Friday, April 03, 2009

16 Su’aalood oo ku wajahan Islaamka iyo Soomaalida

Xakiim Jaamac, Galkacyo, Puntland

Su'aasha 1aad:
Maxay diinta islaamku ka qabtaa xoriyadda diimaha kale?

Su'aasha 2aad
Diinta Islaamku ma ogoshahay inuu qofka Muslinka ahi intuu diintiisa iska dhaafo uu qaato diintii kale ee uu markaas isagu run u arko amaba jecleysto?

Su'aasha 3aad
Maxaynu ku aqoonsan karnaa inay diinta islaamku diin runa tahay?

Su'aasha 4aad
Qofka Muslimka ahi af kale amaba luqad kale oo aan Carabi ahayn ma ku tukan karaa? Jiho kaleeto oo aan Makka ahaynse ma u jeesan karaa marka uu tukanayo?

Su'aasha 5aad
Diintu waxay inoo sheegeysaa in qofku markuu afartan maalmood uu uurka hooyadii ku jiray uu ilaahay u qoray qofkaas janno iyo cadaab halka uu gelayo. hadaba maxaa faa'iido ah ee ay leedahay qofka camalada diiniga ah ee uu sameeyaa mar haddii janno iyo cadaab meesha uu qofkaasi tegayo hore loogu sii qoray?

Su'aasha 6aad
Maxaa keenay inay dadka iyo dowladaha muslimiinta ahi dhammaantood ay aad uga cabsadaan, oo ay khatar u arkaan inay isku xukumaan oo ay dastuur ka dhigtaan shareecada islaamka tiiyoo ay hadana dhinaca kale rumeysanyihiin inay shareecadu tahay ammarkii Eebbe iyo rasuulkiisa Eebbe?

Su'aasha 7aad
Maxay diinta Islaamku ninka ugu ogolaaneysaa inuu afar dumara guursado lana seexdo dumar adoomo ah oo aan tiro lahayn? Taasise miyaanay keeni karin masayr, is khilaaf, iyo murugooyin xanuun badan oo qoyska la soo dersa?

Su'aasha 8aad
Maxaa dumarka Muslimiinta ah loogu sameeyey irid gooni ah oo ay masaajidka ka soo galaan oo ay kana baxaan marka ay tukanayaan, maxay tahay sababta in muuqaalkooda la arkaa ay denbi u tahay amaba loo qarinayaa?

Su'aasha 9aad
Sidee baanse aayaddan quraanka ah ugu fasiri karnaa dumarka islaamka ah ee maanta: "Kuwaas ka mid ah dumarkiina oo aad uga baqdaan in ay idin qilaafaan idina adeeci waayaan u diga hana naagaysanina garaacana" Suratul Daa'uud 4:34.

Su'aasha 10aad
Sidaan wada ognahay ee ay diintu inoo sheegeyso Nebi Maxamed sagaal naagood ayuu guursaday (waxaana u dheeraa adoomo aan tiradooda la garanayn) mid ka mida sagaalkaa naagood oo magaceeda Caasha la odhan jirayna waxay da'deedu ahayd sagaal jir markii uu Nebigu guursaday. Hadaba sidee baa Nebigu isagoo da'diisu ay konton jir ka weyn tahay uu isugu aaminay inuu gabadh yar oo sagaal sano jirta uu xaas ka dhigto oo uu la seexdo?"

Su'aasha 11aad
Maxaa dadka Muslimiinta ah ku beeray nacaybka iyo shakiga iyo cabsida ay had iyo goor u qabaan dadka kale ee diimaha kale iyo fikradaha kale rumeysan? Muxuuse Quraanku ugu dhiirigelinayaa dadka muslinka ah inay dulmaan dadka aan muslinka ahayn sida ku cad aayaddan quraanka ah? "La dagaalama kuwa aan Muslimiinta ahayn inta ay ka bixiyaan canshuur dheeri ah (jiziya) iyaga oo dulaysan" Suuratul Al Tawbah 9:29″

Su'aasha 12aad
Maxay dadka Islaamka ah intooda badani had iyo goor u yihiin kuwo jecel inay wax qasbaan, wax necbeystaan, oo xitaa ay wax dilaan?

Su'aasha 13aad
Maxaa keenay in Soomaalida oo ah dad boqolkiiba boqol Muslim ah (sida ay sheegtaan) oo isku dhaqan iyo luqad ahi inay hadana dalkoodii burburiyaan oo ay iska dilaan kumanyaal iyo kumanyaal qofood iyadoo ilaa maantana ay dunidu fahmi kari la'adahay waxa dhibkooda sabab u ah iyo sababta ay isu dilayaan midnaba?

Su'aasha 14aad
Maxay dalka soomaaliya uga dhacdaa arinta foosha xun ee ah in qof aan denbi gelin oo aan waxba ogeyn si badheedh ah loo dilo sababtoo ah dhaqanka foosha xun ee ay soomaalidu u taqaano ?aano qabiil?

Su'aasha 15aad
Maxaa waddamada Islaamka ah looga tixgelinwaayey xuquuqda shaqsiga,tan dumarka, ta fekerka shaqsiga ee xorta ah (ijtihad) iyo dhammaan xuquuqda banii'aadanka guud ahaan?

Su'aasha 16aad
Maxayse ku dhacday in qaxootiga Soomaalida oo muslimiinta ah ay soo dhaweeyaan oo ay guryo, shaqo, nolol, dhalasho wadaninimo iyo waxbarashoba ay siiyaan wadamada kiristaanka ahi iyadoo habayaraatee aan innaba wax xuquuqa, amaba wax magangelyo ah, amaba wax daryeela aan looga ogoleyn wadamada Islaamka ah ee Carbeed? Waa maxay sababtu?

Walaalayaal soo aqriya oo si deggan uga fekera.

3 comments:

Anonymous said...

waa su'aalo aan aqli ku dhisneyn, balse waxaa meesha ku jirta, idinku maxaad wakhtigiina ugu lumineysaan xaqiiq aaneysan jirin cid badali karta amabase wax ku kordhinkareysa????

dadka SOOMAALIYEED waligood qaadanmaayaan diin kale oo aan ahayn DIINTA ISLAAMKA, marnaba dhicimeyso inaynu SOOMAALINIMO + ISLAAMNIMO ku badalanno qaniisnimo iyo dhileysi

1. Soomaaliya shidaalka ku jira Soomaali baa leh

2. dadka SOOMAALIYEED marnaba diintooda kuma badalanayaan waxyaaba beenta ah ee loogu yeero
FREEDOM OF SPEECH

3. iyo dambiyadii ay itoobiyaanku galeen waa kuwo aan looga hari doonin

SAS said...

DAGAAL DAGAAL

Anonymous said...

Q1: Jawaabteeda.

Marka hore diin maxaa layiraahdaa?
Diin waa Amarro iyo Shareeco ALLE xagiisa kayimaada loona soo gudbiyo khalkhiga uu ALLE abuuray(siiba insiga iyo jiniga) iyda oo aan waxaba laga badalin, loona soo marsiiyo Nabi. hadaba waxaan dhihi karnaa,
Diinta Islaamka diin aan ahyen maba jirtaba, maxaa yeelay Diinta islaamka waa diinta kaliya ee aan caqli iyo rabitaan bin adam(in uu qofka sida uu jecelyahay wax u fasirto ama sameyto) aan lagu dabaqin ee loona qatay sida ALLE iyo Rasuulkiisa Mohamed(SallaALLAH Caleehi Wacalaa Alihi wasaxbixi wasalam) uga yimaadeen.
marka waa cadahay diinta islaamka oo kaliya ayaa diin layiraahdaa waxa kale waa wax layiraah "rumeysnaan" in qofka fikrado laga dhaadhiciyay.

Tusaale ahaan or example

QUR'ANKA KARIIMKA AH waa hal kutub oo ALLE soo dajiyay, qof kasta oo islaam ahina halkaas kutub ayuu heystaa misana aaminsanyahay.

Dhinaca kale kirishtanka meeqa kutub ayey leeyihiin boqolaal mid walibana midka kale waa uu ka gidisanyahay oo xitaa isma waa faqsana.