Monday, December 20, 2010

Xisbul Islaam oo ku biiray Xarrakada Al-Shabaab


Axad, December 19, 2010(HOL): Warar aynu ka helnay ilo lagu kalsoonaan karo ayaa sheegaya in Xisbiga uu Hoggaamiyo Xasan Daahir Aweys ee Xisbul Islaam uu ku biiray Xarrakada Al-Shabaab oo gacanta ku heysa inta badan Koofurta iyo Bartamaha Soomaaliya.

Wararku waxay intaas ku darayaan in ku biiritaanka Xisbul Islaam ee Al-Shabaab ay ka dambeysay kaddib markii ay labada dhinac in muddo ah u soo socdeen wada hadallo. Waxaa jiri doonta Xaflad ay labada dhinac ku shaacinayaan isku baaritaankooda, taasi oo qaban-qaabadeeda ay socoto.


Saraakiil sare oo ka tirsanaa Xisbul Islaam ayaa ku biiray Al-Shabaab, waxaana sidoo kale jira warar sheegaya in Ciidamadii uu Xisbiga lahaa ay iyana ku biireen Al-Shabaab. Horay waxaa Al-Shabaab ugu biiray Shiikh Xasan Turki  oo ka tirsanaa Hoggaamiyayaasha sare ee Xisbul Islaam.


Guddoomiyihii Xisbul Islaam Xasan Daahir Aweys ayaa wuxuu ikhtiyaar siiyay ciidamadiisii, wuxuuna kala dooran siiyay in ay ku biiraan Al-Shabaab ama ay yeelaan wixii ay doonaan. Warar hordhac ah oo soo baxaya ayaa sheegaya in fariisimadii ay Muqdisho ku lahaayeen Ciidamada Xisbul Islaam ay qaarkood la wareegeen Ciidamada Al-Shabaab.


Ku biiritaanka Xisbul Islaam ee Al-Shabaab ayaa waxay imaaneysaa iyadoo deegaanno badan oo ku yaalla Koofurta Soomaaliya ay Al-Shabaab kala wareegtay Xisbul Islaam.


Halkan kala soco wixii warbixin dheeraad ah ee dhaqdhaqaaqyadan ku soo kordha.


Salaad Iidow Xasan (Xiis), Hiiraan Onlinesxiis@hiiraan.com

No comments: