Tuesday, April 21, 2009

Munaafaqiinta Al Shabaab oo Weeraray Nabadoon Axmed Diiriye Cali

Nabadoon Axmed Diiriye Cali


Afhayeenka Golaha Dhaqanka iyo Midnimada Beelaha Hawiye, nabad doon Axmed Diiriye Cali oo la soo xariiray idaacadda HornAfrik ayaa shaaca ka qaaday in weerar hubeysan oo lagu doonayay in lagu qaarajiyo ay ku soo qaadeen rag hubeysan oo ka tirsan xoogaga xarkadda Islaamiga ah ee Al-shabaab waxyar ka gadaal markii uu ka soo baxay salaadii Maqrib habeenkii xalay ahaa.

Nabad doonka ayaa sheegay in weerarkaasi lagula beegsaday Masjidka weyn ee Abuuhureera ee ku yaala bartamaha suuqa ganacsiga Somalia ugu weyn ee Bakaaraha halkaasi oo in muddo ah ay raas darandoori ahayd ay ka socotay.

"Salaadii markii aan ka soo baxay ayey i soo daba dhigteen iyagoo wata gaari nuuca yar ee TOYOTO CARIP ahaa waxayna bilaabeen rasaas ay si toos ahayd ugu soo ridayaan gaarigii aan watay, balse nasiib wanaag waxba igama soo gaarin oo waxaa iska caabiyay rasaastoodii ilaaladii ilaa socotay.

" Ayuu yiri Axmed Diiriye Cali oo wareysigiisii sii wata.

Axmed Diiriye ayaa sidoo kale sheegay in ay mar walba uu filanayay in weerarkaasi ay ku soo qaadayaan Al-shabaab bacdamaa ay horey dhowr mar u gaarsiiyeen warqado dhigniino ahaa sida uu hadalka u dhigay afhayeenku.

Ururka Al-shabaab ayuu ku eedeeyay in ay wadaan haatan oo ay ku howlan yihiin falal ay ku doonayaan in ay madaxa kaga toogtaan mas’uuliyiin lix xubnood gaaraya oo ay ka mid yihiin gudoomiyaha Golaha Dhaqanka Hawiye, Maxamed Xasan Xaad, nabad doon Axmed Diiriye Cali, Afhayeenka dhinaca siyaasadda Hawiye Cabdullaahi Xasan Abuukar(C/llaahi Dheere) abwaan Abshir Nuur Faarax Bacadle, abwaan Cusmaan Cabdullaahi Guure iyo kuwo kale oo waxtar u ah bulshadda Somalia gaar ahaan dadka reer Muqdisho.

No comments: