Wednesday, August 25, 2010

Dagaal Ka Aloosan Xamar

Dagaallo xooggan oo maalintii saddexaad ka socda Muqdisho iyo guulo laga kala sheegtay

Arbaco, August 25, 2010 (HOL) - Dagaallo u dhexeeya ciidamada dowladda oo kaashanaya kuwa AMISOM iyo xoogagga hubeysan ayaa maalintii saddexaad ka socda magaalada Muqdisho Muqdisho, waxanaa guulo ka sheegtay dagaalladan Xarrakatul Shabaab.

Inta la ogyahay shan qof ayaa ku dhintay 20-qof oo kalena way ku dhaawacmeen dagaallo saakay ka qarxay degmooyinka ku yaalla waqooyiga iyo koonfurta Muqdisho, waxaana barbar socda dagaallada madaafiic xooggan.

"Waxaan saakay qaadnay dhaawacyada 16-qof oo ku dhaawacmay duqeymaha iyo dagaalada ka socda, waxaana jira qaylo dhaanno soo yeeraya," ayuu yiri Cali Muuse oo intaas ku daray inay arkeen intii ay howshaas ku jireen dhimashada saddex qof oo shacab ah.

Madaxa gaadiidka gurmadka deg-degga ah Cali Muuse wuxuu sheegay inay jiraan deegaanno ay gaari waayeen dagaallada oo xooggan awgood, isagoo inay isku dayayaan inay goobahaas tagaan kana qaadaan dhaawacyada.

Madfac saakay ku dhacay degmada Towfiiq ee gobolka Banaadir ayaa la xaqiijiyay inay ku dhineen laba qof, iyadoo ay ku dhaawacmeen shan qof oo kale, waxaana madaafiic badan ay maalintii saddexaad ku dhacaysaa suuqa Bakaaraha.

Xarrakada Al-shabaab ayaa guulo ka sheegatay dagaallada maalintii saddexaad ka socda Muqdisho, iyagoo sheegay inay ku qabsadeen saldhigyo dhowr ah, ayna ku dileen ciidamo isugu jira Soomaaliya iyo AMISOM.

Balse dowladda Soomaaliya iyo AMISOM ayaa gaashaanka ku dhuftay guusha ay sheegatay Xarrakatul Shabaab, waxayna sheegeen in dagaalkaas khasaaraha kasoo gaaray uu aad u yar yahay ayna ku sugan yihiin goobihii ay horay ugu sugnaayeen.

Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
maxuseen@hiiraan.com
Muqdisho, Soomaaliya

No comments: