Saturday, May 15, 2010

Cabdulahi Qanyare Siyaad oo Xorriyaddiisa Dib u Helay

Xarakada Shabaabul Mujaadihidiin oo Xabsi ku yaala Jowhar ka sii deysay Nin ay uga shakisay in uu Masiixi yahay

Jimco, 14, May, 2010 (HOL) Waxaa dib xoruyadiisii u halley C/llaahi Siyaad Qanyarre oo muddo ku dhan 75 Cisho u xirnaa Maamulka Xarrakada Mujaahidiinta Al-shabaab ee Goballka Shabeellaha dhexe kadib markii sida ay sheegeen ay uga shakiyeen C/llaahi in uu yahay Nin Masiixi ah, laakiin Maxkamada horteeda ka sheegay in arintaasi tahay been abuur islamarkaana uu yahay qof muslim ah.

C/llaahi Siyaad Qanyarre oo la haddlay Warbaahinta ayaa sheegay in sababta keentay in laga shakiyo kaliya uu umaleynayo in ay la xiriirto la shaqeynta Hay'addaha Ajnabiga oo sida uu sheegay uu muddo dheer la shaqeynayay, waxaana uu intaa ku darray in Gurigiisa ay ka helleen Xarrakada Al-shabaab Buugga BEBAL oo sida uu sheegay Sanadii 1993-dii kooxo uu la shaqeenayay oo Ajnabi ah hadiyad ahaan u siiyeen, waxaana uu intaa ku darray in uusan waligii xitaa maalin maalmaha ka mid ah uusa fiirin.

''Aniggu waxaan ahay qof muslim ah kuna dhashay Diinta Islaamka igama suurta galaan wax yaabaha leygu eedeeyay ayuu yiri C/llaahi Qanyarre oo in muddo ah ka shaqeeynayay Magaalada Jowhar ee Xarunta u ah Goballka Shabeellaha dhexe siweyna loogu yaqaan guud ahaan Goballka Shabeellaha dhexe, waxaana uu sheegay in uu siweyn ugu faraxsan yahay sii deytiisa islamarkaana uu u mahad celnayo Mas'uuliyiinta Al-shabaab ee Gobballka Shabeellaha Dhexe.

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
Diini@hiiraan.com

No comments: