Tuesday, March 17, 2009

Mirihii Al Shabaab?

Ninkii ka dambeeyay Qarax dhawaan ka dhacay Dalka Yemen oo la sheegay in uu ku soo tababartay Soomaaliya

Talaado, March 17, 2009(HOL): Sarkaal dhinaca Ammaanka u qaabilsan Dowladda Yemen ayaa Wakaaladda Wararka Reuters u sheegay in nin dhawaan isku qarxiyay meel loo dalxiis tago oo Yemen ku taalla uu ku soo tababartay Soomaaliya, kadibna uu Yemen ku laabtay.

Qaraxaas oo is-miidaamin ahaa waxaa ku geeriyooday Afar Dalxiisayaal ah oo Kuuriya u dhashay, sidoo kalena wuxuu qaraxaas geystay burbur baaxad leh oo soo gaaray goobtii dalxiiska.

Qaraxa ayaa wuxuu yimid kagadaal markii ay hoggaamiyayaasha Al-qaacidda ay ku celceliyeen in ay weerari doonaan Dadka aan Muslimka ahayn ee ku sugan Dalalka Carabta.

Sarkaalkan u hadlay Dowladda Yemen wuxuu intaas ku daray in ninka is-qarxiyay lagu magacaabi jiray Abdel Rahman Mehdi al-Aajbari, isla markaana uu ku soo tababartay Dalka Soomaaliya.

Aajbari oo ka tegay Guriga Qoyskiisa oo ku yaala Gobolka Taiz ee Dalka Yemen labo bilood ka hor, ayaa warqad uu qoyskiisa u soo diray, gaar ahaan hooyadiisa uu ku sheegay in aaney mar dambe dib u arki doonin , isagoo shegay in uu rumeysan yahay in uu ku taagan yahay dariiqa saxda ah.

Dalka Yemen oo ay sanad kasta gaaraan kumanaan Qaxooti Soomaali ah oo ka soo cararay dhibaatooyinka ka taagan dalkooda ayaa waxay bishii Janaayo 2009 magangalyo siisay Madaxweynihii hore ee Soomaaliya C/llaahi Yuusuf Axmed kadib markii uu iska casilay xilkii madaxweynenimada Soomaaliya.

Salaad Iidow Xasan (Xiis), Hiiraan Online
sxiis@hiiraan.com
Mogadishu, Somalia

No comments: