Thursday, January 21, 2010

Al Shabaab oo Kenya u Hanjabtay

Amiirka Xarrkatul Shabaab oo shaaciyay inay weerari doonaan Magaalada Nairobi


Khamiis, January 21, 2010(HOL): Cajalad maqal ah oo uu Amiirka Xarrkatul Shabaab ee Soomaaliya Sheekh Mukhtaar C/raxmaan (Abuu-Zubeyr) laga soo duubay lana dhigay Arbacadii shalay bar Internet ah oo kooxdaas taageerta ayuu ku sheegay inay weerari doonaan Magaalada Nairobi ee  dalka Kenya.


Amiirku wuxuu sheegay in dagaalka ay ku qaadayaan Kenya uu jawaab u yahay cadaadiska ay dowladda dalkaas ka jirta ku hayso dadka Muslimiinta ah iyo raafka dadka Soomaalida ah ee ka socda dalkaas oo dhan.


"Waxaan tagaynaa xuduudda, Waxaana gudaha u galaynaa Kenya haddii ALLE idmo, waxaana tagi doonaa Magaalada Nairobi" ayuu yiri Sheekh Mukhtaar oo hadalkiisu ahaa mid kooban.


"Markaan Nairobi tagno waan dagaalami doonnaa, waana dili doonnaa, waxaan haysaa hub nagu filan oo aan ku dagaalano, hubkeenu waa mid aan ku difacayno Diinta Islaamka, waana guulaysan doonaa Insha-Allaah" ayuu mar kale yiri Abuu-Zubeyr.


Cajaladan oo maqal ahayd ayaa lagu sheegay in Xarrakatul Shabaab uu hoggaamiye u yahay Sheekh Mukhtaar Abuu-Zubeyr, kaasoo xiriir toos ah la leh hoggaamiyaha Al-Qaacida Sheekh Osma Bin Laden.


Hadalkan Amiirka Al-Shabaab ayaa imaanaya iyadoo dhawaan uu wasiirka amaanka Kenya sheegay in mudaaharaad ka dhacay bartamaha Nairobi ay soo abaabushay Xarraktul Shabaab, ciidamadoodana ay raadinayaan dad uu ku sheegay inay xiriir la leeyihiin.


Xarrakatul Shabaabul Mujaahidiin ayaa gacanta ku haya Gobollada Koonfureed ee dalka Soomaaliya, gaar ahaan kuwa ku yaalla xuduudaha dalalka Kenya iyo Itoobiya, iyadoo sidoo kale dagaal kula jirta Dowladda Soomaaliya iyo AMISOM.


Shaacinta cajaladan ayaa kusoo beegmaysa waqti ay dowladaa Kenya weli waddo qabqabashada dadka Soomaaliyeed, sidoo kalena ay xuduudaha dalkeeda uu la wadaago Soomaaliya dhoobtay ciidamo fara badan.


Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
maxuseen@hiiraan.com
Muqdisho, Soomaaliya


No comments: