Wednesday, November 03, 2004

Erayga Eebbe & Somaliland

Somaliland: ololaha Kiristaan fidinta oo weji cusub yeeshay

Jimce August 29, 2003
Qalimada iyo qoraalada Ciise Masiixi ayaa ciyaala-iskuulka hadh cad lagaga iibiyaa Hargeysa dhexdeeda.Ujeedooyinkan dambe, suuqyada magaalooyinka Somaliland oo Hargeysa ay ku jirto waxa si mug leh ugu faafaya alaabooyin lagu xayeysiinayo Aaminaadda iyo Rumaynta Dariiqada Diinta Masiixiga.

Qalabyada dacaayada wanaagsan loogu sameeyey qaadashada Diinta Masiixiga waxa ka mid ah buuggaag iyo qalimo korkooda lagu xardhay qoraalo iyo sawiro lagu muujiyey in dariiqa keli ah ee gaadhsiin karaya guusha Eebbe in ay tahay rumaynta Nebi Ciise Mabaadid Diinta Masiixiga.Shaki kuma jiro, danta laga leeyahay faafinta alaabooyinka xambaarsan dacwad iyo farriimaha diiniga Kiristaaniga ah in ay tahay hawlgal agaasiman oo fasahaadin iyo gaaleyn ah oo la doonayo in bulshada muslimka ah lagu duufsado oo lagaga saaro iimaanka saalixa ah iyo caqiiqdada suubban ee Islaamnimada iyo Kitaabka xaq ah ee ALLAAH ku barakeeyey ummadda Islaamka.

Khatarta ugu weyn waxa weeye, alaabooyinkaa xambaarsan falsafadda gaalnimo in qaarkood hadda si ganacsi ah oo aan qarsoodi ahayn loogu iibiyo suuqyada magaalada Hargeysa, kuwaas oo ay ka mid yihiin qalimo noocoodu yahay “Pen” ayaa si caadi ah loogu iibinayaa macdaarada iyo meheradaha yar-yar iyo weliba ganacsiga wadhatada ah ee loo yaqaano Jeebleyaasha miisaska wax ku dul iibiya.Qalimadaasi waxa ay hadda si ballaadhan ugu baaheen ardayda yar-yar ee wax ka barata dugsiyada caadiga ah iyo Mac-hadyada tirada badan ee waxbarashada gaarka ah.

Qalimadaasi waa qaar dhuu-dhuuban oo qaabkooda iyo far-qoraalkooduba aad u qurux badan yahay laguna dheehay midabyo kala noocyo duwan, si weyn u soo jiidanaya carruurta da’da yar ee ardayda ah.Qalimadaa korkooda waxa si wanaagsan loogu xardhay qoraalo iyo weedho kala duwan oo huwan macneyaal Masiixi ah. Weedhahaas oo dhadhankooda iyo dhigaalkooduba si sahlan ugu dhibci karayaan maskaxda carruurta da’da yar iyo dadka wax-ma-garadka ahba, waxa ka mid ah kuwan:“Victory is Sure in Jesus.” Taas oo macnaheedu noqonayo: “Waxa hubanti ah in guuli ku suganaatay Ciise dhexdii.” Haddii si fudud loo yidhaahdo micnaha weedha waxa uu noqonayaa “Waxa lagu hubaa guushu inay ku jirto Diinta Nebi Ciise.”Qaar qalimadaa ka mid ah, waxa iyana ku qoran; “The Gift God is Eternal Life Through Jesus Christ Our Lord.” Taas oo macnaheedu yahay:“Gallada Eebbe waa Ilaaheenna Ciise Masiixi oo loo sii Maro Nolosha Aakhiro ee Lagu Waarayo.”

Amuurtani waxay marag cad u tahay in weerar culus oo weji cusub leh lagu soo jiheeyey bulshadeenna war-ma-qabtada ah, si loogala dagaalamo caqiidada Islaamka ee xaqa ah, isla markaana si badheedh ah loogu soo jiheeyey qorshe la doonayo in bulshadeenna Muslimka ah lagu Gaalaynayo, isla markaana si tartiib-tartiib ah loo waraabinayo taxliisha Kiristaamaynta.Sidaa darteed, waxaanu ku baraarujinaynaa ummadda Somaliland in ay ka feejignaadaan ololaha wejiga cusub ee weerarada Kiristaamaynta ah.

Isla markaana waxaanu u soo jeedinaynaa culimaa’udiinka iyo dadka waxgaradka ah in ay u hawlgalaan wacyigelinta bulshada, iyo barnaamijyo lagaga hortagayo dagaalka lagula jiro Diinta Islaamka.Maamulka dawliga ah ee Somaliland waxaanu ugu baaqaynaa in ay ku dhaqaaqdo tallaabooyin deg-deg ah oo ay wax kaga qabanayso qorsheyaasha Kiristaamaysan, gaar ahaan alaabooyinka xambaarsan xayeysiisyada Masiixinimo ee lagu faafinayo magaalooyinka.

Isha Warka: Jamhuuriya

Source: Burtinle, Jimce August 29, 2003

No comments: