Sunday, November 06, 2005

TOOBADDEYDII

Caawa waa habeen Isniin ay soo galayso ka dib markii aan ku noolaa muddo soddon sano iyo dheeraad ah xumaan iyo danbi noloshaydii waxay noqotay wax aad u jahwarersan xumaantaydiina waxay u ekaatay mid aanan wax ka qaban Karin oo tamartaydii iyo fakarkaygii waxaan isugu geeyay sidii aan uga xoroobi lahaa danbiga i dillooday ee noloshaydii macaanayd u baddalay wax aan shallayto mooyee horumar kale lahayn.

Waase ku guul dareysatay waxa kaliya oon tijaabadaas ka faa’iiday waxay noqotay inaanu qofka xoog iyo xeeladdiisa uga hor tagi karin danbiga balse ay tahay inuu aamino Ilaah asagoon xooggisa isku halleyn. Misna waxaan ogaaday xaqiiqada kaliya ee jirta markaasaan gaaray go’aanno aanan gaari kareen haddaan Ilaah i hoggaamin.

BARYOOTAN
Ilaahayoow ii oggoloow inaan kula hadlo
waaba intaasoo aan wax kaa baryaaye
Ilaahayoow jirkaygii olol baa ka baxaya
oo maskaxdaydiina waa wareertay
waxbaa dhabarkayga saaran oo i waalay
jahooyinka kalama aqaan naftaydiina waan
illoobay guri baan u noqday arwaaxda sharta
har iyo habeen waxay iga dhigteen meel ay
ku nastaan wax aanan arkayn ayaa i weeraray
oo adiga Rabbiga ah bal ii fasax Sayidoow
inaan afka kala qaado maxaa yeelay amarka
adigaa leh.
Sammoyinku adigay ku addeecaan oo qorraxduna
Cabsidaaday gariir iftiin ku bixisaa,
dayaxu amaantaaduu la dhalaalaa,
oo innaba dhulku ma ruxdo illaa tan iyo markii aad abuurtay
badduna magacaagay la guuxdaa,
bal yaan baryadeyda hor dhigtaa oon adiga ahayn.
Rabbiyoow kibirka waad jebisaa talona waad bixisaa,
Ilaahayoow caawa adigaan magan kuu ahay,
waxaan ku soo cararay gurigaaga iyo eraygaaga,
Ilaahayoow kan dabaysha amarkiisa ay adeecdoow,
kan midka u yimaada soo dhaweeyoow,
kan masaakiinta u naxariistoow,
hadday doonistaada tahay anoo shuqulkii gacmahaaga ah baryadayda maqal,
naftaydaan war ka maqlay oo xubnahayguna way i gumaysteen,
waxay ii kaxaysteen dhul oomane ah iyo dhul lama dagaan ah
oo Rabbiyoow Ilaahayoow naftaydu adigay ku jamataa,waan kuu xiisooday
oo waan ogaa waligyba inaad adigu rabbi wanaagsan tahay,
mid dadka aan ka daalin inuu kuwa isaga isku halleeya uusan lumin,
Ilaahayoow shayaadiin iyo damacayga xunkaa ayaa i silciyay
Waxay igu sasabeen wax billowgoodu wanaag la moodo laakiinse dhamaadkoodu burbur noqda.
Haddiyaddoodu waa xumaan shaqadooduna waa shar.
Ilaahayoow mal mar kale ii oggoloow inaan kuu toobad keeno.
naftaydu ma huruddo jirkayguna waa qalfoof.
Ilaahayoow haddan ilmo aadan talo ka qaato oon isku halleeyo.
koley naftayda ahaataba gurigaygu holac ha noqdo,
dhinacaygu hurdada ha ka dheeraado,
Dartaa ayaan jirkayga danbiga badan iyo damaciisa wasakhda ah u dilayaa,
hadaan socdo iyo haddaan fadhiyo iyo haddan hurdo adiga unbaan ku weheshanayaa,
waan tuuray dharkaygii wasakhda ahaa,
Ilaahayoow kan ceebta dadka u asturoow,
i sii dhar oo arrad tir ruuxayga oo dharji naftayda.
Ruuxaada Qudduuska ah hadiyad ahaan ii sii adiga ayaa Rabbiga ah mid kalana majiro.
Haddii aan heli lahaa Ruuxaaga Quduuska ah waxaan awoodi lahaa inaan ka hor tago sheydaanka iyo wasakhdiisa oo waxaan noqon lahaa mid nadiif ah.


Brother Jibriil

No comments: