Wednesday, November 03, 2004

Argagixo Weeyaan Allow Naga Itaal Roone!


Ku Xiggeenka Kulanka Culimada Soomaaliyeed: Sheekh Nuur Baaruud Gurxan

Sheekh Nuur Baaruud : Shirkan waxaa loogu tala galayba wixii Diin ku saabsan in lagu fogeeyo


Novermber 24, 2003
Faarax Cumar Nuur Muqdisho, (HIMILO) - Dadaalada xaldoonka ah ee ka jirey Soomaaliya Sanooyinkii 13ka ahaa ee la soo dhaafey waxay ahaayeen qaar wajiyo badan soo marey xaaladahana isla badelaayay, waxaa jirey ururo iyo gudiyo aan hadda magacooda shaqayn oo dadaalkooda bulshada ka dhex muuqdey sanooyinkii u horeeyay ee dhibaatada, waxaa ka mid ahaa Kulankii Culumada Islaamka Soomaaliyeed ee la dhisey bishii Febraayo 1991dii oo uu gudoomiye u ahaa Alle ha u naxariistee Sheekh Maxamed Mucalim Xasan ayadoo dadaaladii Shakhsiga ee ay wadeen isaga iyo Sheekh Ibraahim Suuley oo Alle ha caafiyee hadda xaaladiisa Caafimaad aan wanagsanayn ay ahaayeen qaar wax tar ahaa.

Mas uuliyadda Culumada oo waqti walba taagnayd ayaa haddana Sanooyinkii u danbeeyay waxay wadeen dadaalo kale oo ay ku laba laabayeen wax ka qabashada dhibaatada Bulshada Soomaalida haysata, waxaana ay dhiseen Raabidad ama Dallad isku xiraysa Culumada Islaamka ee Soomaliyeed taas oo waxqabadkeeda ka bilowdey magaalada Muqdisho.

Dalladan ama Raabidadan oo lagu magacaabo Dallada Culumaa’u diinka Soomaaliyeed waxaa gudoomiye ka ah Sheekh Maxamuud Sheekh Cabdi Baari oo ka soo jeeda Jameecada Misir ee Deegaanka Diinsoor, waxaa asagana gudoomiye ku xigeen ka ah Sheekh Nuur Baaruud Gurxan oo ka mid ah Culumada sida wayn looga yaqaan dalka gaar ahaan magaalada Muqdisho ahna Sheekh dadaalkiisa ka dhex muuqdo Dallada iyo Bulshada Muqdishaba.

Sheekh Nuur Baaruud oo aan asaga fursad u helney ayaan waxaan ka waraysaney hawsha Dallada ay hayso, mawqifyadeeda arimaha Siyaasada Dalka iyo xaaladaha Bulshada haysta sida ay wax uga qabtaan.
Waraysigana sidaan ayuu u dhacay:

Himilo: Sheekh Nuur waxaad tahay gudoomiye ku xigeenka Dallada Culumada Soomaliyeed waxaad wax nooga sheegtaa waqtigii la asaasey Dallada iyo waxqabadkeeda?

SH. Nuur: Bismilaah Alxamdulilah WCSM, Raabidada waxa la bilaabey dhisideeda iyo ababulkeeda sanadkii 2000, muddey soo socotey isu keenida Culimada, waxaana lagu guuleystey in Raabidada la qotomiyo oo Urur jira noqoto sanadkii 2002-dii.
Waxyaabaha ay qabatey markaynu fiirino waxaa runtii la dhihi karaa wax wayn markii u horeysey oo Culumo Soomaaliyeed ay Urur Dallad yeelato, isukeenida Culumada Soomaaliyeed waa mid, in la helo afka Culumaa’u diinka Soomaaliyeed cid ku hadashana in la helana waa mid, waxaa kaloo ka mid ah waxyaabaha aan qabaney waxyaabaha Shareecada Islaamka ka hor imaanaya markiiba in codka Culimada aan ku hadalno oo aan difaacno, waxaad xusuusataa markii la joogey Shirkii Eldored nimankii yiri waxaan nahay Masiixiyeen oo Soomaali baa nahay oo waxaan nahay in na la siiyo kaalinteena shirka, taas Culimada bayaan bay ka soo saartey ay leeyihiin qof Soomaali ah Masiixi ma noqon karo waa Murtad, marka arintaas oo runtii foolxun Mujtamaca Soomaaliyeed marka loo fiiriyo oo 100% Muslim ah, Dallada arintaas si fiican bay uga hortagtey.
Waxyaabaha kale ee la qabtey waxaa ka mid ah maadaama Dawlad aan ka jirin Soomaaliya oo Wasaaradii Diinta iyo Awqaafta aan jirin booskii inaan u galno Xujayda Soomaaliyeed, waxyaabihii ku saabsanaa Xajka iyo shuruuduhuu ku ansaxayay iyo waxa uu ku halaabayay wixii oo dhan baan intaan ilaa iyo dhawr kun Nusqadood intaan qorney oo jeebkanaga ah oo Culumo u saarney u qaybinay dadka soo Xajinaya ayadoo lacag la’ aan ah.

Himilo: Ayadoo Af Soomaali ah ?

Sh.Nuur: Haa aydoo Soomaali ah, waxyaabaha la qabtey waxaa kaloo ka mid ah mar walba inaan isku dayno Soomaalida waxay had iyo goor isku khilaaftaa dhalashada bisha Ramadaan iyo Ciidaha, waxaan jahuud fara badan ku bixinaa inaan Culumada mideyno oo Umaddu isku khilaafin taas oo aad u dhici jirtey, bacda dadaal badan waxaad Faaraxow xusuusan tahay Bishan Soom Ramadaanta aan ku jirno markii u horeysey oo ayadoo Dawlad xoog wax ku muquunisa jirin hal mar lawada Soomey bey ahayd oo dadka intiisa badan 99% wax ka badan, kolka waxay ahayd jahuud badan oo bisha Ramadaan intaan la gaarin Muxaadarooyin badan aan Masaajidada ka jeediney, Idaacadaha oo aan ka hadalney ayay ku timid haddana Insha Allah Ciidda Markey dhalan rabto sidaas oo kale ayaan samaynaynaa si Ciiddiina loogu midoobo Insha Allah.

Himilo: Gudida Dallada waa kuwa inta badan Xamar jooga, xiriir mala samaysaan Culumada kale ee dalka ku firirsan mana ka mid yihiin Dallada?

Sh. Nuur: Waxaa weeye Culumada Gobolada jooga waa ogaysiiney meelaha qaarkood sida Bari iyo Waqooyi Galbeed, iyo Gobolo kaleba sida Hiiran culumo Joogta oo wakiil noo ah ayaa jirta hadana waxaan anagu ku talagalney markii Amni iyo Nidaam la helo degmooyinkii iyo Tuulooyinkii Culumada in laga Keeno oo Shirwayne Xamar lagu qabto oo markaas Raabidadii dhidibadda loogu aaso Urur wayn oo Culumaddii Soomaliyeed oo dhan ay ku mideysan yihiin, inkastoo Xamar ay Caasimad tahay oo Qabaa’ilkii Soomaaliyeed Dallada ku mideysan yihiin laakiin si loowada raali noqdo waxaan rabnaa markaas Shirwayne inaan Culumada u qabano sasaa qorshaha noogu jira Insha Allah.

Himilo: Wax hadda idin diidan oo Culumo ah oo Dallada ka tirsanayn ma jiraan ?

Sh. Nuur: Walaahi wax diido xoog badan ma jirto sababtoo ah anaga Culumada qaybaheedii oo dhan meeshan waa laga heli, laakiin Faaraxow waxaad ogataa wax kasta oo la sameeyo haddii 100% khayr iyo wanaag yahay nin uun ka garab hadlo oo yiraahda looma dhamo iyo aniga kuma jirin iyo ma fiicna waa la helayaa, laakiin had iyo goor doc ka yeer baa Af Soomaaliga lagu yiraahdaa doc ka yeerna lama waayo lamina daneeyo waxaas oo kale aqlabilayada mar haddey wada jirto had iyo goor doc ka yeer waa layska helayaa danna lagama galayo?

Himilo: Waxad ka dhawajisey in ay Eldored Jireen dad Soomali ah oo Kirishtan sheegtey waxaana la og yahay Soomaali badan iney Dibadda ku maqan yihiin oo noocya badan leh haddii Nidaam la helo waxaa suurtowda in kuwaad sheegtey oo kale yimaadaan maxaad ugu talagasheen oo ka hortag ah?

Sh. Nuur: Wadanka horta dhibatooyin badan baa ka dhacey dad badan iney dibadaha aadaan way ku khasbanaadeen oo sababta naftii baa meel la geeyo la waayay ee dad badan oo dhaqaale doon ahna way jiraan hadana maca daalika dibadan la aadey khayr iyo sharba waa jirtaa, in waxoogaa nabadgalyo dadku ka helaanoo Mooryaantii halkan dadka layneysey laga nabadgalo waxoogaa nolol ahna la helo way dhici kartaa, laakiin fasaad badan oo xagga akhlaaqda iyo Diin la’aanba oo nin Muslim ah inuu yiraahdo anigu diinta waan ka baxay ayaa la arkey, Murtad buu noqonayaa ninkaas Shareecada Islaamkana waxay qabtaa in la dilo, qaar kale oo akhlaaqiyan isga dhintey oo meelahaas waxa ka jira waad og tahay laba Nin oo isgoorsatey iyo laba Naag oo isguursatey iyo Ragiiyoo dhagaha loo dalooliyay oo dahab loo galiyay, yacni Mujtamaca Soomaliga dadkaas boos ugama banaana ee marka annagu Jaaliyadaha dibadda jira waxaan u tilmaana had iyo goor iney iska ilaaliyaan waxa Diintooda iyo Dhaqankooda dhaawacaya ee mustaqbalkana waxaan rabnaa Insha Allah inaan u isticmaalno Internet-ka maadaama aduunyadiiba Tuula ay iska noqotey, marka meel aan Umaddaas dibadaha jirta kala hadalno yaan Insha Allah ku tala jirnaa, Shareecada iyo Diintana aan ugu sheegno, waxyaabaha kharibaada Diintooda iyo Akhlaaqdooda u keenayana aan uga digno, Soomaali ninkii yiraahda waa masiixiyoobeywaxaan u sheegaynaa waa Murtad bey agtanada ka dhigan tahay, Nin Muslim ahaan jirey ma gaaloobi karo haduu gaaloobana waa Murtad, Masiixi marba ma noqonayo, marka dadkaas inaan Soomaali boos ku lahayn xisbina aan loo ogolayn jiritaankoodana aan marna la aqoonsanayn Soomaliya inuu gawrac uga soo horeeyo anagu saas ayaan u sheegaynaa.

Culumaddii Soomaaliyeed hadaan nahay waxaan u sheegaynaa Soomaaliya maya in la yiraahdo boqolkiiba intaas waa Muslim boqolkiiba intaas waa Kirishtaan, Soomaali 100% waa Muslim Diin aan tan Islaamka ahayna ma yeelanayso.

Himilo: Waxaad sheegtey in Internet-ka aad isticmaalaysaan ma waxaad ula jeedaa in Dallada ay samaysanayso Bog Internet-ka oo Soomali ah?

Sh. Nuur: Saasan rabnaa haddii Alle yiraahdo.

Himilo: Haddii aan fiirino dhinaca Siyaasada waa tii shirka Soomaalida uga socda Kenya la sameeyay Dastuur dood badan dhaliyay waa maxay mawqifkiina ?

Sh. Nuur: Walaahi shirkan Kenya ka socda qof kasta oo Soomali ah markii hore raja wayn buu ka qabey, ihtimaam wayn baa la siinayay in midnimo Qaran la helo, waxay ahayd markii ugu horeysey oo kooxihii iska soo horjeedey wada tageen, marka raja wayn baa laga qabey in Dawlad Soomaaliyeed laga dhiso lakiin meesha waxaa ka soo baxay in shirka sidii la rabey uusan ahayn, dano kale ay soo galeen, meel la isaga ciyaarayo oo dano Soomaali lagu hayn oo la isu meerinayo go’aanadii iyo wixiiba la qorayay, wax saas bey noqotey oo la rabo Dawlad la soo sameeyay oo Soomaali aysan samaysanin laakiin gacmo ajnabi ay soo sameeyeen baa la damcey Soomaali in loo keeno.

Anagana marar badan baan shirkaa ka hadalney, marka hore waa soo dhaweyney waxaan rabney Dawlad Qaran oo Soomaali ah oo rajo saas ah ayaan qabney, laakiin markaan aragney inuu marin habaabey baan Bayaano badan ka soo saarney, ee hadana maalmahan maadama Igad oo dhan shirkii lagu wareejiyay lajnadii maamulayseyna laga dhigey mid shirka kaalmeyneysa waxaa weeye ee Soomaali oo dhan haddii la siinayo fursad danbe oo la isu tago oo TNG-da iyo Golahan cusub ee soo baxay ay tagaan oo Dastuurkiina meelaha uu ka xun yahay laga eego oo dib loo fiiriyo dan Soomaaliyeedna halkaa loo raadiyo anagu waan soo dhawaynaynaa, yacni rajadayadii shirkaas 100% ma dhamaan, laakiin marin habawgii hadduu wali ku socdo oo gacan Ajnabi mar labaad uu ku dhaco kolkaa waxaan ku baaqayna Soomali iney danaheeda ka tashato laakiin hadda waxaan wali leenahay maadaama shirka Kenya taageero Caalamina uu haysto isbedelna uu jiro oo wixii awal laga cabaadayay waxbaa laga bedeli la leeyahay ee Igad oo dhan ay maamulayso oo saddexdii dawladood gacantooda laga saarey oo la caam yeeley waxaan leenahay bal shirkaa halaga wardoono mar kale, taas baad moodaa in danta Soomaliyeed ku jirto mar walbana maslaxada Qaranka iyo Midnimada Soomaaliyeed in la eego yaa dantayada muhiimka ah.

Himilo: Mawqifkiina idinkoo shirka ka maqan baad Bayaan ku cadayseen ma isku daydeen inaad ka qaybgashaan shirka oo waxaad saxaysaan halkaa ka jeedisaan?

Sh. Nuur: Faaraxow waxaan u qorney dalab rasmi ah oo magaca Dallada ayaan shirka u gudbiney waxaa weeye lama yeelin, een shirkaasi kii Carte aad buu u khilaafsan yahay waxa weeye shir dad cadaw ah gacantooda galey lana dagaalamaya Diinta iyo dadka ehlu diinka ah marka looguma tala galin in Culumo fiican iney tagaan, Culumo wax garanaysa oo waxa xun iyo waxa fiican kala sheegi karta oo umadda danaheeda iyo masiirkeeda ku hogaamin karta Culumo sidaas ah iney timado looguma talagalin waaba laga ilaaliyaa Culumada fiican iyo dadka wacyiga leh iyo dadka wadaniyiinta ah…

Himilo: Dabcan dad Culumo ah haddana waa joogan ?

Sh. Nuur: Culumo magacoodey sheegtaane Culumo mateli karta magaca Culumada Soomaaliyed ma ahan, dad iyaga iska tegey bey ahaayeen, mawaaqiftii in shirka laga qaato la rabeyna kama qaadan, marka waxay agtanada ka tahay inan Culumo Soomaaliyeed tagin, Culumada waawayn ee wadankana haddad fiirisidna wax hadda meeshaa jira ma laha, maadaama Culumada aan matalaynana dalab baan qorney waxaa la yiri arimahan meeshan kama soconayaan.

Himilo: Cidda Culumada Diidaysa ma kuwa qabanqabinaya shirkaa mise Soomaalida kale ee ka qaybgalaysa shirkaa?

Sh. Nuur: Walaahi saad ogtahay Soomaalida haddaan hadda wax isbedelin awal iyaga jiritaan qumanba meesha kuma lahayn, anaga warqadda Kiplagat baan ku hagaajiney, asaga iyo saddexdii dawladood ee shirka maamulayay ayaa malaha isla arkey, haddee meeshana saddex dawladood ma maamulayne meesha wadcigeeda waa la socotaa, meel dad gaar ah iska wato ayay ahayd een dadkaasna meel ay wataan Diin loomaba soo dhawaynayo waa Dab iyo Dhagax kala dhawraay.

Himilo: Dadka Soomaalida ah ee shirka jooga ee ayaga heshiin la maxay Culumada ka rumaysan yihiin ma midda ay qabaan baa kuwaaa aad sheegtey ee shirka maamulayay?

Sh. Nuur: Walaahi dee.. kuwan Qabqablayaasha dagaalka ayagu badankoodaba Diin waxba kama yaqaanaan, mana jecla sidaan filayno, intaan hadda ayaga ka naqaanno dad hadda diin u jajaban ma ahan oo kalimaad Siyaasi ah oo layska adeegsado way iska jiraan, ninwalba marka uu rabo Diinta inuu ratigiisa ku kacsado Muslim baan ahay Diinbaan wax ku xukumi waa iska yiraahdaa, waa hadal Siyaasi ah laakiin dadka hadda Qabqablayaasha dagaalka loo yaqaan dad Diin jecel ama shuqul badan Diin ku leh ma ahan marka Diinta koleyba Ilaahey baa leh Soomaali oo dhanna way u taalaa marka Insha Allaah Diinta dad badan oo difaaca way heleysaa laakiin dadka hadda kooxaha ah ee halkaa tagey ee Diin ilaalin badan kuma jirto saasaa ka muuqata.

Himilo: Marka Culumada waxa la idiin diidayaa waa idinkoo raba in dalka dawlad islaam ah ka dhalato soo ma ahan?

Sh. Nuur: Mushkilada waxa weeye qaabkii hadda shirka u socdey, Dawladdii Carta waxyaabaha waa wayn ee lagu dumiyay waxaa ka mid ah in Diin lagu tuhmey, ama Dastuurkii Carta lagu soo sameeyay meela badan oo maslaxadda Islaamka iyo Diinta ay ku jirtey ama Baarlamaanka dad Culumo ah ay soo galeen waxyaabaha loogu marmarsiyoodey waxaa ka mid ahaa waxyaabahaas.

Marka shirkan waxaaba loogu tala galayba wixii Diin ku saabsan in lagu fogeeyo oo lagu sifeeyo, Baarlamaankana dad Culimo ah ayan soo galin, Dastuurkana wixii Diin maslaxa u ah in laga ilaaliyo, marka shirka sidiisaba Diin la’aan buu ku dhisan yahay shir Diin lagu daryeelayaba maba noqon karo shirka qolyahaas wataan.

Himilo: Ma rumaysan tihiin in ujeedooyinka shirka ay ka mid yihiin in dalka kala qaybsanaado?

Sh. Nuur: Walaahi dee haddey iyaga u suurta galayso, hadda matalan Federal bey aad u wadwadaan, Federaalna marka hadda Soomaali loo fiiriyo ama dhawr iyo tobnankii sano ee dagaalka ahaaye la soo marey amaba wadcigan Soomaalida ee Qabaliga ahba marka la fiiriyo yacni Federaalka aniga agtayda wax uu iiga dhigan yahay in la bilaabey Soomaali in la qaybiyaba.Marka qolyahan ayagu waa soo dhawaynahayaan waxaad og tahay hadalkii Danial Arab Moi uu runtii ka run sheegey xaqiiqda jirta marna Itoobiya iyo Kenya inaaney ogolayn dawlad xoog badan Soomaaliya iney ka dhalato maadaama labaduba dhul Soomaaliyeed ay haystaan, marka meesha khiyaano iyo mu’ aamaraad buu shirkaa oo dhan ku dhisan yahaye xataa Soomaali in Dawlad loogu dhiso iney rabaanba ma moodid, iney Umadda waqtiga ka halaagaan haddeyba Soomaali tashan layadba in la garab mariyo yaad moodaa, aduunyadoo dhan ma qabo iney sidaas wada tahay laakiin dawladaha aan deriska nahay waxaa xaqiiqo ah niyad fiican inaaney lahayn.

Himilo: Shirkaa Kenya inta la joogey dad ka qaybgalayay oo Soomaali ah baa lagu diley halkaa maxay Dallada Culumada arintaa ka qabtaa?

Sh. Nuur: Soomaalidu waxay dhahdaat Ri walba shililkey is dhigtaa lagu qalaa, Soomaali iyadaa waxaan isu keensatey, iney meelaha qaxooti ku ahaato, in Cunto loo qayqaybiyo, in habeenba hoteelka laga xirto, Cuntadii loo diido ayagoo Sooman, waxyaaba badan ba soo dhacay, in ayaga iyo Doofaaro meel layskula xareeyo, in marka danbeba la laayaba oo raggii muuqmuuqdey ee waxtarka ahaa maalinba la yiraahdo mid baa la diley, Axmed Rashiid baa u danbeeyay waa la socotaa, runtiina waxaas oo dhan waxay qayb ka yihiin mu’amrooyinka jirey, marka Ummadda Soomaaliyeed iney digtoonideeda qaadato oo Ilaahii khaaliqa ahaa ee abuuray ay u tawbad keenaan wadankoodana u soo noqdaan oo maslaxadda Umadda Soomaaliyeedna ay ka tashadaan, isu tanasulaan oo xal Soomaalidu u madaxbanaan tahay ay raadiyaan taa uunbaa lagaga bixi karaa Ihaanadan hadda lagu jiro.

Himilo: Arimaha Nabadgalyada Gudaha haddan u soo noqono dhibaatooyin badan oo nabadgalyada la xiriira ayaa jira oo afduub iyo dil leh oo Beelaha dadka wax dilaya ama afduubaya ay ka soo jeedaanna wax badan ka qaban karaan ka hortagga arintaas, maxay hadaba Dallada Culimada arimahaas ka gaysteen oo wacyigalin ama wax qabasho ah?

Sh. Nuur: Meel aan Dawlad ka jirin shacab hubaysan wixii la doona la sameeyaa, cabsidii Ilaahey way yaraatey dad mooryaan ahoo qorya haysta oo Ilaahey aqoon ba iska jira, Dawlad laga cabsado oo Ciidan lehna ma joogto marka wax walba waa dhacayaan, Afduub iyo isbaaro ayadoo Dawlad Qaran la dhisin ma joogsanayo.Waxyaabaha hadda la samaynayo ee difaaca madaniga waa wax Antidalora ah oo xanuun joojis ah ee marna ma noqonayso xal rasmi ah, marka waxaa Afduub lagaga bixi karaa iyo dhibaatada wadanka ka jirta oo dhan in la helo dawlad Soomaaliyeed oo barnaamijkeeda oo dhan wadata, inta ka horeysana anaga xal gaaban oo ah wixii wacdi ah ama tilmaan ah oo xaafad xaafad in la isugu duubmo oo mooryaanta looga hortago waan ka shaqaynaa.

Himilo: Dad Ganacsato ah oo magac leh oo xitaa Maleeshiyooyin haysta ayaa ka mid ah Beelaha ay Afduubayaasha ka soo jeedaan kuwaas ma kala hadasheen iney kooxahan ka hortagaan?

Sh. Nuur: Ganacsatada iyo Duqayda Beelaha Shirar iyo wadahadal baa noo socda sidii mashaakilkan looga hortagi lahaa, marka muddo dheerbaan soo wadney hadana waa wadnaa.

Himilo: Dhinaca kale Ciiddii Soonfur ayaa soo fool leh maxaad dadwaynaha ugu talagasheen oo aad u sheegaysaan?

Sh. Nuur: Waxaa aan u sheegeynaa dadwaynaha in sidii Soonka awalkiisa loogu midoobey in loogu midoobo Ciidana, Dallada Warfaafinta ayay fadhiisan doontaa Bishii bey raadinaysaa, haddii Bisha aan aragno habeenka Talaadada Soo galayso Idaacadaha ayaan kaga dhawaaqaynaa.

Himilo: Haddii khilaafkii soo noqdo maxaad ku tala gasheen?

Sh. Nuur: Haddee marba haddii aanan anaga dawlad ahayn sida maslaxada iyo khayrka ku jirto oo Diinta ay qabto ayaan u sheegaynaa, marka Soomaalida maadama ay Isniin wada Soontey iney Ciidda Talaado noqoto wa suurtagal iney Arbaco noqotana way dhici kartaa waxayna ku xiran tahay Bisha aragtideeda, Bishii baa la arkey ninkii yeeli waayo dee asagey u taal, Aakhiro iyo Aduunba asagaa ku halaagsami, laakiin anaga wax sugan baan rabnaa in Umadda ku hogaamino.

Himilo: Maxaa Shacaa’ir ah oo Maalinta Ciida ku tala gasheen?

Sh. Nuur: Maalinta Ciidda sida caadada noo ahaan jirtey waxaa lagu Dukadaa Istaadiyo Muqdisho, halkaasaa Ilaaheyna lagu baryaa Insha Allah waxaan rajaynaa anaga iyo gobolka Banaadir in arimahaas iska kaashano oo inta garoonkii la xaaqo la nadiifiyo oo salaadii Ciidda iyo ducooyin ugu qabano ayaan rajaynaynaa.

Himilo: Sh.Nuur Gobolada Soomaalida qaar waxaa ka jira Abaaro oo Roobkii Dayrta ayaan da’in ama yaraadey waxaana mas’uuliyiinta goobahaas qaar bilaabeen iney u qayla dhaamiyaan hay’adaha ajnabiga si gargaar loo soo gaarsiiyo, marka ka Dallad iyo Culumo ahaanba dadka ma ku booriseen iny Alle baryaan oo Roobdoon sameeyaan?

Sh. Nuur: Arintaas ayaan dhowayd baan ka wada hadalney, Masaajidda iyo meelaha aan ka hadalnana waan ka sheegnaa.Arintaan oo kale xalkeeda Gaalo in lagu ordo ma ahee waa in Alle lagu ordo Ilaahey baa gacan weyne oo Barwaaqadiisa lagu barwaaqoobi karaa Soomaali Roob bey u baahan tahee Qamadi Bakhaarada Gaalada ku duqoobey waxba u tari mayo, marka Umadda anoo waraysigan ka faa’idaysanaya waxaan Soomaali ugu baaqayaa meel kasta ay joogto in Salaada Istisqaha loogu soo baxo oo hadda Soom baa lagu jiraa hadaan Soom lagu jirin waxaan dhihi lahayn ha la Soomo lakiin hadda waaba la Sooman yahay, in banaanada loo baxo Caruurta, Dumarka iyo Duqyda iyo Dadka oo dhan Ilaahey la baryo Salaadii Istisqaha la dukada Illaahey Roob la waydiisto sidaas ayaan Soomaalida ugu Baaqaynaa, Ilaaheyna waxaan uga baryaynaa Umadda Soomaaliyeed inuu Abaarta ka qaado, Nabad la’aantana ka qaado, Nabadgalya la’aantana Nabadgalyo ugu badalo.

Himilo: Xagga xiriirkiina Culumada Soomalida maxaa dhihi lahayd?

Sh. Nuur: Waxaan dhihi lahaa Culumada Soomaliyeed meel ay joogaanba iney Raabidadaas ku midooban oo la soo xiriiraan ayaan ugu Baaqaynaa xafiiskana waxa uu ku yaalaa xaruunta Maxkamada Islaamiga Xarar Yaale Insha Allah Goboladana waa laga furi doonaa, guud ahaanna Caalamka Islaamka gaar ahaan Shacabka iyo Culumada Soomaaliyeedna Salaan ayaan u fidinayaa.

Source Himilo.com
Novermber 24, 2003

No comments: