahdaan
Nebi Ibraahim ayaan, aabbe u leennahay
Waxaan an leeyahay, Ilaah wuxuu awoodaa
In uu nebi Ibraahim, dhagaxyadaad arkaysaan
Caruur uga kiciyo. 10Waxaa intaas dheer
In weliba faaskii, uu geedaha guntooda
Uu dhigan yahay oo, geed weliba oo aan
Miro wanaagsan an bixin, in la gooynahayoo
Lagu tuuri uun dabka. 11Anigu biyo
Ayaan idinku baabtiisi, illaa toobadkeentaan
Laakiin kan imanaya, ayaa iga itaal weyn
Kan aanan istaahilin, in aan qaado kabihiis
Isaga ayaa, Ruuxa Qudduuka ah
Iyo weliba dab, Idinku baabtiisi.
12Gacantiisa ayey, masaftiisu ku jirtaa
Oo wuuna sifeyn, meesha uu wax ku tumi
Sarreenkiisa oo idil, maqsinkuu ku ururin
Buunshaha dab ayuu, uu ku gubi doonaa
Kaas oo aan damahayn,

Baabtiiskii Sayid Ciise Masiix
13Oo markaas ayuu, uu Ciise soo tegay
Galilina ka yimid oo, Webi Urdun uu yimid,
Nebi Yaxye ayuu rabay, inuu soo baabtiisoo,

Jirrabaaddii Sayid Ciise Masiix
4Ruuxa ayaa, Ciise uun kaxeeyoo
Oo geeyey cidlada, in Ibliisku jirrabo
2Oo afartan maalmood, iyo afartan habeen
Ayuu soomanaayoo, aad ayuu u baahday
3Duufiyihi u yimid oo, Kuna yiri isaga
War haddii ad tahay, Eebbe Inankiisii
Dhagaxyadan ku oro, kibis ii noqda
4Isna u jawaab oo, kuna yiri isagii
Waa ay qoran tahay, kibis oo keliya
Dadku kuma u nooloo, Eray kastoo Eebbe
Ka soo baxa afkiisa, ayaa uu ku nool yahay
5Kolkaa yuu Ibliiskii, uu geeyey magaaladi
Ahayd qudduuska, oo uuna saaray
Munaaraddi ahayd, tii macbudku uu lahaa
6Oo uuna kuna yiri, Haddii ad tahay
Inankii Ilaahey, hoos isu tuur oo
Ileyn wey qoran tahay:

Ilaah ayaa, ku amri doonaa
In malaa’igihiisu, ay gacmahooda
Ay kugu qaban oo, in aanay cagtaadu
Dhagax aanay ku dhicin,

7Ciise ayaa ku yiri, waa ay qoran tahay
Ilaahaaga Rabbiga ah, waa in aanad jirrabin
8Haddana Ibliiskii, ayaa buur aad u dheer
Inta uu geeyay, boqortooyo ayuu tusay
Intii jirtay dunida, iyo weli ammaantood
9Waxaa uuna ku yiri, Waxan oo dhan
Ayaan ku siini, Haddaad ii sujuuddid
Oo aad i caabuddid. 10Markaas ayaa
Ciise uu ku yiri, Ibliis yahow bax
Ileyn waa qoran tahay, inaad caabuddo
Ilaahaaga Rabbiga ah, oo waa in aad
U adeegto keligiis. 11markaas ayuu
Uu ka tegay Ibliiskii, waxaana u yimid
Malaa’igo oo, weyna u adeegeen

Sayidkii oo Degay Kafarna’um
12Markii uu maqlay, in la qabtay Yaxye
Ayuu Galili, uu ku leexday Ciise
13Inta uu Naasaret, ka tegay ayuu
Oo wuxuu yimid, oo uuna degay
Kafarna’um oo ahayd, badda agaheeda
Oo soohdimaha, Sebulun iyo Naftaali
Ayey ku jirtay, 14iney noqoto wixii
Nebi Ishacyaah, uu Eebbe soo faray,

15Dhulka Sebulun iyo, iyo dhulka Naftaali
Xagga jidka badda iyo, webi Urdun shishadiisa
Quruumaha ka mid ah, Galili iyo
16Umadihii fadhiyi jiray, Gudcurka ayaa
Iftiin weyn arkay oo, ummadihii fadhiyi jiray
Dalka iyo hooska, Dhimashada lahaa iyo
Iftiin yaa u baxay.

Wacdigii Sayid Ciise Masiix
17Intaas dabadeed, Ciise ayaa bilaabay
Inuu wacdiyo, oo uu yiraahdo
Inaad toobad keentaan, waa inay ahaataa
Boqortooyadii ahayd, tii uun jannada
Ayaa soo dhawaatee

Sayidka oo u yeeray xertiisii ugu horreysay
18Markuu ag marayay
Galili baddii ahayd, ayuu wuxuu arkay
Labo ah walaalo, Simoonkii la oran jiray
Butros iyo Andros, oo ahaa walaalkiis,
Iyaga oo shabag, badda ku tuuraya
Kaluumaystayaal ayey, ileyn ahaayeen
19Oo wuxuu ku yiri, isoo raaca aniga
Waan idinka dhigayaa, dad jillaabtayaal oo
20Shabagyadii ayey, isaga tageen oo
Raaceen isagii. 21Hore uga soco halkaa
Wuxuu arkay laba kale, oo walaalo ahaa
Yacquub ina Sebedi, iyo walaalkii Yaxye
Iyagiyo aabbahood, dooni ay ku jiraan
Oo shabagyadoodii, hagaajinaya oo
Wuuna u yeeray. 22Oo wey isaga tageen
Doonnidiyo aabbahood, oo isaga raaceen

Sayidka oo bogsiiyey dad badan
23Ciise ayaa Galili, oo dhan soo wareegay
*Sunagogyadii ayuu, Injiilkii ku baray oo
Boqortooyadii ayuu, wacdi uga jeediyey
Bukaan oo dhan iyo cudur, ayuu bogsiiyay
24Warkiisii ayaa tegay, Suuriya oo dhan
Oo waxay u keeneen, kuwii bukay oo dhan
Oo cudurro kala duwan, iyo silic qabay oo
Iyo kuwo jinni qaba, iyo kuwo suuxdin qaba
Iyo kuwo cuuryaan ah, waana uu bogsiiyey
25Waxaa raacay isagii, dad aad u badan oo
Isaga kala yimid, Galili iyo Dekabolis
Iyo Yeruusaalem, iyo Yuhuudiya
Iyo Webi Urdun, iyo weli duleedkiis.

* "Sunagog" waa macbud lagu cibaadeysto

Wacdigii Sayidka markuu buurta joogay
5Markuu arkay dadkii, aadka u badnaa
Ayuu fuulay buuroo, oo uu fadhiistay
Oo xertiisii ayaa timid. 2Afkiisuuna kala furay
Oo wax baray iyagii, isaga oo leh

Kuwa barakadaysan
3Ruuxa kuwa ka ah, masaakiinta ayaa
Barakaysan oo, iyagaa leh jannada
Tan ah boqortooyada, waayo iyaga ayaa
Loo qalbi qaboojin uun. 4Kuwa baroorta ayaa
Barakaysan oo, qalbiqaboojin ayey
Heli uun doonaan. 5Inta camalka qabow
Ayaa barakadaysan, illeyn dhulka ayey
Dhaxli uun doonaan. 6Inta xaqnimada
U gaajaysan oo, misna u harraadsan
Ayaa barakaysan, waa ay dhergi doonaan.
7Inta naxariista leh, ayaa barakadaysan
Waayo iyaga ayaa, loo naxriisan uune.
8Inta qalbiga ka ah, daahiriinta ayaa
Barakaysan oo, Ilaahey arkaayaan.
9Inta nabadda dhalisa, ayaa barakadysan
Iyagaa loogu yeeri, ilmihii Ilaahe.
10Inta xaqnimada, aawadeed la silca
Ayaa barakadaysan, waayo iyagaa leh
Boqortooyada ah, tii jannada ahayd.
11Idinkaa barakaysan, markay idin caayaan
Oo laydin silciyo, oo xummaan idilkeed
La idinka sheegoo, aniga aawadey.
12Farxa oo reyreeya, waayo jannada ayaa
Abaalgudkiinnu yaallaa, oo uu ku weyn yahay
Sidaas ayeyna, horay ugu silciyeen
Nebiyadi uun hore.

Waxtarka cusbada iyo feynuusta
13Cusbadii dhulka ayaad, idinku tihiinoo
Cusbo aan dhadhamayn, maxaa ay taraysaa?
Wax ay tarayso, ayaan markaa jirin
In la tuuro mooye, dadku ay ku tuntaan
14Iftiinka dunida, idinka ayaa ah
Magaalo haddii ay, buur ay ku taallo
Ma ay qarsoontee. 15Feynuus haddii ay
Dadku ay shitaan, inta ay la boodaan
Weel ma ay hoos geliyaan, waxa ayse saaraan
Meeshi ay lahayde, weyna u iftiintaa
Inta guriga joogtee. 16Sidaas oo kale
Iftiinkiinnu dadka, hortiisa ha iftiimo
Si ay shuqulladiinna, u arkaan wanaagood
Oo Aabbihiinna, oo ku jira jannada
Ay u ammaanaan.

Oofinta Sharciga
17Ha u malaynina, in aan u imid
In aan burriyo, Sharciga iyo Qorniinka
Nebiyadi Ilaahey, uma aanan iman
In aan burriyee, waxa aan u imid
In aan wada oofiyo. 18Waxaan idin leeyahay
Oo runtiina iga ah, inta aanu cirku
Iyo dhulku idlaan, shaqal ama dhibici
Kama ay idlaanayaan, Sharciga isaga ah
19Qofkii uun jebiyaa, in yarba ha noqotee
Oo sidaas u bara, dadka uu wax barayo
Waxaa isaga, magaciisu uu noqon
Kan ugu yar, boqortooyadii ahayd
Tii jannada ee. 20Waxaan idinku leeyahay
Haddii aanay, xaqnimada tiinna ah
Aana ay ka badnaan, tan culimada iyo
Farrisiinta iyaga ah, ma aad geleysaan
Boqortooyadii ahayd, tan ah jannada

Dhiig Gelidda
21Waa aad maqasheen, war hoy in lagu yiri
Kuwii hore u jiray, waa inaanad dhiig gelin
Kii dhiig qabaa uun, waxaa uu galabsan
Xukunkee ogaada. 22Waxaan idinku leeyahay
Kii u carooda, walaalkiisa kii ah
Waxaa uu galabsan, waa uun xukunkee
Kii uun walaalkiis, doqon ugu yeera
Jahannama ayuu, dabkeeda uun geli
23Haddaba haddii aad, meesha allabariga
Aad keento hadiyad, oo aad xusuusato
In uu walaalkaa, kuu haysto eed
24Meesha allabariga, hadiyadda uga tag
Oo horta walaalkaa, heshiis uun la soo gaar
Intaas kadib kaalay, oo bixi hadiyadda
25Cadowgaaga dhaqso uun, ula sii heshii
Inta aad jidka, heedhe aad ku soctaan
Si aan cadowgu, aanu kuugu dhiibin
Ninka xaakinka ah, xaakinkuna askari
Aanu kuugu dhiibin, oo aan xabsiga
Aan laguugu tuurin. 26Waxaan idin leeyahay
Oo runtiina iga ah, xabsigaas isaga ah,
Ma aad ka baxaysid, inta aad ka siiso
Taanada ugu yar, ee ugu dambeysa.

Sinada iyo xummaha kale
27Waa aad maqasheen, in hore loo yiri
Ha sinaysanina uun. 28Anigaa idin leh
Ninkii qof dumar ah, damac u eegaa
Qalbigiisa ayuu, durba ka sinaystay
29Ishaada midigta ah, haddii ay
Ku xumayso adiga, iska bixi oo tuur
Waxaa adiga kuu roon, inaad weyso
Xubin qur ah, intii jirkaaga
Jahannama uu, wada galo idilkiis
30Gacantaada midigta ah, haddii ay
Ku xumeyso adiga, iska jar oo tuur
Waxaa adiga kuu roon, inaad weyso
Xubin qura, intii jirkaaga
Jahannama uu,wada galo idilkiis
31Hore ayaa loo yiri, kii fura araddiis
Warqadda ah furniinka, ha siiyo iyada
32Waxaan idinku leeyahay, nin walba oo
Araddiisa ku fura, sino aawadeed
Wixii aan ahayn, in ay sineysato
Ayuu ka dhigaa, oo kii aroosaa
Araddii la soo furay, waa uu sineystaa

Ha dhaaranina
33Waa aad maqasheen, in hore loo yiri
Nidarradiinna waa in, aanaanad jebinina
Laakiin waa in, aad Eebbe hortiisa
Adi nidarradaada, aad ku oofisaa waa
34Anigaa idinku leh, dhaaraha waa in
Aad kaba fogaataan, jannada waa in
Aanaad ku dhaaran, waa Eebbe carshigiis
35Dhulkana waa in, aanad ku dhaaran
Waa Eebbe meeshuu, uu dhigo cagihiis
Yeruusaalem waa in, aanad ku dhaaran
Boqorka weyn ayaa, iyadaa iska leh
36Madaxaaga waa in, aanad ku dhaaran
Waayo tin keli ah, caddaan ama madow
Kama aad dhigi, karahaysid iyada
37Hadalkiinnu waa in, uu ahaado keliya
Haah iyo haah, ama maya iyo maya,
Intaas ka badani, sharka ayuu
Uu ka yimaadaa.

Aargoosiga
38Waa ad maqasheen, in hore loo yiri
Il il ha loo rido, iligna waa ilig
39Anigaa idinku leh, ha caabbina axadkii
shar iyo waxaas fala, ku alla iyo kii
Dhabankaaga midigta ah, kaa dhirbaaxa adiga
Kan kale u jeedi, 40oo kii doona
In uu adiga, ashtako kugu oogo
Si uu u qaato, garanka ad xiran tahay
Shaatigaaga ugu dar, 41ku alla iyo kii
Kugu qasba adiga, inaad mayl la socotid
Mayl kalena ugu dar. 42Kii ku dawarsada adi
Wixii uu baryaba sii, kii ammaah kaa raba
Ha ka jeesan isaga,

Cadawgiinna jeclaada
43Waa ad maqasheen, in hore loo yiri
Deriskaaga waa in, aad jeclaato isaga
Cadowgaagana aad, necbaatid isaga
44Anigaa idinku leh, cadowgaaga waa in
Aad jeclaatid isaga, u duceeya kuwa
Idin habaara idinka, wanaag u fala
Kuwa idin neceb, oo Ilaah u barya
Kuwa idin caaya, oo idin silciya
45Si aad u ahaataan, carruurta Aabbihiin
Oo ku jira jannada, qoraxdiisa ayuu
U soo bixiyaa, inta xun iyo
Inta wanaagsanba, roobna wuu u di’iyaa
Kuwa xaqa ah iyo, kuwa aan ahaynba
46Abaalkee ad leedihiin, haddii ad jeceshihiin
Kuwa idin jecel, canshuur ururi yaalkuba
Miyaa anay sidaa falin? 47Haddii ad salaantaan
Walaalihiinna oo qura,maxaa ah dheeraad
Oo aad samaysaan? Dadka kale miyaa anay
Sidaas anay samayn? 48Sidaas aawadeed
U samaada sida, Aabbihiinna jannadu
Sida uu u san yahay.

Sadaqabixinta qarsoon
6Iska jira inaydnaan, xaq ahaanshihiina
Adna dadka, hortiisaa ku samayn
In ay idin arkaan, haddii kale abaal
Kuma aad lihidiin, Aabbihiinna jannada
Ku jira ee ogaada. 2Marka aad bixinaysaan
Sadaqo waa in, aanad ku dhufan buun
Munaafaqiintu iyagaa, sunagogyada iyo
Jidadka agtooda, orr la istaagee
Si uu dadku, u ammaano iyaga e
Waxaan idin leeyahay, oo runtiina iga ah
Abaalgudkoodi waa ay, heleen ee ogaada
3Adigu goortaad, ad bixinaysid sadaqo
Bidixdaadu waa in, aanay ogaanin
Midigtaadu waxa ay, samaynayso iyadu
4Sadaqadaadu si ay, qarsoodi u ahaato
Oo Aabbahaaga, qarsoodiga arka
Kuu abaal gudaayee.

Salaadda qarsoon
5Marka aad adigu, salaad aad tukanayso
Ha ahaanina, munaafaqiinta oo kale
Waayo iyagaa jecel, in ay ku tukadaan
Sunagogyada iyo, isgoysyada jidadka
Si ay dadku u arkaan. Waxaan idin leeyahay
Oo runtiina iga ah, abaalgudkoodi waa ay
Heleen ee ogaada. 6Adigu markaad
Salaad ad tukanayso, qolkaaga qarsoon aad
Albaabkaaga soo xiro, Aabbahaaga bari
Indhuhu aanay arkayn, wax kasta oo qarsoon
Aabbahaaga arka, ayaa kuu abaal gudi
7Marka aad tukanaysid, waa in hadalka
Aanaad ku celcelin, gaalada oo kale
Iyagaa aaminsan, in hadal badnidooda
Uu daraadeed, u maqlaayo Eebbee
8Ha ahaanina, sidooda oo kale
Ilayn Aabbihiin, waa uu og yahay
Baahidiinna oo idil, intaanad hadlin

Tukashadii Ciise baray
9Sidan u tukada:
Aabbahayga jannada, ku jirow adigu,
Qudduus ha ahaado, magacaagu adigee
10Boqortooyadaada ah, tii jannada Eebbow
Ha timaado oo, doonistaada waa in
Lagu yeelo dhulka oo, sida jannada oo kale
11Maalin cunto innagu filan, maanta inna sii
12Oo naga cafi qaamaheenna, sidaan innaguba
U cafinnay kuwa, noo qaamaysan innaga
13Jirrabaad ha inoo kaxayn, shartase innaga du
Xoogga iyo ammaanta, iyo boqortooyada
Adigaaa leh weligaa, aamiin Ebbow aammiin

14Waayo haddii aad, dadka aad u cafisaan
Xummaantooda iyaga, Aaabbihiinna jannada
Ku jira ayaa, idin cafiyi doona.
15Laakiin haddii aad, dadka aanad cafiyin
Aabbihiinnu xumaantiinna, idiin cafiyi maayo

Soonka
16Marka aad sooman tihiin, ha u fool qulubsanaan
Munaafaqiinta oo kale, waa is fool-xumeeyaan
Si ay ugu muuqdaan, in ay sooman yihiin.
Waxaan idin leeyahay, oo runtiina iga ah
Abaalgudkoodi waa ay, heleen ee ogaada
17Laakiin adigu, marka aad sooman tahay
Waa in madaxaaga, aad saliid marisaa
Foolkana ad dhaqataa, 18si aanad dadka
Aadna ugu muuqan, inaad sooman tahay
Laakiin Aabbahaaga, indhuhu aanay arkayn
Aad ugu muuqatid, wax kasta oo qarsoon
Aabbahaaga arka, ayaa kuu abaal gudi

Khasnadda runta ah
19Dhulka waa in, aanad maalkiinna
Ku ururin isaga e, aboor iyo mirir
Ayaa baabi’inaya, tuug ayaana jebin
Oo xadaya isagee, 20jannada waa in,
maalkiinna aad, ku urursataan,
Aboor iyo mirir, ayaan baabi’in karin
Tuug ayaanan jebin karin, oon xadi karayne
21Halka uu maalku, kuu yaallo adiga
Qalbigaagu uu yaal,

Dhowridda indhaha
22Ileyska jirku, waa indhahaagee
Haddii indhahaagu, ay toosan yihiin
Jirkaaga oo dhan, yaa iftiimi doona e
23Indhahaagu haddii, ay qaloocan yihiin
Jirkaaga oo dhan, gudcur buu ahaane
Iftiinka kugu jira, haddii uu gudcur yahay
Gudcurkaas ar weynaa!

Talo saarashada Eebbe
24Laba sayid ayaan, qofna u shaqayn karin
Mid ayuu nacayaa, mid ayuuna jeclaan
Mid ayuu marxabayn, midna wuu yasaayaa
Uma wada shaqayn kartaan, Ilaah iyo maal e
25Anigaa idinku leh, ha uga welwelina
Wixii ay naftiinnu, ay cuni lahayde
Oo ay cabbi lahayd, jirkiinna waa in
Aanad uga welwelin, wixii uu xiran lahaa
Sow nafta iyadu, kama roona cuntada
Iyo cabbitaanba, sow jirka isaguna
Kama roona dharka? 26Shibiraha cirka eeg
Waxba ma ay beertaan, mana ay gurtaan wax
Maqsinnona ma ay lahan, ay wax ku urursadaan
Oo Aabbihiinna, ku jira jannada
Ayaa cunto siiya, idinku miyaydnaan
Iyaga ka roonayn? 27Midkiinnee ayaa
Inta uu welwelo, dhererkiisa in uu
Dhudhun uun ku dara, awoodi karaya?
28Dharka maxaa aad, uga welweshaan?
Fiiriya ubaxyada, duurkaa isaga yaal
Sida ay u baxayaan, ma ay shaqeeyaan
Mana ay miiqdaan. 29Anigaa idinku leh
In xitaa Sulaymaan, wakhtigii ammaantiisa
Oo la isku daray, dhar uma uu gashan
Sida kuwan oo kale. 30Haddii Ilaahey
Sidaa u huwiyo, Cawskaa isaga ah
Iminka ku yaal duur, oo la gubayo berri
Intee ka badan, ayuu idin huwinayaa
Iimmaan yar yaalow? 31Ha uun welwelina
Idinka oo leh, maxaan an cunnaa?
Ama aan cabbaynaa? Ama aan xirannaa?
32Gaalada ayaa, waxaas oo dhan
Doondoona iyaguye. Aabbihiina jannada
Ku jira ayaa og, inaad waxaas oo dhan
Aad u baahan tihiin. 33Marka hore waa in
Boqortooyada Ilaah, iyo xaqnimadiisa
Marka hore ad doontaan, oo waxaas oo dhan
Ayaa la idin siiniye. 34Waa in aanad berito
Aanad ka welwelin, waayo iyada ayaa
Isu welweleysa e, maalin kasta iyadaa
Sharkeedu uu ku filan yahay

Qofna ha xukumina
7Qofna waa in aydan, aanad xukumina
Inaan laydin xukumin. 2Xukunkii ad xukuntaan
Ayaa laydinku xukumi, qiyaastii ad qiyaastaan
Laydinku qiyaasiye. 3Isha walaalkaa
Saxarka uun ku jiraa, maxaad u aragtaa?
Maxaadna u eegeyn,ishaada dogob,
ayaa ku jiree? 4Walaalkaa sidee ayaad
Ugu oran kartaa, iddaa an saxarka
Ishaada ku jiraa, kaa saaro aniguye
Dogob ayaa ileyn, ishaada ku jiree?
5Munaafaq ayaad tahay, ishaada dogobka
Ku jiraa iska saar, markaas ayaad bayaan
Waxaad u arkaysaa, saxarka uun ku jira
Isha walaalkaa, si aad uga saartee
6Waxa qudduuska ah, eeyaha ha siinina
Luulkiinna waa in, doofaarrada aanad
Hortooda aad ku tuurina, si ayan ugu tuman
Oo ayan idinkana, idinku jeesanoo
Oo ayan idin dilin

Ducada suubban
7Weydiista oo waa, la idin siiniye
Doona oo waa, aad heli doontaan
Garaaca oo waa, la idinka furiye
8Oo kii weydiistaa, waa uun la siiyaa
Oo kii doonaana, waa uu helaaye
Oo kii garaaca, waa uun laga furi
9Midkiinnee ayaa, haddii ilmihiisu
Uu weydiisto kibis, dhagax siin lahaa uun?
10Ama kalluun, haddii uu wediisto
Siin lahaa abeeso. 11Idinka oo shar leh
Haddii ad garataan, inaad hadiyado
Wanaagsan ilmihiinna, aad siisataan
Intee ka badan, Aaabbihiinna jannada
Ku jiraahi uu, wax wanaagsan uu
Siinayaa isagu, kuwa barya isaga?

Qaynuunka dahabka ah
12Wixii ad doontaan, in laydiin sameeyo
U sameeya dadka kale, Towreed iyo Nebiyadi
Waa dulucdoodii.

Labada irid
13Iridda ciriirsan, waa in aad ka gashaan
Waayo iridda yaa weyn, jidkaa ah waasac
Kan u kaca baaba’a, oo inta ka gashaa
Ayaa aad u fara badan. 14Iriddaa ciriiri ah
Jidkaa yariis ah, kan nolosha u kaca
Inta heshaa yaraa

Mirahooda eega!
15Iska jira nebiyada, been beenta ah
Ido iska dhigaya, markay idiin imanayaan
Yey wax uun boobta, ayey hoosta ka yihiin
16Mirahooda ayaad, ku garan iyagee
Ma geed qodax le ayaa, canab laga gurtaa abid?
Mise yamaarug ayaa, berde laga gurtaa abid?
17Geedkii uun wanaagsan, miro wacan ayuu dhali
Geedkiise uun xun, miro xun ayuu dhali
18Geedkii uun wanaagsan, ayaan dhalin miro xun
Geed xumina ma uu dhalo, miro uun wanaagsane
19Geedkii an dhalin, miro uun wanaagsan
Inta la jaro yaa, dabka lagu tuuri oo
20Waxa aad ku garan, waa uun mirahooda

Camalka suubban
21Ma ahan Rabbiyow, iyo Rabbiyow
Qofkii igu yiraahda, midka uun gelaaya
Boqortoyada ah, tan jannada ee
Kii uun sameeya, doonista Aabbahay
Ee jannada ku jira, kaasaa uun gelaaya
22Maalintaas in badan, baa i oran doona
Rabbiyow iyo Rabbiyow, magaca sow ma aan
Wax anan ku sheegin, oo miyaanan magacaa
Jinniyo aan ku saarin, oo miyaanan magacaa
Wax badan oo xoog leh, aanan ku samayn?
23Markaasaan ku oran, weligayba idinma
Aanaan aqoone, shar miiran ayaad tihiin
Ordoo iga taga

Labada aasaas
24Qof kasta oo maqla, hadalka an leeyahay
Oo ku camal falaa, waxaa loo ekaysiin
Qof aqli badan oo, gurigi uu lahaa
Ka dul dhisay dhagax oo. 25Roobkii ayaa da’ay
Daadkii ayaa yimid, dabayshii ayaa dhacday
Gurigii ayey, aad ugu dhaceenoo,
Gurigaas ma uu dumin, waayo dhagax ayuu
Dushiisa uu ka dhisnaa. 26Qof kasta oo
Hadalka an leeyahay, maqla oon addeecin
Waxaa loo ekaysiin, qof doqon ah oo kale
Oo ciidda dusheeda, ka dhistay guri oo
27Roobkii ayaa da’ay, daadkii ayaa yimid
Dabayshii ayaa dhacday, gurigii ayey,
Aad ugu dhaceenoo, waa uu dumay gurigii
Dumid aad u weyn. 28Markii Ciise uun
Uu dhammeeyey hadaladan, ayaa dadkii
Ay waxbariddiisii, aad ula yaabeen
29Wuxuu wax u barayay, sida mid mar leh
Uma aanuu barayn, culimada oo kale

Barraslihii la bogsiiyey
8Buurtii markii uu, ka soo degay ayey
Dad aad u badani, soo raaceen isagii
2Oo bal eeg nin baras qaba, ayaa u yimdoo
Intuu jilba joogsaday, ayuu ku yiri
Sayidow haddii aad, doonto waad awooddaa
Inaad iga yeesho, mid daahir ahe
3Ciisena intuu, gacantiis u taagay
Ayuu taabtoo, oo uu ku yiri
Waan doonaya ee, daahir noqo iminka
Daahir ayuu noqdoo, waa uu daayay baraskii
4Ciise ayaa ku yiri, iska eeg ninkow
Cidna ha u sheegin, orod oona iska tag
Oo wadaadka is tus, oo bixi hadiyaddii
Uu Muuse amray, ha u noqoto iyagee
Marag ay arkaane

Boqol u Taliyihii loo bogsiiyey
5Markii uu galay, Kafarna’um ayaa
Waxaa u yimid, boqol u taliye
Isagoo baryaaya, 6oo leh ‘Sayidow’
Midiidinkii ani, i shaqaynaayay
Ayaa jiifa guriga, isagoo curyaamoo
Oo aad u il daran. 7Ciise ayaa ku yiri
Waan imanayaa oo, anigaa bogsiine
8Waxaa u jawaabay, boqol u taliyihii
Oo ku yiri ‘Sayidow’, ma aan istaahilo
Inaad saqafka gurigayga, aad hoos gashide
Hadal keliya uun dheh, isagaa bogsanayee
9Anigu waxaan ahay, askari laga sarreeyoo
Anigana askar, ayaa i hoos tagta
Kan waxaan ku iraahdaa, “tag’ waana uu tagaa
Midna waxaan iraahdaa, ‘kaalay’ oo yimaadaa
Waxaan aan iraahdaa, aniga midiidinkay
Waxan ii samee, wuuna ii sameeyaa
10Ciise markii uu, intaas uu maqlay
Waa uu yaabay, waxaa uuna ku yiri
Intii la socotay. 11Waxaan idin leeyahay
Oo runtiina iga ah, iimmaan saan u weyn
Kama aanan dhex helin, reer bini Israa’iil
Waxaan idin leeyahay, Qaar badan ayaa bari
Iyo galbeed ka iman, oo la fadhiisan
Ibraahimya Isxaaq, iyo Yacquuboo
Boqortooyadii ahayd, tii jannada ayey
Gudaha u fadhiisan, 12balse ilmihii
Boqortooyadii ahayd, tii jannada ayaa
Lagu tuuri iyaga, dibadda guducurka ah
Waxaa jiri un meeshaas, ilko jirriqsi
Iyo baroore. 13Markaas ayuu
Ciise uu ‘tag’ yiri, boqol u taliyihi
Sidaad u rumaysatay, ayey kuu noqone
Oo saacaddaasna, ayuu midiidinkiisii
U bogsaday isaga.

Sayidka oo bogsiiyey dad badan
14Goortii uu Ciise, uu galay gurigii
Butros uu lahaa, waxaa uu arkay
Butros soddohdiis oo, jiifta oo qandhaysan
15Markaas ayuu, uu taabtay gacanteed
Qandhadii ayaa markaas, ka baxday iyadii
Waana ay kacdoo, u adeegtay isagii
Markii ay noqotay, makhribkii ayey
Waxaa ay u keeneen, dad badan oo
Jinniyo qaba uun, eray ayuuna
Uu ku saaray jinniyadi, kuwii bukay oo dhan
Waa uu bogsiiyey, 17si ay u noqoto
Waxyigii Ilaahey, uu nebi Ishacyaah
U soo dhiibay beri hore:

Isagaa qaatay, innaga bukaankeen
Iyo cudurradeennii, isku raray iyaga

Natiijada xernimada
18Markii uu Ciise, arkay dad badan
Oo ku wareegsan, ayuu amray
In dhinaca kale, ay tagaan oo
19Markaas ayaa, mid ka mid ah culimadi
U yimid isagii, oo ku yiri ‘Macallin’
Meeshii ad tagtid, waa an ku raacaa
20Ciise ayaa ku yiri, Dawacooyinka eeg
Godad ayey leeyihiin, shimbiraha cirkana eeg
Buulal ayey leeyihiin, Wiilka Aadanuhuse
Meel uu dhigto madaxiis, ma uu lahane
21Mid kale oo xertiisa ah, ayaa ku yiri
Sayidow ii oggolow, horta inaan tago
Soo aaso aabbahay. 22Ciise ayaa ku yiri
Aniga isoo raac, meydadku ha aasteen
Iyaga meydkoodee

Sayidka oo duufaan dejiyey
23Markii uu fuulay, doontii ayey
Xertiisii ay raaceen, oo duufaan weyn
Ayaa ka kacay haradii, ilaa ay hirarkii
Doontii ay qariyeen, isna wuu hurdayoo
25Markaas ayaa xerti, u timid isagii
Oo toosiyeenoo, iyaga oo leh
Inna badbaadi Sayidow, waa aan qarqaynaa
26Isna waxaa uu yiri, maxaad u baqaysaan?
Iimaankiinnu, waa uu yar yahaye
Markaas ayuu kacay, oo canaantay dabayshii
Iyo hirarkii, xawaal weyn ayaa dhacay
27Nimankii ayaa yaabay, waxay is yiraahdeen
Nin caynkee ah weeye, dabaysha iyo hirarkuba
Waa ay addeecaan?

Jinnoolayaashii reer Gandareni
28Markii uu yimid, dhinaca kale ee gobolka
Ee reer Gandareni, waxaa la kulmay isaga
Laba qof oo jinni qaba, Xabaalaha ayey
Ka soo baxeen iyaguye, iyagoo khatar
Si aad ah u ahoo, jidka aan la mari karin
29Waa ay qayliyeen, iyaga oo leh
Maxaa innoo dhexeeya, Wiilka Ilaahow?
Ma waxaad u timid, inaad na silciso
Iyadoon wakhtigii, aanba la gaarin?
30Waxaa iyaga ka fogaa, xayn ah doofaarro
Oo aad u badnaa, oo daaqahayay
31Jinniyadii ayaa baryay, iyaga oo leh
Haddaad inna saaraysid, innoo dir xayntaas
Doofaarrada ahe, 32’Baxa!’ ayuu yiri
Markaas ayay baxeen, ay galeen doofaarradi
Oo Xayntii oo dhammi, jar hoose ayay
Dhammaantood u yaaceen, illaa iyo haradii
Biyihii ayayna, ay ku bakhtiyeen gebi
33Oo daajiyayaashii, ayaa cararay oo
Ay galeen magaaladi, waxaa ayna weriyeen
Waxa alliyo wixii dhacay, iyo jinnoolayaalkii
Wixii ku dhacay iyo. 34Magaaladi oo dhan
Ayaa lagaga soo baxay, in ay Ciise u tagaan
Goorti ay arkeenna, waxa ay ka baryeen
In uu isaga tago, iyaga gobolkooda

Cuuryaankii la bogsiiyey
9Markaas ayuu, uu dooni fuulay oo
U tallaabay dhanka kale, oo yimid magaaladiis
2Waxa ay u keeneen, nin ah cuuraanoo
Oo sariir ku jiifoo, Ciise ayaa arkay
Immaanka kooda, oo ku yiri cuuryaanki
‘Kalsoonow’ inankow, dembi wixii aad lahayd
Cafi ayey kaa yihiin. 3Qaar ka mid ah culimadi
Ayaa isku yiri, ninkan u gefaaye Eebbe
Eega wuu dembaabayaaye. 4Ciise ayaa ku yiri
Usoo garan fikirkooda, maxaa aad qalbigiinna
Sharta ugu fikirtaan? 5Iyamaa howl yar
In la yiraahdo, wixii aad lahayd dembi
Cafi ayey kaa yihiin, ama in la yiraahdo
Kac oo soco? 6Si aad u garataan
Wiilka Aadanuhu in, uu dhulka ku leeyahay
Amar uu dembiyada, uu ku cafiyo
Markaas ayuu, uu ku yiri cuuryaankii
Kac oo qaado sariirtaada, oo tag gurigaaga
7Markaas ayuu kacay, oo tegay gurigiis
8Dadkii aadka u badnaa, markii ay arkeen
Waa ay baqeenoo, oo Eebbe ammaaneen
Amarkan oo kale, Ilaaha siiyey dadka

U yeeriddii Matayos
9Markii uu Ciise, uu tegay halkaas
Intuu uu socday, Ayuu wuxuu arkay
Matayos nin uu, magaciisu uu ahaa
Oo fadhiya meesha, ururinta canshuurta
Oo wuxuu ku yiri, i soo raac aniga
Markaas ayuu kacay, oo raacay isaga
10Intii uu Ciise, aqalkii Matayos
Uu ka cashaynayay, canshuur ururiyayaal
Iyo dembiilayaal badan, ayaa u yimaadeen
Oona la fadhiisteen, Ciise iyo xertiisa
11Markay arkeen Farrisiintii, Ayey ku yiraahdeen
Isaga xertiisii, macallinkiinnu maxaa uu
Canshuurqaadayaal iyo, ula cunaa dembiilayaal?
12Markiise uu maqlay, ayuu ku yiri
Uma baahna dhakhtar, kuwa iska ladan e
Kuwa buka ayaase, u baahan dhakhtar
13Balse taga oo barta, macnaha erayadan

Waxa an doonayo, waa uun naxariise
Ma ahan alla bari, waayo uma aan iman
In aan u yeero, kuwa xaqa ahe
Balse waxaan u imid, in dembiilayaasha
Aan u yeero iyaga.

Su’aal soonka ku saabsan
14Waxaa u yimid, xertii Yaxye oo leh
Innaga iyo Farrisiintu, maxaan u soonnaa
Xertaaduse u soomin? 15Ciisaa ugu jawaabay
Dadka aroosku, ma ay baroortaan
Arooskoo la jooga? Laakiin waxaa iman
Maalin arooska, laga qaadaya oo
Ayna soomi doonaan. 16Karriin cusayb ah
Qofna kuma uu tolo, dhar duug ahee
Ileyn karniinkii, ayaa soo go’ayee
Oo jeexdintii, ayaa sii xumaatee
17Haddii uu khamri, uu cusub yahay
Laguma uun shubo, qarbeddo duug ah
Qarbeddada iyada ah, ayaa qarxaysoo
Khamrigii ayaa daadan, qarbeddada iyaduna
Waa ay hallowdaa, khamri haddii uu
Uu cusub yahay, waxaa lagu shubaa uun
Qarbeddo cusayb ah, oo labaduna
Waa ay raagayaan.

Dhimasho iyo dhiigbax
18Intii uu Ciise, hadlayay ayaa
Waxaa u yimid, nin taliye ah
Oo u jilba joogsaday, kuna yiri isaga
Gabadhaydi ayaa, dhimatay iminka
Gacantaada uun saar, waa ay noolaane
19Markaas ayuu Ciise, raacay isagii
Isagiyo xeriisii. 20Markaas ayaa
Laba iyo toban sano, islaan dhiigbax
Uu hayay, ayaa timid dhabarkiis
Oo darafta maradiisa, ayay taabatoo
21Oo waxay isku tiri, haddaan iska taabto
Isaga maradiisa, waa aan bogsan uun
22Ciise ayaa u jeestay, oo arkay iyadii
Oona ku yri, ‘kalsoonow’ inan yahay
Imaankaaga, ayaa ku bogsiiyee
Oo saacadaas ayey, bogsatay islaantii
23Ciise markii uu, galay aqalkii
Uu lahaa taliyuhu, ayuu wuxuu arakay
In la yeerinaayo, biibiilayaal uun
Ay buuqayaan dadna, 24waxaa uuna ku yiri
Iska eega inantu, ma aanay dhimanine
Waa ay hurdaysaaye, waa ayna ku qosleen
25Markii uun la saaray, dadkii aadka u badnaa
Ayuu galay gudahoo, ayuu qabtay gacanteed
Inantiina toostay. 26Arrintan warkeeduna
Gobolka oo dhan, ayuu ku faafay

Indhoolayaashii la bogsiiyey
27Intii uu meeshaas, ka tegayay ayaa
Waxaa uun daba galay, laba nin oo indha la’
Iyagoo ku qaylin, ina Daa’uudoow
Innoo naxriiso. 28Markuu galay aqalkii
Yey indhoolayaashii, isaga u yimaadeen
Ciise ayaa ku yiri, inaan arrintiinna
Idiin yeeli karayo, ma aad rumaysan tihiin?
Haa ayey yiraahdeen, Sayidow waa aan
Rumaysannahay arrintan. 29Indhahooda yuuna
Taabtay isagoo leh, imaankiinnu siduu yahay
Ha idiin noqoto. 30Markaas ayey
Indhahoodi furmeen, Ciise aad buu ugu digay
Isaga oo ku leh, iska jira arrintan
Cidi yey ogaanin. 31Iyagii baxeenoo
Warkiisa oo dhan, gobolkaas oo dhan
Ayey ku fidiyeen

Ninkii carrabka la'aa
32Kolkii ay baxeen, ayaa loo keenay
Nin carrab la’ uun, oo misna jinni qaba
33Oo kolkii jinnigii, laga saaray isaga
Waa uu hadlayba, dadkii aadka u badnaa
Waa ay yaabeen, oo waxay yiraahdeen
Arrintan oo kale, weligeed Israa’iil
Laguma arag uun. 34Farrisiinti ayaa
Waxaa ay yiraahdeen, waxa uu jinniyada
Ku eryaa waa uun, amiirka jinniyada
35Magaalooyin iyo, tuulooyin ayuu
Uu Ciise kolkaa, uu ku soo wareegoo
Sunagogyada ayuu, uu wax ku baraayoo
Injiilka boqortooyada, ayuu ku wacdiyoo
Oo bugto iyo cudur, walba ayuu bogsiiyay

Naxariistii Sayidka
36Markii uu arkay, dadkii aadka u badnaa
Waa u naxriistoo, waayo iyaga
Dhib ayaa haystay, ma ay hayasan gargaar
Sida ido oo kale, aan lahayn ari jir
37Xertiisii ayuuna, ku yiri iyagii
Waxa beerta uun, laga gooyni waa ay
Badan yihiin oo, shaqaalaha ayaase
Aad u tiro yar. 38Waa in Sayidka beergoyska
Aad barisaanoo, in uu shaqaale
U soo diro beertiisa.

Laba iyo tobankii rasuul ee Sayid Ciise
10Ciise ayaa u yeeray, laba iyo tobankii
Ahayd xertiisa, wuxuu siiyay amar
Ay jinniyo shar badan, ay ku saari karayaan
Ayna bugto walba, iyo cudur kasta
Ay ku bogsiin karayaan. 2Laba iyo tobankii
Rasuulada ahaa, magacyadoodu wuxuu ahaa:

Simoon, oo Butros la oran jiray, iyo walaalkiis
Andros, iyo Yacquub ina Sebedi, iyo walaalkiis
Yooxanaa, 3iyo Filibos, iyo Bartolomayos, iyo
Toomas, iyo Matayos oo canshuurqaade ahaa,
Iyo Yacquub ina Alfayos, iyo Tadayos, 4iyo
*Simoon reer Kaana, iyo Yuudas Iskariot, kii
Gacan geliyey.


*Simoon reer Kaana = Simoon Qiroole

Howshii rasuullada
5Ciise ayaa diray, laba iyo tobankii
Amray isagoo leh, ha u tegina
Kuwa aanan Yuhuud, aanan ahayn
Hana isku gelina, magaalo ay leeyihiin
Reer samariya uun, 6waxaa aadse u tagtaan
Idaha lunsan ee, ah qoyska Israa’iil
7Oo intaad socotaan, waa in aad wacdisaan
Oo waxaad tiraahdaan, boqortooyadii ahayd
8Tii jannada uun, waa ay dhow dahay
Oo kuwa bukana, waa in aad bogsiisaan
Oo kuwa dhintayna, waa in aad noolaysaan
Oo kuwa leh baraskana , waa in aad nadiifisaan
Oo kuwa qaba jinniga, waa in aad ka saartaan
Hadiyad ahaan, ayaad ku hesheene
Hadiyad ahaana, waa in aad u siisaan
9Dahab ama lacag, ama naxaasba
Waa in aad ku qaadanin, idinka kiishashkiina
10Qandina waa in, aanad qaadanin
Ama laba qamiis, kabo iyo ulba,
Ileyn shaqaaluhu, waa istaahilaa cunto
11Magaalo alle, iyo tuuladii
Tii aad gashaanba, waa in aad ka doontaan
Mid istaahila, oo jooga halkaas
Ilaa aad ka tegaysaan. 12Goortii aad
Guri aad gelaysaan, waa in aad salaantaan
13Oo hadduu gurigu, uu istaahilo waa
In nabaddiinnu, ay ku soo degtaa
Haddii uusan istaahilin, nabaddiinnu waa
In ay idinka, idinku soo noqotaa
14Oo ku alle kii aan, idin soo dhowaynini
Oon maqlin hadaladin, goortii ad gurigaas
Ama magaaladaas, aad isaga baxaysaan
Waa in cagihiinna, aad ka dhabaandhabtaan
Wixii siiga ah. 15Waxaan idin leeyahay
Oo runtiina iga ah, maalinta xisaabta ah
Sodom iyo Gomora, ayaa iyaga
Xisaab ahaan, ka fududaan uun

Silica
16Waxaan idiin dirayaa, sida ido oo kale
Oo yeey ku dhex jira, sidaa aawadeed
Aqli u lahaada, abeesooyin oo kale
Una sir la’aada, qoolleeyo oo kale
17Dadka iska jira, Shirar ayay
Idiin dhiibi doonaan, oo sunagogyada
Yey idinku karbaashi. 18Aawaday ayaa
La idin hor geeyni, madax iyo boqorro
Inay ku noqoto marag, iyaga iyo
Kuwa aan ahayn Yuhuud. 19Goortay idinka
Idin gacan geliyaan, ha ka uun welwelina
Waxaad oran lahaydeen, ama sidii aad
U oran lahaydeenba, saacaddaas ayaa
La idin siiniba, waxaad oran lahaydeen
20Waayo maahan idinka, kuwa oran hadalkee
Waase Ruuxa Aabbihiin, kan idinka dhexdiinna
Oranaya hadalada. 21Walaal ayaa walaakiis
Uun gacan gelinoo, si uun loo dilee
Abbena wiilkiisa, caruur ayaa waalidkood
Isku taagi doonoo, dhimasho u raadin
22Dadka oo dhan, magacayga aawadiis
Idiin necbaane, kan adkaysta laakiin
Ilaa ugu dambaysta, ayaa badbaadi doona
23Magaalo markii ay, idinku silciyaan
Tan kale u carara, waxaan idin leeyahay
Oo runtiina iga ah, magaalooyinka Israa’iil
Ma aad wada gaaraysaan, ilaa iyo Wiilka
Uu Aadanuhu, uu ka yimaadee
24Qof xer ahu, kama uu sarreeyo
Isaga macallinkiis, addoonkuna sayidkiisa
Kama uu sarreeyee. 25Waa ay ku filan tahay
Macallinkiisa oo kale, in uu noqdo xerkuye
Addoonkuna sida, sayidkiisa oo kale
Hadday Odayga reekii, ay ugu yeereen
Be’elsebul inuu yahay, intee in ka badan
Ayey ugu yeeri, kuwa jooga aqalkiisa!

Ha baqina!
26Waa in aanad baqina, wax daboolaan ayaan
Innaba jiraynoo, oon soo muuqan doonin
Wax qarsoon ayaan jirin, oon la garan doonin
27Wixii aan guducurka, idinkugu sheego
Iftiinka ku dhaha, oo waxaad dhegta
Ka maqashaan uun, aqalada dushooda
Kaga dhawaaqa uun. 28Waa inaanad ka baqan
Kuwa jirka uun dila, aanse karaynin
In ay dilaan nafta, waase in aad ka baqdaan
Kan awooda inuu, uu ku tuuro jahannamo
Nafta iyo jirkaba. 29Taano miyaan lagu iibin
Shimbiro labo ah, Middoodna uun
Dhulka kuma uu dhaco, amarka Aabbihiin
Haddii aanay ahayn. 30Timaha oo dhan
Oo ku yaalla madaxiinna, waa ay tirsan yihiin
31Haddaba waa in, aanad baqina
Waayo waa aad, ad ka qiima badan tihiin
Shimbiro aad, iyo aad u tira badan
32Sidaa aawadeed, midwalba oo
Igu qirta aniga, dadka uun hortiisa
Anna waa an ku qiran, Aabbaha jannada
Ku jira uun hortiisa. 33Ku alla iyo kii
Igu dafira aniga, dadka uun hortiisa
Anna waan ku dafiri, Aabbahayga jannada
Ku jira uun hortiisa

Natiijada addeecidda Sayidka
34Ha u malaynina, in aan u imid
In aan nabad, aan dhulka u keeno
Uma anaanan iman, in aan nabad keene e
Waxa anse u imid, in aan keeno seefe
35Waxaa an u imid:

Inaan iska horkeeno, nin iyo aabbihiis
Gabar iyo hooyadeed, naag iyo sodohdeed
36Qof uun cadowgiisu, waxaa uu noqon
Dadka jooga aqalkiisa

37Kan iga jecel, aabbihiisya hooyadis
Ima uu istaahilo, oo kan iga jecel
Wiilkiisa iyo, isaga hooyadiis
Ima uu istaahilo. 38Iskutallaabtiisa
Kan an soo qaadan, oo aan isoo raacin
Ima uu istaahilo. 39Kii uun helaa naftiisa
Isaa lumin doona, oo kii naftiisa
U lumiya aawaday, waa uu helaayaa
40Kan idin aqbalaa, wuu i aqbalaa
kan i aqbalaana, waxaa uu aqbalaa
Kii ani isoo diray. 41Kan nebi ku aqbalaa
Nebi uun magaciis, nebi abaalkiis
Ayuu heli doonaa, kan qof xaq ah
Ku aqbalaa, qof xaq ah magaciis
Waxaa uu helaa, qof xaq ah abaalkiis
42Ku alla kii, kuwan yaryar uun
Koob biyo qabow ah, oo keliya uun
Qof uun xer ah, uun ku siiya magaciis
Waxaan idin leeyahay, oo runtiina iga ah
Isaga abaalkiis, kama uu lumaayo
11 Goortii uu Ciise,u dhammeeyay ammarkii
Laba iyo tobankii, ahaa xertiisa
Ayuu horay, u sii socdaaloo
Magaalooyin uu tegay, si uu iyaga
Wax uu u baro, una uu wacdiyo

Nebi Yaxye
2Nebi Yaxye kolki uu, uu ku maqlay xabsiga
Shuqulladii uu, uu Masiixi falayay
Ayuu xertisii, u soo diray isaga
3Si ay u weydiiyaan, “Ma tahay adigu
Kii imanayay, mise mid kale
Ayaan sugnaa?” 4Markaas ayuu
U jawaabay Ciise, oo uuna uu yiri
“Taga oo nebi Yaxye, uga warrama
Waxaad aragtaan, iyo waxaad maqashaan
5Kuwii indhaha la’aa, waxbay arkaan
Kuwii aan lahayn lugo, waa ay soconayaan
Baraskana intii qabtay, waa nadiif iyaguna
Kuwii aan lahayn dhego, waa ay maqlaayaan
Intii geeriyootayna, waa ay soo noolaadeen
Injiilkana masaakiinta, ayaa lagu wacdiyaa
6Oo waxaa barakaysan, midka aan aniga
Igu taraanturroon.” 7Markii ay tageen
Ayuu billaabaty Ciise, in dadkii badnaa
Uu nebi Yaxye, uu wax uga sheego
Oo wuxuu yiri “Maxaa aad cidlada
Aad ugu baxdeen? Ma waxay ahayd
In aad soo argtaan, caws-duur ay
Dabayshu ay ruxayso? 8 Haddii aanay
Sidaa ahayn, maxaad u baxdeen?
Ma waxay uun ahayd, in aad soo aragtaan
Nin isagu xiran, dhar aad bilicsan?
Taasi waa uun maya, dhar aad u bilicsan
Inta xirataa, waxaa ay joogaan
Aqalada boqorrada. 9Haddaba maxaa aad
U baxdeen idinku? Ma waxaa ay ahayd
In aad nebi, uun soo aragtaan?
Haa, ayaan idinku, leeyahay iyo weliba
10Mid nebi isaga badan. Ilayn kani waa
Waxyi uun lagu yiri:

“ ‘Nebigayga ayaan, hortaada aan diri
Si uu jidka adiga , uu kuugu diyaariyo.’

11Waxaan idin leeyahay, oo runtiina iga ah
Intii dumar ka dhalatay, nebi Yaxye isaga
Mid ka weyn innaba, kama aanu dhex kicin
Laakiin isaga, boqortooyadii ahayd
Tii jannada ayaa, kan ugu sii yar
Yaa ka weyn isaga. 12Tan iyo Yaxye
Kan baabtisaha ah, boqortooyo jannada ah
Waala xoogay iyada, waana ayba qaateen
13Sahrciga iyo Nebiyadu, illaa Yaxye ayay
Wax uun sii sheegeen. 14Haddii ad doontaan
In aad tan aqbashaan, kanu waa Ilyaas
Kii iman lahaaye. 15Kii uun dhego lahow
Waa in aad maqashaa. 16Facan bal maxaa aan
Ku metalaa isaga? Waa sida carruur uun
Suuqyada fadhiya oo, kuwo kale u yeeran
17Iyaga oo leh, biibiile ayaan
Idiin yeerinnayoo, mana aad ciyaarina
Waana aan baroorannay, mana aad ilmaynina
18Illayn Yaxyaa yimid, waxba aan cunaynine
Oo weliba cabbahayn, waxaa ayna yiraahdeen
Jinni ayuu qabaaye. 19Wiilka Aadanuhu yimid
Isagoo cunaaya, oo cabbaaye weliba
Oo waxay yiraahdeen, waa nin cir weyn oo
Waxaa uu cabbaa khamri, saaxiibna la ah
Canshuurqaadayaasha iyo, dembiile oo idil
Inay xaq tahay xigmaddu, shuqulkeeda ayaa
Sidaas u caddeeyee

Magaalooynkii la habaaray
20Waxaa uu billaabay, in magaalooyinkii
Uuba canaanto, kuwaas uu ka fuliyay
Mucjisooyinki uu dhigay, kuwii ugu badnaa
Ma toobad keenin iyaguye. 21Waa uun kuu hoog
Khorasinay adiga, waa uun kuu hoog
Beytsayday adiga, waayo haddii uun
Mucjisooyinkii aan, an ku sameeyey dhexdiinna
Turos iyo Siidoon, lagu samayn lahaa uun
Mar hore ayay, iyagoo toobad keenay
Joonyadao ayay, ayba xiran lahaayeen
Iyagoo weliba, dambasna uun ku fadhiya
22Laakiinse anigu, waxaan idinku leeyahay
Maalinta xisaabta uun, Turos iyo Siidoon
Ayaa xisaabtood, idinka sahlanaan
23Adna Kafarna’umay, miyaa laguu sarraysiin
Xagga iyo samada? *Haadees ayaad uun
Ku degi adiguye, waayo haddi uun
Mucjisooyinkii aan, an ka fuliyay dhexdaada
Lagu samayn lahaa uun, Sodom uun dhexdeeda
Maantadan ayay, weli ay joogi lahayd
24Laakiinse anigu, waxaan idinku leeyahay
Maalinta xisaabta uun, dalka Sodom ah ayaa
Kaa xisaab uun fududaan.

*Haadees: meeshii kuwii dhintay

Maanka caruurta oo kale
25Ciise waa u jawaaboo, oo yiri hadalkan
“Aabbow, Rabbiga, samada iyo dhulkow
anigaa kuu mahadnaqi, wayo waxaa aad
Waxyaalahan aad, ad ka qarisay caqli iyo
Kuwa garasho uun leh, waadna aad u muusijay,
Ilmaha yaryar. 26Haa, Aabbow adiga
Sidaas ayaa adiga, kuu farxad ahe

Shuqulka Sayidka
27Aabbahay wax walba, waaba ii dhiibay
Cidna Wiilka ma ay garan, Aabbaha mooyee
Cidna Aabbaha ma ay garan, Wiilka uun mooyee
Iyo Wiilku kii uu dooni, in uu u muujiyo
28Ii kaalaya kulligiin, kuwa uun hawshaysane
Oo culaabaysanow, anigaa idin nasine
29Harqoodkayga uun qaata, oo dushiina u rita
Waxna iga barta, ilayn waan qaboobahay
Qalbigayga isaguna, waa idiin nugul yahay
Oo naftiinna nasasho, u heli doontaan
30Harqoodkayga isagu, waa uun dhibyaryahee
Oo rarkayga isagu, waaba uu fudud yahay

12Wakhtigaa isaga ah, Sabti ayay ahaydoo
Ciisena isagu, waxaa uu dhax marayay
Beeraha dhexdooda oo, gaajo allana heysay
Isaga xertiisee, waxaa ay billaabeen
In ay jartaan sabuulkii, oo ay cunaanna
2Farrisiintii markii ay, arkeen iyagii
Isagay ku yiraahdeen, “eeg xertaada adigu
Waxa ay samaynayaa, xalaal wax aan ahayne
Sabti in la sameeyee. 3Wuxuu ku yiri isagii
“Ma akhrina miyaa weli, Daa’uud wixii uu
Uu sameeyay isagu, marki ay gaajoodeen
Isagiyo kuwii, ay wada jireenba?”
4Waa isagii galay, gurigii Ilaahoo
Oo cunay kibistii, tii tusniinta ahayd
Xalaalna uma ahayn, in ay cunaanba
Isaga iyo intii, ay wada jireenba
Wadaadada uun bay, xalaal u ahayde.”
5Kama aad akhriyin miyaa, Sharcigaaba orane
In wadaaddadii, macbudka uun ku jira Sabti
Ay Sabtida ka dhigaan, mid aan qudduus ahaynoo
Ayna eed la’yihiin? 6Waxaan idinku leeyahay
Waxa idinla jooga, iminkadan waa mid
Ka sarreeya macbudka oo, 7Haddaad aqoon lahaydeen
Macnaha eraydan, waxa an doonayo
Waaba uun naxariis, ee ma ahan allabari
Kuwa aan lahayn eed, maba aad xukunteen
8Waayo Wiilka Adanaha, Sabtiguu u yahay Sayid

Ninkii gacanta la’aa oo la bogsiiyey
9Markii Ciise uu, halkaas isaga tegay
Sunagoggoogyadood ayuu, ugu galay gudahoo
10Nin gacan engegan baa, ayaa joogay halkaas
Ciise ayay weydiiyeen, oo ku yiraahdeen
“Ma xalaal baa in Sabtida, in wax la bogsiiyaa?”
Waxay saas u yiraahdeen, in ay ashtakeeyaan
11Ciise ayaa ku yiri, “ninkeennee idinka mida
Oo iska leh lax, haddii ay ku dhacdo god
Iyadoo Sabti ay tahay, aan ka soo bixiyeen?
12Oo haddaba ninku, imisa ayuu lax
Uu ka qiima badan yahay!”
13Markaas ayuu ninki, uu ku yiri isagii
“Gacantaada taag uun, isna uba soo taag
Waana u bogsatay, sida gacantii kale uun
14Farrisiinti ayaa baxay, iyagoo ka wada hadli
In ay Ciise dilaan

Midiidinkii la doortay
15Ciise waa ogaadoo, halkii isaga tag
Waxaa uuna raacay, dad aad u tira badan
Iyagana dhammaantood, ayuu wada bogsiiyey
16Isagoo ku amray, in ay cidna u sheegin
17Si loo oofiyo, nebi Ishacyaah wixii
Loo soo waxyooday, isaga oo leh:
18”Eeg midiidinkaygii, aan doortay isaga
Midka aan jeclahay, oon ku faraxsanahay
Ruuxayga ayaan, aan dul saari doonaa
Ummadaha ayuuna, uu caddaalad fari oo
Mana uu ilaaqtami, qaylana iskaba daa
Jidadkaa cid uun mari, aan maqlayn codkiisoo
Oo isagu caws door, hoolan ooba taag daran
Isagaaban jebinayn, Oo liifad qiiqdana
Marna aanba deminayn, illaa uu caddaaladda
Guul uba hooyo, ummadahoo idilna
Magaciisa ayay, rajadooda gelin

Ciise iyo Be’elsebul
22Isagaa markaana, waxaa ay u keeneen
Jinnoole indhaha la’, carrab aan lahayna
Waana uu bogsiiyey, carrab laawihii oo
Waana uu hadlayoo, waxna arag isagii
23Dadkii badnaa ayaa, wada yaabay idilkood
Waxa ay yiraahdeen, “kan miyaanu ahayn
Ina Daa’uud isagu?” 24Farrisiintu markii ay
Ay taas maqleenbam waxa ay yiraahdeen
“Ninkan isagu jinniyada, wax kaleeto isagu
Kuma uuba saaree, waxaa uu ku saaraa
Be’elsebulta ah, madaxa ay leeyihiin
Dhammaan jinniyadu.” 25Isagoo laakiin
Fikirkooda uun garan, ayuu ku yiri
“Boqortooya kasta oo, kala qaybsantaa uun
Cidla ayay noqotaa, magaalo iyo gurigii
Kala qaysamaa uun, iyagaaban taagnaan”
26Haddii uuba shaydaan, uu saaro Shaydaan
Iyagaaba qaysami, sidee ayay haddaba
U taagnaan karaysaa, boqortooyo uu lahaa?”
27“Haddii aanba anigu, aan Be’elsebul iyo
Aan ku saari jinniyada, wiilashiinnu maxaa ay
Ku saaraan iyagu bal? Haddaba iyagu
Waxaa ay ahaan uun, idinka xaakinnadiinna
Jinniyada haddii aan, balse aan ku saaro
Ruuxa Ilaah, Boqortooyadii Alle
Ayaa idiin timid.” 29Ama qof sidee buu
Axad xoog leh gurigiis, u geli karaayaa
Alaabtiisanuu dhici, haddii uusan kolka hore
Axadka xoogga leh, uusan u xirxirin?
Markaas ayuuna, gurigiisa dhici uun”
30“Kan aanba ila jirin, isagu waaba iga gees
Kan aan ila ururin, waa iga firdhinayaa
31“Haddaba anigu, waxaan idinku leeyahay
Dembi iyo caay walba, dadka ayaa loo cafin
Ruuxa Qudduuska ah, caydii ka gees ah
Aayaan la cafinayn. 32Ku Alla iyo kii
Ku hadlaa eray uun, Wiilka Aadanaha
Ka gees ah uun, isagaaba loo cafin
Balse kii ku hadla uun, eray uun ka gees ah
Ruuxa Qudduuska ah, isagaanba loo cafin
Wakhtigan isaga ah, iyo kan imanayaba.”
33“Aama geedka wanaajiya, iyo mirihiisaba
Ama geedka xumeeya, iyo mirihiisaba
Ilayn geedka isaga, mirihiisa ayuunbaa
Lagu garan isaga e, 34Sidee ayaad dhal jilbisey
Wanaag ugu hadlaysaan, idinkoo dhar leh?
Afku wuxuu ku hadlaa, wixii qalbiga ku badan uun
Axadkii wanaagsani, waxaa uu ka soo saari
Maalkiisa ah wanaaga, wax wanaagsan uun
Axadkii shar ahise, waxaa uu ka soo saari
Maalkiisa ah sharka, wax shar ah uun e
36Waxaan idinku leeyahay, Eragii an waxtarahayn
Dadku uu ku hadlaba, maalinta xisaabta ah
Xisaab ayay ka bixin uun 36Waayo eraygaaga uun
Ayaa laguugu ammaani, ama laguugu eedayn”

Sayidka oo diiday mucjisooyinkii la weydiistay
38Markaas ayaa culimadi, iyo farrisiintii
Qaar ka mid ah iyaga, u jawaabeen Ciise
Kuna ay yiraahdeen, “Waxaa aannu dooni
In macallimow aad, inna tustaa mucjisad”
39Isna u jawaabyoo, waxaa uu ku yiri
“Fac shar ah oo sinno badan, ayaa doona mucjisad
Mucjisadna lama uun, siinayo iyaga
Nebi Yoonis tii uun, isaga la siiyay mooyee
40Sida Yoonis oo kale, saddex maalmood iyo weli
Saddexdood habeen ayaa, ayuu calooshii
Nibiriga uu ku jiray, sidaas oo kalena
Wiilka Aadanaha, saddex maalmood iyo
Saddexdood habeen ayuu, caloosha dhulka ah
Uu ku jiri doonaa. 41Dadka reer Nineweh ah
Xisaabta ayay isla taagi, dadka facan uune
Iyagaana xukumi uun, illayn wacdigii Yoonis
Ayay ku toobad keeneen, oo bal eegga iminka
Yoonis mid ka weyn ayaa, halkan idinla joogee
42Boqoraddi uun, koofurta ka timid ayaa
Ayaa la kic dadka, farcankan isaga ah
Waana ay xukumi uun, illayn waxay ka timd
Dhulka meesha ugu fog, si ay Sulaymaan
Xigmaddiisi u maqasho, oo bal eega iminka
Mid uun Sulaymaan, ka weyn isaga
Ayaa halkan, idinla jooga idinkee.”

Jinnigu waa ku noqday qofkii uu ka baxay
43Jinniga wasakhda ah, goorta uu ka baxo qof
Meelo aan biyo lahayn, ayuu soo maraayoo
Nasashuu rabaa illayn, mana uu helaayee
44Markaas ayuu yiraahdaa, “waan u noqon anigu
Gurigii an ka baxay,” marka uu yimaadana
Waxaa u helaayaa, gurigi oo maran
Isagoo la xaaqay, oona hagaagsan
45Markaas ayuu galaayoo, waxa uu wataana
Jinniyo todoba ah, oo ka xun isaga
Waana ay galaanoo, ay degaan halkaase
Wakhtiga dambe ayaa, qofkaa uga darnaada
Wakhtigii hore ahaa, sidaas ayayna u noqon
Farcankan sharka ah

Walaaltinimada dhabta ah
46Intuu weli la hadlayay, dadki aadka u badnaa
Bal arkay hooyaddiis, iyo walaalihiisii
Ayaa dibadda taagnaa, waxa ayna dooneen
In ay la hadlaane. 47Mid ayaana ku yiri
“Bal eeg hooyadaa, iyo walaalahaa
Ayaa taagan dibaddee, waxa ayna dooni
Inay kula hadlaane.” 48 Isna waa u jawaabay
Oo uu ku yiri, “yaa hooyaday ah
Iyo walaalahayba?” 49Gacantiisa ayuuna
Uu ku tilmaamay, isaga xertiisee
Oo uuna yiri, “aniga hooyadey
Iyo walaalahay, waa uun kuwanee!
50Waayo ku Alla, iyo kii yeela
Doonista Aabbahay, oo ku jira jannada
Kaas ayaa ii ah, aniga walaalkay
Iyo walaashey, hooyana ii ah

Sarbeeb ku saabsan beerreyga
13Ciise ayaa maalintaas, gurigii ka baxay oo
Waxaa uuna fadhiyay, badda agteedee
2Dad aad u badan, ayaa u soo ururayoo
Taas ayaana keentay, in uu dooni fuuloo
Uuna fadhiisto, dadkii aadka u badnaa
Waxa ay taagnaayeen, xeebta agteeda
3Arrimo fara badan, sarbeeb ugu sheegay
Isaga oo leh “beerrey ayaa baxay,
In uu wax beerro, 4oo intuu beeraayay
Qaar ayaa mirihii, jidka agtiisa
Ayay ku dhaceen, shimbiro ayaa yimid
Waana ay cuneene, 5dhul dhagax ahna
Miro kale ayaa, ku dhacay isaganoo
Carro aad u badan, maba uu lahayne
Durba waa ay soo baxeen, illayn carradu
Hoos umaba dheerayn, 6markii ay qoraxdii
Soo baxday iyadu, waaba ay gubteene
Waana ay engegeen, illeyn ma lahayn xidid
7Miro kale ayaa, waxa ya ku dhaceen
Qodxan uun dhaxdood, qodxantii ayaa
Inta soo baxday, ceejisay abuurkii
8Miro kale ayaa, ku dhacay iyagu
Dhul u wanaagsan, miro ayay dhaleenna
Mid boqol ayuu dhalay, mid lixdan ayuu dhalay
Mid soddon ayuu dhalay. 9I maqal kii dhega lahow”

Sababta sarbeebta loo isticmaalo
10Xertiisii ayaa timid, oo waxay weydiiyeen
Sababta uu Ciise, ugu hadlo sarbeebta
11Waana u jawaabay, oo uu ku yiri
“Idinka laydin sii, in aad garataan
Waxii uun qarsoon, oo boqortooyada
Tan jannada ahi, ay iska leedahay
Iyagase lama siin. 12 Waayo ku alliyo kii
Isagu wax haystaa, wax ayaa la siinoo
Waana uun loo badin, kii aan waxba haysanse
Waa uun laga qaadi, waxa uu haystee
13Taasi ayaa ah sababta, aan u sarbeebee
Marka aan la hadlayee, waayo ma arkaan
Marka ay arkaayaan, mana ay maqlaayaan
Marka ay maqlaayaan, mana ay gartaane
14Iyagay u noqotay, waxyigii Ishacyaah
Isaga oo leh:

Maqal ayaad ku maqli, idinkoonan garanayn
Idinkoo arkaayana, waxbaad arki doontaan
Idinkoonan garanayn. Waayo dadku iyagu
Qalbigooda ayaa, ah mid adkaaday
Waana adag tahay, in ay wax maqlaane
Indhahoodi ayay, iskuna qabteene
Si aanay u arag, oo aanay u maqlin
Oo aanay u garan, si aanay u soo noqon
Oo aanan u bogsiin.”

16Laakiin idinka, indhihiinna ayaa
Kuwo barakaysan ah, illayn iyagu
Wax ayay arkaane, iyo dhegihiinna
Wayo iyagu, wax ayay maqlaane
17Waxaan idin leeyahay, runtiina iga ah
Dad ah xaq, iyo nebiyo badan
Waxaa ay dooneen, in ay arkaan
Waxa aad aragtaan, mana aanay arkin
Waxa ayna dooneen, in ay maqlaan
Waxa aad maqlaysaan, mana aanay maqlin

Micnaynaynta sarbeebta beerreyga
18Haddaba maqla uun, sarbeebtii ahayd
Ninka beereyga ah. 19Erayga boqortooyo
Qofkii maqlaa uun, oo aanan garanin
Waxaa u yimaada, kan sharka ahoo
Isagaa ka dhufta, abuurkii ku dhacay
Isaga qalbigiisa, kani waa abuurkii
Isagu ku dhacay, jidka agtiisee
20Abuurkii dhagaxa, loogu beeray isna
Waa kan erayga maqla, oo kolkiiba farxa
Oo sidaas ku qaata, 21illayn xidid malahoo
Inyar ayuu sii jiraa, oo goortuu yimaad dhib
Ama silic uu dhaco, erayga aawadiis
Durba wayska inkiraa. 22Abuurka lagu beeray
Meesha qodxaanta ah, waa kan erayga maqla
Dunida ayuu ka welwelaa, maal ayaa sasabta
Eraygana ceejiya, oo noqdaa miro la’aan
23Abuurkii ku dhacay, dhulki u wanaagsanaa
Waa kan maqla erayga, oo misna garta
Isagaa miro dhala, mid ayaa ah boqol
Midna ayaa ahlixdan, midna ayaa ah soddon.

Sarbeebta ku saabsan gocondhada
24Sarbeeb kale ayuu, Ciisena u sheegay
Waxaa uuna yiri, “Boqortooyada Jannada ah
Ayaa loo ekaysiin, nin isaga beertiis
Abuur wacan ku beeray, 25cadowgiisi uu yimid
Dadki oo hurdaaya, gocondho iyadi ah
Ayuu kaga dhex beeray, Sarreenki ay lahaayeen
Waana uu isaga tegay. 26Markii uu sarreenkii
Uu soo baxay, mirana uu dhalay
Ayaa gocondhadii, soo muuqatay iyaduna
27Odaygi reerka, waxaa u yimid
Adeegayaalkii, uu isagu lahaa
Oo ay ku yiraahden, ‘sayidow adigu
Ma abuur wanaagsan, ayaadna beerin
Kuna abuurin beerta?’ ‘Haddaba halkee ayay
Gocondhadan iyadu, bal innooga timid?’
28‘Waxaa uu ku yiri, cadowgeenna ayaa
Sidan inna yeelay.’ Adeegayaashii
Ayaa ku yiri, ‘miyaad ad dooni
In aannu tagno, oo aannu siibno
Gocondhada oo dhan?’ 29Odaygi baa yiri
‘Mayee iska daaya, waaba intaas oo
Inta aad goconshada, is leedihiin siisiiba
Aadba sarreenka, isna aad la rujisaan.
30Labadooda iyagu, ha isla baxaano
Ilaa beergoyska, oo wakhtiga beergoyska
Aayaan kuwa gooya, waxaan ku oran:
Horta soo ururiya, gocondhada oo dhan
Oo xirmo xirmo, isugu soo xira
Si iyada loo gubo, sarreenkase isaga
Ku soo ururiya, maqsinka an leeyahay.”

Labadii sarbeeb ee ku saabsanaa iniin khardal ah iyo khamiirka
31Sarbeeb kale ayuu, Ciisena u sheegay
“Boqortooyada Jannada ah, ayaa loo ekaysiin
Iniin khardal ah, tan uu nin qaaday
Uu ku beeray beertiisa. 32Taas ayaana ugu yar
Iniinaha oo dhan, marka ayse weynaato
Iyadaa ugu weyn, dhirta beerta oo dhan
Waxaa ayna noqotaa, geed dhererkiisa
Laamaha uu leeyahay, ay shimbiraha cirku
Inta ay yimaadaan, ku degaan iyaga.”
33Sarbeeb kale ayuu, kula hadlay iyagii
“Boqortooyada Jannada ah, ayaa loo ekaysiin
Sida khamiir oo kale, kan ay naagi qaadday
Oo ay bur badan, ay ku dhex qooshtay
Illaa uu khamiiray, burkii oo dhan.”
34Waxan oo dhan, ayaa Ciise kula hadlay
Iyagoo sarbeeb ah, dadki aadka u badnaa
Waxbana kumuu oran, isagoon sarbeeban
35Si ay u noqoto, waxyigii Ilaahay
Nebigiisa uu faray, isaga oo leh:

Sarbeebo ayaan, afkayga ku furayaa
Wax iska qarsoonaa, aasaaskii dunida
Illaa iyo maanta, ayaan ku hadlayaa

Micnaynta sarbeebtii gocondhada
36Dadkii badnaa ayuu, yuu kolkaa isaga tegay
Gurigii ayuu galay, xertiisii ayow timid
Oo kuna yiraahdeen, “innoo macnee sarbeebtii
Gocondhadii iyada ahayd, ee ku taalay beerta.”
37Isna wuu jawaaboo, waxa uu ku yiri
“Midka abuuray, abuurka wanaagsan
Waxaa weeye isagu, Wiilka Aadanaha
38Beertuna iyadu, waa uun dunida
Abuurka wanaagsani, waxaa uu yahay
Ilmaha boqortooyada, gocondhada iyaduna
Waa ilamaha sharrowga. 39 Cadowga abuurayna
Waa Ibliiska isaga ah, beergoyska isaguna
Waa adduunku markuu, uu dhammaadka gaaro
Waa malaa’igta uun, kuwa gooya iyaguna
40Gocondhada oo kale, sidii loo ururiyey
Dabka inta la saaray, loo gubay iyada
Sidaas ayay noqon, marka uu dhammaado
Aduunkan isaga ah. 41Wiilka Aadanahuna
Isagaaba soo diri, malaa’igta uu leeyahay
Oo ka soo ururin, boqortooyadiisa uun
Dembi wixii u keena, iyo inta sharka leh
Waxaa ay ku tuuri, dabka aadka u kulul
Ilka jiriqsiyo baroor, ayaana halkaa jiri
43Kuwa xaqa ahina, waxa ay ka nuuri
Boqortooyadii ahayd, tan Aabbahoode
Sida cadceedda oo kale, kii dhega lahow maqal”

Sarbeebyadii maalkii qarsoonaa, luulka, iyo shabagga
44“Boqortooyadii ahayd, tii jannada ayaa
Waxaa loo ekaysiin, meel beer ah maal
Isaga qarsoonaa, oo qofkii helaa qarsaday
Farxad ayuu la baxayna, waxii uu lahaana
Dhammaan wada iibiyey, oo beertaasna iibsaday”
45 “Boqortooyadii ahayd, tii jannada ayaa
Waxaa loo ekaysiin, ganacsade oo kale
Luul wanaagsan uun raba, oo doondooni isaga
46Markii uu helayna, luul aad u qaali ah
Ayuu iska baxayna, waxii uu lahaana
Dhammaan wada iibiyey, luulkiina iibsaday.”
47“Boqortooyadii ahayd, tii jannada ayaa
Waxaa loo ekaysiin, shabag inta la dhigay badda
Kalluun aad u kala duwan, aad u soo qabtayoo
48Markii uu buuxsamay, kalluumaysatadi ayaa
Dibadda u soo saaray, wayna u fadhiisteen
Intii wanaagsanayd, weel ayey ku ururiyeen
Intii xumaydna, waa iska tuureen
49Sidaas ayay noqon, adduunka dhammaadkiisa
Malaa’igaha ayaa, soo bixi iyagu
Oo kuwa sharka leh, ayay ka sooci
Kuwa xaqa ah. 50Iyagoo ku tuuri
Dabka aadka u kulul, Ilka jiriqsiyo baroor
Ayaana halkaa jiri.” 51“Waxyaalahan oo dhan
Miyaad ad garateen? Waxa ay dheheen ‘haah’
Markaas ayuu yiri, mid kastoo ah culimada
Oo xer looga dhigay, boqortooyadii ahayd
Tii jannada uune, waxaa uu eg yahay
Sida odaygi reerka, maalkiisa isagu
Ka soo saara uun, wax cusayb ah iyo
Wax duug ah intaba.

Sayidka oo laga celiyey Naasaret
53Markii uu sarbeebtan, uu dhammeeyay Ciise
Halkaas ayuu ka tegay. 54magaaladiisi ayuu yimid
Sunagoggooda ayuu, waxna uu ku baray
Waana ayla yaabeen, waxa ay yiraahdeen
“Ninkani xaggee ayuu, xigmadda uu ka helay
Iyo mucjisooyinka, awoodda weyn leh?”
55“Kanu miyaanu ahan, inankii nijaarka?
Oo miyaanan Maryan, hooyadii la oran?
Yacquub iyo Yoosee, Simoon iyo Yuudas
Walaalihiis ahayn? 56Gabdhihii ahaana
Isaga walaalihi, miyaanay idilkood
Innala joogin iyagu? Haddaba xaggee ayuu
Waxyaalahan oo dhan, uu ka helay isagu?”
57Waana ay ka xumaadeen. Ciise ayaa ku yiri
“Nebi ma uu jiro, marwo la’ isagu
Magaaladiisa iyo, gurigiisa ma ahee.”
58Halkaas isagu, mucjisooyin aad u badan
Kuma uusan samayn, waayo ma ay lahayn
Wax iimaan ah iyagu.

14 Wakhtigaas isaga ah, taliyihii ahaa Herodos
Ayaa wakii Ciise, maqlay isagu
2Oo adeegayaashiisii, ayuu ku yiri
“Kani waxaa uu yahay, Yaxyihii Baabtiisaha ahaa
Kuwii dhintay, ayuu, uu ka soo sara kacay
Illayn mucjisooyinkan, aad awoodda u leh
Ayaa ku dhex jira, oo ka dhex shaqaynaya”
3Waayo Herodos ayaa, Yaxye qabtay isaguye
Oo intuu xiray isagu, ayuu xabisayoo
Wuxuu sidaas u yeelay, walaalkiis ahaa Filibos
Naagtiisii ahayd Herodiya, iyada aawadeed
4Yaxye ayaa ku yiri, “xalaal kuuma ahan adiga
In aad haysataa iayada.” 5Herodos ayaa damcay
Inuu dilo Yaxye, waxse uu ka baqay
Dadkii badnaa iyagu, illayn nebi ayey
U heysteen isaga. 6Goortii ay timid
U dabbaaldegii, markii uu dhashay Herodos
Oo Dadkii dhexdiisa, ayay ku ciyaartay
Inantii Herodiya, oo Herodos ayay ka farxisay
7Isna dhaar ayuu Herodos, ugu balan qaaday
Wixii ay weydiisataba, inuu siiyo iyada
8Illayn horay ayay hooyadeed, ula soo talisee
Waxaa ay ku tiri, “halkan xeero igu sii
Madaxa Yaxye oo, Baabtiisaha ahaa”
9Boqorkii isna waa, uu ka calool xumaaday
Balse dhaarihiisii iyo, martidiisii u fadhiday
Ayuu amray, in la siiyo iyada
10Cid ayuuna u diray, oo xabsigii ayay
Ugu tageen Yaxye, 11madaxa ayayna ka jareen
Xeero ayaana madaxii, loogu sooo riday oo
Inantii la siiyey, iyaduna hooyadeed
Ayey u keentay. 12Xertiisii ayaana u timid
Oo waxaa ay qaadeen, meydkiisii isaga
Waana ay aaseen, waxaa ayna u tageen Ciise
Waana u warrameen

Casho ayaa la siiyey shan kun oo qof dad ka badan
13Markii uu maqlay Ciise, arrinkaas isaga ah
Dooni ayuu halkaas, uu ka soo raacoo
Meel cidla ah, ayuu tegay keligiis
Dadkii aadka u badnaa, markii ay maqleen
Warkaas isaga ah, magaalooyinkii ayay
Lugeeyeen iyagu, iyagoo raacaaya isaga
14Markii uu Ciise, doonnidii uu ka degay
Ayuu arkay dad badan, wuuna u naxariistay
Oo kuwoodii bukay, ayuu bogsiiyayoo
15Makhribkii markii uu, soo dhawaaday ayey
Xertiisii u timid, oo ay ku yiraahdeen
“Meeshaani waa iska cidlo, waana habsaan iminkee
dadkan iska dir, tuulooyinka ha aadaanee
Ha soo iibsadeen cunto.” 16Ciise ayaa ku yiri
“Uma baahna in ay tagaane, cunto siiya idinku.”
17Waxaa ay ku yiraahdeen, “Innagu halkan
Waxaan uun ku haynaa, shan kibis ah
Iyo laba kaluun ah.” 18Isna wuxuu ku yiri
“Halkan iigu keena.” 19Dadkii aadka u badnaa
Ayuu ku amray, in ay cawska ku fadhiistaane
Isna wuxuu qaaday, shantii kibista ahayd
Iyo labadii kaluun, oo cirka ayuu eegay
Ayuu barakeeyey, oo jejebiyey kibistii
Xertiisii ayuuna siiyay, iyaguna dadkii badnaa
Ayey u sii gudbiyeen. 20Dhammaana waa ay cuneen
Waana ay ka dhergeen, Oo waa soo gureen jajabkii
Iyaga ka haray, oo laba iyo toban dambiil
Ayey ka buuxsheen. 21Kuwii cunay ayaa ku dhawaa
Shan kun oo nin, naagaha iyo caruurtuna
Aanay ku jirin.

Sayidka ayaa badda ku dul socday
22Isla markiiba, xertii ammar ku siiyey
In ay doonta fuulaan, dhanka kale si ay
U sii taageenoo, intuu kala diraayo
Dadki aadka u badnaa. 23Markii uu kala diray
Dadki aadka u badnaa, ayuu buurta fuulay
Isagoo tukanaya, makhrib ayeyna noqotay
Keligiis ayuuna, halkaas iska joogay
24Wax badan ayeyse, doonnidii fogayd oo
Jiinka ay ka dheereyd, hirar ayaana dhibayay
Illeyn dabayshaa, iyada ka gees ahayd
25Ciisena aroortii, ayuu u yimidoo
Biyaha ayuuna, uu dushooda isagu
Uu ku soo soconayay. 26Markii ay xertiisii
Ay arkeen isaga, isagoo biyaha
Isaga dul soconaya, waa ay nexeenoo
Oo waxay yiraahdeen, “waa reer aakhiraad”
Cabdi ayeyna, ay lawada qayliyeen
27Isla markiiba Ciise, waa uu la hadlay
Isagoo ku leh, “ha baqina idinku
Waa anigi uunee. 28Butros u jawaabyoo
Waxaa uu ku yiri, “Sayidow haddii aad
Adigi aad tahay, igu amar biyaha
Inaan dushooda, aan kuugu imaado”
29”Kaalay” ayuuna ku yiri, Oo Butros isagu
Doontii ayuu ka degay, bigihii ayuuna
Ku dul socday isagu, si uu Ciise ugu tago
30Balse isagu markii, uu dabaysha arkay
Ayuu cabsooday, isla markiiba
Waxaa uu bilaabay, inuu dego Butros
Oo waa uu qayliyay, isaga oo leh
“Ibadbaadi Sayidow”, Oo isla markiiba
Ciise gacan u fidiyay, soo qabyay isagina
Waxaa uuna ku yiri, “immaankaagu yaraa
Waa maxay sababta aad, adigu aad u shakiday?”
Doonnida markii ay, iyagu ay fuuleen
Dabayshii ayaa, joogsatay iyadu.
33Intii ku jirtay doonnida, isagey caabudeen
Oo waxay ku yiraahdeen, “runtii Wiilka Ilaah
Ayaad adigu tahay.”

Dadkii lagu bogsiiyey Gennesaret
34Markii ay gudbeen, Gennesaret ayey
Ay wada yimaadeen. 35Oo dadkii halkaas
Degganaa iyagu, markii ay garteen
Farriin ayey u direen, gobolka oo dhan
Oo waxay u keeneen, kuwii bukay oo dhan
36Iyagoo ka baryaya, in faraqa maradiisa
Ay uun ka taabtaan, oo kuwii taabtayna
Waa ay bogsadeen.

Ciise ayaa ka jawaabay eedayntii ku saabsanayd ku xadgudubka xeerka
15 Yeruusaalem ayaa, Ciise uga yimaadeen
Niman Farrisiin ah, iyo kuwo culimo ah
Waxaa ay ku yiraahdeen, “2Xertaadu maxaa ay
Ay xeerarka waayeellada, ay ugu xadgudbaan?
Waayo iyagu, ma ay faro xashaan
Inta aysan wax cunin.” 3Wuuna u jawaabay
Oo uu ku yiri, “idinkuba maxaad
Amarkii Ilaahey, aad uga gudubtaan
Xeerkiinna aawadiis? 4Waayo Eebbe ayaa amray
‘Aabbe iyo hooyadaa, waa in aad maamuustaa
Oo aabbe iyo hooyadiis, kii u gefaa isagu
In la dilo weeyaan.’ 5Waxaa aadse leedihiin
‘Kii aabbe ama hooyadiis, ku yiraahda isagu
Waxaan idin siin lahaa, waxaa aan ka dhigay
Hadiyad Eebbe leeyahay, ‘aabbe iyo hooyadiis
Kuma uu maamuuso.’ 7Waxa aad tihiin
Laba-wejiileyaal uun, Ishacyaah ayaa uun
Idin sheegay idinka, markuu yiri isagu:

8“‘Dadkan iyaga ahi, afka oo keliya
Ayey aniga, igu maamuusayaan
Uurkoodu laakiin, waa iga fog yahay
9Micne si aan lahayn, yey ii caabudayaan
Waxa ay dadka baraanna, wax uu dad sameeyey”’

10Dadkii badnaa ayuu Ciise, uu isugu yeeray
Waxaa uuna ku yiri, “Afka wixii galaa
Ma ahan kuwa, nijaaseeya isaga
Isagase waxaa uun, nijaaseeya isaga
Waa waxa afkiisa, ka soo baxaya uun
12Markaas ayaa xertiisii, u timid isaga”
Oo kuna yiraahdeen, ‘ma ogtahay adigu
In ay ka xumaadeen, markay eraygaa maqleen?’
13Isna waa u jawaabay, oo uu ku yiri
“Geed walba oo aan, Aabbahayga jannadu
Uu abuurin isagu, in la rujiyeey tegi
14Iska daaya iyaga, waa indhoolayaal
Ay indhoolayaali, ay iyaga hagayaan
Laakiin nin indha la’i, haddii uu hagaayo
Nin isna indha la’a, god ayey labaduba
Ay ku dhici doonaan.” 15Butros ayow jawaabay
Oo ku yiri isagii, “sarbeebta innoo macnee”
16Markaas ayuu ku yiri, “ma dammiin ayaad
idinku tihiin weli?, 17Miyeydnaan arkaynin
Wax kastoo afka galaa, waxaa ay tagaan calool
Wana uun la xaaraa. 18laakiin ogaada
Afka wixii soo maraa, uurka yey ka yimaadaan
Waana uun kuwaa, qof uun waxa nijaaseyn
19Waayo uurka sidiisaba, waxaa uun ka soo baxa
Fikir uun shar badan leh, iyo dhiig la galo iyo
Sinno iyo maacisyo, iyo tuuganimadaba
Iyo maragga beenta ah, af xumiyo gefba
20Waa kuwan iyaga ah, axad waxa nijaaseyn
Balse in wax lagu cuno, gacmo aan la mayrin
Cidna ma ay nijaaseyn.”

Bogsiinta inantii reer Kancaan
21Ciise yaa isaga tegay, halkii uu ku sugnaa
Turos iyo Siidoon, dhulkaa ayuu tegay
22Naag reer Kancaan ah, oo deggan dhulkaas
Yaa isaguu timid, iyadoo ku qayliyi
“Ii naxariiso aniga, Sayidow ina Daa’uud
Inanteydi aniga, jinni ayaa si xun
Iyada u waalaya. 23Balse Ciise isagu
Uma uu jawaabin. Xertiisii ayow timid
Iyaga oo ku leh, “Eri naagtan, Sayidow
Innaga ayeyba, innaga daba qayline”
24Balse wuu u jawaabay, isaga oo leh
“Aniga layma soo dirin, Idaha lunsan ee
Reer beni Israa’iil, iyaga mooyee”
25Balse iyadu wow timid, u sujuudday isagii
Iyada oo ku leh, “Sayidow i caawi”
26Isna wow jawaaboo, waxaa uu ku yiri
“Inna maba wanagsana, in la qaado kibista
Ay carruurtu leedahay, oo loo tuuro eeyaha”
27Waxa ay ku tiri, “eraygaagu waa sax
Laakiinse eeyuhu, waxaa ay cunaanba
Waxa uun ka soo dhaca, miiska sayidka iska leh”
Markaas ayuu Ciise, u jawaabay iyadii
Isaga oo leh, “naag yahay iimaankaagu
Waa mid aad u weyn, ha kuu nqooto adiga
Sida aad dooneyso.” Isla saacadaasna
Inanteedi bogsatay.

Dadkii badnaa ee la bogsiiyey
29Ciise ayaa markaas, halkaas isaga tegay
Oo badda Galili, ayuu u soo dhawaaday
Buurta ayuu fuulayna, oo halkaas fadhiistay
30Markaasaa waxaa u yimid, dad aad u fara badan
Waxaa ay u keeneen, kuwo cuuryaan ah
Iyo kuwo indha la’, iyo kuwo carrab la’
Iyo kuwo addimo la’, iyo kuwo kaloo badan
Waxaa ayna dhigeen, cagihiisa agtooda
Wuuna uu bogsiiyey, 31haddaba dadkii oo dhan
Ayaa wada yaabay, goortii ay arkeen
Kuwii carrabka la’aa, iyagoo hadlaaya
Kuwii lugaha aan lahayn, iyagoo bogsaday
Kuwii cuuryaanka ahaa, iyagoo soconaya
Kuwii indhaha la’aa, iyagoo arkaaya
Ilaaha reer Israa’iil, ayeyna ammaaneen

Cunto ayaa la siiyey afar kun oo qof dad ka badan
32Markaas ayuu Ciise, xertiisii u yeeray
Isaga oo ku leh, “dadkan aad u badan
Ayaan u naxariisan, saddex naalin ayey
Haatan innala joogeen, mana ay hasytaan
Wax ay cunaane, dooni maayo inaan diro
Iyagoo baahan, waaba intaas oo
Ay itaal beelan, jidka intey maraayaan”
33Xertiisii ayaa tiri, “innagoo joogno
Meel cidladan ah, halkee ayaan ka helaynaa
Kibis intan la’eg, si ay ugu filnaato
Dad sidan u badan?”, 34Ciise ayaa yiri
“Immisa kibsood, ayaad haatan haysaan?”
Waa ay yiraahdeen, “toddobo kibsood iyo
In yar oo kalluun ah, oo aad yaryar”
35Ciisena isagu, dadkii aadka u badnaa
Ayuu ku amray, dhulka in ay fadhiistaan
36Isagoo soo qaaday, toddobadii kibsood iyo
Kaluunkii isaga ahaa, oo intuu ku mahadnaqay
Ayuu kala jejebiyey, oo xertiina siiyey
Dadkii aadka u badnaa, yey xertii ey siiyeen
37Dhammaantood iyagu, waa ay wada cuneenoo
Waana ay ka dhergeen, waxay soo ururiyeen
Toddoba dembiil oo, jajab uu ka buuxo
38Dadkii cunay ayaa ahaa, afar kun oo nin
Naagaha iyo caruurtuna,aanay ku jirin
39Dadkii aadka u badnaa, markii uu kala diray
Ayuu dooni fuulay, isaga oo tegay
Magadan agteeda
PS.
I am still working on this poetic translation of the Gospel. By the time it is finished and polished, the whole Gospel will rhyme and it will be ready to be put to music and sung. The entire Gospel will be too long for one song so I plan to divide it into separate songs with different music and tunes. In the meantime, feel free to use the 1st draft of chapters 1-15 of the Noble Gospel.
I covet your prayers!

No comments: