Sunday, January 24, 2010

Jihaadka iyo Soomaalida UK

Ardayda Muslimiinta ah ee Dalka Britain oo la sheegay in la baro Jihaadka


Axad, January 24, 2010(HOL): Shabakadda Times Online ayaa daabacdan maanta oo Axad ah in dhallinyarada Muslimiinta ah ee wax ka barta dalkaas loo tababaray inay ka mid noqdaan Xarrakatul Shabaab.

Richard Kerbaj oo ah arday wax ka bartay mid ka mid ah Jaamacadaha ugu waaweyn dalka Ingiriiska ayaa la sheegay inuu Muqdisho u tagay sidii uu ugu dagaalami lahaa Al-Shabaab oo la sheegay inay xiriir dhowr la leedahay Al-Qaacida.

Tiro ka mid ah Muslimiinta Britain ee dhalinyarada ah ayaa la sheegay inay horay ugu biireen Xarrakatul Shabaab, taasoo dagaallo salfaday nolosha dadka badan kula jirta Dowladda Soomaaliya iyo Nabad-ilaaliyeyaasha Midowga Afrika ee AMIOSM.

Guddiga Soomaalida ku nool dalka Ingiriiska oo ay soo xiganaysay Times Online ayaa sheegay in dhallinyaradii wax ka bartay Jaamacaha iyo Kulliyadaha ku yaalla London ay ku biireen Xarrakatul Shabaab, kuwaasoo ay ku jiraan Haween caafimaadka bartay.

Mid ka mid ah dhallinyardii wax ku bartay kuna barbaaray London oo xaaskiisa oo uur kala soo hadlay Magaalada Muqdisho ayaa ku yiri: "Anigu waxaan halkan u joogaa inaan difaaco dalkeyga iyo xuquuqdeyda, xanaanee gabadheyda, ma filayo inaan mar kale is arki doonno".

Dhallinyarada lagu tababaray dalka Ingiriiska ee ku biiray Xarrakatul Shabaab oo Somalia ka dagaalanta ayaa la sheegay inay tiradoodu gaarayso 18-qof oo isugu jira rag iyo hablo.

Xarrakatul Shabaab Al-Mujaahidiin oo ah dhallinyaro Soomaaliyeed ayaa sheegay inay diyaar u yihiin inay dalka kusoo rogaan ku dhaqanka Sharciga Islaamka, iyagoo dhowr jeer ku fuliyay dad lagu soo oogay dambiyo xukunno kala duwan.

Sheekh Max'ed Axmed oo ka mid ah culummada Soomaaliyeed ee London ku nool ayaa todobaadkii hore sheegtay in Xarrakatul Shabaab ay dhallinyaro tababaro ku siinayso dalka UK, kuwaasoo isugu jra kuwo ku dhashay Somalia iyo kuwo aan weligood arkin.

"Ma jirto wax ka horistaagi kara Xarrakatul Shabaab howlaha ay kawaddo London" ayuu yiri Sheekh Axmed, isagoo intaas ku daray: "taasina waa wax lala yaabo".

Max'ed C/llaahi oo isaguna ka mid ah guddiga Urur ay Soomaalida-Britain leeyihiin ayaa sheegay inay baarayaan wararka ku saabsan in 18-qof oo dhalinyaro ah loo tababaray inay ku biiraan Al-shabaab, kuwaasoo u duulay Soomaaliya.

Dowladda Britain ayaa horay u sheegtay in dad badan oo haysta dhalashada dalkeeda ay ku biireen kooxaha ka dagaalama Soomaaliya, sida Xarrakatul Shabaab iyo Uruka Xisbul Islaam.

Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
maxuseen@hiiraan.com
Muqdisho, Soomaaliya

No comments: