Wednesday, April 15, 2009

Al Shabaabka Runta Ah

kooxda al-shabaabka oo madaxa ka jaraya nin (Mansuur Maxamed) ay sheegeen in uu kiristaan noqday

Nin Ka Goostay Al-Shabaab Oo Ka Waramay Damacooda Halista Ah Iyo Falalka Argagaxa Leh Ee Ay Ku Talaabsadaan

"Ururka Al-shabaab oo hadda xukuma dhul badan oo Somaliya ah hadii uu qabsado caasumadda Muqdisho dalku wuxuu ku dhici doonaa cadaab adag", sidaa waxa yidhi nin magaciisa ku soo gaabiyey Mr. Cali oo hore uga tirsanaan jiray ururka Al-Shabaab, hase yeeshee laba bilood ka hor ka baxsaday, una talaabay dalka Kenya, wuxuuna Cali sidaa ku sheegay waraysi uu dhowaan, isagoo Nairobi jooga siiyey telefishan magaciisa la yidhaahdo ABC.News oo ku yaal dalka Maraykanka, iyadoo uu Cali ka waramay halista ururka Al-shabaab ka soo fool leh iyo dhaqamada argagaxa leh ee gun-dhigga u ah siyaasadahooda hogaamineed.

Cali wuxuu dhalasho ahaan ka soo jeedaa Somalida Kenya, wuxuuna sheegay in sannad ka hor isagoo markaa jooga Somaliya khasab lagaga dhigay inuu ka  mid noqdo ururka Al-shabaab, sidaana uu kaga mid noqday, hase yeeshee uu aakhirkii ka baxsaday, wuxuuna intaa ku daray in sababta uu uga baxsaday ay tahay, ka dib markii

marar badan loo soo jeediyey inuu u diyaar-garoobo hawl-gallo is-qarxin ah oo uu naftiisa lagu halligayo.

Cali wuxuu ka waramay hab-dhaqanka argagaxa leh ee ururka Al-shabaab iyo waxyaalaha ay hadda gacanta kula jiraan wuxuuna yidhi "waxa iswaydiintu tahay maxay Al-shabaab hadda gacanta kula jiraan, waxay wadaan oo ay gacanta kula jiraan hawl-gallo qaraxyo ah, Somaliyana waxay hadda ku jirtaa xaalad cadaab ah, waayo marka aad eegto dadka halkaa (Somaliya) ku dhaqani waa dad aan wax dembi ah lahayn, laakiin la iska dilayo saacad-kasta iyo waqti kasta.

Tusaale ahaan saddex toddobaad ka hor 32 qof oo dumar u badan ayaa iyagoo ciyaar-dhaqameed meel ku tumanaya loo soo sheegay hogaamiyayaasha Al-shabaab, ka dibna hogaamiyayaasha Al-shabaab waxay dadkaa ku tilmaameen dad liddi ku ah islaamka, dabadeedna dadkaa inta meel fagaare ah la soo tubay ayaa la ciqaabay oo jeedal lagu garaacay. sidoo kale magaalo-xeebeedda Kismaayo gabadh yar oo ay da'deedu tahay 13 jir aan qaan-gaadhin oo ay niman dabley ahi kufsadeen ayaa lagu soo eedeeyey inay sinnaysatay, waxaana lagu dilay dhagax".

Cali waxa kale oo uu ka waramay waxyaalaha ay dadka u sheegaan iyo xaqiiqda dhabta ah ee dhaqankooda, sidoo kale waxa uu ka waramay dhaqamadooda aasaasiga ah ee ay dadka ku cabsi geliyaan si xukunkooda khasab loogu raaco, wuxuuna yidhi "waxay iska dhigaan inay ku dhaqmayaan shareecadda islaamka, hase yeeshee marka aad eegto hab-dhaqankooda taasi ma aha wax run ah, wayna ka fog yihiin dhaqan islaam-nimo, waayo islaamku qof-na xaq u siin-maayo inuu qof kale iska dilo, wuxuuna islaamku bini'aadanka siiyey karaamo iyo in nafahooda la nabadgeliyo"ayuu yidhi Cali, wuxuuna intaa ku daray "geeridu waa nidaam siyaasadeedkooda aasaasiga ah ee ay ururka Al-shabaab ku cabsi geliyaan ama ku handadaan dadka.

Tusaale ahaan bishii Sebtambar, 2008 nin weriye ah oo ka tirsan wakaalad wararka ah oo magaceeda la yidhaahdo Compass Direct ayaa magaalada Baydhabo ku tegay socdaal qarsoodi ah, ka dibna kamaradda telefoonka gacanta (mobile) ayuu si qarsoodi ah ugu duubay nin lagu gawracayo halkaa oo la leeyahay Kiristaan ayuu noqday".

Ninkaa weriyaha ahi wuxuu kamarraddii telefoonka ku duubay sidii ninkaa ay hogaamiyayaasha Al-shabaab u dileen, wuxuuna weriyuhu isagoo arintaa ka waramaya yidhi "ninkaa waxa lagu gawracayey meel fagaare ah, waxayna madaxda Al-shabaab dadka magaalada Baydhabo ku dhaqan u sheegeen inay soo baxaan oo yimaadaan munaasibad gawrac lagu samaynayo, dabadeedna goobtii waxa yimi oo isugu soo baxay dad tiradoodu gaadhayso ilaa 200 qof, dadkaasi waxay markii hore moodayeen in munaasibadda loogu yeedhay lagu gawracayo xoolo, sida Adhi ama Geel, hase yeeshee dadkii meesha isugu yimi waxa ku dhacay argagax iyo murugo, ka dib markii ay arkeen in waxa meesha lagu gawracay uu yahay qof bini'aadan ah".

Ninka weriyaha ah oo ka waramaya muuqaalkii argagaxa iyo naxdinta lahaa ee ninka la gawracay ayaa sheegay inuu ninkaas oo ay dhalashadiisu Somali ahayd uu ka shaqaynayey urur samafal oo maxaliya, waxaana lagu eedeeyey inuu kiristaan yahay, wuxuuna weriyuhu tilmaan ka bixiyey qaabkii naxdinka lahaa ee loo fuliyey gawraca ninkaa, isagoo taa ka waramayana wuxuu yidhi "ninkaasi wuxuu kamarradda la duubay ka muuqdaa isagoo jil-bo-jooga (Kadaloob) oo ay xagiisa dambe taagan yihiin dhawr ka mid ah hogaamiyayaasha Al-shabaab, kuwaas oo kor ugu luuqaynaya aayado quraan ah, ka dibna markii ay ninkii gawraceen ee ay qoorta ka gooyeen ayey madaxiisii kor u taageen, dabadeedna madaxii waxay dusha kaga tureen caloosha ninkii maydka ahaa, intaa ka dibna way ka dareereen, iyagoo aan aasin maydkii. Dabadeedna qofkasta oo dhacdadaa joogay waxa ku dhacay shook iyo argagax, waxaana la soo dersay cabsi badan, sidaa darteedna qofkasta oo magaaladaa joogaa wuxuu iminka ogyahay waxa ku dhici doona hadii uu raaci-waayo amarka Al-shabaab".  

Ninka ka goostay ururka Al-shabaab, Mr. Cali waxa uu mar kale ka waramay sannadkii u dambeeyey iyo waxyaalihii uu ururka Al-shabaab bartilmaameedka ka dhigtay, wuxuuna yidhi "sannadkii u dambeeyey Al-shabaab waxay bartilmaameed ka dhigteen shaqaalaha ajnebiga ah ee hayadaha gargaarka iyo shaqaalaha wadaniga ah ee iyaguna la shaqeeya hayadaha gargaarka, waxayna sababta ay sidaa u yeelayaan ku tilmaamaan inaanay dadkaasi ogolayn xukunka islaamiga ah ee Al-shabaab, taasina waa sababta ay ula dagaalamayaan qaramada midoobay, iyagoo leh ma ogolaan karno inaanu anaga (Al-shabaab) iyo qaramada midoobay dalka wada joogno".

Sidoo kale nin suxufi ah oo magaciisa la yidhaahdo Aidan Harley, isla markaana ah nin sameeya filimada dhokmantiska ah ee taariikhiga ah ayaa ilaa labaatankii sannadood ee u dambeeyey filimo dhukmanteri ah ka duubayey dhacdooyinkii sida is-daba-joogga ah u dhacayey Somaliya, dabadeedna wuxuu ninkaa suxufiga ahi telefishanka ABC-News u sheegay inay dunidu iska indho-tirtay xaaladda ka jirta Somaliya iyo khatarta ka soo fool leh ururka Al-shabaab, wuxuuna suxufigaasi isagoo arintaa ka hadlaya yidhi "marka aad eegto Afganistan waxay sannado ahayd sida Somalia loo ilaaway oo kale, taas oo ay dalalka reer-galbeedku Afganistan ka wadeen keliya hawlo aadaminimo sida ay hadaba Somaliya taas oo kale uga wadaan, hase yeeshee taasi ma noqonayso xalka loo baahan yahay, waxna kama tarayso dhibaatadii meesha taalay ee ahayd in la abbaarro, taasina waa ta keentay inay Al-qaacida qabsato Af-ganistan iyo inay dalalka reer galbeedku markii dambe iyaguna ciidamo geeyaan oo ay qabsadaan Afganistan, hase yeeshee xaaladda Afganistan waxay ku dambaysay meel ay adag tahay in xal loo helo dhibaatada taal iyo qalalaasaha ka jira. Sidaa darteed dalalka reer galbeedka iyo beesha caalamkuba waxay hadda si fiican uga dheregsan yihiin xaaladda ka jirta Somaliya iyo in loo baahan yahay in xal degdeg ah laga gaadho". 

Waxaa soo tarjumay Haatuf


No comments: