Saturday, March 03, 2007

Kaniisad Ku Taala Tiyeeglow oo Weerar Lagu Qaaday

Sida ay qoreen shabakadaha kirishtaanka ee aruuriya xogta dadka masiixiyinta ee ku nool dalala looga tirada badan yahay ayaa sheegey in weerar lagu qaaday kaniisad ku taaley magaalada Tiyeglow ee gobolka Bakool, halkaasoo dhaawac loogu geeystey baadariga kaniisada oo magaciisa lagu soo gaabiyey "S".

Shabakadahan ma aysan sii faahfaahinin dadka masiixiyinta ahaa markaas ku sugnaa guriga ay macbadka ka dhigteen iney ahaayeen Somali iyo in kale.

Waxay warkooda ku dareen in weerarka soo qaaday nin ku hubeysan qori, dabadeedna ooda uga qaaday dadkii meeshaas joogeen, kuwaasoo markas kala cararay, halkaasna nin qoriga watey uga tagay ninkii baadariga ahaa oo uu maleeyay inuu dhintay balse markii dambe miyirka ku soo noqdey.

Tiyeglow oo in ka yar hal bil ay gacanta ugu jirtey maxaakiimta islaamiga ayaan la ogeyn goorta masiixiyin sidan u tiro badan ay wadanka soo galeen. Khaasatan degaanada Digil iyo Mirifle ayaa lagu tilmaami jirey ineysan jirin ruux ama dad masiixiyin ah oo beeshan ka soo jeeda.

Hay'adaha masiixiga ayaa mar walba ku dooda in Somalida masiixiyinta ahi ay dhibaato ku nool yihiin oo aysan heysan meel macbad ah oo si xor ah ugu caabudi karaan illaahooda.

Shirkii Embaghati ayaa koox yar oo masiixiyin ah isku dayeen in xubno ka helaan baarlamanka iyagoona codsaday in lagu soo daro wadahadalka, waxaa durbadiida diideey ergadii joogtey shirkaas, iyagoo sabab looga dhigey in arimaha Somaliya aysan ahayn diin balse ay ahayd qabiil, ciidii wax rabtana qabiilkeeda ku laabato diinkasta ha wataane.

Inta badan Somalida masiixiyinta ayaa ah kuwo ka shaqeeya hay'adaha gargaarka waxayna wataan magacyada Somalida, qaarkood ayaa ka soo jeeda deegaanada kililka shanaad ee Itoobiya.

Source: http://www.arlaadinet.com

No comments: