Monday, March 22, 2010

SHEEKH NUUR BAARUUD: "Jihaad Ma Jiree Waa Jirrabaad"

SHEEKH NUUR BAARUUD: "Dagaallada ka socda Soomaaliya ma ahan kuwo Jihaad ah ee waa kuwo dano gaar ah laga leeyahay"


Axad, Mar 21, 2010 (HOL) - Sheekh Nuur Baaruud Gurxan oo ka mid ahaa culummadii Soomaaliyeed ee ka qaybgalay shir looga hadlay arrimaha Soomaaliya oo ka dhacay dalka Imaaraadka Carabta ayaa sheegay in shirkaas laga soo saaray go'aanno ay ka mid ahaayeen in dagaallada socda aysan ahayn Jihaad.
Shirkan oo ay soo qabanqaabiyeen urur ay leeyihiin culummada Muslimiinta calaamka ayaa waxaa qodobbadii looga dooday ka mid ah dagaallada ka socda Soomaaliya iyo aragtida diinta Islaamka.
"Culummadii shirka kasoo qaygalay waxay si weyn uga doodeen diinta Islaamka iyo Soomaaliya, waxaana lagu soo dagaallada socda iyo Xukuumadda talada haysa, iyadoo la isku raacay in dagaallada ka socda aysan ahayn kuwo jihaad ah oo laga leeyahay dano gaar ahaaneed" ayuu yiri Sheekh Nuur Baaruud.

Qodobbadii kasoo baxay heshiiskan ayaa waxaa gaashaanka ku dhuftay Xarrakatul Shabaabul Mujaahidiin, iyadoo Sheekh Mukhtaar Roobow oo u hadlay uu sheegay in dagaallada ay wadaan ay yihiin kuwo jihaad ah, hadalkaasna aanay dhageysanayn.

Sheekhu Nuur Baaruud wuxuu sheegay in culummadii shirkaas ka qaybgashay ay dalbadeen in dhinacyada ay dagaaladu u dhexeeyaan ay isugu yimaadaan Miiska wadahadallada, wuxuuna daboolka ka qaaday in ka hay'ad ahaan ay iyagu diyaar u yihiin inay dhexdhexaadiyaan.

"Go'aannada shirka kasoo baxay waxaa ka mid ahaa in dagaallada ka dhacaya Muqdisho iyo Gobollada dhexe aysan ahayn kuwo Jihaad ah, waxaana dhinacyada wada loogu baaqay inay joojiyaan, maadaama ay dad badan oo Muslimiin ah ay ku dhimanayaan" ayuu yiri Afhayeenka Hay'adda Culummada Soomaaliyeed.

Sheekh Nuur Baaruud wuxuu ka hadlay diidmadii kasoo baxday Xarrakatul Shabaab ee ku aaddan go'aannadii shirkaas kasoo baxay, isagoo sheegay in hadalladaas aysan ahayn kuwo u dhigma dadaalka lagu bixiyay in culummadu ay ka hadlaan xaaladda murugsan ee Soomaaliya.

Dowladda Soomaaliya ayuu ku tilmaamay inay tahay mid Islaami ah, loogana baahan yahay in dadku ay taageeraan, isagoo kooxaha kasoo horjeeda ugu baaqay inay joojiyaan dagaallada ayna heshiis la galaan dowladda.

Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
maxuseen@hiiraan.com
Muqdisho, Soomaaliya

4 comments:

Anonymous said...

I'm not fluent in Somali (know very little) but I'm curious what this says. I remember the guy in the picture and curious about what he is doing now. Is he still alive? He fighting with Al-Shabaab or Hizbul Islam? Etc.

Anonymous said...

He is alive and well. He is saying that the wars led by Al Shabab and Hisbul Islam are NOT jihad (holy wars) but power struggle.

Interesting point of view from an Islamist known for his brutality.

Anonymous said...

Prominent cleric calls for ceasefire in Somali clashes
22 Mar 22, 2010 - 9:00:18 AM

Prominent Somali cleric, Sheik Nur Barud Gurhan described the on-going clashes in the war-torn Somalia between pro-government forces and rebel fighters as un-Islamic and not holy war (Jihad).

Sheik Gurhan who recently attended a meeting of International Islamic scholars held in Dubai, called on the warring sides to end the anguish of the innocent civilians, saying the clerics have ruled that the war is un-Islamic.

“After looking at it in accordance to Islam, the cleric unanimously ruled that the ongoing war in Somalia is not Jihad, and urged ceasefire,” said Sheikh Gurhan

“The clerics also ruled that the war in Galgadud, Hiiran and Banadir must be stopped because it is not Islamic and has claimed the lives of Muslims,” he added.

Commenting about the AU peacekeepers in Mogadishu, Sheikh Gurhan said the peacekeepers will leave the country as soon as the war ends, calling on rebels to come to the negotiating table instead of using the presence of the AU troops as pretext to wage war.

However, his call has been rejected by Al-Shabaab’s senior commander in Bay and Bakool, Sheikh Mukhtar Robow Abu Mansur.

Meanwhile, Somalia's Interior Minister Sheikh Abdulkhadir Ali Omar has announced that his government has prepared troops in the battle against the powerful rebels in the restive capital Mogadishu.

“We have to forcible retake the control of Mogadishu from our rivals, who have refused talks to end the dispute with the government,” he said.

“The government has prepared several troops who have the capability to retake Mogadishu, and elevate the suffering of the people. We are also calling on the people to assist us in this war,” he added.

Since the start of this year, the government in Mogadishu led by President Sheikh Sharif Sheikh, a former Islamist leader, has been promising an all out war to pacify the war-battered country from any insurgent rule.

GAROWE ONLINE

http://www.garoweonline.com/artman2/publish/Somalia_27/Prominent_cleric_calls_for_ceasefire_in_Somali_clashes.shtml

Anonymous said...

Thank you for the help.