Friday, March 13, 2009

Islaamku Dumarka u Daranaa!

MAXAMED IBRAAHIM BILAAL: "Dowladda Haddii ay ogoshahay in dalka lagu xukumo Shareecada Islaamka waa in ay ka bilowdaa in Haweenka laga saaro Maamulka Dowladda"

Jimco, March 13, 2009(HOL): Guddoomiyaha Golaha Shaqada Islaamka  Maxamed Ibraahim Bilaal ayaa sheegay in haddii Dowladda Soomaaliya ay dalka ku dhaqeyso Shareecada Islaamka looga baahan yahay in ay ka bilowdo dhaqan-gelinta shareecada Islaamka in ay maamulka Dowladda ka saarto Haweenka ku jira.

"Diinta Islaamka ma ogola in Haweenka ay wax hoggaaminaya, sida aan la soconana Dowladda waxaa ku jira Haween badan oo Ragga hor-booda, kuwaasi oo ka soo tegay Caruurtoodii iyo Raggii qabay"ayuu yiri Maxamed Ibraahim Bilaal.

Maxamed Ibraahim Bilaal waxaa uu sheegay in haddii aaney Dowladda ficil ahaan u fulin go'aanka ay soo saartay oo ah in ay Dalka ku xukumeyso Shareecada Islaamka ay taasi tahay qiyaano ka dhan dadka iyo dalka Soomaaliyeed.

Maxamed Ibraahim Bilaal ayaa xiligii (Sanadkii 2006) Maxkamadihii Islaamka ay ka talinayeen Baratmaha iyo Koofurta Soomaaliya wuxuu ka mid ahaa Mas'uuliyiinta Maxkamadaha Islaamka ee Gobolka Bay.

Dhanka kalena, Maxamed Ibraahim Bilaal waxaa uu ka hadlay muddo kordhin uu Golaha Ammaanka Midowga Afrika u sameeyay Ciidamada Amisom ee Muqdisho ku sugan, wuxuuna sheegay in muddo kordhintaas uu u arkayo mid lagu sii sharciyeynayo joogitaanka Ciidamada Shisheeye ee Soomaaliya, isagoo carrabka ku dhuftay in uu go'aankaas ka soo horjeedo baaqii culumaa'udiinka Soomaaliyeed ee ahaa in Ciidamada Amisom laga saaro Soomaaliya.

Salaad Iidow Xasan (Xiis), Hiiraan Online
sxiis@hiiraan.com
Mogadishu, Somalia

No comments: