Sunday, May 10, 2009

Nabad Geli Maalka Islaameed Gacantaadu Ha Nabad Gashee?

Gacanta la jaray/SAWIRKA-HOL


Maamulka Islaamiga ah ee magaalada Kismaayo oo fuliyay Xukun Gacan-goyn ah

 

Jimco, May 08, 2009(HOL):  Xukun Gacan-goyn ah ayaa galabta ka dhacay Gudaha Magaalada Kismaayo, kadib markii Maxkamadda Dhexe ee Degmada ay ku xukuntay in gacanta laga gooyo nin lagu soo eedeeyay in uu xaday Hanti lagu qiimeeyay $90, waxaana ay taasi keentay in uu gacantiisii midig ku waayo xukunkaasi ay maxkamaddu soo saartay.
 
Ninkaan oo lagu magacaabo  Max'ed Cumar Ismaaciil, ayaa galabta galinkii danbe la soo taagay halka ay gacan goyntu ka dhacday oo ahayd Beerta Xoriyadda oo ku taal ka soohorjeedka Xarunta Degmada Magaalada Kismaayo, waxaana lagu arkayay goobta kumanaan dad ah oo ree Kismaayo ah oo kasoo qeybgalay meeshii ay gacan-goynta ka dhacday.

 

Markii la shaaciyay in ay gacan-goyntu bilaabaneyso, ayaa waxa la maqlayay buuq iyo sawaxan fara badan, iyadoo qof waliba uu isku dayay in uu indhihiisu ku arko sidii ay wax u dhacayeen, waxaana ammaanka goobta gacanta ku hayay Ciidamada Amniga oo loo yaqaan Xizbada Magaalada Kismaayo.
 
Ma ahan markii ugu horreysay oo xukun noocaan oo kale ah uu ka dhaco Gudaha Magaalada Kismaayo, horraantii sanadkan ayayna ahayd markii nin lagu Magacaabi jiray Yuusuf Dhuxulow gacanta looga jaray gudaha beerta xoriyadda ee Magaalada Kismaayo, sidoo kale waxaa jiray xukunno kala gadisan oo uu fulinayay Maamulka Islaamiga ah tan iyo intii ay gacanta ku dhigay Magaalada Kismaayo.


Hiiraan Online


Kismaayo, Soomaaliya


No comments: