Tuesday, November 30, 2004

Geeraar: Ruuxii Ilaahow


Brother Mohammed

Gabankii Eebeheenee
Daa’uud loogu abtiriyoow
Israaiil firkiisoow
Aarkii Yuhuudoow
Ruuxii Ilaahoow
Eraygii Waqay ee
Dunida loo abuuroow

Awaloow Masiixoow
Iftiinkii baxaayoow
Nuurkii abaadoow
Ilays aan damaynoo
Cidi aasi karinoow
Abid kii jiraayoow
Alfa iyo Omeegoow
Aadanaha hortiisaba
Kii ahaani jirayoow
Asalkii Waqay ee
Innaba aan doorsoon
Laga eegahaynoow
Waligii ma iishoow

Boqorkii ammaantee
Haybad loo ogaayee
Uumiyaha dhammaan
Ifka inta joogtiyo
Inta aadday aakhiro
Lagu soo ag qabanee
Asaagiisu jirinoow

Amiirkii nabadoow
Cafis kii abaadshee
Kuwii isaga aabiyay
Dambigoodii oofshee
Aan lahayn asaayee
Aarsi aan aqoonoow

Aabihii jacaylkoow
Dambigeenna awgii
Asiiliguu lahaa iyo
Alabkii carshiga sare
Arinkeenna uga yimid
Loo ajalay gefkeennoow

Naxariis abkeedoow
Dhibta uu arkaayiyo
Cabashadii aadmiga
kii ahaa ijaaboow

Sayidkii adduunkoow
Kii abuuray dunidee
Erayguu yidhaahdaba
U ahaani jirayee
Ammar oo dhan yeeshoow

Unuggii nimcaadoow
Kii anfaca bixiyee
Kumanaan arsaaqee
Agagaarkuu joogiyo
Gaajo ool agtiisoow

Rabbigii arwaaxdoow
Aadan intuu dhalay
Kay ku oogsadeeneen
Rejo eeganaynoow
Jinnigiyo ibliiskiyo
Shaydaanka ubadkii
Kii ammarka siiyee
Ay ka anfariireen
Erayguu yidhaahdee
Ka adkaa sharleydoow

Arbihii itaalkee
Quwad loo ogaayoow
Xoog kii abaadeen
Marna laga adkaanee
Qolo aabiyaynee
Aan laga irdhoonoow

Agmadkii axkaantoow
Xigmad aanaheedoow
Kii loo ogaayee
Aqli laga isiriyoow
Abwaanoow aftahankii
Soo askumay aqoontoow
Orta kii yaqaanee
Hadalkana abuuroow
Ilaheeda garashada
Kaan lala ekaynoow

Sayidkaan addeecnoow
Kaan uruursan maalee
Oori aan lahaynee
Aqal aan u hoyanee
Arrimaha adduunkiyo
Waxa yaal arladan iyo
Aan asiibin damac ee
Ku abaaday khayrkoow

Kali ayda meeroow
Cidla aag wareegoow
Afartan maalin soon iyo
Duco aawadeen iyo
Xumaheen ka ooyoow

Samir eheladiisoow
Kii la aabiyaayee
Af lagaado oo idil
Dusha aayar saartoow
Qurux iyo edaab iyo
Rabbigii asluubtoow

Axdigii heshiiskoow
Dambigii abkoowgeen
Dhiiggiisu aasoow
Warsan kii inshaaree
Injiilka noogu baaqee
Samaha noo ahaayoow

Xayi kii ahaayee
Ka adkaaday iilkee
Loo oofshay samadee
Carshigiisii aadee
Eebeheen la joogee
Ayaantaa qiyaamaha
Kaan eeganaynee
Abshir noo ahaayoow

Ma awaalo beenoo
Asaraar ma fiicnee
Afka lagama qaadoow
Sayidkaan addeecnee
Xertiisii ahaanee
Injiilkiisa raacnee
Eraygiisa weyn iyo
Magaciisa Eebahay
Ku nidhaahnay aamiin
Idilkood dadkiisiyo
Intaa aamintee sugi
Ruuxiisu oonkiyo
Ha ka saaro eelaha
Ha arkeen ayaankaa.

No comments: