Sunday, January 02, 2005

Waraysi: Guddoomiyaha Masiixiyiinta Soomaaliyeed

Waxaa galabta kula shiray magaalada Eldoret Guddoomiyaha Guddida Farsamada, Bethwel Kiplagat nin Soomaali ah oo haysta diinta Masiixiga, sheegeyna inuu yahay Guddoomiyaha urur Christian ah oo la yiraahdo Bulshada Masiixiga Soomaaliya. Ninkaas waxaa la yiraahdaa Axmed Cabdi Axmed.

Kulanka ka hor ayaan la fariistay, waxaanan la yeeshay wareysigan:

S: Marka hore, waxaan jecelahay inaan ku weydiiyo taariikhdaada?

J: Anigu, waxaan ku dhashay gobolka Bari, magaalada Qardho 1952-kii. Waxaan wax ku bartay Muqdisho iyo agagaarkeeda iyo gobolka Banaadir intii la dhihi jiray. Waxaan ka soo qayb galay maamulladii hore ee dalka. Waxaan noqday danjire. Waxaan noqday Qunsul. Kaddibna waan ka tagay shaqada. Waxaan Danjiraha ka noqday Kenya iyo Sweden.

S: Goormee la sameeyey Ururkaan?

J: Ururkaan waa urur horey u jiray illaa 1960-kii. Ma ahan mid hadda dhashay. Waa urur ay ku bahoobeen ummad fara badan oo rumeysan diinta Masiixiga. Illaa hadda waxaa ka mid ah qiyaas ahaan 13,000 oo qofood.

S: Saddex iyo toban kun waa dad aad u badan, mana qarsoomi karaan. Intee kala joogaan?

J: Waxay kala joogaan dalka gudihiisa iyo dibaddiisa. Dalka gudihiisa, waxaan ku leennahay xarumo. Waxay ku taallaa Muqdisho, Buaale, Saakow iyo Kismaayo. Xarunta Xamar waxay ku taallaa dhinaca Black Sea. Waxaan soo moogahay Soomaaliya shan bilood. Xarunteenna ugu weyni waxay ku taallaa Mareykanka, magaalada New York.

S: Ururkaan adiga ka hor, yaa guddoomiye ka ahaan jiray?

J: Waxaa ka ahaan jiray nin kale oo Xersi la yiraahdo oo Mareykanka deggan.

S: Diinta Masiixigu, waa illaa toddaba mad-habood. Mad-habtee haysataan, ma Catholic, Protestant, Anglican, Orthodox, mise Qibdiyiin baa tihiin?

J: Sida aad u maqashay waa si qalad ah, laakiin diinta Masiixigu waa mid. Mad-habo ayay leedahay la kala aaminsan yahay, waana uun mid. Annagu haddaan Soomaali nahay mad-hab kala geddisan oo fara badan ma kala lihin. Waxaanu nahay Protestant iyo Catholic.

S: Axmedow, Christian-nimada ma ku dhalatay mise waayadaan ayaad Gaal noqotay?

J: Anigu waxaan Masiixi noqday 19966-kii. Waxaan jiray markaas 12 sano.

S: Ma waxad ka mid ahayd qolooyinkii Mennonite Mission-adii?

J: Haa, anigu waxaan ahaa Mennonite Mission-kii Jowhar, kii Mahaddaay iyo midkii ku yaallay Jamaame.

S: Dad baa waxa ay ii sheegeen inaad dhaqtar tahay

J: Waa run. Waxaan ahay dhaqtar cudurrada guud iyo qalliinka.

S: Dhowaan, waxaad ku daadiseen shirka qoraallo aad tixgelin ku doonaysaan. Waxa aad doonaysaan inaad shirka ka noqotaan waa maxay?

J: Waxaan doonaynaa annagu haddaan nahay bulshada Christian-ka ah ee Soomaaliyeed in xuquuqdeenna la aqoonsado. Waxaan shirka ka doonaynaa inaan ka helno xubin maamulka dowladda.

S: Xuquuqdiinnu waa maxay markaa?

J: Xuquuqdeennu waa inaan nahay muwaadiniin Soomaali ah oo xaq ku leh ciidda iyo calanka.

S: Marka la fiiriyo arrintan Masiixnimada, Soomaalida dhexdeeda waa issue aad xasaasi u ah. Marka, sidee waxan aad rabtaan ku hirgelin kartaan?

J: Wax mushkilad ah ma laha. Qolada aan ahayn marka laga reebo argagixisada ama aan ahayn Muslim fundamentalist (Muslimiinta asal-raaca ah). Inta kale waa caadi. Dadka reer magaalka ahi waxay noo arkaan inay tahay arrintani diin, qofkuna wuxuu doono uu xaq u leeyahay inuu doono rumeeyo. Qolooyinkaanna, dad wax isku darsada ma nihin, waa argagixisada.

S: Dadka badankood waa Islaam 99%. Sidee u aragtaan Islaamnimada?

J: Islaanka waxaan u aragnaa diimaha dunida jira mid ka mid ah, oo weliba midda ugu shacbiyadda badan caalamka inay tahay.

S: Dad baa waxa ay leeyihiin nimankaan isku magacaabay bulshada Christian-ka ah ee Soomaaliya, ma ahan Christian ee waa murtidiin. Dooddaas ka warran?

J: Waxaas waa beentood, waana dad Ilaahoodii ka fogaaday. Annagu dad Masiixiyiin ah baanu nahay, dad aqoonyahanno ah ayaana u badannahay. Waxaan ku raadsanaynaa ma jirtee xuquuqdeenna iyo Masiixnnimadeenna in la aqoonsadaan doonaynaa.

S: Soomaalida wareysigaaga akhrisan doona; maxaad gaarsiin lahayd?

J: Ummadda Soomaalida, waxaan u sheegi lahaa inay aqoonsadaan diimaha adduunku inay badan yihiin, ninkuna uu xaq u leeyahay in diintuu doono uu aqoonsan karo, diintuu doonana uu qaadan karo, haddana uu ka mid ahaan karo dalkii iyo ciiddii uu u dhashay.

M/med Xaaji "Ingiriis"Bakaaraha Online, Eldoret, Kenya. E-mail: Ingiriis@yahoo.com

Source: Bakaaraha Online. Febraayo. 14. 2003.

No comments: