Thursday, November 04, 2004

Waannu Faafinaynaa Waana Aan Ku Faannaa!

Julay,30.2004 Somalia

Faafinta kirishtaanka & halista ay ku hayso Soomaliya

Faafinta diinta Kirishtanka ma ahan mid ku cusub dunida islaamka guud ahaan iyo Soomaaliya gaar ahaan iyadoo la ogyahay in kooxaha kirishtanka ay kumanaan sano dadaal ugu jireen sidii ay dad fara badan oo islaam ah uga saari lahaayeen Diintooda ugana dhgi lahaayeen Kirishtan.

Waxaa hubaal ah in faafidda Diinta islaamku uu Qatar weyn geliyey awooddii masiixiyadda, taasina waxay reer Galbeedka ku kaliftay in ay cuqdad ba’an u qaadaan islaamka maadaama ay u arkayaan badashada dadka islaamka ah mid gebi ahaanba tirtiri karta kirishtanka ay rumeysan yihiin.

Kooxaha faafiya Diinta Kirishtanka waxay ololahooda la bilaabeen dagaaladii kirishtanka iyagoo ku shaqeynaya qaab ku saleysan duulaan xagga fekerka ah oo ay ku luminayaan dadka islaamka ah, sidaas darted dad badan oo faafiya Diinta Kirishtanka ayaa socdaalo kala geddisan ku yimid dunida islaamka si ay shaki xagga caqiidada ah ugu abuuraan dadka islaamka isla markaana ka shakisiiyaan Qur’aanka iyo axaadiista Nebiga NNKH.

Dadkaan kirishtanka ah ee u adeega fidinta diintooda waxay dadka muslimiinta ah ka dhaadhiciyaan in Qur’aanka iyo Sunnadu ay yihiin kuwo Nebi Muxamed uu iska degsaday iyadoo dantoodu tahay baabi’inta Diinta islaamka.

Waxaa dhacday muddo badana socotay in dadka faafiya diinta kirishtanka ay qoraalo fara badan oo afaf kala geddisan ku tarjuman u qeybiyeen dad muslimiin ah oo badankood ah kuwo aan waxba aqoon amaba carruur ah amaba qaarkood ay qaadday dhaqaale darro.Waxay kaloo sameeyeen in ay ardayda ay wax bareen u soo dhiibaan sunta Kirishtanka kaddib markii dad fara badan oo Muslimiin ah ay waxbarasho u doonteen Qaaradda Yurub iyo Ameerika, waxayna ardayda ka soo baxday jaamacadahooda iyo Iskuuladooda inta badan waxyaabaha loo soo dhiibay ku soo qaadeen qalbiga isla markaana keeneen dalalka islaamka.

Farsamooyin kala geddisan ayey kirishtanku u adeegsadaan faafinta Diintooda, waxaana ka mid ah iyagoo dadka ugu soo dhuunta ilbaxnimada isbeddelada bulshooyinka, saboolnimada iyo waxyaabo kale oo fara badan iyadoo la ogyahay in deegaano fara badan oo Muslimiin daggan yihiin ay ka jiraan dhibaatooyin saboolku u xoog badan yahay, sidaas darteedna ay masaaxiyiintu hubkooda lacagta ugu badan ku bixiyaan meelaha caynkaas ah.
Dhaqaalaha loo adeegsado faafinta Kirishtanka ayaa beddelay booskii xilliyadii hore ay ka dagaalami jireen ciidamada hubeysan iyadoo inta badan dalalka Kirishtanka ah ay weerarkooda ka dhanka ah islaamka u wareejiyeen xagga duulaanka fekerka ku dhisan.

Soomaaliya waxay ka mid tahay dalalka islaamka ah ee dhibaatadaas muddo sanado ah laga dhex waday balse nasiib wanaag dhibaato muuqata Kirishtanku uma geysan Soomaalida, balse waxaa xilliyadaan dambe cirka isku soo shareeray firfircoonida ay ku shaqeynayaan weliba iyagoo adeegsanaya dad Soomaali ah oo Musliminimadoodu shaki ku jirto, sababtoo ah macquul ma aha in qof islaam sheeganaya uu Carruur yar yar u qeybiyo waxyaabo ku caraadinayo qaadashada Kirishtanka.

Alle subxaanahu watacalaa wuxuu soo dajiyey afar Kutub oo mid kasta lagu soo dajiyey Nebi ka mid ah Rusushii uu dadka u soo diray, Kutubtaas waxay kala yihiin Zabuur oo Alle ku soo dajiyey Nebiyulaahi Daa’uud Bin Suleymaan, Towraat oo Alle ku soo dajiyey Nebi Muuse, Injiil oo Alle ku soo dajiyey Nebi Ciise iyo Qur’aanka oo Alle ku soo dajiyey Nebi Muxamed NNKH.

Kutubtaas afarta ah waxaa waajib ah in qof kasta oo Muslim ah uu rumeysnaado inkastoo saddexda hore la nasaqay oo uu beddelay Kitaabka Qur’aanka ee imminka yaala, balse saddexdaas Kutub ee hore wixii waafaqsan Qur’aanka Kariimka ah waa wax la qaadan karo.

Haddaba Kirishtanka maanta ku nool dunida waxa ay dadka ku indhasar-caadinayaan waa waxyaabo baadil ah oo ay ku andacoodaan in ay ka soo qaateen Injiilkii Nebi Ciise, waxaana xaqiiqo ah in Baybalka ay qeybiyaan uu yahay Injiilkaas oo ay waxyaabo fara badan ka saareen, waxyaabo fara badan oo quraafaad ahna ka buuxiyeen iyagoo eeganaya danahooda isla markaana dadka ku qaldaya in ay haystaan Kitaab Alle soo dajiyey.

Waxay sameeyeen Baybalo kala geddisan oo qolo walba kan ay wadato ku sheegayso in uu yahay Injiilkii saxda ahaa, waxayna beddelidda Injiilka bilaabeen xilligii la soo saarayey Nebigeena NNKH, iyagoo xilligaas doonayey in ay ka horjeestaan Nebi Muxamed oo Carab laga soo saaray sababtoo ah xilligii hore wey ogaayeen in Nebi aakhiru-samaan soo baxayo, waxayse aaminsanaayeen in laga soo saarayo reer Banii Israa’iil, balse uu markii uu Carab noqday ayey inkireen in Kitaabkooda laga helayo tilmaamaha Nebiga la soo saarayo, maanta oo soo saariddii Nebi Max’ed NNKH 1,500 oo sano waxyaabo fara badan ayey ka beddeleen Injiilka.

Xaaladdu maadaama ay halkaan mareyso waxaa dadka Soomaaliyeed looga baahan yahay in ay Diintooda ilaashadaan, carruurtoodana kala baxaan Dugsiyada lagu qeybiyo Baybalka isla markaana ay geystaa dugsiyada laga dhigo Diinta islaamka, waxaana sidoo kale bulshada waajib ku ah in ay dagaal dhab ah la galaan dadka keenaya waxyaabahaan ha noqdaan ajnabi, Soomaali-se ha ahaadaane.

C/laahi Xasan
Alhudamedia.com

Source: Alhudamedia
July 30, 2004

No comments: