Sunday, November 06, 2005

Haddii Aan Ahaan Lahaa

Haddii aan ahaan lahaa sida nin wax yaqaan waxaan u muusoon
Lahaa sida nin liibaanay .
Doqomadu ha qoteen dhul laga guuri rabo xigmadduna ha ka
Dhex dusto buuraha iyo qalbiyada adkaaday.
Waa beentay haddii aan kugu iraahdo waan faraxsanahay
Laakiin muragadaydu imaba dayn doonto illaa qiyaamaha.
Ha bislaadeen miraha qalbigayga lama dagaanka ah, hana
Qoyeen indhahayga ma naxaanka ah, waa qiiradayda waana
Saldhigayga aayaha ,
Inkastoo aan sida bahal danbiile ah ahay ,inkastoo aan u neef tuuro
Sida jeerta wabiga ,laakiin dad waa tilmaan qaawan oon inaba qaaya lahayn.
Farxaddoodu waxay gashaa murugada walaalkood sida malaayga
Ayayna u dhintaan
Xumaanta waan u gabaynaa ,dheregtana waan ku rayraynaa ,ha
Daalin oo cayrso dunidan jahliga ah.
Ciqaabtaydu waa geerida sida anigoo sakhraansan ayaan carabkayga calaaliyaa Laakiin dad waa wax kale.
Dunidu waa mugdi iftiinkii ka dhamaaday, badduna waxay la huguntaa Mawjaduhuna la ciyaan waa asraar iyo dibindaabyo dad falay.
Fiicanaa dunidu markuusan dulmi jirin aan ku dhaarto inay tahay
Janno si kastoo aan u ooyaba dad waa walaalahay.
Aan ooyo ooyintada maalmeed oon qarwo qarawgayga habeenimo
Badanaa walaalahay oo kasii badanaa intay is dileen.
Haddaan ku nasan lahaa dirintayda dulufka ah ama haddaan ahaan lahaa bakaylaha farxadda la bood booda.
Laakiinn waxaan ahay dulmane aadmi ah waxaa i dulmay dembi
Laakiinse waxaan u dhiman doonaa sida halyeey oo kale.
Farahayga dhuudhuubanoow maxaad la huruddaan, kaca oo qora
Waxa karaahiyo ah ee dadka daboolay.
Qalinkayga crownka ahaaw qaddaadu yaysan dhammaan illaa
Dhulku la gilgisho farxadda waanadaada.
Waan samrayaa illaa aan soo salaamo saaxiibada iga hooseeya
Si kastoo ay iigu buuqaan sariirtaydu waa walwalkayga
Maxaanse timaha isaga rifaa wehelkaygu waa ilaah
Kan igu marti qaaday inaan ku noolaado farax iyo murug wada
Jira.
Kan i quudiyaa wuxuu joogaa xagga sare isagu waa wehelkayga
Waana kan aan doondoono habeen iyo maalin.
Rabbiyoow ilaaha samada iyo dhulkoow kan meel maran
Ka dhiga meel cammiran haa oo waa Ilaah awood leh
Isagaan qalbigayga siiyaa oo isagaan dartiis isu hooseeysiiyaa.
Dadku ha is ka cayaareen laakiin anigu waxaan ku dhex
Barooran doonaa qolkayga gudcurka ah.
Ilaahayoow waxa kaliyaa een hubo waa inaad adigu Ilaah weyn tahay,adigu waxaad tahay kan iga jecel xataa nafteyda.
Kaalaya aan indhaheenna kor u qaadnee oo ha noo muuqdeen
Waxa yaab ah ee Ilaah sameeyay.
Rabbiyoow deeqsisanidaa sow kaligaa kumaad noolaateen
Dunida, laakiin hadda waan isku xishoonayaa indhahaana kaa
Laabanayaa.
maxaa yeelay adigaa ii gartay inaad dad iga dhigto.
Waxaan mudanahay inaan iska fariisto ceeb daraadeed maxaa
Yeelay waan qaawanahay, fadeexaddayda ayaa gees kasta iga
Hareeraysay,danbigaygiina sida ayaxa ayuu u kordhaa.
Ii naxariiso jacaylkaygiyoow oo ii naxariiso kii igu sawiray
Maxalka hooyadeeyoow.
Waxaan hubaa inay is ku kalsoonaantu tahay waxa ugu xun
Wax kastoo aan falaba ama wax kastoo aan maleeyaba adiga ayaa
Rabbiga ah .
Meel kale ma aqaan, waddo kalena ma leh waddaada mooyee
Dadkoow ceeb la aamusa maxaa yeelay Rabbigiin ma seexdo
Dadkoow fakar la macluula maxaa yeelay rabbigiin idin
Sameeyay waad ka jeesateen.
Maalkaad daba oroddaan samafalkana waad ku wiirsatan, dharkiinnu waa
Nadiif kuwa waalanna waad ku jees jeestaan, laakiin Rabbigu waa idin quudiyay Maskaxdiinana wuu hagaajiyay.
Maxaan la fakaraa maxaanse la walaacaa mar haddan aadane ahay sow aabahayba Ma qaldamin - aah !!!! geeridu waxay leedahay xanuun, waqtigu orod badanaa Saacadduna dagdagi ogaa saacaddii geeridayda.
Laakiinse mararka qaar farxaddaydu waxay albaabada u jabisaa
Murugada iyo xaasidnimada.
Inkastoo aan dembiile ahay haddana Rabbiyoow kuma faanayo inaan baxsan karo.
Mar walba waxaan joogaa hoostaada waxaanan rajeeyaa naxariistaada, maxaa Yeelay adiga ayaa Rabbiga ah.
Bal ka warrama haddi aan gabyi lahaa sow tixdayda dhamaanteed
Ilaah kuma amaaneen.
Haddase waxba ma aqaanno waxaan ahay jaahil ay jirrabeen
Shayaadiinta naarta.
Haddaan wax aqaan sow kuma eryeen danabka aqooneed ee
Afkayga oo ma gooyeen xargaha jahannamada.
Dadka laakiin waa la qayaamay mugdiga ayaa lagu sugaa ayana
Iftiinkay ka cararaan .
Hohey, haddaan wax sheegi lahaa sow naftayda kama billaabeen
Hohey, haddaan harraadka iska goyn karo ama haddaan biyaha
Nolosha ka cabi lahaa.
Laakiin mar kastaba nacasnimaa daris ila ah dembina waa kan
Meel kastaba ila mara
Necbiyaa oo haddana jecliyaa haddu aqoon darro igu qayaanayn lahaa sow gar ma yeesheen.
Wanaagsanaa biloowga danbiga laakiin xumaa dhamaadkiisa.
Alla haddaan lahaan lahaa iimaan, waxaan kor ugu duuli lahaa
Hawada sare,waxaanan ka dhex dusi lahaa buuraha dhaadheer.
Haddase xoogaygaan isku halleeyay kan aan qaadi karin jawaan
Sonkor ah hadaan rumaysad leeyahay sow kuwa dhibaataysan ma
Bogsiiyeen.
Hadda waxaan taaganahay qolkayga yar ayadoo ay i wehliso
Naftayda madaxa adkayd.
Haah oo haddaan qalbigayga Ilaaha samada u jeedin lahaa, maya
Laakiin waxaan ahay mid garbaha laga rifay.
Dhabtii waa lay qayaanay waxaa laygu soo jiitay hadallo mac macaan, waxay i tiri: Waan ku jeclahay laakiin waxaan ahay mid la neceb yahay.
Waxaa albaabada ii soo jebdhay maqaadiirtii dembiga, waxaan garan waayay Halka aan beegsanayo, waxaan dhex jibaaxay badwayn aan dooni lahayn, diiradda Noloshuna waxay ii qabatay jasiirad waaqle ah, ama jasiiradda mukulaalaha.
Waxaan hubaa inay ku kalsoonida Ilaah tahay waxa ugu wayn haddii aan sidaa samayn karo, wax kastoo aan sameeyaba marna lagama yaabo inaan ka dheeraado Rabbigayga illaa xunbadu ay qariso badda gabi ahaanteed.
Hadday jirto wax noo dhaxayn kara aniga iyo Rabbiga taasi ha noqoto derbiga Caaradu dhisato.
Kaalaya walaalayaal aan istaagno barxaddeena dembi dhaafka
Oo kor aan ugu qaylinno codkeenna qiirada annagoo Rabbigaammaanayna.
Dhab ahaan waxaan u qayshannay Ilaah aan illow iyo dhaga la’aan
Shaki looga qabin.
Gacmahaannu is qabsanaynaa si wadajir ah, na keena oon raacno
Doonideena badbaadada.
Oo ha ku dul socoto badwaynteenna nabad galyada, hirarka duliga iyo is Kibriskuna ha hareer mareen doonideenna is jacaylka.
Kaalaya, aannu dabayl guux badan ku kicinno qashinka damaca iyo dirirta.
Waannu soconaynaa illaa aan burburrinno ukumaha shaydaanka
Waqtigu ma yeeraansanaa, maxay tahay oonnu ugu dhex soconnaa
Godadka qorfaha ah annagoo waddada arkayna.
Horteennaan eegaynaa annagoon marna gadaal eegayn, ogow
Hadduu waqtigu ina lagdo kan ku xiga ayaa na kicin doona
Waqtigu waa saaxiib.
Waa aniga midka ku dhex lumay duni mugdi ah oo iftiinkii ka
Dheeraaday .
Haa, waa aniga midka ay haleeshay qandhada hilowga
Haa, waa aniga kan ka dheeraaday hurdada, tilmaantaydu waa oon,
Muuqayguna waa macluul.
Haa, waa aniga kan ku dhex nool walaalo is neceb, wajigaygu waa sharaf beel, Naanaystayduna waa ooyaaye.
Maxaa dhacay oonan la ooynayn, waxaa baxaya oohinta caruurtii
Aabbe aadan.
Dulmi baa dhacaya dadnimaa lagu tumanayaa, ooyinta carruurtayda qaaliga ah, Iyo baroorta waayeellada shrafta leh.
Waxay noqotay muusik macaan ooy ku marqaamaan kuwa ma naxaanka ah.
Rabbiyoow adigu waxaad tahay Ilaah awood leh, ii dhamaystir
Kalsoonidayda igana qaad fulaynimada.
Maanta waa maalintaydii dhiirrigalinta, maanta waa maalintaydii qoomamada.
Iska kay daaya aan qalbigayga qallafsan kaga hor tago calaacal
Iska kay daaya aan jilbaha dhulka dhigtee, ruuxayguna ha ku
Gadgaddoomo beerkayga jiilaalka ah.
Qalbigayga saxaraha ah wuxuu igu jiidayaa waddo aan soo
Noqod lahayn.
Waddada ayaxa iyo abaarta waa wixii aan ka baqi jiray.
Bari ha iftiimo buuqna ha yeero,waa astaan waabari,
Qorrax carcar qabtaay fallaarahaada ku kala cayri mugdigii
Laba iyo toban saac jirsaday.
Waase abuur Eebbe iyo tilmaan duuga, muxuuse dad yahay
Waa uun walaalahay.
Way ku cayaaraan waxa sharaf ah ee loogu baaqay, iska socda
Illaa dhamaadka.
Alla xoogaygii wuxuu u guray sida biyahu uga guraan dhulka
Jiilaalka ah.
Lugahaygoow maxaa idinku dhacay ood ii celin la’dihiin
Ilaah waa Ilaahiinna isagu uun ha idin la jiro ku jeclaada qalbigiinna oo dhan
Aamiin, aamiin, aamiin


Brother Jibriil

No comments: