tag:blogger.com,1999:blog-7098251.post5100703461481022687..comments2024-01-18T08:19:45.423+03:00Comments on Somalis For Jesus: Somali Islamic Militant Destroys Underground Christian LibraryUnknownnoreply@blogger.comBlogger1125tag:blogger.com,1999:blog-7098251.post-33409537777026601872011-03-16T01:42:19.653+03:002011-03-16T01:42:19.653+03:00Maktabad diinta Kiristaanka oo degmada Luuq ee Som...Maktabad diinta Kiristaanka oo degmada Luuq ee Somaliya lagu bur buriyey.

Luuq (Saraar Media) Koox u dooda Xuquuqda kuwa laga tiro badan yahay ee Kirishtaanka oo lagu magaacaabo ICC (International Christian Concern) ayaa shaaca ka qaaday in la bur buriyay Maktabad dhulka hoostiisa laga qoday oo ay lahaayeen dad Kiristaan ah islamarkaana ku tiilay magaalada Luuq ee dalka Soomaaliya.

Maamulaha Hey’adan oo lagu magacaabo Jonathan Racho ayaa sheegay inay ka war heleen in 16-kii Bishan December la bur buriyay Maktabadaasi oo ay lahaayeen dad si qarsoodi ah u amaanisan diinta Kirishtaanka oo ku nool magaalada Luuq ee dalka Soomaaliya.

“Kooxo xag jir ah ayaa waxay bur buriyeen Maktabadda waxay qaateen Kutubtii Injiilka iyo Cajalado Maqal iyo Muuqaal ah oo halkaasi yaalay” ayuu yidhi Agaasimaha Hey’addan qaabilsan Xuquuqda Aqaliyaadka Kiristaanka.

Sidoo kale qof magaciisa qariyay oo ku sugan magaalada Muqdisho ayaa Xaqiijiyay warkan ku saabsan bur burinta Maktabadda ay lahaayeen Aqaliyaad Kiristaan qarsoon oo ku sugan gudaha dalka Soomaaliya.

Shaqsigaasi magaciisa qariyay waxa uu xusay in Ciidamo uu hogaaminayay waaliga degmada Luuq Sheekh Farxaan Ciilmooge ay gaadheen deegaan ay beer ku taalo oo ka tirsan magaalada Luuq islamarkaana ay bilaabeen inay faagaan god weyn oo halkaasi ku yiilay kadibna ay kasoo saaraan Maktabad weyn oo halkaasi ku aasneyd.

Ilaa iyo hadda ma jirto war rasmi ah oo kasoo baxay wilaayada Islaamiga ah ee Gedo oo ay ku qirayaan ama ay ku beeninayaan warka kasoo yeedhay Hey’adan qaabilsan Aqaliyaadka dadka Kirishtaanka ah.

http://webcache.googleusercontent.com/search?q=cache:32DeT8hXtaAJ:saraarmedia.com/blog/2010/12/26/maktabad-diinta-kiristaanka-oo-degmada-luuq-ee-somaliya-lagu-bur-buriyey/+kiristaan&cd=5&hl=en&ct=clnk&client=safari&source=www.google.comAnonymousnoreply@blogger.com