Saturday, September 18, 2010

3 Dhalinyaro ah oo Gacmaha Laga Jaray

Maamulka Xarrakatul Shabaabul Mujaahidiin ee Gobolka Shabeellada hoose oo xukun xad ah ku fuliyay dhallinyaro

Sabti, September 18, 2010 (HOL) − Maamulka Xarrakatul Shabaabul Mujaahidiin ee gobolka Shabeellada hoose ayaa Jimcihii shalay fuliyay xukun xad ah oo saddex wiil oo dhalinyaro ah mid walba looga jaray qaybta hore ee gacantiisa midig.

Qaaliga Maxkamadda xukunka fulisay ayaa sheegay in saddexda dhallinyarada ah ay ka dhaceen dukaan ku yaalla tuulo hoostagta degmada Afgooye ee gobolkaas lacag gaaraysa 20-Milyan oo Shilin Soomaali ah.


Xukunkan ayaa ka dhacay barxad ku taalla bartamaha degmada Marka ee gobolka Shabeellada hose, iyadoo ay ka qaybgaleen boqolaal daawadayaal ah oo isugu jiray rag, haween iyo caruur.




Mas'uuilyiin ka tirsan maamulka gobolkaas ee Xarrakatul Shabaab ayaa u sheegay saxaafadda in xukunkaan uu yahay mid loo cuskaday diinta islaamka, ayna ku fulin doonaan qof walba oo lagu soo qabto dambi noocan oo kale ah.


Gobollada ay ka taliso Xarrakatul Sbabaab ayaa waxaa horay looga fuliyay xukunno kuwan oo kale ah, iyadoo sidoo kalena laga fuliyay xukunno kale oo ay ku jiraan dil, waxaana ay bilowdeen xukunnadan fulintooda markii ay kusoo rogeen halkaas ku dhaqanka shareecada Islaamka.


Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
maxuseen@hiiraan.com
Muqdisho, Soomaaliya

No comments: