Monday, March 07, 2011

Al Shabaab oo Dil Ku Fulisay 2 Dhalin Yaro Ah

Xarrakatul Shabaab oo xukun dil ah ku fuliyay laba wiil oo midkood lagu eedeeyay inuu Jaajuus u ahaa DKMG ah


Isniin, Maarso 07, 2011 (HOL) – Xarrakada Mujaahidiinta Al-shabaab ayaa shalay dil toogasho ah ku fuliyay laba wiil oo mid ka mid ah lagu eedeeyay inuu ka tirsanaa ciidamada sirdoonka DKMG ah iyo wiil kale oo lagu eedeeyay inuu gacan ka geystay dilka dad badan oo Xarrakada ka tirsan.


Sheekh Cumar oo ah qaaliga maxkamadda xukunka ridday oo saxaafadda la hadlay intii aan labada dhallinyarada ah la dilin ayaa sheegay in C/llaahi Xaaji Maxamed oo ahaa wiilka lagu eedeeyay inuu jaajuuska u ahaa DKMG ah uu qirtay dambiga lagu eedeeyay uuna sheegay in isaga iyo shan qof oo kale ay ka shaqeyn jireen goobaha ay ka taliso Xarrakatul Shabaab, gaar ahaan suuqa Bakaaraha.


"C/llaahi Xaaji oo 38-jir ahaa wuxuu qirtay inuu muddo sannad ah ugu shaqeynayay dowladda hab jaajuusnimo ah uuna kala sooci jiray dadka ay ciidamada dowladdu qabtaan, uuna bil walba mushaar ahaan u qaadan jiray 120 dollarka Mareykanka ah," ayuu yiri Sheekh Cumar oo sheegay in markaas kaddib ay maxkamaddu ku ridday xukun dil ah.


Sidoo kale, C/naasir Cali Xuseen (Jabaan) oo ahaa wiilka labaad oo 26-sano ahaa ayaa lagu eedeeyay inuu gacan ka geystay dilka dad badan oo ka tirsan Xarrakatul Shabaab, iyadoo la xusuusto in ruuxan uu dowladda KMG ah kusoo biiray mar uu kasoo baxay Xarrakatul Shabaab, balse uu mar dambe dib ugu laabtay.


Garsooraha maxkamadda Xarrakatul Shabaab ee xukunka ridday ayaa sheegay in C/naasir Jabaan uu isaguna qirtay inuu galay dambiga lagu eedeeyay, wuxuuna xusay in xukunka labadan dhalinyarada ah loo cuskaday diinta Islaamka.


Xukunka dilka ah ee lagu fuliyay labadan dhallinyarada ah ayaa ka dhacay xerada maslax ee duleedka Muqdisho, iyadoo ay goobta ku sugnaayeen dadweyne badan oo halkaas u tagay sidii dilka u daawan lahaayeen.


Ma ahan markii ugu horreysay oo maamulka Xarrakatul Shabaab ee gobolka Banaadir uu fuliyo dilal noocan oo kale ah, balse dabayaaqadii bishii Jannaayo ee sannadkan ayaa isla xerada Maslax lagu dilay nin lagu eedeeyay inuu ahaa jaajuus la shaqeynayay hay'adda sirdoonka Mareykanka ee CIA-da.


Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Onlinemaxuseen@hiiraan.com
Muqdisho, Soomaaliya

No comments: