tag:blogger.com,1999:blog-7098251.post112928294348294609..comments2024-01-18T08:19:45.423+03:00Comments on Somalis For Jesus: Militia leader calls for Islamic rule in SomaliaUnknownnoreply@blogger.comBlogger1125tag:blogger.com,1999:blog-7098251.post-1129378073663370792005-10-15T15:07:00.000+03:002005-10-15T15:07:00.000+03:00Sheekh Xasan Daahir Aways oo ku dhawaaqay oo ku dh...Sheekh Xasan Daahir Aways oo ku dhawaaqay oo ku dhawaaqay inuu Soomaaliya ka dhisayo Dawld Islaami ah.

Khartoum(Sudan Tribune)-

Sheekh Xasan Dahir Aways oo ah hoggaamiye Diimeed oo ka mid ah qabqablayaasha hubaysan ee Soomaaliya ayaa ku dhawaaqay inuu qorshaynayo sidii Soomaaliya looga dhisi lahaa dawlad Islaam ah.

Hadalkaas waxa uu Sheekh Xasan Daahir Aways ku shegay Waraysi toddobaadkan uu Wargeyska Sudan Tribube, oo ka soo baxa dalka Suudaan.

“Reer Galbeedku iskuma dayi karaan inay joojiyaan in Soomaaliya ay ka aasasanto dawlad Islaam ah” ayuu yidhi Sheekh Xasan Aways oo sheegay in isaga iyo taageerayaashiisu doonayaan inay jihad kala hortagaan cid kasta oo Ajanebi ah oo shisheeya ah oo doonaya inay farogelin ku sameeyaan arrimaha dalka Soomaaliya.

Sheekh Xasan Daahir, oo ah Aasasihii ururka Al-Itixaad oo uu Soomaaliya ka sameeyay sannadihii Sagaashamaadkii, ayaa Maraykanku wuxuu ku eedeeyeen in uu xidhiidh dhow la leeyahay Hoggaamiyaha Ururka Al-Qaacida, Cusama Bin Ladin, oo uu markii u horaysay gacan saar la yeeshay markii Cusaama Binladen joogay dalka Sudan horaantii Sagaashamaadkii.

Dhaqdhaqaaqii hubaysnaa ee Ururka Al-Itaxaad ee Soomaaliya, ayaa la sheegay inuu baaba’ay ka dib markii awoodii lagu curyaamiyay weeraro ciidan oo gudaha Soomaaliya ay ka fuliyeen ciidamo Itoobiyaan ah oo uu amray Ra’isal-wasaaraha Itoobiya, Meles Zenawi, sannadihii 1992-kii. Balse warbixinta Sudan Tribune, waxa ay sheegtay in Sheekhu uu hawlihiisa jihaadka u rogay wacygelin uu ka wado Masaajidada iyo Dugsiyada Culuunta Diiniga ah laga barto.

Sheekh Xasan Daahir Aweys, eedaymaha Maraykanku ku xidhiidhiyay inuu ka mid yahay argagixisada wuxuu ku tilmaamay inay yihin dacaayado been ah oo ay ka fidiyeen cadawgiisu, intii ka dambaysay weeraradii 11 Sepetmmber ee lagu qaaday Maraykanka.

Isaga oo khadka Teleefoonka lagu waraystay xilli uu Shekhu ku sugnaa Masaajid ku yaala waqooyiga magaalada Muqdisho, ayuu sheegay in kuwa aan Islaamka ahayni ay ku tilmaamaan argagixiso dadka ku dhegan Diintooda Islaamka ah.

“Waxaan kula talinayaa Reer galbeedka inay maskaxdooda beddelaan, maxaa yeelay had iyo goor waxay dalalka iyo dadka Muslimiinta ah ugu yeedhaan inay argagixiso yihiin, taas oo aan run ahayn haba yaraatee”, ayuu yidhi Sheekh Xasan Daahir Aways. “Taasina waa waxyaabaha sii kala fogaynaya dadka reer galbeedka iyo dunida Muslimka.” Ayuu yidhi Sheekh Daahir Aways.

Sheekh Xasan Daahir Aways oo wakhtigan hoggaamiya Urur Siyaasadeed oo Islaami ah oo lagu magacaabo Golaha Midnimada iyo badbaadada Soomaaliya, waxa uu cadeeyay in wakhtigan oo aanay Soomaaliya ka jirin dawladi in isaga iyo taageerayaashiisu ay qorshaynayaan sidii ay dalka Soomaaliya uga hirgelin lahaayeen dalka Soomaaliya Dawlad Islaam ah.

“Waxa aan ka soo horjeedaa dedaalka loogu jiro sidii dalkayaga loogu soo rogi lahaa dawlad ku salaysan dhaqanka Dimuqraadiydda Reer galbeedka. Waxa aanu ku tallo jirnaa inaanu annagu samaysano habka dawladnimo ee aanu dalkayaga u maamulayno iyo inaanu si madaxbanaan uga tashano danahayaga nololeed taasuna waa xuquuq Caalami ah oo aanu leenahay.” Ayuu yidhi Sheekh Xasan Daahir Aways.

Sheekh Xasan Daahir Aweys oo la waydiiyey in uu xidhiidh la leeyahay Cusama Bin Ladin iyo in uu dhaqaale iyo hub ka helay Dawladda Eretreiya, ayaan arrintaas jawaab toosa ka bixin, waxase uu ydihi “Xaq baan u leeyahay in cid Alla cidii aan doono aan la yeesho gacan saar iyo xidhiidh”

Bishii September ee sannadkan khubarada Qaramada Midoobay u magacawday kormeerka cuno qabataynta hubka Soomaaliya warbixintii ay soo saareen waxa ay ku sheegeen in hoggaamiyayaal Musliminta xag jirka ah oo uu ka mid yahay Sheekh Xasan Daahir Aways ay la soo degeen hub iyo Saanad ciidan oo fara badan oo ay ka mid yihiin Waxyaalaha qarxa ee ka samaysan Baaruuda dhegaha fudud, Miinooyin, Bambooyinka gacanta laga tuuro, Gantaalaha lagula dagaalamo Taangiyada, Rasaas iyo qoryaha lidka diyaaradaha, iyaga oo isu diyaarinaya abaabul dagaal oo ay ugu yeedheen Jihaad lagala hortagayo haddii ciidamo shisheeye oo nabad ilaalin ah la keeno dalka Soomaaliya.

Iyaga oo warbixintaas ku tilmaamay in Sheekh Xasan Daahir Aways yahay hoggaamiye Diimeed iyo Siyaasadeed oo awood weyn oo muhiim ah ku leh Koonfurta Soomaaliya gaar ahaan Muqdisho.

Sheekh Xasan Daahir Aways laftiisu muu qarsan inuu ku hawlanyahay qorshihisaas ku saabsan abaabulkiisa dagaal iyo inuu dhiso awoodiisa siyaasadeed. Isaga oo waraysigaas ay la yeelatay Sudan Tribune ku yidhi, “waxaan doonayaa inaan door muhiim ah oo siyaasadeed ku yeesho Mustaqbalka dalkayga, taasina waa ta aanu hadda ugu wacyigelinayno dadkayaga inay samaystaan dawlad ay leeyihin oo ka turjunta danahooda ku dhisan dhaqankooda Islaamiga ah.

Jamhuuriya Online

http://www.jamhuuriya.info/index.php?art_id=2972&categ=2&expand=2&file=view_article.tpAnonymousnoreply@blogger.com