Saturday, August 28, 2010

BAADARI SOOMAALI AH OO MADAX KA AH KINIISAD KU TAAL ADDIS ABABA OO WEERAR LALA BEEGSADEY



Posted to the Web Aug 24, 22:21
Pastor Mohamed Ali Garas



ADDIS ABABA - Urur lagu magaacabo ICC oo uu dooda arrimaha khuseeya dadka kiristanka ah, ayaa sheegay in baadari caan ah oo Soomaali ah lagu weeraray caasimada dalka Itoobiya 21-kii bishan.


Baadarigan oo lagu magaacabo Maxamed Cali Garas ayaa asalkiisu ahaa muslin balse dib ka qaatay diinta masiixiyada sida ay sheegtay hay'ada ICC.


Laba nin oo muslin ah ayaa baadariga soo weerartay xilli ay saacadu ahayd 9:00 fiidnimo markaas oo uu u sii jeeday hoygiisa. Mid ka mid ah labada nin ayaa bud madaxa kala dhacay baadariga kadibna waxa uu ku dhacay dhulka halkaas oo ninkii kale uu laabta ka garaacay. Labada nin ee weerarka gaystay ayaa cararay markii ay dadka dariska ahi soo baxeen.


Garas ayaa eega lagu daawaynaya isbitaal ku yaala xaafada Shoola ee Addis iyada oo lawga ay wax ka gaadheen balse waxaa wali la sugayaa natiijada baadhis dheeraad ah oo lagu sameeyey.


Ciidamada amaanka ee itoobiya ayaa wali baadhaya sida uu weerarku u dhacay.


Garas ayaa sheegay in dadka soo weeraray ay garanayeen iyaga oo ku soo tilmaansadey dhutin oo ka dhutiyo lugta midig taas oo 7-sano ka hor uu ka dhaawacmay.


Baadariga ayaa ka soo qaxay maamulka la baxay Somalilanad 2005-tii kadib markii xukuumada meesha ka jirta ay isku dayday in ay xidho. waaxa uu Maxmed Garas halkaa ka ahaa hogaamiye muuqda oo kinisadeed. Baadariga ayaa 3-todobaad ka hor la soo dajiyey meesha uu weerarku ka dhacay kadib markii koox Soomaali ahi u hanjabeen.


Ururka u dooda arrimaha khuseeya kiristanka caalamka, ICC, ayaa sheegay in Soomaalida masiixiyiinta ah ee ku dhaqan Itoobiya aad loo cadaadiyo iyada oo dadka muslinka ahi si joogto ah u weeraraan. Waxa uu ururku sheegay in bilihii la soo dhaafay laba qof oo kiristan kana soo jeeda Soomaali lagu soo weeraray magaalada Addis Ababa.


Dad u dhashay Soomaali oo noqdey kiristan ayaa u soo qaxay dalka Itoobiya si ay magangalyo ugu helaan balse waxaa ay ICC sheegtay in la ugaadhsado dadkaasi.


Jhonathan Racho oo aha madaxa qaybta Afrika ee ICC ayaa dawlada Itoobiya ka codsaday in ay dawladu ilaaliso dadka masiixiyiinta ah ee ka soo jeeda Soomaalida.


Dawlada Itoobiya ayaan wax warbixin ah ka soo saarin warbaxinta hay'adda ICC ee sheegaysa in Soomaalida kiristanka ah lagu dhibo Itoobiya.


Dadka Itoobiya oo ay ku nool yihiin tiro isku dhaw oo muslin iyo kiristan ah, ayaa waxaa ka jirta xasilooni dhinaca diinta.


Dhanka kale, Soomaalida ku dhaqan Soomaaliya ayaa aad uga cawda hay'addo yimid Soomaaliya oo fidinaya diinta kiristaanka si ay u gaaleeyaan Soomaalida.

No comments: