Sunday, November 06, 2005

MARQAATI FURKEYGA

Magacaygu waa Jibriil ,waxaan ku dhashay sanadkii 1967 magaalada Muqdisho. Markii aan shanjirka gaaray ayaa dugsi lay geeyay waxaanan billaabay inaan barto Quraanka oo aad ayaan u jeclaa dugsiga iyo macallinkaba maxaa yeelay waxay ahayd markii iigu horreysay een billaabay inaan iskay u halgamo.

Waxaan ogaa inay tani billow wanaagsan tahay maxaa yeelay waxa ku xiga waa in iskuul lay geeyo laba sano ka dib taasna waan ku faraxsanaa.

Sanadkii 1984 ayaan dugsiga sare ka qalin jabiyay, nasiib darro mana aan helin waxbarasho jaamacadeed inkastoo dad badani aaminsanaayeen in musuq maasuq jiray, haddana anigu waqtiga iyo nasiibkaan isaga deeqtoomay.

Waxaanse u shaqeeyay dawladdii jirtay barigaas; ka dib dagaalladii sokeeye markay dhaceen waxaan soo aaday Itoobiya sanadkii 1992dii waxaan joogay illaa 1996dii. Waxaa xasuus mudan ee muhiimmada leh waxay tahay inaan ahaa nin ku dhaggan diinteyda Islaamka xataa nafteyda waan ka jeclaa waxaan mar ka mid ahaa koox diin faafiyayaal ah dadkuna ay u yaqaanaan( Tabliiq) ilaa iyo Yemenna waan kala soo qeyb qaatay.

Markii iigu horreysay Masiixinnimada waxay ahayd een toos u ogaado caqiidadooda 1993dii markii koox dhallin yaro ah ay igu soo booqdeen xaafad aan ka daganaa Addis Ababa; kooxdaas oo ka tirsan Kaniisadda bidcada ah ( Jehovah Witness) kamaan ordin sida dadkeygu ay sameeyaan markay maqlaan diin aan Islaamka ahayn waayo waxaan qabay fikrad xor ah oo ah sida aad u aaminsan tahay inaad sax ku taagan tahay ayuu qof kastaaba moodaa inuu isaguna saxan yahay marka waa inaad fursad siisaa fikradihiisa iyo waxa uu aaminsan yahay.

Kumay guuleysan kooxdaasi inay wax iga dhaadhiciyaan maxaa yeelay sidaydoo kale dhexdhexaad maysan ahayn oo maysan doonayn in haddii Islaamku uu sax la noqdo inay qaataan. Kaliya hal waji ayay ku socdeen oo ahaa inay waxay aaminsan yihiin igu jajuubaan aniguna fikradaha noocaas ah waxay igu abuuri jireen caadifad; wey daaleen wayna tageen anagoo midkeen kastaaba uu haysto dhaxalkii aabbe iyo hooyo.

Hal faa’iido ayay ii sameeyeen oo ahayd inaan diintaydii sii jeclaado maxaa yeelay erayga ay ku cel celinayeen ayaa ahaa “Ciise waxaa uu u dhintay danbiyadaada” aniguna taas ma fahmi kareyn waxaa lay soo baray inaan qofna qof kale danbigiisa dusha laga saari doonin; qof kastaa ha shaqeysto waa hadal cad oon ku qanacsanaa.

Mar kale haddana baabuur baan soo raacay isla Addis Ababa waxayna ahayd bilo ka dib markii aan la kulmay nimankii Masiixiyiinta bidcada ahaa waxaa gaariga ku dhagganaa sawir Ciise Masiix lagu matalayay waxaana ku hoos qornaa qoraal sidan ayuuna ahaa “ANIGU WAXAAN AHAY IFTIINKA DUNIDA, QOFKII I RAACA KUMA SOCDO MUGDI LAAKIIN WAXAA UU LEEYAHAY NUURKA NOLOSHA.”

Maalintaas ka dib waxaa billaawday gariirkii noloshayda, mar Quraankaan akhriyaa marna eraygii aan arkay ayaa ii soo sawirma; waxaan naftayda ka dareemay inay leedahay malaha mugdi ayaad ku jirtaa cabsi xoog leh ayaa I gashay oo waxaa billaabatay inaan iraahdo waxaa habboonayd in nuux kitaab weyn loo soo dhiibo dunidoo dhanna la yiraahdo halkaas kitaab qaata markaas nabi kalana aan la soo dirinoo fikrado iyo qiyaas ayaa i wareeriyay.

Marbaan ku sigtay inaan dunida ku matalo meel aadanuhu ay ku dulman yihiin haddana waan iscelinayay marna waxaan is iri haddi mar kale dadka fursad la siin lahaa oo dib loo soo nooleyn lahaa.

Eraygii waa kanoo mool aan ka gudbi karin igu dhex tuuray oo waxaa xasuus mudan waxay tahay inaan illaa siddetameeyadii dhagaysan jirnay Idaacadda Codka Nolosha Cusub aniga iyo walaalkay dhibkaanna ima qabsan shakigaana lamaan kulmin malaha caqligeenna oon korin aawadeed ayaan u fasirtay waxayba nala ahayd sheekooyinka carruurta oo kale.

Illaa waddankeygii hooyo aan ku soo laabtay sannaddii 1996dii aad ayaan u farxay cibaadadaydii ayaanan dib ugu laabtay; farxad badanaa waddankaada iyo diintaada! Waxaan arkay laakiin nafteydii oo su’aalo is waydiinaysa; haddana intaan hoos u jeesto Ilaahayoow i cafi leh.

Weli Ciise qalbigaygii waa ka bixi la’yahay sidii qofaan waligeen is garan jirnay oo kale ayuu qalbigayga ka faaruqi waayay - waa yaab!!! waxaan ogaaday su’aalaha naftedu inay yihiin runta waxaan ka cararayana runta tahay; waxaan go’aansaday inaanan is xir xirin, waxaan ku soo laabtay dhagaysigii Codka Nolosha Cusub waxayna iga dhigeen nin laba faras fuushan, faras shaki ah iyo faras cabsi ah. Aniga iyo walaalkay ayaa wadajir u dhagaysan jirnay idaacaddaas.

Habeen aanan waligay illoobin ayaase i soo martay waana habeen aan xasuusan doono. CNC ayaannu dhagaysanaynay aniga iyo walaalkay sheeko ku saabsan gabadhii sinada lagu soo eedeeyay ee Ciise loo keenay oo wuxuu yiri “qofkii aan danbaabin ee idin ka mid ah dhagaxa ugu horreeya ha ku tuuro” oo waa dhamaatay munafaqnimadiina.

Xornimadii aan jeclaa waa tan! Su’aashii ahayd sidee qof qof kale dilay uu u xukumaa qof sinaystay jawaabteedii haddan helay. Kuwa jirran in loo naxariisto een laga faanin ayadana meeshaanay ku qoran tahay waxaa dhiman waa inaan waraaq u qorannaa Codka Nolosha Cusub waxna aan baranaa annagoo Sayidka aaminayna. Walaalkey iyo anigaba go’aan cad ayaan qaadannay.

Hadda waxaan dareemaynaa nabad iyo xasillooni aniga iyo walaalkayba. Waxaan dareemayaa wehelnimo waanan faraxsanahay waxaan jeclahay inaan dadka kale gaarsiiyo Erayga Ilaah ee Masiixa ammaani ha u ahaato Ilaah

F.G. Waxaa iga xasuus ah in shanta sadar ee ugu danbeeya marqaati furkayga ay ka madax bannaan tahay inaan iska sheego waxaanan dareemin, i rumayso haddaanan sidaas dareemeen waan sheegi lahaa maxaa yeelay caqiidadu waa ka madax bannaan tahay dareen aan farxad had iyo goor la dareemo.

Caqiidadu waa rummayn hadii aan farxad dareemo iyo haddaanan dareemin labadaba caqiidadayda waxba uma dhibayso sidaas daraadeed ku kalsoonoow inaan waxyaabaha aan sheegayo dareemay haddii aadan adigu dareemin wali Ciise Masiix waa waddada saxda ah ee rumayso oo raac.

Brother Jibriil

No comments: