Monday, March 15, 2010

Xoghayihii Gaashaan Dhiga Xisbul Islam oo Lagu Xiray Sudan Isaga oo Baxsad Ah

Hogaamiye ka tirsan Ururka Xisbul Islaam oo lagu xiray dalka Sudan isagoo isku dayayay inuu dhanka xuduudda ka galo dalka Eritrea


Muse Abdi Arale, Xogyaha Gaashaandhiga ee Xisbul Islam



Axad, Mar 14, 2010 (HOL) - Wargeyska Sudan Tripune ayaa maanta daabacay in xoghayihii difaaca ee Ururka Xisbul Islaam Sheekh Muuse Cabdi Carraale ay xireen ciidamada ammaanka dalka Sudan isagoo isku dayay inuu si dhuumaaleysi ah ku galo dalka Eritrea.

Sheekh Muuse Cabdi Carraale ayaa la sheegay inuu watay lacag uu kasoo qaatay Ururkiisa, taasoo lagu sheegay inay ahayd mid uu si khalad ah ku watay, iyadoo la sheegay in lagu qabtay Xuduudda waqooyi ee dalka Sudan uu la wadaago Eritrea.

Mas'uul sare oo ka tirsan Ururka Xisbul Islaam oo lagu magacaabo Sheekh Xasan Mahdi ayaa u xaqiijiyay saxaafadda xarigga Sheekh Muuse Cabdi Carraale, isagoo sheegay inuu gaari kaga soo baxay Muqdisho uuna ku galay Kenya kaddibna uu uga gudbay dalka Sudan.

Warbixinta ayaa waxaa lagu sheegay in khilaaf xooggan uu u dhexeeyo saraakiisha Ururka Xisbul Islaam kaddib markii uu hoggaamiyahoodii weynaa Sheekh Xasan C/llaahi Xirsi (Sheekh Xasan Turki) uu ku biiray Xarrakatul Shabaabul Mujaahidiin.

Todobaadkii laga soo tagay ayaa waxaa lagu dilay Suuqa weyn ee Bakaaraha Barre Cali Barre oo ka mid ahaa saraakiisha sarsare ee Ururka Xisbul Islaam, waxaana laga toogtay madaxa iyadoo kooxihii dilkiisa ka dambeeyay ay baxsadeen, iyadoo aysan jirin cid sheegatay dilkaas inay ka dambeyso.

Hoggaamiyaha Ururka Xisbul Islaam Sheekh Xasan Daahir Aweys iyo saraakiisha kale ee ururkan ayaa weli ka jawaabin warbixintan sheegaysa in xabsiga loo taxaabay Madaxii Difaaca ee ururkooda Sheekh Muuse Cabdi Carraale.

Ururka Xisbul Islaam oo ka kooban 4-kooxood oo midow sameystay ayaa waxay heshiis kula galeen Xarrakatul Shabaabul Mujaahidiin inay xukunka ka tuuraan Dowladda Soomaaliya ee uu hoggaaminayo Sheekh Shariif Sheekh Axmed.
Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
maxuseen@hiiraan.com
Muqdisho, Soomaaliya

No comments: