Thursday, April 21, 2005

Xisbi Masiixi ah oo Laga Diiwaangelin Waayay Somaliland


Bannaanbax Xamar ka dhacay April 2004 oo looga soo horjeedo Diinta Masiixiga.


XISBI KIRISHTAAN AH OO LAGA DIIDAY IN LAGA DIIWAAN GELIYO SOMALILAND

Waxaa si weyn looga hadal hayaa magaalada Burco oo ka tirsan goboka Tog-dheer in lagu hungoobay mar kale in lagu soo dgex qaldo xisbi kirishtaan ah oo laga diiday in laga diiwan geliyo Somaliland Sannadkii 1991-kii Xisbiga Kirishtaanka .

Xisbigaas oo dano gaar ah aga lahaa ayeey iska diiden dadweynaha Soomaaliland oo 100% muslim ah kooxaha xisbigaas u ololeeya ayaa dadaal ka wada gudaha Jamhuuriyadda Somaliland iyo dibeddaba.

C/fitaax Maxamed Salaad (Diyeeshe)
Gobanimo.com, Mogadishu-Somalia

5 comments:

Anonymous said...

Kumanaan dad ah oo ku Banaanbaxay Muqdisho


April 23, 2004
Faarax Cumar

Muqdisho, (HIMILO) - Banaanbax wayn oo dadwaynaha Muqdisho ay ku cabirayeen dareenkooda ay ku diidan yihiin faafinta kirishtaanka ee Soomaalya ayaa maanta ka dhacey fagaaraha Luuliyada ee Magaalada Muqdisho.

Halkan Riix si aad u daawato sawiro laga soo qaaday banaanbaxa

Banaanbxan oo ay soo qaban qaabisey Dallada Culumada Soomaaliyeed waxaa Dadwaynaha Kumanaanka gaarayay ka sokow ka qaybgaley Culumaa’udiinka Soomaaliyed ee isugu jirey Imaamada Masaajidada, Kuwa duruusta Akhriya iyo Maclamiinta Dugiysda Quraanka oo horkacayay Ardada Dugsiyada kuwaas oo Khudbado halkaa ay ka jeediyeen kaga hadley hawlaha Kirishtaamaynta ee ka socda Dalka.

Khudbadaha waxaa lagu Canbaareeyay Ha’adaha Gaalada ee Dalka jooga ee dhowaan Ardayda Dugsiyada Magaalooyinka qaar u qaybiyay qalab ardada ku dhiirigalinaya iney ku biiran Kirishtaanka.

Sheekh Nuur Baaruud Gurxan oo ah Gudoomiye ku xigeenka Dallada Culumada Soomaaliyeed ayaa Dadwaynaha Muslimiinta uga mahadceliyay sida ay u Muujiyeen dareenka ay ku diidan yihiin in dalkooda iyo Dadkooda lagu fidiyo Diin aan ahayn tan Islaammka .

Sheekh Nuur Baaruud waxaa uu uga yeerey Ha’adaha hawlaha Kirishtaan fidinta wada iney dalka Soomaaliya isaga baxaan .

Jawiga Banaanbaxa oo aad u xamaasad badnaa waxaa halkaa lagu gubey dhawr baakadood oo ay ku jireen alaabadii ay Hay’ada Swiss church ay u qaybisey Ardada Dugsiyada Magaalada marka kuwaas oo ka koobnaa Buugaag, Boonbalooyin iyo Calaamada Macatabka.

Banaambaxa ayaa waxaa aad uga Muuqdey Shacaa’irta Islaamka waxaana qoraaladii Marooyinka ku qornaa ka mid ahaa Diinteena iibsan mayno , Gumaysi aan eriney noo soo noqon maayo, Diin Baadil Doonimayno iyo Islaamnimadeena ma Iibsanayno iyo halku dhigyo kale oo Tawxiidka ugu horeeyay.

Source:
http://64.233.167.104/search?q=cache:jVu-VKX3wk0J:www.himilo.com/wararka/banaanbax042304.html+kirishtaan&hl=en

Anonymous said...

MEEL FAGAARO AH OO LAGU GUBAY BUUGAAG IYO AGAB KALE OO AY KU ASTEYSAN TAHAY CALAAMADDA KIRISHTANKA

Kumanaan dadweyne ah oo ku nool magaalo madaxda Muqdisho oo aad ugu faraxsan gudbitaanka buugaagta iyo agabka kale ee loogu deeqay arday wax ka baratay dugsiyada dalka qaarkood kuwasoo ku shabbadeysnaa waxyaabo shacaa'ir ah oo lagu weyneynayo diinta kirishtanka ayaa maanta ka soo wada dareeray guryahooda iyagoo ku faraxsanaa ku dhaqaaqidda howshan guusha leh ee ay qabteen culimada Soomaaliyeed.

Dadweynahan oo watay boorar ay ku qoran yihiin hal kudhegyo lagu weynayo diinta Muqaddaska ah ee islaamka, isla markaasna loogaga digayo kuwa sida bareerka ah u soo hujuumay dadka Soomaaliyeed gaar ahaan caruurta Soomaaliyeed caqiidadooda in ay duufsadaan ayaa dhamaantood ku wada farxay markii hal mar basiin la qabadsiiyey agabkaasi watay cudurkiisa.

Banaan baxan oo ka dhacay fagaaraha Tarabuunka ayaa waxaa markii la gubay agabkaasi kaddib iyo ka horba hadlay culimaa'udiin fara badan oo u badnaa kuwo ku jiray dalladda Culimada Soomaaliyeed, iyo kuwo kale oo ay qaadday xamaasad Islaamnimo.

Waxayna ka wada hadleen culimadan sida ay uga soo horjeedaan in dalka lagu faafiyo diin aan aheyn tan Islaamka oo ay sheegeen ninkii isku dayaa uu muteysan doono dhibaato laxaad leh oo mudan qofka faafiya diin Kirishtan.

Sheekh Nuur Baaruud oo ah guddoomiye ku xigeenka dalladda Culimada Soomaaliyeed oo munaasabaddaasi ka hadlayey ayaa sheegay in Soomaaliya weligeed ay aheyd ummada 100% Muslim ah, isla markaana cadowgu uga faa'ideysanayo 14-ka sano ee uu dalku dowlad la'aanta yahay, waxaana uu sheegay taas macnaheedu inaysan aheyn in shacabka Soomaaliyeed uu gabayo diintiisa.

"Waxaanu arkeynaa arrinkan inuu yahay weerar cad oo lagu soo qaaday shacabka Soomaaliyeed gaar ahaan dadka birimageydada ah sida caruurta oo ay rabaan gaaladu inay si fudud uga leexiyaan caqiidadoodii suubaneyd, taasina ma suurto gelin, waana fashilinnay ilaa aan meel uga harno" ayuu yiri Sheekh Nuur Baaruud oo intaa ku daray in maanta ay tahay maalin weyn oo xusid mudan oo la oran karo dadkii diinta Islaamka ku soo duulay waa laga guuleystay.

Ka sokow culimadii halkaasi ka hadashay waxaa jiray dareen xamaasadeed oo ay muujiyeen dadweynihii u soo daawasho tagay xafladdii lagu gubayey agabkaasi ku asteysneyd calaamadda kirishtanka oo ay dalka soo gelisay hay'ad samafal oo magaceeda la yiraahdo Swiss Church, taas oo ay sheegeen in markan wixii ka dambeeya howsha ay dalka ka qabaneyso daba gal lagu sameyn doono, iyadoo dadka halkaas isugu yimidna ay ahaayeen kuwii ugu tirada badnaa muddadii dagaallada sokeeye kaddib.



Januune Muqdisho.

xeraale.com

Source:
http://www.xeraale.com/Meel%20fagaaro%20ah%20oo.htm

Anonymous said...

Hay’add la yiraahdo Afreg oo beenisay in ay qalab Kirishtaameyn ah keentay Kismayo
13, February 2005

Kismayo( Sh.M.Network ) Hay'ad lay iraahdo Afreg ee fadhigeedu uu yahay magaalada Kismayo ayaa si weyn isaga fogeysay eedeymo sheegaya in ay keentay qalab lagu fidinayo diinta kirishtanka magaalada Kismayo.

hay'adani oo lagu eedeynayo in ay keentay qalab wax barasho oo dhinaca diinta kirishtanka lagu faafinayo ayaa shir jaraa'id oo saakay xarunta hay'adaasi ku qabatay ku beenisay arintaasi.

qalabkan oo hay'ada Afreg ay ugu deeqday hay'ad kale oo Mareykan ah ayaa waxaa uu soo gaaray magaalada kismayo 12 kii bishaan, iyadoo qaar ka mid ah saxaafaduna ay si weyn uga hadashay inuu faafinayo diinta kirishtanka.

qaar ka mid ah culuma udiinka magaalada Kismaayo ayaa waxa ay sheegeen in qalabkaasi uu si weyn uga hor imaanayo diinta islaamka.

C/laahi Sheekh Shaafici oo ka mid ah mas'uuliyinta hay;adda Afrke ayaa si weyn ugu nuux nuuxsaday in baahi weyn loo qabo in la helo qalab nuucaan oo kale ah isla markaana qalad iyo meel ka dhac ay ku tahay hay'adda Afreg in ay keento wax u dhimayo diinta iyo dhaqanka Bulshada

Cabdi Maxamed Cigal

Shabelle Media Network, Kismayo

Source:
http://www.shabelle.net/news/n1167.htm

Anonymous said...

Although you gladly confessed apostasy and spewed on us the ugly narrative and the historicity of your treacherous activities, I must say your unwelcome entry of this site illustrates quite convincingly that this crime is serious one and has far reaching consequence. It establishes that apostasy and treason are two sides of the same coin and can hardly be separated. And it commits to the flames that loose argument of this thread’s article, which wrongly but perhaps with sincere intention suggested that apostasy is not as serious crime as Muslims are led to believe and genuinely, but with astounding failure, attempted to present an argument for its permissibility! But in the light of your theatrical presentation of how skillfully you played that double-crossing game of yours the gist of that article and the hesitation of some nomads on this site seem to beg the question.

How would you differentiate between apostasy and treason? Or would you not mind for apostate to actively undertake conversion missions and spread s/he message in the midst of us? If you would, would you there fore go against freedom to choose any faith and present its message to others? That should leave you scratching your head!

For your own safety and information apostasy deservedly is punishable by the ultimate penalty, which’s death. But that said, I believe this religion of ours is against vigilant justice and it demands these حدود to be carried out under Islamic government, which Somalia lacks today. Thusly your co-religions in Somalia should be save unless they live within jurisdiction of the Mogadishu Islamic courts as I believe as an entity they meet the criteria of implementing these laws.

And finally let me predict that your live expectancy in this site will be short as I expect the moderator to spare us from your wicked sermons. This can’t possibly be a platform where you launch those doomed thoughts of yours.

But this writing would not be complete without wishing you to see the light of guidance and return to your rightful place!

Anonymous said...

Brother Kheyr.

As Brother Xiinfanin said earlier, the Islamic Fiqh ( Jurisprudence) grew out of an Islamic state that accepted its rulings, you can not enforce Fiqh rulings in makeshift courts, and even when an Islamic state finds that some of its members are apostates, the wise thing to do is to understand their motives and circumstances that led them to become an apostate in the first place, in the best of ways as Allah SWT says : Wa quuluu lil naasi xusnaa" Say good (words) to people.

The good words that we say do not mean a compromise on our beliefs, but simply a learning process in which our first priority is to save a fellow Somali from the punishment of Allah SWT which is by far worse than any punishment a human can mete out.

What I appreciate is Warsame's candidness in sharing his life history of his conversion to Christianity, (NOT THE FACT THAT HE CONVERTED TO CHRISTIANITY), as deplorable that fact is seen by Allah SWT, it is still the way we see it, not the way Warsame sees it, it therefore in our best interest to engage Brother Warsame in a respectful way so he can too see it our way, for the purpose of finding a common word.

To us that word is Laa ilaaha ilallaah, the epitome of Tawheed , the absolute oneness of the Almighty for which all Messengers were sent, in contrast, to a Christian, that word is Jesus, as they see him the embodiment and encarnation of God as a human (subxaanahu wa tacaalaa camma yaquuluuna culuwan katheeraa).

Discussing the Fiqh Issue of the ruling of Muslims apostates, is one thing, applying the specific rulings of that Fiqh is another thing, and I hope that you are not suggesting that we apply it on Brother Warsame on this forum by talking nasty to him, that would be too naive, and simplistic, since that would deny him the opportunity of understanding and appreciate our faith it as we do. All scholars agree unanimously that an Apostate should be engaged in a positive manner and taught what he may have overlooked, he should also be respected, and given ample time to reconsider his conversion.

Unfortunatley, you have failed to highlight the most important quotes that I wrote, my question about his knowledge of Islam when he converted. Why did I ask that question? because, his knowledge or lack of that knowledge of crucial Tawheed principles matters tremmendously in later rulings as apostacy means changeing a faith, while a person who was a Muslim by Firta alone, and who later adopted a differnt faith is exempted from these rulings which are conditional to prior knowledge, as we will visit once I post my rebuttal.

Thus, I have launched a new page that will allow him and any other Somali Christian to discuss with Somali Muslims on this forum about their faith and ours.

To be calm and patience and tolerant when discussing with others who come from a different persuation is a sign of a desire to help others find the light we found, not a sign of weakness. "Strength", Prophet Mohammad said, "is not the ability to conquer others, but the ability to control ones ( bad actions, words) while under the influence of anger.


Nur