Friday, February 01, 2013

Marxuum Cabdulqaadir Warsame Cumar

Marxuum Cabdulqaadir Warsame Cumar,1938—2011


Cabdulqaadir Warsame Cumar asal ahaan tolkiisa waxa uu kasoo jeeday jasiiradda Soqotra, intaas dabadeedna waxay u guureen agagaarka Boosaaso, Puntland. Mid ka mida awowyaashiis oo xirfad u lahaa dhagax qorista ayaa waxa uu gacan ka geystay dhisitaankii qalcadihii Sayid Maxamed Cabille Xasan ee Taleex, gobolka Sool, muddo haatan laga joogo 90 sanno. Cabdulqaadir waalidiintiisu waxay u guureen Muqdisho, waxaanay ahayd meeshii uu ku barbaaray badanaana uu noloshiisa ku qaatay.

Markuu wiilka yar ahaa, Cabdulqaadir waxa uu u fiirsaday naxariista ka muuqatay  soorooyin ka shaqaynayay Cusbitalka Martini. Arrintanina waxa ay ku sababtay inuu wax iska weyddiiyo waxyaalaha ku saabsan Masiixiyiinta ee dacaayadda ah isla markaasna uu maqli jiray. Sanadkii 1990, Cabdulqaadir wuxuu ku biiray dugsi ay lahaayeen adeegayaal Masiixiyiin ah oo ku yaallay magaalada Muqdisho, halkaasna wuxuu ku bilaabay akhrinta Kitaabka Quduuska ah isagoo wax ka maqlay farriinta Injiilka. Muddo dabadeed, waxa uu rumaystay Ciise Masiix naftiisuna waxay u go’day raacintaakiisa. 
Cabdulqaadir waxa uu xubin firfircoon ka ahaa kiniisad yar oo ku taallay magaalada Muqdisho xitaa wakhtigii cadaadiska ee hantiwadaagta ee 1969-1977. Aakhirkii 1980 waxa ka guuray Muqdisho isagoo u wareegay Mombasa si uu ugu biiro dugsiga lagu barto Kitaabka Quduuska ah. Labatankii sanadood ee ugu danbeeyay noloshiisana waxa uu ku dhammaystay magaalada Nayrobi gaar ahaan xaafadda Iislii. Waxa uu si joogto ah ugu markhaati furi jiray Masiixa ilaa intii uu ka dhimanayay. Cabdulqaadir waxa uu hadiyad ahaan u lahaa cod wanaagsan oo fasiix ah, marka uu dadka wacdinaya waxa uu kula hadli jiray luqad waadix ah oo dhegaystayaashu si fiican u fahmayaan.

Cabdulqaadir intii aanu dhimanin wax yar kahor, waxa Cusbitaalka Kijabe oo u dhow Nairobi ku soo booqday koox Masiixiyiin Soomaaliyeed ah, kaddibna way u duceeyeen iyagoo sidoo kalena u qaaday qasiidooyin. Cabdulqaadir hadalladiisii ugu danbeeyay ee dardaaranka ahaa waxa ka mid ahaa: “Is jeclaada, midaysnaada oo dadkeennana gaadhsiiya Injiilka!” Ugu dambayntii Cabdulqaadir wuu dhintay isaga oo  haleelay Rabbigeenna iyo Badbaadiyeheenna Ciise Masiix, markii taariikhdu ahayd Axad, 6 March 2011.

Source: Nolosha Cusub

No comments: