Sunday, July 01, 2007

Kaalay Ila Hubi

Come, Let Us Reason Together

A. A. Ahmed
Mogadishu, Somalia
AFEEF
Runtii waxaan si weyn uga afeefanayaa dadka Muslimiinta ahi marka ay akhrisanayaan buuggan in aanay durbadiiba iga qaadanin fekrad khalad ah haddii ay aragtidooda tusto in uu yahay mid wax u dhimaaya diinta Islaamka. Waayo ma doonayo in aan diinna xad-gudub u geysto jiritaankeeda, balse waxaan qabaa inay xaq tahay in uu qof kastaba dareenkiisa ka muujiyo waxa uu diimaha ka qabo. Sidaa awgeed waxaan jecelahay in aan bulshada kale u soo bandhigo waxa aan ku dhaliilayo diintaasi oo aan ku soo dhaqmi jiray oo aan haatanse dib uga noqday.

Mana jecli in aan si qallafsan wax uga sheego, hase yeeshee waxaan isku dayayaa in aan qodob walba ku saleeyo aayado aan ka soo xushay Kitaabka Qur’aanka ah, kuwaasoo aan filayo inay akhristaha iyo Muslimiintuba intooda badan ku qanci doonaan. Hase ahaatee kuwa laga yaabo inay arrintan ka caraysiiso waxaan si xushmad leh uga codsanayaa inta aanay ku fekerin inay wax ficil ah geystaan, inay marka hore si deggenaansho leh uga fiirsadaan qaabka aan doonayo in aan xaaladdayda uga xog-warramo, isla mar ahaantaana ay Kitaabka dib ugu noqdaan si ay dhab ahaan wax uga ogaadaan dulucda ay aayadaha aan diiradda saarayo xambaarsan yihiin iyo sababaha aan u soo qaatay aayadahaasi. Dadkaa iyaga ahina waxaan ku baraarujin lahaa ka doodista diimaha ama ka bixiddoodaba inay yihiin kuwo furan oo aan cidna laga hor istaagi karin.

Maxaa yeelay diin kastoo lagu dhaqmayo, weliba haddaan si gaar ahaaneed u soo qaato diinta Islaamka, kuma jirto aayad qurah oo leh waa inay dadka difaac u noqdaan oo ciddii ku xad-gudubtana loo dilaa diinta sababteeda. Qof kastoo inay taas xaq tahay u arkayana wuxuu iska dhigayaa sida isagoo ah mid ka awood badan kii soo dejiyay diintaasi, oo weliba ka soo qaaday mid taag daran oo wixiisii loo ilaalinaayo oo aadanaha ka sugaaya inay qawlkiisii dadka kale uga difaacaan. Qofkuse waxaa u wanaagsan in uu marka horeba ilaa xad si fican u fahamsan yahay waxa uu aaminsan yahay oo uu diin ahaan ugu dhaqmayo. Taana waxaan uga dan leeyahay inay dadka Muslimiinta ah gartaan inay jirto aayad Kitaabka Qur’aanka ah ku qoran oo leh “Annaga ayaa soo dejinnay, annaga ayaana dhawrayno”. Waxayna aayaddan si cad u qeexaysaa in aanay jirin cid si gaar ahaaneed looga xilsaaray ilaalinta diintaasi, oo weliba lagu amray inay qudha ka jarto ciddii wax dhaliil ah ka tabanaysa.
Hase yeeshee marka ay dood-wadaagis diimeed timaaddo, qof kastaba wuxuu xaq u leeyahay in uu aaraadiisa ku difaaco diintiisa. Markase lagula diriro oo si bareer ah looga horjoogsado ku dhaqankeeda iyo weliba hirgelinteeda, gar bay ku tahay haddii uu xal kale waayo in uu qofkaas ku dagaallamo sababahaas awgood. Midda kale haddii uu qof uun diin jirta hadal gef ah u geysto, inkastoo ay asluub xumi tahay in diin ay dad aaminsan yihiin loo yeelo ceebo aanay lahayn, haddana ma aha in qofkaas cambaarayn uu cambaareeyay diintaas awgeed uu xukunkiisu u noqdo mid qoor gooya ah. Balse halkii laga dili lahaa in beddelkeeda ciqaab la mariyo waa xukun in uu macquul yahay loo arki karayo. Sidaa awgeed waxaa aniga ila habboon dadka arrimaha dilka ah caadaystay inay ka fogaadaan fekradahaas kharriban oo hor Eebbena ku ah kuwo aan xaq ahayn. Isla markaana waxaan kula talin lahaa dadkaas iyaga ahi inay ka waantoobaan cabburinta ay kuwa kale cabburinayaan.
Waayo marka ay xorriyad diimaha lagaga hadli karo timaaddo, waxaa hubaal ah inay dhaliishoodu soo baxayso diimaha aan xaqa ku salaysnayn oo dhan. Waxaa kaloo lagama maarmaan ah in uu qof kastaba xusuusnaado in aan wax ceebaal ah uusan lahayn Erayga Eebbe ee xaqa ah loona yeeli karin wax dhaliil ah, isla markaana aadanaha loogaba baahnayn inay Erayga Eebbe oo xaqa ah iyaga gacantooda iyo xooggooda ku difaacaan. Ugu dambayntii waxaan afeeftayda ku soo afjarayaa in uu akhristaha buuggan u deg-degin sharta iyo fekradaha xagga Sheydaanka ka yimaadda, balse uu isku dayo in uu wax walba si macquul ah u hubiyo isagoo aan si seef la boodnimo ku dheehan tahay aan aniga dusha iga saarin dembi aanan lahayn amaba aanan mudnayn in laygu eedeeyo.

HORDHAC
Dhabtii waxaan ahaan jiray nin ka ab ka ab ka soo jeeda qoys ku adag diinta Islaamka oo si weyna loogu soo barbaariyay rumaynteeda iyo ku dhaqankeeduba, isla mar ahaantaana waxaan ahaa nin bulshadii uu la noolaan jiray dhexdeeda aad loogu qiimayn jiray, maaddaama aan si aad ah ugu ad-adkaa aaminaadda aan aaminsanaa caqiidadaas, gaar ahaan xilligii aan gaaray darajada mu’addinnimada, taasoo ah kaalin muhiim ah marka loo eego hawlaha laga qabto masaajiddada dhexdooda. Haddaba tan iyo markaan bilaabay hawsha mu’addinnimada waxaa jirtay in aan marar badan wax iska weydiin jiray ilaa iyo xadka la rumayn karo diinta Islaamka loona qaadan karo mid xagga Eebbe ka soo degtay.
Waayo waxaa ii muuqan jiray waxyaabo aanan berigii hore uba fiirsan jirin, sida aayado dhawr ahaa oo aan u arkayay sida ay dadka kale u arkayeen si ka sii duwan, kuwaasoo marka aan culimada la kaashadayna aan u waayay jawaabo si cad iiga qanciya weydiimahaygii aan u soo bandhigay iyaga oo la xiriiray aayadahaas. Sidaa awgeed waxaan immika doonayaa in aan halkan shaaca kaga qaado culaysyadii aan la soo kulmay si aan dadka kale ugu soo gudbiyo sababihii igu kallifay in aan qaato aragti kale oo ka duwan aragtidii hore oo aan ka qabay diinta Islaamka. Haddaba muddadaas gudaheeda ayaan dadaal u galay si aan fursad dheeraad ah u siiyo naftayda si aan uga salgaaro xaqiiqada dhabta ah oo ay ku taagan tahay diintaas oo ahayd mid muddo aan yarayn aan ku soo dhaqmi jiray. Mana sahlana in uu qofku markiiba si kama dambayn ah wax u soo ogaado waayo caqiidooyinku waxay ka mid yihiin waxyaabaha aanay cidna ku xaqiijin karin garashadeeda, haddii aanu Eebbe ka gargaarin u kuur gelidda xaqa hubintiisa. Sidaa awgeed in aan wax fahmo waxay igu qaadatay muddo aad u dheer, waxanse ahaa nin mar walba talada saaran jiray Eebbaha Qaaddirka ah.
Maxaa yeelay markii ay i galeen shakiyadii ugu horreeyay ayaan bilaabay in aan habeenka saacadahiisa dambe soo tooso si aan u tukado oo aan Eebbe u weydiisto in uu jidkiisa xaqa ah i tusiyo uuna qalbigayga ku xasiliyo. Shakina igama jirin in uu Eebbe taas iga caawinayo uuna igu hanuuninayo jidkiisa xaqa ah oo uu Isagu raalliga ka yahay. Inkastoo aan jahawareer badan ku soo jiray muddo aan yarayn, haddana kama aanan quusanin in uu Eebbe maalin uun Isagu ii qaban doono hoggaanka uuna igu hagi doono jidkiisa xaqa ah. Ugu dambayntii waxa la soo gaaray xilli uu Eebbe iftiinkiisa indhaha ii saaray.
Sidaa awgeed waxaan ku rajo weynahay inay dadka badankiisu ila garan doonaan sida aan wax u dareemay marka ay miisaanka saaraan amuurtan iyada ah oo aan u soo bandhigayo, taasoo ay weliba ka dhadhansan doonaan is-beddelka ku yimid naftayda iyo noloshayduba. Isla mar ahaantaana ay aad iyo aad u qiimayn doonaan xaaladdaas iyada ah marka ay si taxaddar leh u akhristaan buuggan isaga ah.

MUHIIMADDA DIIMAHA
Haddaba inkastoo uu qof walba leeyahay aragti u gaar ah oo uu wax ku cabbiro, haddana marka xagga diimaha loo eego waxaa muhiim ah in dadaal dheeraad ah loo galo sida looga salgaari lahaa halka ay diin walba ciribta ku hayso, marba haddii ay caqiidadu tahay usha keliya oo uu ruux kastaba ku hagayo naftiisa si uu ugu sii dhowaado xagga Eebbe. Diintuna la mid ma aha waxyaabaha kale oo la xiriira nolosha dunidan oo uu aadanuhu baahida weyn u qabo. Maxaa yeelay diintu wey ka qiimo badan tahay wax kastoo dunida ka jira waayo waxay iyadu qof kastaba u tahay gaadiidkii uu u sii raran lahaa Eebbe xaggiisa.
Marka haddiiba ay tahay mid muhiimaddaas leh waxaa cid kasta oo diinba ku dhaqanta waajib ku ah inay iska hubiso waxa ay aaminsan tahay oo ay caqiido ahaan u haysto, si ay wax uga ogaato haddii ay diintaas tahay mid xaqiiqada ku qotonta iyo haddii kaleba. Waxaase hubaal ah aadane kastee saaran dunida guudkeeda haddii uu garaadkiisa kaashado uuna ahmiyad siiyo hubinta amuurtan isagoo waqti fara badan u huraya, in uu ka sal-gaari doono farqiga u dhexeeya xaqa iyo baaddilka, waxaase mar walba meesha ka maqnayn talo saarashada Eebbe.
Markaa wixii ka dambeeyana waxaa xaqiiqo ah in uu qofku wax badan ka baran doono diinta uu aaminsan yahay haddii uu si wacan u daalacdo, khaastan marka uu u dhabbagalo qaabka ay wax uga sheegayso dabeecadaha Eebbe. Waxaanse shaki lahayn in uu Eebbe jideeyay waxa loo yaqaan “Diin”. Taasoo u taagan dhaqanka runta ah oo uu Isagu soo dejiyay uuna faray uunkiisu inay ku dhaqmaan si uu u jiro xiriir joogta ah oo ka dhexeeya Isaga iyo aadanaha uu abuuray. Sidaa awgeed ayay lagama maarmaan u tahay in uu qof walba baaritaan ku sameeyo waxa uu diin ahaan u haysto si uu uga badbaado kuwa sida xun wax u baraya dadka oo ku kala nool dunida dacalladeeda. Haddaba si uu qofku xiriir joogta ah ula yeesho Eebbe, waa in uu ahaado qof diin xaqa ku taagan aaminsan.
Waayo iyada ayaa ah waxa keliya oo isku xiraya qofka iyo Eebbe. Taasina waxaa lagu gaari karayaa kolka ay cid kastaba maanka geliso muhiimadda ay caqiidadu leedahay, isla markaana ahmiyad weyn siiso inay diintu tahay mid qiimo weyn ku fadhida oo naftiisa u hoggaaminaysa xagga Eebbe. Waxaase la yaab leh inay diinba diinta kale u yeelayso dhaliil oo ay midba midda kale leedahay taas waa mid aan Eebbe hortiisa ku qummanayn ku dhaqankeeda oo been la dhoodhoobay ah amaba mid gabowday oo waa hore laga tegay ah. Diin kastana waxaa lagu tilmaamaa inay iyadu kelideed tahay midda keliya oo uu Eebbe ka raalli yahay, kuwa kalee iyada ka soo harayna ay yihiin qaar ku dhaqankoodu xagga Eebbe looga fogaanayo.
Marka haddii amuurahaas la sii tixraacana waxay noqonayaan kuwo jahawareer abuuraya oo qofka maangaabka ah ku kallifaya in uu diintii la soo gaarsiiyay kelideed u qaato si sax ah. Maxaa yeelay dadka dunida ku nool oo dhan ma aha kuwo deegaan keliya ku wada dhashay oo diin keliya lagu soo wada barbaariyay, waana halkaa meesha ay dhibaatadu ka imaanayso. Waayo qof walba wuxuu haystaa middii isaga lagu soo ababiyay oo lagu yiri diintan weeye midda saxa ah oo uu Eebbe u dooray uunkiisa. Sidaa awgeed la yaab ma laha haddii uu qofku ku adkaysto ama uu kaba shakiyo diintii uu horay u soo haystay. Maxaa yeelay labadaas jid midkood ayumbaa qofka u furan in uu ku sii taagnaado.

Eebbase wuxuu kala gartaa kuwa isku taxalujiya raadinta jidkiisa xaqa ah iyo kuwa aan iskuba hawlin amuurtaasi. Balse Eebbe waa Kan mar walba jecel inay addoomadiisu xaaladdaas aad uga fakeraan, taasoo muujinaysa in uu yahay mid doonaya inay dadkiisu wada hanuunaan. Markase uu qofku isku hawlo raadinta jidka Eebbe oo xaqa ah waxay ka dhigan tahay qiritaan uu qiranayo in uu yahay qof la abuuray oo addeecid iyo caabudaadba looga baahan yahay.
Haddaba mar haddii ay jiraan habab kala duwan oo ay dadku u caabudaan Ilaah, haddana qolo walba waxay sheegaynaysaa inay diintoodu tahay midda saxa ah ee uu Eebbe soo dejiyay. Marka si xaqiiqada looga gun gaaro waa in muhiimad gaar ah la siiyo barashada diimaha dunida ka jira oo idil, si loo kala hubiyo midda saxa ah iyo midda kale. Waayo suurtagal ma aha in uu Eebbe diimo fara badan oo isku waqti lagu dhaqmayo ku soo daayo dunida, maxaa yeelay sida uu Isaguba mid u yahay ayuu mid keliya u jideeyay dadkiisa.

Sidaa awgeed mar haddii ay dhammaantood xaqa ku wada taagnayn, waa hubaal inay mid mooyee inta kale yihiin kuwo been ah oo aan xagga Eebbe ka soo degin. Balse sida aynu wada ogsoon nahay aadanuhu waa mid shar miiran ah oo ay ku dhex jiraan duul ku sheegaya diin aan xaq ahayn inay tahay mid rabbaani ah oo weliba goob kastaba hirgelinteeda la taagan oo dadkana ku wacdiya. Dhibaatada kalee jirtase waxay tahay in maalmahan ay soo baxeen dad diinta u adeegsada sida urur siyaasadeed oo kale, waxayna dadkaas ka fekeraan oo keliya inay dadka kale u soo jiidaan xagga diinta ay rumaysan yihiin oo keliya, si ay diintoodu u nqon lahayd midda ay dadka dunida ku nool intooda badan ku dhaqmaan.
Haddii dhab ahaan loogu fiirsadana dadkaas waa kuwo aan weligoodba isku dayin inay diimaha kale baaritaan ku sameeyaan, isla markaana ay is-barbar dhigaan diintooda iyo diimaha kale ee jira, si ay u kala gartaan farqiga u dhexeeya diimaha oo dhan oo ay markaana u raacaan midda xaqa ah oo uu Eebbe uunkiisa faray inay ku dhaqmaan.
Haddaba mar haddii ay diintu tahay jidkii uu noole kastaba u sii mari lahaa xagga Eebbe, isla markaana uu si qumman oo uu Eebbe raalli ka yahay ugu carbin lahaa naftiisa inta uu nool yahay, waxaan qabaa inay shey muhiim ah tahay in mudnaan gaar ah la siiyo baaritaanka diimaha, si midda runta ah looga dhex garto kuwa faraha badan oo ay ciribtooda dambe beenta iyo dhalanteedka ku salaysan tahay. Muhiimadda ay ku dhaqanka diinta leedahayna waxay tahay in uu qofku ka markhaati furayo in uu raacay wixii uu Eebbe u jideeyay uunkiisa, iyo muujin uu qofku muujinayo rajada dambe oo uu ka leeyahay la kulanka Eebbe oo dhacaya maalinta Qiyaamaha.
MAXAA DHALIYAY SHAKIGA?
Haddaba ruux kastee ehelu-kitaab ah wuxuu aaminsan yahay in uu Eebbe yahay Midka awoodda sare leh oo sameeyay cirka iyo dhulka iyo dhammaan waxa ku dhex jira oo idilba. Kaasoo si gaar ahaaneedna ugu amray uunkiisu inay Isaga kelidii ku caabudaan dunida guudkeeda. Eebbahaasna waa Kan ay ka qarsoonayn waxa qof walba ku jira quluubteeda. Waana Kan wax walba maqla oo arka oo aan sinnaba loo gaari karin xikmaddiisa iyo siraha Isaga u gaarka ah. Sida ay ehelu kitaabkana wada qabaan waxaa diimaha lagu sheegaa inay ka yimaaddeen oo ay ka soo degeen xagga Eebbe si loogu dhaqmo inta la nool yahay oo lagu sugan yahay koonkan dushiisa si loogu sii dhowaado Ilaah xaggiisa isla markaana wax looga fahmi lahaa dabeecadaha uu Isagu leeyahay.
Dhanka kale, maaddaama uu Eebbe yahay Mid ka hufan xumaan oo idil runtii kuma habboona in lagu sifeeyo dabeecadaha qaarkood oo uusan mudnayn. Waayo haddii diimaha oo idil mid kastaba lagu sheego inay tahay midda keliya oo uu Eebbe u soo dejiyay in iyada kelideed lagu dhaqmo, marka taas waxay u muuqanaysaa inay diimahaas kala raacsan yihiin ilaahyo kala duwan, amaba Eebbe lagu tilmaamayo in uu Isagu jahawareer dadkiisa ku abuurayo. Eebbase xumo oo dhan waa ka hufan yahay kamana suurtowdo in uu dadkiisa u jideeyo jidad kala duwan oo ay xaggiisa u soo maraan.

Mana aha Mid jecel kala qaybsanaanta dhex taal uunka dhexdiisa laakinse waa aadanaha midka abuuraya fekradaha gurracan. Balse sida ay ehelu kitaabka oo dhan wada qabaan waxaa la ogsoon yahay Eebbaha jira in uu yahay Mid keliya isla markaana aanay dhici karaynin inay diimahaas dhammaantood wada noqdaan kuwo xaqa ku wada taagan. Marka qof kastee aaminsan in Eebbe keliya uu jiro wuxuu si cad u garan karaa inay jirto mid keliya oo uu Eebbe jecel yahay inay dadkiisu ku dhaqmaan inta ay dunida joogaan. Tusaalena waxaa inoogu filan sida uu Eebbe Mid keliya u yahay in jidkiisuna u yahay mid keliya.
Haddaba markaan intaas gartay isla mar ahaantaana aan arkay aayado badan oo Qur’aanka ku jira oo markaan eegay iigu muuqday kuwo aan liqi kari waayay qaabka ay uga hadlayaan dabeecadaha Eebbe, ayaan dareemay in aysan ku habboonayn Eebbe in lagu tilmaamo sida ay aayadahaas wax uga sheegayaan. dabeecadda hufan ee Eebbe.
Haddii aan aayadahaas qaarkood tusaale ahaan u soo qaato waxaa ka mid ah:
“Hadduu doono Eebbe wuxuu idinka yeeli lahaa ummad keliya wuxuuse dhumiyaa ciddii uu doono, wuuna hanuuniyaa ciddii uu doono, waana laydin warsan waxaad camal falaysaan”
(Al-Naxl, 93aad)
“Haddaad ku dadaashid hanuunkooda Eebbe ma hanuuniyo cid uu dhumiyay mana helaan gargaare” (Al-Naxl, aayadda 37aad)
“….yaa hanuunin kara ruux Eebbe dhumid u qaddaray, wax u gargaarana lahayn”
(Ar-Ruum, aayadda 29aad)
Haddaba aayadda koowaad waxay si caddaan ah ii tustay su’aasha ah, maxay soo kordhinaysaa in uu Eebbe dadkiisa u soo diro rasuul xaggiisa farriin ka sida? sababtoo ah cid uu Eebbe baadiyeeyay isma hanuunin karayso si kastoo xaqa loogu sheego.
Maxaa yeelay ma jirto cid awooddiisa iyo qorshahiisa ka hor imaan karaysa, wax kastana sidii uu Isagu u jideeyay cidna kama beddeli karayso. Marka waxaa naftayda ku adkaatay inay oggolaato in midka sidaa u hadlaya uu yahay Eebbaha Qaaddirka ah, waayo waxay arrintu iigu muuqatay sida qof isku tilmaamaya in uu gardarro geysanayo oo kale.

Maxaa yeelay isagoo dadka oo dhan jid keliya marin kara ayuu ka doortay in uu qaarkood hanuuniyo qaarka kalena uu luminayo, iyadoo haddana qofka laga sugayo in uu camal fiican la yimaaddo. Marka kan baadinimo la baadiyeeyay awgeed uga leexday jidkii toosnaa, maxay tahay eedda uu yeelan karo maalinta xisaabta? Haddaba miyay Eebbe ka suurtowdaa in uu sidaas ula macaamilo dadkiisa? Runtii arrintaas waxay igu noqotay mid aad iiga fajicisay.
Aayadda labaad iyo tan saddexaadna waxay si cad u sheegayaan in Eebbe uusan hanuuninaynba cid uu horay u baadiyeeyay. Runtii markaan arkay aayadahaas waxaa igu dhashay shaki aad u weyn oo igu beeray rajo la’aan.
Rajo la’aantaasna waxay ii horseedday in aan wax iska weydiiyo caddilnimada Eebbe. Waayo waxaan aad uga fekeray haddiiba ay jiraan kuwo uu Eebbe baadinnimo u qaddaray sidee buu haddana dadkiisa ugu soo dirayaa rusullo iyaga xaqa soo gaarsiiya. Sababtoo ah Isaga ayaaba horay u kala soocay dadkiisa oo qaarkood ku hanuuniyay jidkiisa xaqa ah halka uu qaarka kalena u jiheeyay jidka cadaabta.

Maxaa macno ah oo ay samaynaysaa in uu Eebbe yiraahdo ii soo noqda haddiiba uusan doonaynin in uu hanuuniyo cid uu horay cadaabta ugu qoondeeyay? Laakinse markaan dhab ahaan ugu fiirsaday dabeecadaha Eebbe taa waan liqi kari waayay.
Su’aashuse waxay tahay miyaynu Eebbe ku tilmaami karaynaa in uu yahay mid dulmiya addoomadiisa? Jawaabtu waa miya. Haddaba sidee baynu u aqbali karaynaa in uu Eebbe yahay mid wax baadiyeeya? Runtii taas suurtagal ma aha waayo marka wax lumin laga hadlaayo macnaheedu wuxuu yahay dulmi si xaasidnimo leh loo geysanayo.
Eebbena sida aynu ka warhayno Isagu wuu ka hufan yahay xumaan oo dhan, dabeecadahiisuna ka mid ma aha in uu wax baadiyeeyo laakinse waa mid wax hanuuniya. Haddiise aynu Eebbe ku sheegno in uu wax baadiyeeyo waxaynu daba gelaynaa Iblayskii isagoo danahiisa u baadiyoobay haddana Eebbe eedda saaray oo yiri adigaa i baadiyeeyay sida ku cad aayadda 16aad ee Suuradda Al-Acraaf oo leh sidatan:
“Wuxuu yiri, ‘I baadiyayntaada darteed waxaan u fariisan jidkaaga toosan’ (si aan u lumiyo)” (Al-Acraaf, aayadda 16aad)
Dhanka kale waxaan arkay xaddiis nebiga laga soo weriyay oo sheegaya in aadanuhu janno iyo naarba middii uu geli lahaa uu Eebbe u soo qoray intii uu ku jiray uurka hooyadiis. Haddaba haddii ay taas dhab tahay sidee buu Eebbe u xisaabinayaa dadkiisa maalinta Qiyaamaha? Mee caddilnimadii Eebbe? Runtii su’aalahaas waa kuwo uu qofku is weydiin karayo. Hase yeeshee xaddiiskaas wuxuu igula muuqday mid Eebbe ku tilmaamaya mid dulmiyay addoomadiisa haddiiba uu sidaas wax ugu kala qorsheeyay.

Midda kale waxaan aad ula yaabay markaan maqlay culimada Islaamka intooda badan iyagoo ku wacdinaya inay wax walba ku dhacaan qaddarta Eebbe. Sida marka uu qof qof kale dilo loo yiraahdo xagga Eebbe ayay ka qornayd. Su’aashuse waxay tahay haddiiba uu Eebbe qofka u soo qoray in uu qof kale dilo sidee buu haddana maalinta xisaabta uu dembigaas ugu qaadi karayaa? Haddaba waxyaabahaas iyo kuwo kale oo iyaga la mid ah ayaa aniga shakiga iga hari waayay igu dhaliyay.
Immikana haddii aan si kooban uga hadlo shakigii ugu horreeyay wuxuu igu dhashay maalin jimce ah anigoo fadhiya masjidka dhexdiisa, xilligaasoo uu imaamku akhrinayay khudbaddii jimcaha loogu talagalay. Wuxuuna qayb khudbaddaas ka mid ah ku soo qaatay nin saxaabi ahaa oo magaciisa la oran jiray Muxammed.
Waxaana dhacday nin oday ah oo dhinacayga fadhiyay kolkuu maqlay magaca Muxammed in uu markiiba la soo booday, ‘Nabad gelyo iyo naxariisba korkiisa ha ahaato’, oraahdaasoo qofka Muslimka ah ay waajib ku tahay in uu raaciyo mar allaaliyo marka nebi Muxamad magaciisa la soo qaado oo keliya. Balse sida ay diinta Islaamku qabto aan loo adeegsan karin ducadaas dadka kale oo caadiga ah.

Runtii aad iyo aad baan uga naxay xaaladda odaygaas oo aan isagu iiguba muuqanin markaa mid eed ku lahaa in uu sidaas wax yeelo, maxaa yeelay waxaan gartay in uusan ahayn nin aqoon u lahaa afka carabiga ah oo ay markaa khudbadda ku baxaysay. Balse anigu waxaan markiiba bilaabay in aan dhacdadaas si weyn oo murugo leh uga sii fakero.
Waxaanna wax iska weydiyay sababta kallifi karaysa qof af uusan aqoonin in lagu wacdiyo! Sababtoo ah waxaan dareemayay inay arrintaas tahay mid xad-gudub loogu geysanayo qofka loogu yeerayo in uu u yimaaddo wax muhiim ah in loo sheego oo aan haddana afkiisa hooyo wax loogu soo tebinaynin. Haddaba wixii maalintaas ka dambeeyay ayaan go’aansaday in aan wax badan ka sii ogaado waxa ku qoran kitaabka Qur’aanka ah.
Markaan baaritaanka bilaabayna waxaa markiiba ii soo if-baxay aayado qaarkood oo aan fasiraaddooduba la haynin. Oo markii aan aayadaas iyaga ah culimada wax ka weydiyayna, jawaabtii ay iga siiyeen ay noqotay inay ku sheegeen aayadahaas inay yihiin kuwo mucjisooyin ah oo Ilaah mooyee aanay cid kale sharraxaad ka bixin karaynin. Waxaase iga fajiciyay inay jiraan aayado kale oo isla kitaabka dhexdiisa ku jira oo qeexaya inay aayaduhu yihiin kuwo caddaan ah oo aan mad-madow lahayn.

Marka waxaa markiiba maskaxdayda soo galay su’aasha ah, sidee bay ku dhici karaysaa in uu Eebbe mar yiraahdo aayadahaygu waa kuwo bayaan ah, haddana Qur’aanka dhexdiisa laga helo aayado aan micnahooda laba garanaynin. Arrintaa iyada ahna wey ila noqon weyday mid macquul ah maxaa yeelay waxaan rumaysnaa in kitaabka loo soo dejiyay inay dadku ku dhaqmaan ayna si wacan u wada fahmaan aayadaha ku qoran oo idil.
Mar haddiise ay muhiim tahay in kuwa loo soo dejiyay kitaabka ay si garasho wacan leh ugu dhaqmaan waxa ku wada qoran oo dhan, haddaba maxaa loo soo raaciyay aayado qaarkood oo aanay cidna garanaynin hadafka laga leeyahay? Maxayse akhrintoodu soo kordhinaysaa haddiiba aan la dhadhansanaynin waxa ay ka hadlayaan? Kolley anigu waxaan iska dhaa-dhiciyay wax ay dadka u faa’idaynayaan inayan jirin. Sidaa awgeed qodobkii hore iyo midkan isaga ahba waa kuwa ugu horreeyay oo ay naftaydu shakiga ka qaadday. Waana kuwan aayadaha aan sida gaarka ah u liqi waayay:
1. Suuradda Al-Baqarah, aayadda koowaad.
2. Suuradda Al-Acraaf, aayadda koowaad.
3. Suuradda Yuunis, aayadda koowaad.
4. Suuradda Ar-Racd, aayadda koowaad.
5. Suuradda Maryama, aayadda koowaad.
6. Suuradda Dhaaha, aayadda koowaad.
7. Suuradda Ash-Shucaraa, aayadda koowaad.
8. Suuradda An-Naml, aayadda koowaad.
9. Suuradda Yaasiin, aayadda koowaad.
10. Suuradda Saad, aayadda koowaad.
11. Suuradda Ash-Shucaraa, aayadda koowaad.
12. Suuradda Qaaf, aayadda koowaad.
13. Suuradda Al-Qalam, aayadda koowaad.
Haddaba aayadaha sheegaya inay Qur’aanka aayadahiisu yihiin kuwo cad-cad, waxaa ka mid ah aayadda soo socota oo leh sidatan:
“Waxaynu soo dejinnay aayaad cad-cad... ” (An-Nuur, aayadda 46aad)
Haddaba kuwa ay aayaddan ku sheegayso aayaadka cad-cad miyaanay ku jirin kuwaas kor ku xusan? Kolley waa su’aal u baahan in loo helo jawaab wax daweyn karaysa.
AFKEE BUU EEBBE GARANAYAA?
Dhabtii waa su’aal in lays weydiiyo mudan. Maxaa yeelay dadka dhammaantii waxaa waajib ku ah inay xiriir joogta ah la yeeshaan Allihii iyaga abuuray. Kol haddii ay arrintu sidaa tahayna waa lagama maarmaan in layska hubiyo haddii uu jiro af keliya uu Ilaahay jideeyay oo kaas mooyaane aan mid kale lagula xiriiri karin Isaga.
Markase dhab aahaan loo darso amuurtaas, miyay dhici karaysaa in uu Eebbe jideeyay af keliya inay quruumaha oo dhan Isaga ku caabudaan? Taa jawaabteedu waa maya.

Qof walbana wuu garanayaa in uu Eebbe fahmayo dhammaan afafka dunida iyo samaawaadka ka jira oo idil, maaddaama uu yahay kan wax walba abuuray. Dadkana iska daaye Eebbe uu garanayo xitaa erayada ay shibiruhu, nimcoolayda iyo dugaagguba ku hadlaan.
Waxaana xaqiiqo ah in uu Eebbe yahay kan afafka kala duwan u sameeyay dhammaan inta cod dhawaaqaya leh oo dhan. Haddaba sida aynu wada ogsoon nahay diimaha jira oo idil, waxay isku aragti ka yihiin jiritaanka salaadaha Rabbiga loo tukado oo waajibka ah.
Balse wey ku kala duwan yihiin hababka gudashada salaadahaas, inkastoo ay haddana wada qabaan geddigoodba muhiimadda salaaddu inay tahay la xiriirid uu qofku la xiriirayo Eebbe, taasoo u dhiganta xarigga u dhexeeya Eebbe iyo beni’aadamka. Kuwa ehelu diinka ahna waxay qolo walba ku doodaysaa in iyaga hab u goonni ah loo faray inay u gutaan waajibaadka salaadahaas.
Tusaale ahaan, dadka haysta diinta Islaamka waxay qabaan in lagu waajibiyay inay maalintiiba shan jeer tukadaan salaadahaas. Su’aasha meesha taalse waxay tahay afkee bay ku tukanayaan salaadahaas? Runtii sida laga wada warqabo dadka Muslimiinta ah haddii ay carab yihiin iyo hadday cajami yihiinba waxay inta salaadda lagu jiro Eebbe kula xiriiraan afka carabiga ah, maxaa yeelay waxay salaadda ku dhex akhristaan aayadaha Qur’aanka ah oo af carabiga ku qoran.

Loomana oggola inay eray af kale ka soo jeeda ku xusaan salaadda dhexdeeda, waayo salaaddoodii baa noqonaysa mid waxba kama jiraan ah. Wax lala yaabase waxaa ah dadka soomaaliyeed iyo cajamiga intooda badanba, aayadaha Qur’aanka ah oo ay salaadda gudaheeda ku akhrisanayaan in aanay wax aqoon ahba u lahayn macnaha ay aayadahaas leeyihiin.
Haddaba kolka culimada Muslimka ah wax laga weydiyo amuurtaas, khaasatan su’aasha ah, suurtagal ma tahay in lagu tukado aayadaha Qur’aanka ah oo af kale ku tarjuman? Waxay markiiba kugu jawaabayaan ‘maya’.
Weliba waxay ku sii adkaysanayaan in haddii aayadaha Qur’aanka ah oo af kale ku turjuman lagu tukado, in aanay salaaddaas ansaxba ahayn ee uusan Eebbe kaba soo jawaabaynin. Culimada qaarkoodna waxayba leeyihiin afka carabiga ah waaba afka marka la dhinto kaddib lagu hadli doono ee uu maalinta qiyaamaha Eebbe dadkiisa kaga xisaab qaadan doono.
Taana haddii dhab ahaan loogu fiirsado waxay Eebbe ka dhigaysaa Ilaah ay afafka kale ku adag yihiin oo ah mid afka carabiga ah oo keliya si wacan u garanaya amaba aan dan iyo xaajaba ka lahayn afafkaas kale. Midda kale aayadaha Qur’aanka sow ma aha kuwo muhiimadda loo soo dejiyay ay tahay in uunka wax lagu baro? Haddaba miyaanay ahayn wax uu cagligu diidayo in dib loo amro kii amarka soo saaray, illayn aayadaha qaarkood waxay dadka farayaan waajibaad iyaga laga doonayo inay gutaan.
Sida aayadaha qaarkood oo leh raaca Eebbe iyo rasuulkiisa, naf ha gooynina, towbad keena iyo kuwo kalee la mid ah. Marka miyaynu Eebbe markiisa u sheegnaa waxyaabahaas iyo wax u dhigma? Suurtagal ma aha taas inaynu Isaga u sii sheegno wixii uu inoo sheegay beri hore. Dhanka kale waxaa la wada ogsoon yahay in qof walba marka uu wax baryayo iyo marka uu hadlayo iyo marka uu wax ammaanayo iyo marka uu cataabayaba, uu afkiisa hooyo hadba sida uu doonayo uga haqa-beeli karayo. Laakinse waxaynu ka wada warqabnaa dadka soomaaliyeed oo 99% muslimiin ah, inay wax shuqul ah ku lahayn afka carabiga ah.

Dadkaa iyaga ahna aad bay xitaa ugu adag tahay inay si sax ah u akhriyaan aayadaha Qur’aanka ku jira qaarkood. Inta badanna waxay iskaga tukadaan erayo ay shaqalladooda khaldan yihiin oo aanay si quman ugu dhawaaqi karin, markaana ay dhacayso inay erayadii yeeshaan fasiraad ka duwan tii asalka ahayd oo ay horay u xambaarsanaayeen.
Inkastoo uu Eebbe eegayo quluubta aadanaha haddana ma aha mid ku kallifaya dadkiisa inay ku caabudaan af aanay u dhalanin oo weliba iyaga ku adag. Hase yeeshee haddii aannu u soo noqonno diinta Islaamka, waxaynu ka fahmeynaa in aan Eebbe laguba caabudi karin af aan ahayn midka carabiga ah. Haddaba ruuxii aan ku cibaadaysanin afkaas carabiga ah, ma wuxuu ka dhigan yahay ruux aanay xagga Eebbe waxba u oollin oo aan la xiriiri karin Isaga, marba haddii uusan salaadda ku oogaynin af carbeedka?

Runtii taas cagli-gal ma aha. Maaddaama ay jiraan afaf badan ee uu Eebbe u sameeyay dadkiisa, runtii ma habboona in dadka lagu marin habaabiyo in uu jiro af keliya ee uu Eebbe u dooray dadkiisa inay kula xiriiraan marka ay Isaga xaggiisa u tukanayaan. Waayo Eebbe Isaga ayaa abuuray dadka kana dhigay carab iyo cajami, kamana daahna kuwa aan carabta ahayn dhibaatada ka haysata afkaas carbeed.
Marka kama suurtowdo Eebbe in uu dadkiisa af culays ku ah oo aanay u dhalanin khasab kaga dhigo dushooda. Inkastoo uu Eebbe yahay mid sida uu doonayo dadkiisa wax ugu amri karo, haddana waxaannu ogsoon nahay in uusan ku farxaynin waxyaabaha culayska ku ah dadkiisa. Hase ahaatee nasiib darrida weyn oo ummadda soomaaliyeed iyo muslimiinta kale oo aan carabta ahaynba haysata waxay tahay, in cabsi lagu abuuray awgeed aanay jeclayn inay wax iska weydiyaan amuurtan iyada ah, amaba ay kala doodaan culimada culayska weyn oo uga imanaya xagga afkaasi. Haddii aan xaaladdayda ka hadlase, arrintan iyada ah waxay ka mid tahay arrimaha iga soo fogeeyay diinta Islaamka.
Dadka kalena waxaan aaminsanahay haddii ay cagligooda xaddidan la tashadaan in sida muraayad oo kale uu hortooda uga soo muuqan doono sawirka ah, in uu Eebbe dadkiisa u jidaynin afka carabiga ah balse uu qof walba Eebbe ku caabudi karayo afkiisa hooyo, maaddaama caalamka oo dhan dadka ku nooli aanay ahayn kuwo ka soo jeeda farcankii Ismaaciil oo keliya.
Waxaase la yaab leh inay culimada had iyo jeerba ka gaabsadaan arrintan dooddeeda, iyagoo weliba si dhab ah u dareensan dhibaatada uu afkaas ku hayo dadka aan carabta ahayn. Cudur-daarka keliya oo ay taas kaga jawaabaanna waxay tahay iyagoo yiraahda, ‘waa afka uu Eebbe u doortay in Isaga lagu caabudo’ Haddaba aaway Eebbe caaddilnimadiisa? Wey jirtay, wey jirtaa weyna jiri doontaa weligeed.
Eebbe in uu caaddil yahayna muran kama taagna, balse waa aadanaha kan inta badan Eebbe ku sifeeya wax aanu mudnayn. Midda kale Qur’aanku sow ma aha kan sheegaya in uusan Eebbe ahayn mid aadanaha dulmiya? Haa. Oo waxaa taas ka hadlaya aayadahan soo socda:
Aayadda 46aad ee Suuradda Fussilat, “...Rabbiguna ma aha dulmiyaha addoomada.”
(Fussilat, aayadda 46aad)
Iyo aayadda 108aad ee Suuradda Aala-Cimraan oo iyana leh:
“....Eebbana ma aha mid la doona dulmi caalamka.” (Aala-Cimraan, aayadda 108aad)
Haddaba aayadahan waxay caddaynayaan in uu Eebbe yahay Ilaah aan wax dulminin, waana run taas iyada ah waayo Eebbe waa Ilaah xumaan oo dhan ka hufahan. Sidaa awgeed halkan waxaa nooga cad dulmiga inay abuureen kuwa dadka ku waajibinaya af aanay u dhalanin inay Eebbe ku caabudaan. Taana waxaa laga fahmi karaa in aan Qur’aanka dhexdiisa laga helaynin aayad keliya oo dadka ku waajibinaysa afka carabiga ah in uu yahay kan ummadaha oo dhan lagu amray inay Eebbe ku caabudaan.
Laakinse kuwa garaadka fayow leh shaki ugama jiro in uu Eebbe af walba garanayo uuna Isagu yahay kan afafka kala duwan dadka baray. Haddaba sida la ogsoon yahay kuwa ehelu kitaabka ah, qolo walba waxay leedahay maalin u gaar ah toddobaadkii oo iyaga astaan u ah oo ay si weyn ugu kulmaan rugaha ay ku cibaadaystaan, si dadka meesha isugu imanaya loo wacdiyo oo quluubtooda loogu sii dhoweeyo Eebbe xaggiisa. Maaddaama ay taas jirto ayay Muslimiintuna qabaan in lagu waajibiyay inay maalinta jimcaha ay tahay mid iyaga loo dooray.
Bal haddana aan u soo galo xaaladda ugu daran ee igu dhalisay in aan shaki kale ka sii qaado diinta Islaamka. Runtii waa arrin xanuun weyn u leh kuwa aan carabta ahayn, waxayna arrintaas la xiriirtaa salaadda la oogo maalinta jimcaha ah. Haddaba sida Qur’aanka dhexdiisa ku cad Muslimiinta marka ay maqlaan u yeeridda salaadda jimcaha, waxaa la farayaa inay markiiba ka soo kacaan hawl kastoo ay faraha kula jiraan una soo deg-degaan xusidda Eebbe. Waxaase jirta in salaadda ka hor ay lama gudbaan tahay in halkaas laga soo jeediyo laba khudbadood, khudbadahaasoo loogu talagalay in dadka wax loogu sheego.

Laakinse dadka soomaalida ah iyo kuwa kale oo aan carabta ahaynba waa u maalaayacni intooda badan maalintaas, waayo waxay ku khasban yihiin inay dhegaystaan khudbado aanay fahmaynin waxa ay ka hadlayaan. Maxaa yeelay khudbadahaas waxaa loogu soo tebiyaa afka carabiga ah, afkaasoo ah af aanay iyagu u dhalanin.
Haddaba mar aan arrintaas si qoto-dheer wax uga weydiyay culimada soomaaliyeed, waxay dhammaantood isku raaceen in afka carabiga ah mooyee aanay khudbadahaas af kale ku ansaxaynin, sidaana waxaa qaba mad-habta Shaaficiyada oo jidaysay in afka carabiga ah Muslimiinta oo idil wax loogu sheego, sida aan ka soo xigtay culimada qaarkood. Markii aan culimada ka sii waraystay xaaladda kuwa meesha fadhiya oo khudbadahaas waxa looga hadlaya aan fahmi karin, waxay i siiyeen jawaab marka loo fiirsado aan waafi ahayn.
Waayo waxay ii sheegeen kuwa aan afka carabiga ah garanaynin in khudbadahaas salaadda kaddib loogu sharrixi doono afkooda hooyo. Runtii taas waa arrin aan u arkay inay si weyn ugu dulman yihiin dadka Muslimiinta ah oo aan aqoonta u lahayn afka carbeed, maaddaama aanay Qur’aankuba ku jirin aayad faraysa inay salaadda kaddib masjidka ku sii negaadaan, si iyagana markooda wax loogu fahamsiiyo afka u gaarka ah. Xaqna ma aha in dadkaas waqti kale looga lumiyo inay masjidka u sii fadhiyaan khudbado af kale horay ugu baxay oo aan markii horeba afka ay aqoonta u leeyihiin loogu soo jeedinin.

Waxaanse garan waayay sababta ay culimadu iskaga indha-tirayaan iyagoo arkaya inay dadkaas ku kadeedan yihiin fahmidda afka carabiga ah. Midda kale waxaa la yaab leh inay culimadu jideeyeen wax aan ku soo aroorin Qur’aanka dhexdiisa. Waxaana ka mid ah marka ay leeyihiin, ‘Salaadda kaddib ayaa qolo walba afkooda loogu sharraxayaa khudbadahaas.’
Su’aashuse waxay tahay, inta khudbadahaas lagu soo celin lahaa mar kale, sow kama habboonaan lahayn in dadka meesha isugu yimid afka ay wada garanayaan mar keliya wax loogu sheego? Haa. Waxayna ila tahay qaabkaas in uu yahay qaabka ugu fiican oo aan dadkana waqti dheer ku qaadanaynin.
Midda kale marka la leeyahay salaadda kaddib ayaa qolo walba afkooda loogu sharraxayaa, waxay iigu muuqataa in la jebiyay amarka ay xambaarsan tahay aayadda 10aad ee Suuradda Al-Jumcah oo sida guud dadka oo dhan u faraysa sidatan:
“Markase salaadda la guto dhulka ku kala faafa, fadliga Eebbe dalba, in badanna xusa Ilaahay oo waxaad u dhowdihiin in aad liibaantaane.” (Al-Jumcah, aayadda 10aad).
Sidaa awgeed culimada leh salaadda kaddib masjidka ha lagu sii negaado, waxan qabaa inay fiicnaan lahayd inay qiil la yimaaddaan oo aanay arrintu noqonin mid ay u qaadaa-dhigaan hadba sida ay iyagu doorbidayaan.
Midda kale haddiiba uu Eebbe yahay kan bixiyay amarka ah in salaadda kaddib dhulka lagu kala faafo, waxan qabaa in uu haddana soo raacin lahaa amar kale oo dadka faraya inay masjidka ka bixin, tan iyo inta khudbadihii af carbeedka ku baxay loogu kala dhig-dhigayo afkooda hooyo.

Haddaba mar haddaanay Qur’aanka dhexdiisaba ku jirin aayad dadka ku amrayso, inay marka hore khudbadaha ku dhegeystaan afka carabiga ah kaddibna loogu faahfaahiyo afkooda, maxay tahay sababta dadka soomaaliyeed iyo kuwa kalee aan af carbeedka aqoonta u lahaynba loogu khasbayo, inay khudbadahaas ku dhegaystaan afka carabiga ah? Taa waxaan u arkay inay dulmi tahay.
Waxaase hubaal ah inuu Eebbe yahay mid aan addoomadiisa dulminin, laakinse mar walba wanaagga uun la jecel iyaga. Mana qabo in uu Eebbe jidaynayo in quruumaha oo dhan afka carabiga keliya lagu wacdiyo, maaddaama uu yahay kan Isaga afafka kala duwan u dooray dadka dunida ku nool oo dhan. Mana habboona in Eebbe laga dhigo mid afka carabiga ah mooyee aan af kale laguba caabudi karin.
Qodobka wax walba ugu muhiimsanse wuxuu yahay in aannu wada fahamno in uu Ilaahay inaga doonayo qalbi daahirsan balse aanu waxba ku falaynin dhar nadiif ah oo la soo xirto oo keliya, iyo in rugaha wax lagu caabudo layska tago uun iyadoo aan waxba laga soo kororsanaynin. Waayo waxaan weligay u soo joogay inay dadka soomaaliyeed intooda badan aanay salaadda kaddib kuba sii negaanin masjidka dhexdiisa.
Taasoo ka tarjumaysa inay intooda badan aanay waxba ka macaashin wacdiga iyo waanada ay xambaarsan yihiin khudbadaha maalmaha jimcooyinka ah loo soo jeediyo, maaddaama lagu akhriyo afka carabiga ah oo aanay waxba ka garanaynin. Marka culimadu miyaanay dhacdadaas ugu muuqanaynin sida iyagoo dameer malab ku raraya oo kale?
Sidaa awgeed Eebbe waa Ilaah af walba garanaya, waxaanna qabaa inay qolo walba xaq u leedahay inay Isaga ku caabuddo afkeeda u gaarka ah.
AYAA LOOGU TALO GALAY DIINTA ISLAAMKA?
Si ay xaqiiqada wax uga ogaadaan waxaa dadka Muslimiinta ah oo aan carabta ahayn oo dhan looga baahan yahay, inay caqiidooda diinta Islaamka ah oo iyaga lagu soo barbaariyay u kuur-galaan ilaa iyo gunta hoose, si ay wax iskaga weydiiyaan sida ay iyaga ugu waajibtay ku dhaqanka diintaas oo ah mid aan lagu soo qorin afkooda hooyo amaba aan loo oggolayn in Qur’aanka isagoo tarjuman ay Eebbe la hortegi karaan.
Waana lama huraan in qof kastaba uu runta abbaaro isla markaana iska waraysto ilaa iyo xadka uu ku xirnaan karo diintaasi si uu ugu dambaynta u helo natiijo wax ku ool ah.

Maxaa yeelay Eebbe waa Kan inoo sheegay in uu yahay Ilaah janno iyo naarba u samaystay uunkiisa, isla mar ahaantaana inoo kala caddeeyay in uu jannadiisa gelin doono kuwa sida xaqa ah u raacay awaamirtiisa iyo jidkiisa toosan.
Halka uu naartana ugu gooddiyay dhammaan inta Isaga ku caasi-garowday oo dhan. Sidaa darteed shaki kuma jiro in qof walba ay waajib ku tahay, inay tartan adag u gasho sida ay jannadaas Eebbe u geli lahayd ugana badbaadi lahayd cadaabtaas daran oo aan dhammaadka lahayn.
Inkastoo jannada lagu gelayo naxariista weyn ee Eebbe, haddana addoon kastaba waxaa laga doonayaa in uu muujiyo addoonnimadiisa, wuxuuna taas ku qiri karaa in uu marka hore yahay mid raacay awaamiirta Eebbe. Midda kale waxan jeclaan lahaa in aan dadka Muslimiinta ah laakinse aan carabta ahayn ku guubaabiyo, inayan faaqidaadda diintaas uga gaabsanin fekradda ah awooweyaasheen ayaynu ka soo gaarnay awgeed, balse ay isku dayaan inay gees walba ka eegaan aayadaha Qur’aanka ah oo ay akhrisanayaan.
Maxaa yeelay waa u nasiib darro hadday diintaas u qaataan sida iyaga loo soo gaarsiiyay oo keliya, taana waxay qofka ka dhigaysaa sida isagoo aan mas’uul ka ahayn nafsaddiisa oo iska raacay uun waxyaabo ay cid kale u sheegtay isagoo aan wax baaritaan ah ku samaynin wixii loo soo tebiyay oo dhan. Haddaba kuwa Muslimiinta ah oo aan carabta ahayn oo ay dhibaatada weyn ka haysato xagga fahmid la’aanta luqadda carabiga ah, sidee bay iyagu u arkaan in Qur’aanku yahay mid iyaga loo soo dejiyay, maaddaama aanu afkooda hooyo ku qornayn?
Runtii intooda badan waxay aaminsan yihiin inay ka mid yihiin dadka loo soo dejiyay Qur’aankaas.
Haddiise ay taas oggol yihiin sidee bay ugu dhadhamaysaa aayaddan Qur’aanka ah oo qeexaysa in aan ummadna loo dirin rasuul aan ku hadlaynin afkeeda hooyo? Dhabtii waa su’aal jawaab cad u baahan maxaa yeelay sidan bay aayadda 4aad ee suuradda Ibraahiim leedahay:
“Rasuul kuma dirno waxaan afka qoomkiisa ahayn, si uu ugu caddeeyo....”
(Ibraahiim, aayadda 4aad)
Taas waa arrin macquul ah waayo qofka aad doonaysid in aad gaarsiisid farriin, waa in aad wax ugu sheegtid afka uu garanayo ee uu sida caadiga ah ugu hadlo. Maxaa yeelay qofka haddii wax loogu sheego af aanu aqoon u lahayn waxaa suurtagal ah in farriintii loo keenay aanu sidii loo rabay u wada fahmin. Eebbena ma oggola in farriimihii uu dadkiisa u soo diray ay noqdaan qaar sidii uu ugu talagalay si ka duwan loo qaato.
Waana taa midda macquul ka dhigaysa aayaddaas. Mana filayo inay aayaddan tahay mid loo yeeli karo macanahan muuqda mid ka geddisan. Sidaa awgeed waxaa in la xuso mudan, haddiiba uu Qur’aanku yahay mid xagga samada ka soo degay in uu yahay mid xilligiisii si khaas ah loogu soo dejiyay qabaa’il deegaanno mucayin ah ku dhaqnaan jiray, iyadoo weliba loo soo diray mid iyaga ka mid ahaa si uu ugu caddeeyo farriimihii la doonayay in iyaga la soo gaarsiiyo.
Mana aha arrintan mid laga murmi karo amaba weji kale loo yeeli karo, waayo ruux walba wuu dareemi karaa in Qur’aanku inta badanba uu la hadlayo dadyowga carbeed oo ku noolaan jiray magaalada Maka iyo hareeraheeda, iyadoo afkooda hooyo lagula hadlayo si wax loogu sheego looguna digo iyaga. Waayo haddii aan si gaar ahaaneed loogu soo dirin rasuulkaas oo iyaga u sida Qur’aan ku qoran afka carabiga ah, hubaal, ma dhici lahayn in uu xadaysnaado aagga la doonayay in uu Qur’aanku gaaro, lagumana soo dejin lahayn afkaas u gaarka ahaa dadkii ku dhaqnaan jiray degmada Maka iyo degmooyinkii kale ee ku yaallay agagaarkeeda.
Waxaana meesha inooga muuqanaya laba qodob oo macnahaas xoojinaya oo si wacan wax inoogu qeexaya, waxayna kala yihiin:
1)- In marka horeba deegaannadaas ay degganaayeen dad carbeed oo ka soo jeeday farcankii Ismaaciil.
2)- In rasuulkii loo soo diray uu ahaa mid iyaga ka mid ahaa. Marka ciddii doonaysa inay wax ka ogaato amuurtaas, waxaan kula talin lahaa inay si deggan u akhrisato aayadahan soo socda:
“Kani waa Kitaab aannu soo dejinnay oo barakadaysan oo rumayn wixi ka horreeyay iyo in aad ugu digtid Maka iyo hareeraheeda....” (Al-Ancaam, aayadda 92aad)
“Sidaannu kuugu soo waxyoonnay Qur’aan carabi ah, si aad ugu digtid hooyada qaryooyinka (Maka) iyo kuwa ku hareeraysan ugana digtid maalinta kulanka....”
(Ash-Shuuraa, aayadda 7aad)
Culimaduse marka wax laga weydiiyo kama bixiyaan jawaab wacan oo run ahaantii qancin karaysa qofka uu mad-madowga kaga jiro aayadahaas.
Balse waxay isku dayaan uun inay dadka maskaxda ka geliyaan inay degmada Maka tahay xudduntii adduunka, sidaa awgeedna ay tahay hooyada magaalooyinka dunida ka jira oo dhan.
Aniguse weli kuma aan arkin Qur’aanka dhexdiisa aayad si cad u tilmaamaysa, inay magaaladaas bar dhexaad u tahay dunida aynu maanta joogno.
Haddiise culimada arrintaas lagu raaco xitaa, maxaa loo adeegsaday erayga ah ‘hareeraha’?

Ma dunida ayaa ku koobnayd Maka iyo tuulooyinkii daafaheeda ahaa? Maxaa yeelay macnaha uu leeyahay erayga ‘hareeraha’, waa mid qiyaasta masaafadiisa la wada garan karo inta ay gaarsiisan tahay. Run ahaantiina waa masaafo aan ka fogaan karin ilaa iyo 50 Km. Sidaa awgeed waxaa la oran karaa Qur’aanka waxaa loogu digayay ummaddii degmada Maka ku sugnayd waagaas iyo ciddii kale ee uu gaari karayay, sida ku cad aayadda 19aad ee Suuradda Al-Ancaam oo leh sidatan:
“...waxana lay waxyooday Qur’aankan inaan idiin kugu digo idinka iyo ciddii uu gaaro....”
(Al-Ancaam, aayadda 19aad).
Bal eeg lama oranin ‘idinka iyo dadka dunida oo dhan’. Marka taas loo fiirsadana waxaa halkaas laga dhadhansan karaa in aanu Qur’aanku khusaynin dadka kale marba rasuulkii loo soo dhiibay haddaan si toos ah u soo gaarsii loo farin.

Marka waxaa meesha ka cad Qur’aanku in uu markiisii horeba ku koobnaa goobo khaas ah. Haddiise uu ahaan lahaa mid loo soo dejiyay ummadaha dunida ku dhaqan oo idil, xaaladda sidan wey ka duwanaan lahayd isla markaana tirada aaminsanna intan wey ka sii badnaan lahayd.
Maxaa yeelay sida aynu ka warqabno dawladdii Islaamka ahayd waxay gacanta ku dhigtay dalal fara badan oo dunida ku yaal laakinse tirada rumaysay diintaas runtii aad bay u yarayd, waxaana la oran karaa intii yarayd oo caqiido ahaan u qaadatayna inay u geysay baqdin ay ka baqayeen awooddaas wax khasbaysay.
Haddaba marka la doonayo in dadka si dhab ah wax loo fahamsiiyo waxaa xaq ah in qof walba afkiisa hooyo wax loogu sheego. Haddiise ay taas dhici weydo waxaa halkaas ka muuqanaya dulmi caddaan ah. Hase yeeshee waxaynu ogsoon nahay in aanu Eebbe waxba dulminin, xaggee buuse salka ku hayaa amarkan sheegaya Qur’aanka in uu yahay mid khuseeya ummadaha aan carabta ahayn?
Markase culimada Islaamka sidaa wax loo su’aalo waxay markiiba la soo boodaan aayadda oranaysa:
Kumana aanaan dirin naxariista caalamka adoo ah mooyee.” (Al-Anbiyaa, aayadda 107aad).
Su’aashuse waxay tahay, ruux uu Eebbe u soo diray in uu caalamka naxariis u noqdo miyay ka suurtowdaa in uu dil iyo halaag u geysto dad aan waxba galabsanin balse isaga raaci waayay waanadiisa? Naxariistuse miyaanay ahayn damqasho uu qofku u damqanayo qofka kale taasoo ku dhisan samir, jacayl iyo dulqaadasho? Jawaabta su’aalahaas kaafinaysana waxay tahay in meesha ay naxariista Eebbe dul joogto aanu dagaal iyo cadaawadba soo gelaynin.
Haddaan sii jilciyana ujeeddadu waxay tahay in qof uu Eebbe naxariis uga dhigay caalamka aanu gacan ka hadal ula tagaynin kuwii naxariista ka sugayay. Dhanka kale waxaa nasiib wanaag ah inay Qur’aanka dhexdiisa ku jiraan aayado kale oo inaga caawinaya in aynu si fiican u garanno halka uu Qur’aanku ku soo hoobanayo.
Waana kuwan aayadihii:
“Annaga ayaa soo dejinnay isagoo Qur’aan carabi ah in aad kastaan.” (Yuusuf, ayadda 2aad)
“Annaga ayaa ka dhignay Qur’aan carabi ah in aad kastaan darteed.”

(Az-Zukhruf, aayadda 3aad).
“Sidaannu kugu soo dejinnay Qur’aan carabi ah uguna caddaynay dhexdiisa gooddin inay dhawrsadaan darteed amaba ay u timaaddo xusuus.” (Dhaahaa, aayadda 113aad).
Haddaba waxaa aayadahan kor ku xusan ka muuqanaya kuwii carbeed inay xaq u yeesheen in afkooda hooyo wax kastaba loogu soo tebiyo si wax loogu sheego looguna soo gudbiyo farriimihii uu u siday rasuulkii iyaga loo soo diray, si wacanna u fahmaan farriimaha uu Qur’aanku xambaarsan yahay oo dhan.
Tusaale ahaan, waxaa si wacan loo dareemi karaa Qur’aanka dhexdiisa inay ku caddahay inay ummad walba waxa loo soo dejiyay oo diin ah, iyo rususha loo soo dirayba yihiin kuwo afkooda hooyo wax ugu sheegaya. Waayo Kitaabkaas Qur’aanka ah dhexdiisa laguma sheegin inay suurtagal tahay in ummad loo diro mid aan iyaga ka mid ahayn oo loogu dhiibo farriin amaba loo soo dejiyo kitaab aan ku qornayn afka ay ku hadlaan oo ay u dhasheen. Arrimahaas oo idilna waxaa si cad u qeexaya aayadahan soo socda:
“Haddii aannu ku soo dejinno qaar cajami ah dushooda, ee uu ku akhriyo korkooda may noqon lahayn kuwo isaga rumeeya.” (Ash-Shucaraa, aayadaha 198 iyo 199aad).
“Haddii aannu ka dhigno Qur’aan cajami ah, waxay oran lahaayeen maxaa loo caddayn waayay aayaadkiisa. Ma Qur’aan cajami ah iyo nebi carab ah...” (Fussilat, aayadda 44aad).
Bal eeg caddaaladda meesha ka muuqanaysa! Waayo qoomkii carabta ahaa ee degmada Maka ku sugnaa si ay dood uga keenin Qur’aan cajami ah ee uu nebi carab ah u sido, ayaa Qur’aankii looga dhigay mid lagu soo dejiyay afkooda hooyo, rasuulka loo soo dirayna uu u noqday mid iyaga ka mid ah si marmarsiinyo oo dhanba meesha looga saaro.
Haddaba walaalayaalow, nimcooyinka uu Eebbe nagu mannaystay waxaa ka mid ah cagliga uu ina siiyay. Waana lama huraan inaynu u adeegsanno wax kastoo la xiriira nolosheenna si aynu mar walba u kala garanno waxa saxa ah iyo waxa khalad ahba.
Sidaa awgeed kuwa cagliga fayow leh waxaan u rajaynayaa inay iyaguna markooda gartaan Qur’aanka in uu yahay mid si khaas u ah qolo keliya sida aayado fara badan laga dhuuxi karo, siiba kuwi ugu dambeeyay oo aan tusaale ahaanta u soo qaatay kuwaasoo aan filayo inay si caddaan ah u qeexayaan inay adag tahay in ummad lagu waajibiyo diin aan ku qornayn afkooda hooyo, xitaa haddii loogu soo dhiibo mid iyaga ka mid ah oo ku hadla afka ay u dhasheen.

Sidoo kalena ummad kasta wey ku dhib qabaysaa haddii loo soo diro rasuul aan iyaga laga soo dhex saarin si katoo uu ula yimaaddo kitaab ku qoran afkooda, maxaa yeelay waa laba fekradood oo si cad isu burinaya marka loo eego qaabka ay aayadahaas kor ku xusan wax u muujinayaan. Sababta ugu weyn oo taa muhiim ka dhigaysana waxay tahay in ergada meel loo dirayo ay noqoto mid si wacan u garanaysa afka iyo dhaqanka ay ummadda loo diray leedahay. Weliba afka iyo dhaqanka waxaa labada sii muhiimsan dhaqanka.
WAA KEE RASUUL DHAB AH?
Erayga Rasuul waa eray asalkiisu yahay carabi oo af soomaali ahaanna u dhigma ‘farriin-side’ amaba ‘ergay’. Hase yeeshee rusullada wey kala heer sarreeyaan kan ugu heer sarreeyana waa midka xagga Eebbe ergay ahaan looga soo diray.
Haddaba iyadoo ay jiraan rusullo fara badan ee uu Eebbe u soo xilsaaray inay dadka soo gaarsiiyaan farriin ka timid Isaga xaggiisa ayay haddana iyaga laftigoodu ahayn kuwo isku derejo ah. Marka sida ay u kala derejo sarreeyaan ayay xagga Eebbena ugu kala dhow yihiin.

Haddaan kala derejo sarraynta sii jilciyana waxaan ugu jeedaa hadba sida ay u kala mucjisooyin badan yihiin. Waayo mucjisooyinka uu rasuul samaynayo waa wax ku yimid doonista iyo awoodda Eebbe ee ma aha wax uu rasuulkaas shakhsi ahaan u samayn karay. Eebbena addoonba addoonka uu ka jecel yahay ayuu dul dhigaa nimcooyinkiisa gaarka ah.
Mana jirin rasuul uu Eebbe u soo diray koonkan ee aanu soo daba dhigin mucjiso Rabbaani ah oo lagu aqoonsado kana markhaati furaysa rasuulkaas in uu yahay mid xagga samada laga soo doortay ee aanu ahayn mid isaga iska sheeganaya rasuulnimada.
Tusaale ahaan marka ay dawalad Danjire dal kale u dirsanayso, Danjiraha iskama tago isagoo aan warqadihii aqoonsiga ahaa ka sidanin dawladdiisa. Marka mucjisooyinkana waxaynu oran karaynaa waa astaamaha ninka sheeganaya in uu farriin ka sido xagga Eebbe markiiba lagu garanayo. Balse haddii uu rasuulku wax mucjiso ahba la imaanin waxay ka dhigan tahay nin sheegtay in uu dawlad u yahay Danjire isagoo aan waraaqo lagu aqoonsado sidanin.
Waxaana hubaal ah dawladda kale ee uu dalkeeda tegay in aanay marnaba ninkaas u qaabilaynin sida isagoo Danjire u ah dalka uu sheeganayo in uu wakiil ka yahay.
Sidoo kale rasuulka isku tilmaamaya in uu farriin ka sido xagga Eebbe haddii aanu wixii lagu rumayn lahaa dadka la hor imaanin, runtii waxuu ku sifoobayaa mid ka been sheegaya Eebbe oo Sheydaanka adeege u ah.
Marka haddiiba uu aadanuhu gartay in uu wakiilkiisa daba dhigo warqaddii lagu aqoonsan lahaa, miyaanu ergayga Eebbe ahayn mid ka sarreeya midka aadanaha oo caddayn muuqata u baahan? Jawaabtuna waa ‘Haa’.
Maxaa yeelay Eebbe wuxuu garanayaa fekerka sharka leh ee quluubta aadanaha ka dhex guuxaya, marka si ay dadkiisa ugu cibrad qaataan ayna ugu dhicin dabinta Sheydaanka ayuu mar walba rusushiisa siin jiray awood ay mucjisooyin Isaga xaggiisa ka ahaaday ugu dhex muujiyaan dadka ay u sidaan dhambaalkiisa farriimeed.
Dhanka kale marka uu Eebbe rasuul soo dirayo wuxuu ku waajibiyaa in farriintiisa uu gaarsiiyo dadkii uu u soo xilsaaray oo dhan, si aanay maalinta Qiyaamaha u oranin inatynu dunida joognay wax naloo soo tebiyay oo farriin ah ma ay jirin.
Inkastoo aanay Eebbe waxba ka qarsoonayn ayuu haddana jeclaystay in uu dadkiisa qaabkaas kula xisaabtamo maalinta Qiyaamaha, si uu ummad kastaba u hor keeno kii iyaga loo soo diray in uu farriinta soo gaarsiiyo. Haddiise aynu dhab ahaan ugu fiirsanno shakhsiyaadka la garanayo ee iyagu sheegtay rasuulnimada, waxaynu ku kala sooci karaynaa mucjisooyinka ay dadka la hor yimaaddeen. Laakinse nin sheeganaya in uu farriin ka sido xagga Eebbe ee aan haddana wax mucjiso ah abidkiiba ku samaynin dunida guudkeeda, wey adag tahay in loo aqoonsado mid xaq ah oo xagga Eebbe laga soo diray.
Maxaa yeelay sidaan horayba u soo sheegay Eebbe wuxuu ogsoon yahay in uu beni’aadamku shar miiran yahay, sidaa awgeedna uu mucjisooyinka u soo raaciyay rusushiisa si ay mucjisooyinkaas uga markhaati kacaan in kan rasuulnimada sheeganaya uu yahay mid xaq ah oo xagga samada laga soo doortay. Haddaba haddii aynu sooyaalka diimaha dib u jalleecno waxaynu ku arki karaynaa inti rasuulnimada sheegatay oo xaqa ku taagnaa inay dhammaantood dadka u soo bandhigeen mucjisooyin caddaynaya in iyaga loo aqoonsan karo kuwo xaq ah.
Balse marka aynu nebi Muxummad xaaladdiisa u kuur galno waxaynu fahmaynaa in uu yahay mid aan wax mucjiso ah oo la taaban karo ku samaynin dadka dhexdiisa iyo dunida guudkeedaba. Hase yeeshee marka ay culimada Islaamka ah arrintaas ka hadlayaan waxay ku andacoodaan mucjisada uu nebigu la yimid in uu yahay Qur’aanka.
Laakinse haddii ay arrintu sidaas tahay waxaan qabaa inay si cad u muuqan lahayd mucjisada uu Qur’aanku xambaarsan yahay. Haddiise uu Qur’aanku ahaan lahaa mid samada ka soo degay isagoo kaamil ah ee loox amaba harag ku qoran waa loo qiri kari lahaa in uu yahay mid aan mucjisadiisa la daffiri karin. Balse sidaynu ka warqabno Qur’aanku wuxuu ahaa mid uu nebiguba caddeeyay in uu kolba aayad-aayad ugu soo degi jiray ee uu malag Jibriil u meerin jiay.
Isaga markiisana uu u sii gudbin jiray asxaabtii. Marka qaabkee buu Qur’aanku ku yeelan karaa astaan mucjiso leh? Su’aashaasna waa mid u baahan in uu qof walba la kaashado maskaxdiisa, uuna mucjisooyinkii ay rusushii kale la yimaaddeen iyo middan kale oo ah in Qur’aanku mucjiso yahay uu si caqligal ah isu barbar-dhigo. Midda kale culimada Islaamka waxay qirayaan in maalinta Qiyaamaha marka uu Eebbe addoomadiisa xisaabinayo uu nebi Muxammad mooyaane aanu nebi kale wax gargaar ah u fidin karin kuwa eedaysanayaasha ah.
Haddaba miyay suurtagal tahay ku aan wax mucjiso ahba dunida la imaanin in uu noqdo kan rusushii kale ee uu Eebbe nimcadiisa ku mannaystay intay dunida joogeen uu uga sii dhow yahay maalintaas xagga Eebbe? Haddii aynu dhinac kale ka eegnana waxaynu ogsoon nahay nebi Muxammad in uusan xiriir toos ah la lahaan jirin Eebbe oo farriimaha oo dhan loo soo marin jiray xagga malag Jibriil. Haddaba miyaynu oran karaynaa nebi Muxammad wuxuu ka kheyr badan yahay rusushii kale oo qaarkood sida tooska ah Eebbe ula hadli jiray?
Bal eeg qiimaha weyn oo ay leedahay haddii uu Eebbe si toos ah kuula hadlo adigoo dunida jooga. Taana waxay ka dhigan tahay in aad addoomada kale wax dheer tahay, waayo Eebbe oo ah Ilaaha Qaaddirka ah ayaa codkiisa ku soo gaarsiiyay adigoo addoonkiisa ah.
Kolley anigu fili maayo inay taas mid la qaadan karo tahay. Maxaa yeelay qorshaha Eebbe ma aha mid maalinba heer taagan oo is-bedbeddela. Taa iyada ahna waxaan uga jeedaa in aysan Eebbe ka suurtoobin in uu derejo hoose geeyo kii uu horay u darajeeyay. Marka haddiiba ay dhacayso in maalinta Qiyaamaha cid uun u gar-gaari doonto kuwa dembiilayaasha ah, waxay ila tahay inay ciddaasi noqon doonto kan rusushii dunida loo soo diray ugu derejo sarreeyay oo mucjisooyin cad-cad dadka hortiisa ku sameeyay. Waana kaas midka in uu rasuul dhab ah yahay loo aqoonsan karo.
DIYAARINTA KITAABKA QURAANKA AH
Haddaba marka la doonayo in dadka wax loo soo tebiyo wey fara badan yihiin xeeladaha loo adeegsado, habkase ugu sahlan waa midka qoraal ahaan wax walba u soo bandhigaya si uu qof kastaba u akhristo. Balse haddii afka uun laga meeriyo cashar loo baahan yahay in uu qofka ka daadego, waxaa dhici karaysa in qofku si kastoo uu u xiisaynayo arrintaas uu markiiba si fudud iskaga illoobo, maxaa yeelay wuxuuna haysanin meel uu ka sii raad-raaco wixii dusha laga baray. Waxaa xitaa suurtagal ah in uusan qofkaas wixii loo meeriyay aanu u wada xafidin dhammaantood sidii rasmiga ahayd oo loogu soo gudbiyay.
Weyna dhici karaysaa in uu wax ka tago amaba waxaan kuba jirin uu ku kordhiyo warkii la soo gaarsiiyay. Taana waa wax aalaaba ka dhaca dunida, waxaana tusaale cad u ah marka dad fara badan oo meel wada jooga mid uun farriin loo sheego iyadoo aanay kuwa kale maqlaynin, isla markaana lagu yiraahdo midka kugu dhow dhegta ugu sheeg wixii lagugu yiri, oo kii kalena sidaa si le’eg lagu yiraahdo sii gaarsii kan adiga kugu xiga, waxaa hubaal ah in aanay farriintaas noqonaynin tii rasmiga ahayd oo loo sheegay qofkii ugu horreeyay, maxaa yeelay waa iska caadi in qof walba wixii soo gaaray uu wax ku kordhiyo amaba uu ka dhimo.
Haddiise ay farriintu tahay mid iyadoo qoran qofka soo gaartay ma dhici karayso in uu wax ka beddelo, waayo marka muran yimaaddo amaba wax isku khaldamaan halka loo noqonayo ayaa ah qoraalkii farriintaas. Marka ay farriin tahay mid qoran waxaa qofka in uu xusuusnaado aad uga saacidaya akhrintii uu akhriyay, maxaa yeelay ishu wixii ay mar milicsato maskaxduna wey u sahlan tahay inay markiiba soo xusuusato oo sawirkii ay ishu qaadday ayaa u sii muuqanaya.
Haddaba sida aynu wada ogsoon nahay xilligii ay diinta Islaamku soo degaysay ma ahayn Qur’aanku mid isagoo qoran soo degay, hase yeeshee wuxuu ahaa mid aayad aayad kolba u soo degayay oo uu Malag Jibriil dusha uga meerin jiray nebi Muxammad oo ahaa nebi aan wax qorin waxna akhrinin. Nebi Muxammadna markuu ku soo noqdo dadka dhexdiisa ayuu isna markiisa iyagii u gudbin jiray wixii uu Malag Jibriil u soo tebiyay.
Sida uu nebiguba sheegay marka ay aayadaha Qur’aanka ah ku soo degayaan wuxuu ahaan jiray mid ay mararka qaarkood soo wajihi jireen naxdin iyo culaysya badan. Marka bal ka warran farriin adigoo xaalad naxdin leh ku dhex jira lagu soo gaarsiiyay? Mase kula tahay in wixii laguu sheegay oo dhan aad qalbiga ku wada haayn karaysid oo aad dhammaantood u sii gudbin karaysid sidii uu asalkoodii ahaa? Dhinaca kale maxay ahayd sababta Qur’aanka loogu qori waayay kitaab ay aayaadkiisa oo idil ku wada dhan yihiin intii uu nebigu noolaa? Maxaa yeelay isaga oo nool ayaaba loo caddeeyay in Qur’aanka la kaamil yeelay oo aanay waxba ka dhinnayn.
Haddaba miyaanay ahayn mas’uuliyad nebiga saarnayd in uu dadka ku amro inay aayadka Qur’aanka ah oo idil kitaab keliya ku wada qoraan, si uu markaas isagu ugu sameeyo sixitaan si haddii ay dadku ku daraan waxyaabo aan loo soo waxyoonin uu markiiba uga saaro? Inkastoo aanay ku caddayn Qur’aanka dhexdiisa waxyaabo fara badan oo ay mid yihiin salaadaha shanta ah oo kale, balse xadiis ahaan looga soo xigtay nebiga ayaa inta badan marka loo fiirsado waxaabad mooddaa in inay axaadiistu yihiin kuwo kaamilaya Qur’aanka.
Sida laga warqabana axaadiistu ma aha kuwo uu nebiguba ku sheegay in loo soo waxyooday, laakinse waa fekrado isaga maskaxdiisa ka yimid. Mar kastana waxaa muhiim ah inay dadku kala saaraan Erayga Eebbe xaggiisa ka yimid iyo midka laga soo weriyay bashar rasuul ah. Ugu dambayntii waxaan qabaa inay habboonayd in uu nebigu isku hawlo sidii uu ummadda uga tegi wax huban oo uu goob-joog u ahaa markii la diyaarinayay, taana waxay meesha ka saari lahayd in aanu qofku uga shakinin Qur’aanka sabab ah inay qoreen kuwii isaga ka dambeeyay.
Maxaa yeelay qofku wuxuu is weydiin karaa in kuwa qoray aanay ahayn kuwii sida tooska ah loogu soo waxyooday, isla markaana yihiin kuwo aadane ah oo ay wax walba ka suurtoobaan. Mana dhici karayso inay farriimihii oo dhan u soo wada ururiyaan si kaamil ah oo aan naaqus iyo siyaado intuba lahayn.

BOOQASHADA MAKA & DHAGAXA MADOW
Bal marka horese aynu dib u jalleecno sooyaalka goobta loo xajiyo. Sida runta ah magaalada Maka waxay ahayd xarun Islaamka ka hor ganacsi loo soo aadi jiray isla mar ahaantaana lagu caabudo Sanamyo tiro la ekaa maalmaha uu sannadku ka kooban yahay.
Dadka gobolkaas ku noolaan jirayna waxay u ahayd goob barakaysan oo ay u soo cibaadaystaan. Waxaana goobtaas maamulkeedii gacanta ku haayn jiray Qurayshta oo ahaa qabiil ka tirsan qabaa’ilka deegaannadaas yaallay.
Qabiilka Qurayshta ahna wuxuu ahaa mid tayo iyo isku darsday taajirnimaba. Maxayse ahayd sababta ugu weynayd oo ay dadkaas u doorteen inay asnaamtooda qotomiyaan oo intay yimaaddaan ugu dawaafaan? Macanaha meesha ku jiray ayaa ahaa in uu yaallay dhagax leh midab madow oo ahaa mid ay iyagu halkaas dhigeen una ahaa astaantii kulminaysay Sanamyadoodii.
Haddaba waxay goobtaas goob barakadaysan iyaga u ahaataba waxaa la soo gaaray xilligii uu dhashay nebi Muxammad, xilligaasoo ahaa xilli uu maamulka Maka gacanta ku hayay awowgii Cabdul-Muttalib. Sida ay ahayd caadaduna ilmo kastoo dhasha waxaa la dhex geyn jiray barta uu dhagaxa madow dangiigo, si Sanamyada meesha qotoma looga mahadceliyo wiilkan qoyska ku soo biiray loona weydiisto inay barakeeyaan isaga.
Carruurtuna inta ay yar-yar yihiin waxay mar walba la tegi jireen goobtaas waalidiintooda si ay iyaguna u soo booqdaan una soo barakaystaan Asnaamtaas oo midba maalin si gaar ah loo xusi jiray. Nebi Muxammadna wuxuu ka mid ahaa carruurtii lagu soo barbaariyay inay habkaas ugu cibaadaystaan barta ay dhagaxa madow iyo Sanamyaduba yaalleen. Haddaba markii ay nebi Muxammad da’diisu soo gaartay 12 jir, ayuu bilaabay in uu safarrada la galo adeerkii Abii-taalib oo ahaa mid aad u jeclaa wiilkaas agoonta ahaa oo uu dhalay walaalkii Cabdullaahi. Waxayna safarrada ku tegi jireen meelo badan oo ka tirsan gobolka si ay badeecana u geeyaan waxna uga soo gataan.
Sidaa awgeed fursad weyn bay u noqotay nebi Muxammad in uu ogaado in Sanamyadan la caabudayo aanay ahayn wax ku quman Eebbe hortiisa, ayna jiraan diimo xaq ah oo xagga Eebbe ka soo degay kuwaasoo dadka ku hagaya jidka Eebbe ee toosan.

Wixii intaa ka dambeeyayna wuxuu bilaabay in uu isku dayo in uu dadka ka soo jeediyay dhanka Asnaamta una soo jiheeyo xagga jidka xaqa ah. Halkii buuna ka bilaabay in uu halgan u galo qaabkii uu dadka kaga dhaadhicin lahaa amuurtaas. Maxaa yeelay dadku ma ahayn kuwo aan maqlin inay jiraan diimaha la sheegayay inay Eebbe xaggiisa ka yimaaddeen, laakinse doorashadooda ayaa ahayd inay Sanamyadaas meesha ku caabudaan.
Lagamana dhaadhicin karin in loo keeno diin aan oggolayn in dhagaxaas madow lagu ag cabaadaysto. Si kastaba ha ahaato e, nebi Muxammad wuxuu ku guulaystay in uu dadkaas dagaal ku kiciyo markii uu xeelad kale u waayay.
Wuxuuna halkii ku burburiyay Asnaamtii tirada badanayd oo halkaas lagu caabudi jiray, balse wey ku adkaatay in uu bartii ka dhigo bar aanu Eebbe raalli ka ahayn inay addoomadiisa Isaga dartii ugu soo kulmaan oo ay allabaryo ugu bixiyaan, maaddaama ay markeedii hore ahayd goob Sheydaanku leeyahay oo lagu caabudo Asnaam ay dadku gacantooda ku samaysteen.

Waana mid xaq ah in uusan Eebbe raalli ka noqonaynin rug markeedii hore Sheydaan lagu caabudi jiray in Isaga magaciisa weyn lagu xuso. Hase yeeshee dadaalkii nebi Muxammad ma ahayn mid xun marka loo eego sidii uu dadkaas uga soo jeediyay Sanamyadii badnaa oo ay caabudi jireen, uuna u fahamsiiyay in uu jiro Eebbe keliya oo koonkan iyo waxa ku dhex jiraba abuuray.
Laakinse su’aasha in lays weydiiyo mudan ayaa ah xeeladdii uu nebi Muxammad adeegsaday ma ahayd mid uu Eebbe horay u soo qorsheeyay oo ahayd farriin xaggiisa ka timid? Si kastaba ha ahaato e, tan iyo intii ay aasaasantay dawladdii Islaamka oo ay tirada dadka Muslimiinta ahna soo korodhay, ayuu nebi Muxammad dadka u sheegay inay u soo tukadaan xagga uu mar kastaba dhagaxa madow iyaga ka soo jiro.
Isla markaana ay waajib ku tahay qof kastoo Muslim ah oo kari kara in uu noloshiisa mar soo guto waajibaadka Xajka. Sidaa darteed waxaa sannad walba dadka Muslimiinta ah soo mara bil ay soo gutaan waajibaadka Xajkaas oo ka mid ah tiirarka ay ku salaysan tahay diinta Islaamka. Qofkuna wuxuu waajibaadkaas ku gudan karaa oo keliya isagoo booqasho ku tago masjidka weyn oo Maka ku yaal xilliga loo qoondeeyay in uu guto waajibaadkaas.
Muxuuse yahay macnaha ku jiri kara in dadka Muslimiinta ah u xajiyaan masjidka weyn ee Maka ku yaal iyo sababta ay wejigooda ula doontaan dhanka uu ka jiro dhagaxaas madow? Runtii waa su’aal fiican oo meesha ku jirta.
Jawaabtuse waxay tahay inay dunuubta oo dhan iskaga soo meyraan iyo sidii kuwii nebi Muxammad raacay looga dhex garan lahaa kuwa kale ee dunida jooga. Maxaa yeelay iyaguba wey garanayaa in uu Eebbe yahay mid meel walba ku sugan oo jihadaad ka doontidba aad ka helaysid.
Maaddaama gudashada waajibaadka Xajka lagu kor yeelay kuwa hantiilayaasha ah iyo intii kalee markaa awoodi karaysa, ayaan aniguna fursad u helay in aan muddo laba jeer ah xaj u tago si aan macluumaad dheeri ah uga soo qaato hawlaha xaj gudashada oo ahaa wax aan rumaysnaa in uu Eebbe iga doonayo. Xajkii ugu horreyay wuu iiga duwanaa kii labaad oo aan tegay, maxaa yeelay wixii fekrad ah oo aan ka qaadan karay goobahaas la tegayay horay baan uga soo dhergay.
Haddii aan si kooban uga hadlana, waxaa sannadkii iigu haorraysay dhacday aniga oo ku dhex jira wareegyadii toddobada ahaa oo waxna iska weydiinaya ficillada aan samaynayay inay noqon karaan kuwo aan ku heli karo Eebbe raalli ahaanshahiisa iyo in kale, ayuu nin saaxibkay ahaa oo ila socday i weydiiyay annagoo wareeggii shanaad marayno in aan naxariis dareemayo iyo in kale. Waxaanse markiiba ugu jawaabay wixii aan qalbiga hoose kaga fekerayay, kolkaasuu carooday uuna igu yiri erayada ah “Gaal baad tahay”. Markaasaan u turay isaga xajkiisii oon ku iri “Saaxiibow tayda intaad ka baxdid bal adiga ka feker xajkaaga.”
Waxaa kaloo maskaxdayda ka sii dhex guuxayay sida loo weynaynayay dhagaxa madow oo aan taariikh ahaan la socday sida uu meeshaba ku yimid, gaar ahaan marka la leeyahay haddii uu qofku dhunkan waayo ha isku dayo in uu gacanta saaro, haddiise ay gacanta u suurtoobi weydo ha isku dayo qofku in uu ku dul joogsado calaamadda dhulka lagu sameeyay oo dhagaxa madow ku beegan si uu gacanta ugu haadiyo uu halkaasna uga salaamo dhagaxa.

Haddaba dhagaxu miyaanu ahayn kii horay meesha u oolli jiray oo Islaamka ka hor sidaa si ka sii daran loo xushmayn jiray? Haddiise aan dhagaxaas madow sida kuwii hore ay u karaamadayn jireen oo kale anna aan u qiimeeyo, waxaan gartay in uusan shaki ku jirin in aan aniguna noqonayo mid ay isku derejo iyo isku falsafadba yihiin quruuntii hore oo qaabkaas u maamuusi jiray xaruntaas. Dhanka kale waxay Muslimiitu qabaan in uu nebi Ibraahiim yahay kan dhagaxaas meesha dhigay.
Haddaba waa goormaa goorta uu nebi Ibraahiim tegay dhulkaas? Waayo waxaynu ka warhaynaa in uusan nebi Ibraahiim weligii cagaha soo dhigin Maka iyo nawaaxigeeda. Midda kale nebi Ibraahiim kama suurtowdo in uu dadka faro inay dhagax meel yaal ay sida Eebbe oo kale u caabudaan amaba ay Eebbe xaggiisa ugu sii dhowaadaan.

Waayo waa caabudid uun marba haddii la leeyahay haddaad weydo fursad aad dhagaxa ku dhunkatid gacanta saar haddii kale meel fog ka salaan. Waana wax uu cagligu diidayo in aan Eebbe u sii maro dhagax meel qotoma. Su’aashuse waxay tahay dhagaxa intaa loo marayo ma wax ay naf ku jirtaa oo intaas oo idilba dareemaya, mise waa dhagax ay dharbaaxo iyo dhunkashaba isugu mid yihiin? Kolley waa amuur in laga fiirsado u baahan si aan wax gaalnimo ah loogu gelin Eebbe hortiisa.
Waxaa kaloo aad iiga sii fajiciyay markii laygu yiri ka soo ururso Musdalifa ama hareeraheedaba dhagaxyo yar-yar oo toddoba ah, kuna dadaal in aanay dhagxyadaas kaaga dhici aagga Mina oo ay ku taal taallo la dhisay oo matilaysa Sheydaanka. Anigoo weli yaabban ayaynu dib ugu noqonnay deegaanka Mina oo aynu toddobadii dhagax la dul tagnay taalladii meesha ka dhisnayd oo aynu la dhacnay dhagxaantii. Waxyaabaha iga sii yaabiyayse waxaa ka mid ahaa iyadoo ay Musdalifa iyo Mina yihiin kuwo isa saaran, haddana dhagaxa Musdalifa laga soo qaado la leeyahay ha laga ilaaliyo in uusan ku dhicin ciidda Mina dusheeda oo ah halka loogu talagalay in laguba tuuro.
Midda kale waxaan halkaas ku arkay dad fara badan oo taallada u tuuryaynaya sidii iyagoo Sheydaankii la dagaallamaya oo kale. Aniguse intaan marayay waxaas oo idil marnaba lama aanan yaabin dadkaas faraha badan oo sida niyadsamida ka muuqata u gudanaya dhammaan tiirarka xaj gudashada, maxaa yeelay waxaan garanayay inay yihiin kuwo wax u fulinaya sidii wax loogu sheegay oo keliya.
Naftayduse waxay dareemaysay inay waxyaabahan yihiin kuwo soo jireen ahaa oo horay loo soo samayn jiray, gaar ahaan ku dawaafidda meesha uu dhagaxa madow yaal. Meelahan kalena waxaan u arkay inay ahaayeen goobo lagu sii kordhiyay wixii Islaamka ka dambeeyay. Sannadkaas kii xigayna hooyaday baa u timid inay gudato waajibaadkii xajka, aniga iyo saaxibkay ayaana kaxeeynay oo soo wada marinnay dhammaan meelihii inay booqato loo baahnaa oo idil.
Haddaba waa kee qofka diidi kara in Maka ay ahayd meesha dunida ugu Sanamyada badnayd oo Sheydaanka rugta u ahaan jirtay inta aanay diinta Islaamku soo gaarin aaggaas? Ma jirto cid taas ka hor imaan karaysa waayo waxaa la hayaa taariikhdeeda iyadoo qoran oo caddaan ah. Dhagaxa madowna wuxuu ahaan jiray mid meesha horay u yaallay oo aanu nebi Ibraahiim wax raad ah ku lahayn. Aniguna ugama aanan soo hadlin si ka duwan sida ay taariikhdu wax uga sheegayso booqashada la soo booqanayo magaalada Maka. Ciddiise dood ka qabta arrimaha aan kaga soo warramay taariikhda Maka wixii ka horreeyay Islaamka, waxaan oran lahaa dib ha u daalacato sooyaalka qaddiimka ah oo ay magaalada Maka leedahay iyo habkii loogu cibaadaysan jiray xaruntaas dhexdeeda.

EEBBE WEYDIISO JIDKA TOOSAN
Dhammaan inta rumaysan in uu jiro Eebbe abuuray uunka oo dhan waxaa ku waajib ah inay dadaal fara badan u galaan inay Eebbe weydiistaan jidkiisa toosan oo xaqa ah. Maxaa yeelay halka la tegayo ayaa ah Eebbe agtiisa marka la gaaro xilligii uu Isagu ugu talagalay inay soo gabagabowdo ku sugnaanshaha koonkan lagu sugan yahay. Waxaana hubaal ah in uu qof kastaba baahi weyn u qabo in uu wax wanaagsan oo naftiisa u roon kala kulmo halka uu safarka u sii yahay. Waxaan arrintaana uga socdaa in aynu nahay kuwo la abuuray oo koonkan lagu beeray.

Su’aashuse waxay tahay Eebbaha ina abuuray ma si macno darro ah ayuu dunida inoo keenay, mise xikmad weyn baa ka dambaysa amuurtaas? Qof kastoo cagli lehna wuu garan karaa inay taas ujeeddo uu Eebbe ka leeyahay ka dambayso. Marka si aynu qorshahaas Eebbe isugu baraarujinno ayaan jeclaan lahaa in si yaroo kooban aan uga hadlo waxa marka hore la inooga baahan yahay haddii aynu nahay kuwii Ilaah. Sida aynu ka warqabnana marka uu aadanuhu meel u socdaalayo wuxuu horay u sii qaataa sahay.
Muxuuse sahaydaas ugu talagalaa inay u tarto? Hubaal, si uu u gaaro halka uu doonayo isagoo aan wax gaajo iyo harraad ahba la kulmin. Sahayduna waxay ka difaacaysaa uun oonta iyo gaajada laakinse daalka jirkiisa waxba kama qabato, haddii aanu sidanin gaadiid uu u sii raacayo barta uu ku sii jeedo. Sidaa awgeed sahayda iyo gaadiidkuba waa laba shey uu qofku u baahan yahay marka uu safarba gelayo, waana laba shey aan safarka dheer looga maarmin haddiiba uu qofku jecel yahay in uu safar wacan u sii galo halka uu ku sii jeedo oo uu hiigsanayo.
Haddiise aan sharraxaad ka bixiyo macnaha ay ku kala fadhiyaan ‘sahay’ iyo ‘gaadiid’, waxaan qabaa inay sahaydu u dhiganto ‘rumaysadka’ halka uu gaadiidkuna noqonayo camalka suuban oo uu qofku la yimaaddo. Waayo sahayda kelideed waxba ugama tarto qofka jirkiisa xagga daalka laakinse gaadiidku waa midka qofka jirkiisa ka badbaadiya daalka iyo rafaadkaba.

Waana arrin muuqata oo dhab ah in qofka laga doonayo rumaysad oo ku qiranayo in uu jiro Eebbe keliya ah oo ah kan wax walba abuuray. Laakinse rumaysadkaa keliya miyuu wax qiima leh ku fadhiyaa haddii aanu la soconin camal suuban oo Eebbe hortiisa xaq ku ah? Runtii rumaysadka keliya waxba ma tarayo waayo ma aha midka jirka ka difaacaya naarta kulul. Rumaysad dhab ahse waa kee? Rumaysadka dhabta ah waa kan uu la socdo camalka suuban oo ah in la raaco jidka saxa ah oo uu Eebbe u dooray dadkiisa. Sida aynu xog-ogaal u nahay Eebbe wuxuu inaga doonayaa inaynu la nimaaddo addeecid buuxda iyo caabudid oo aannu Isaga ugu keli yeelayno.
Marka haddii ay arrintu sidaa tahay waxaa lagama maarman ah inaynu garanno in uu dunida joogo midka aynu ugu yeerno Sheydaanka. Runtiina Sheydaanku waa kii horay u soo duufsaday Adam iyo Xaawa oo ahaa kuwii aannu ka soo farcannay, wuxuuna gaarsiiyay heer ay ku caasiyeen Allihii iyaga abuuray, iyagoo raacaya beentii uu ku shubay dhegahooda. Sideedana waxaa taariikhda loo bartaa in aan dib loo gelin khaladkii horay u dhacay oo cawaaqib-xumo keeni karaya.

Laakinse dadka maanta dunida ku nool waxay u muuqdaan sida iyagoo aan dhacdaas horay u maqlin oo kale. Maxaa yeelay inta badan waxay iska dabagalaan waddadii uu Sheydaanku kaga weecin lahaa tii xaqa ahayd ee Eebbe. Waana mid nasiib darro ah inay dadku u hoggaansamaan Sheydaan xadgubay oo aan wax wanaag ah Eebbe hortiisa u oollin, iyagoo weliba garanaya in uu Sheydaanku yahay cadawga keliya oo ay leeyihiin oo doonaya in uu kala jaro xiriirka ka dhexeeya iyaga iyo Abuurahooda oo ah Eebbaha Qaaddirka ah.
Mar haddii aynu nahay kuwo uu Eebbe ugaga digay dabinnada uu Sheydaanku la damacsan yahay aadanaha, waxaa habboon inaynu si weyn uga taxaddarno si aanu gacanta inoogu dhigin oo aynaan u noqonin addoomo isaga uga adeega dunida guudkeeda. Maxaa yeelay waddo aan sax ahayn ayuu in badan oo inaga mid ah ku duway isagoo ay ujeeddadiisuna tahay in uu asxaab badan oo isga raacday la hor tago Eebbe hortiisa si uu ugu faano kooxdaas maalinta Qiyaamaha.

Taana waxaa daliil u ah inay dad fara badan maanta u haystaan inay xaqa ku taagan yihiin laakinse ay yihiin kuwo lunsan oo aan weli fahamsanayn jidka uu Eebbe iyaga ka doonayo inay u sii maraan Isaga xaggiisa. Maxaa yeelay waa kuwo aan sidaa uga taxaddarin dabinnada uu Sheydaanku u maleegayo aadanaha. Inta badanse waxay dadku iska quursadaan in uu Sheydaanku yahay mid leh awood uu qofka ku lumin karo. Laakinse awooddaas wuxuu ku duufsadaa kuwa isaga awaamiirtiisa u nugul oo keliya, balse wey adag tahay in kuwa ku taagan jidka Eebbe oo xaqa ah uu ka helo daldaloolo uu u soo maro iyaga xaggooda.
Haddaba sidee buu aadunuhu midda iyada ah uga badbaadi karayaa? Anigu waxaan qabaa in xaaladdaas looga gudbi karo marka uu qof walba isku dayo in uu diimaha jira baaritaan ku sameeyo si uu u kala garto midda saxa ah oo jidka Eebbe tusinaysaa iyo midda beenta ku salaysan oo baalashada Sheydaanka hoos gelinaysa.

Qofkuna marka uu heerkaas gaaro waxaa u furan in uu Eebbe weydiisto in uu ku hanuuniyo jidkiisa toosan. Laakinse maxay qofku u taraysaa haddii uu qabo in diinta uu haysto ay tahay mid sax ah, isagoo aan weligii iskuba dayin in uu isku hawlo sidii uu ku heli lahaa Eebbe jidkiisa toosan oo xaqa ah? Dad fara badanna waxa halaagga u horseedaya ayaa ah fekraddaa khaldan oo ay ka dhaxleen awooweyaashood oo ah inayan weligoodba ka tegin tii lagu soo barbaariyay.
Waxaase hubaal ah in uu qofku helayo waddada toosan marka uu ku baraarugu in uu isagu mas’uul ka yahay naftiisa oo maalinta xisaabtana tiisa uun wax laga weydiin doono. Sidaa awgeed waxaan oran lahaa, bal marka hore aynu doon-doonno halka uu inaga xigo jidka toosan ee Eebbe, markaa kaddibna aynu Isaga weydiisanno in uu inagu hago si aynu uga guulaysanno Iblayska doonaya in uu waddo aan ahayn tii xaqa ahayd inagu duwo.
OGEYSIIS
Fikirka ku cad maqaalkan waxaa uu gaar u yahay qoraaga mana ahan shardi in uu ka turjumayo fikirka Somalis For Jesus!

1 comment:

Stuart Hobbes said...

tanks

http://stuarthobbes.ebloggy.com/