Wednesday, July 01, 2009

Wajiyada Argagixisada Al-Qaacida ee Soomaaliya


Dambiile Muuse Carraale, Afhayeenka - Dambiile Xasan Daahir Aweys, Madaxa Xisbul Xisbul Islaam oo soo dhaweeyey Islaam xasuuqa reer Beledweyne.
Waxaa sidoo kale weeraro ismaadiin ah lugu qaaday Muqdishu, Baydhabo, Boosaaso, iyo Hargeisa.

Su’aal: maxey tahay ujeedada ka dambeysaa falalkan waxshinimada ah ee lagu cuuryaaminayo shacabka Soomaaliyeed?

Waxaan wada ogsoonahay in Argagixisada Alqaacida falalkan oo kale ka fulisay Afgaanistaan, Ciraaq, Algeria, Morocco, Yemen, Masar, Yurub, iyo USA. Kolkii Alqaacida looga adkaaday Afgaanistaan, Pakistaan iyo Ciraaq bey Soomaliya u soo dhuumatay si ay caqiidooda sumeysan ugu faafiyaan Soomalida, ka dibna saldhig ka dhigtaan oo ay ka abaabulaan falal argagixiso. Waxaa ayaan darro ah in dad sheeganaya Islaam oo Soomaali ah la maandooriyey, kuwaas oo ay horseed u yihiin ururada Alshabaab iyo Xizbul Islaam.

Xaqiiqadu waxey tahay in falalkan marnaba waafaqsaneyn Islaanimada iyo bani’aadanimada. Alshabaab iyo Xisbul Isalaam ujeedadooda waxey tahay in ay baabi’yaan muslimiinta Soomaaliyeed iyagoo ku soo dhuumanayo diinta Islaamka. Waxey ku amdacoodaan in ay yihiin mujaahidiin, haddana marka dagaal fool ka fool ah leyskaga horyimaado baqo dhabarka ah jeediyaan. Waxay sabab u ahaayeen soo gelintaanka ciidamada Itoobiyaanka, ka dib markey ku dhawaaqeen in ay jihaad ku qaadayaan Itoobiya.

Waana la ogyayahay baqadii ay dhigeen. Waxey ku wanaagsanyihiin ciqaabta shacabka dhibaateysan sida gacmo iyo lugo la jaro, qubuuro laga faago, haweenka oo loo diido in ay gadiidka raacaan, masaajidda oo marka salaadda laga soo baxo dadka lagu hortoogto, iwm. Intooda badan xataa looma akhrin kitaabka la yiraahdo “safiinatul Salaat”, aqoon kalena iskaba daa. Waana sababta ugu wacan in dambiilayaal ka soo cararay Afghanistan iyo Pakistan adeegsadaan shayaatiinta sheeganaya xasuuqa dad rayid ah sida Cali Dheeere iyo Xasan Yacquub.

Dhibaatada gaartay reer Beledweyne, horayna uga dhacday Hargeisa, Boosaaso, Kismayo, iyo Muqdishu waa mid marnaba ummadda Soomaaliyeed aaney illobi Karin, waayo ummadda marnaba ma oggolaaneyso in ay gun u noqoto kooxo argagixiso ah oo u adeegayo kooxo ajnabi ah oo dhulkoodii soo gubay. Mana aha markii ugu horreysay oo ay fidno sidan oo kale ka dhacdo dunida Islaamka. Waxaan wada ogsoonahay ninkii dilay Saxaabigii jaliilka ahaa, ahaana khaliifkii afaraad ee muslimiinta, Cali Bin Taleb (Ilaah ha ka raalli noqdee) uu ahaa Cabdiraxmaan Bin Muljam. Gacan ku dhiiglahan ayaa ka mid ahaa nimankii la oran jiray Khawaarij oo astaamaha lagu yaqaan ay ka mid tahay mitidnimo, iyo qof muslim ah oo la gaaleeyo ka dibna la dilo.

Waxaa ummadda Soomaaliyeed waajib ku ah in ay meel uga soo wada jeestaan khatarta ka soo socota ururadan xaaraanta ah oo ay adeegsanayaan argagixisada caalamiga ah oo runtii khatar weyn ku haya diinta iyo jiritaanka ummadda Soomaaliyeed. Waxey banneysteen in dhiigga muslimiinta la daadiyo, ummaddana lagu rido argagax, ka dibna la adoonsado. Waxey banneysteen in ay la dagaalamaan dowlad iyo shacab muslim ah oo diyaar u ah in shareecada Islaamka la dhaqan geliyo. Waxey diideen taladii iyo wacdigii ay soo jeediyeen culamada Soomaaliyeed iyo culamada caalamka oo ugu baaqay in aysan la dagaalamin xukuumadda Shiikh Shariif. Wax haba yaraatee waan waan ah oo ay u diyaar u yihiin ma jirto. Cid ay wax ka maqlayaan ma jirto aan ka ahayn ninka duubka weyn (Usaama Bin Laden) ee ku dhuumanaya buuraha Tora Bora ee Afghanistan oo ummadda muslimiinta baday hoog badan.

Ilaahey iyo Rasuulkiisaba waxey na fareen in aan ka hortagno kooxanhan oo kale isku bahaystay in ay dhibaateeyaan muslimiinta aan waxba galabsan. Qof kasta oo Soomali ah waa ku waajib ah inuu ka qeybqaato ka hortagga Alshabaab (Alshayaatiin) iyo xisbul Islam (xisbul Kharaab), haddii kale shacab iyo dal midna la arki maayo. Waxaa waajib ah in la soo qabqabto, ka dibna la horkeeno maxkamad sharci ah oo lagu soo oogo dambiyada ay ka galeen shacabka Soomaaliyeed. Ma aha inaan oggolaano in Soomaliya noqoto guri argagixiso.

Axad, Juun 28, 2009 dhacday B/Weyne bishan Juun, 18keedii waxey sababtay xasuuq dad badan oo rayid ah iyo howlwadeeno sare oo ka tirsan dowladda midnimo qaran uu ka madax ka yahay Shiikh Shariif Shiikh Axmed. Masuuliyiinta sare ee dowladda ee geeriyooday waxaa ka mid ahaa Cumar Xaashi Aadan, Wasiirkii Amniga Qaranka, iyo Safiir Cabdulkariim Faarax Laqanyho (Allaha u naxariisto). Waxaa falkaas xasuuqa sheegtay UrurkaUrurka Alshabaab oo xiriir la leh Ururka Alqaacida oo adduunka laga xarimay falal argagixiso awgeed.


Afhayeenka Alshabaab, Cali Dheere, ayaa si cad u qirtay in ururkooda ka masuula ahaa xasuuqa ka dhacay Beledweyne oo ay ku dhinteen ku dhawaad 40 qof, kuna dhaawacmeen dad gaaraya 50 qof. Waxaa kale oo ku dhintay qaraxan saraakiil, oday dhaqameeydyo badan, haween, iyo caruur.

Dambiile – Mukhtaar Roobow oo horay u qirtay dilkii macallimiinta – Hiiraan Education Project B/Weyne, 2008.

Waxaa sidoo kale isna ammaanay falkan fulaynimada iyo naxariis darrada ah wakiilka Xisbul Islaam, Muuse Carraale, oo ku tilmaamay xasuuqa fal geesinimo leh, xisbigiisuna maqsuud ka yahay dhibaatada loo geystay reer shacabka reer Beledweyne. Khasaaraha maadiga ah ee gaaray hoteelka iyo agagaarkiisa waxaa lagu qiyaasi karaa boqollaal kun oo dollar.



Dambiile Cali Maxamuud Raage - Al Madina Hoteel- xasuuq naxariis darro ah
(Cali dheere): “waxaan ku faraxsanahay howlaha ismiidaaminta ee laga fuliyey Hoteel Al Madina, Beledweyne, waana aan sii wadeynaa haddii…..


Wa billaahi Towfiiq
A/kadir K Dirie
Email: a.k.dirie@gmail.com

Qore: C/qaadir K. Dirie
Axad, Juun 28, 2009

No comments: