Tuesday, December 21, 2010

Al Shabab oo Gacanta Ka Jartay Inan Dhalin Yaro Ah


Maamulka Al-shabaab ee Degmada Buulo-Burte oo wiil dhalinyarro ku fuliyay xukun gacan-goysmo ah

Isniin, 20, Dec, 2010 (HOL)  Maamulka Xarrakada Mujaahidiinta Al-shabaab ayaa xukun gacan goysmo ah ku fuliyay wiil dhalinayaro ah oo uu maamulku ku eedeeyay in uu xaday lacag gaareysa Shan Malyan iyo Sadax Boqol oo Shilin Soomaali, sida uu sheegay qaadiga maxkamada maamulka Xarrakada Al-shabaab ee degmada Buula-burte.

Shiikh C/llaahi Shiikh C/raxmaan qaadiga maxkamada degmada Buula-burte waxaa uu intaa ku darray in uu qirtay wiilka dhalinayrrada ah qeyb ka mid ah lacagta oo dhameyd ayuu yiri ilaa Afar Milyan oo Sh. So, taasoo keentay in lagu fuliyo xukunka gacan gosymada ah, waxaana uu intaa ku darray in sidoo kale lagu amaray in uu bixiyo kheybta lacagta ah ee uu qirtay.

Ma ahan markii ugu horreysay oo uu maamulka Xarrakada Mujaahidiinta Al-shabaab guud ahaan goballka uu ka fuliyo xukunnada gacmo-goysmada ah, waxaan xusid mudan kol hore degmooyinka Buula-burte iyo Beledweyne laga fuliyay xukunka la xiriira xatooyada ee gacan goynta ah.

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
diini@hiiraan.com
Beledweyne, Soomaaliya.

Sawirka, kaydka SFJ.

No comments: