Sunday, December 26, 2010

Burundi oo Ka Digtoon Al Shabaab

Dalka Burundi oo sheegay inay jiraan khatar kaga soo wajahan Xarrakatul Shabaab oo ka dagaalanta Soomaaliya

Sabti, 25 December, 2010 (HOL) − Wasiirka ammaanka dalka Burundi, ayaa Jimcihii sheegay inay aad uga feejigan yihiin hanjabaadyada kaga imaanaya Xarrakatul Shabaab oo ka dagaalanta Soomaaliya, maadama ay dhowr jeer u fashilmeen isku-dayo lagu weeraro looga fuliyo dalkooda ay guuldarreysteen.

Dalka Burundi, ayaa waxaa Soomaaliya kaga sugan 3,500-askari oo nabad ilaalin ah kuna shaqeeya magaca AMISOM, kuwaasoo dowladda Soomaaliya ka taageera sidii ay isaga caabin lahayd xoogagga hubeysan ee dagaalka kula jira.

"Hanjabaadaha nasoo gaaraya waa kuwo badan," ayuu yiri Alain Guillaume Bunyoni, oo intaas ku daray: "Waxaan kula talinay shacabkeenna inay feejignaan muujiyaan, ayna soo sheegaan wax walba oo ay khatar u arkaan."

Xarrakatul Shabaab, ayaa ku hanjabtay inay weerarayso dalalka Uganda iyo Burundi oo ku yaboohay ciidammada AMISOM, iyagoo sheegtay mas'uuliyadda qaraxyo lagu dilay 79-qof oo ka dhacay magaalada Kampala ee dalka Uganda bartamihii sannadkan.

"Waxaan dhowr jeer oo hore u fashilinnay weerarro khatar ah oo la isku dayay in laga fuliyo Bujumbuara, waxaana u xirxirnay arrintaas koox dad oo laga shakiyay," ayuu yiri wasiirka ammaanka Burundi Guillaume Bunyoni, kuwaasoo aan weli la xukumin.

Dalalka bariga Afrika, sida Kenya, Uganda iyo Tanzania ayaa heegan buuxa ku jira iyagoo baqdin ka qaba inay Xarrakatul Shabaab weerarro ka geysato dalalkooda inta lagu jiro ciidda masiixiyiinta oo maanta bilaabatay.

Qarax dilay saddex qof, in ka badan 40-qofna dhaawacyo u geystay, oo Nairobi ka dhacay toddoobaadkii hore, ayaanay jirin cid sheegtay. Balse booliiska dalka Kenya ayaa sheegay inuu ka dambeeyay nin u dhashay dalka Tanzania oo 40-jir ah.

Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
maxuseen@hiiraan.com
Muqdisho, Soomaaliya

No comments: