Ehelkii Cadaalada, JEAN-PAUL NOEL ABDI, oo Geeriyoodey (AHN)
April 17, 2012 By
Wadhaf
News-April 17, 2012: Waxaan magaalada Marseille ee dalka Faransiiska
maalintii jimcihii ee 13-ka April 2012 ku geeriyoodey Allah ha u
naxariistee, JEAN-PAUL NOEL ABDI, Gudoomihihii Hay’ada Xuquuqal Iinsaanka ee Jabuuti ( LDDH). Marxuunku wuxuu 1947-kii ku dhashay magaalada Jabuuti.
Jean Paul Noël wuxuu
ahaa halgame weyn oo xuquuqal iisaanka ah waxuuna geed dheer iyo mid
gaabana u fuuley sidii xukunka Jabuuti u dhowri lahaa xuquuqda aadamaha,
halgamahaas oo aad uga soo hor jeeday taliska madaxweyne Ismaaciil
Cumar Geele.
Jean-Paul Noël wuxuu
wax ku soo bartay Jaamacada Grenoble ee dalka Faransiiska, intuu ardey
jaamacadeed ahaana wuxuu xubin firfircoon ka ahaa Dalada Ardayda Afrika
iyo Ururkii Ardayda soomaliyeed ee France.
Ka dib markuu dalkiisa ku soo noqdey,
Marxuunku wuxuu ka hawlgalay Wakaalada Badbaada Bulshada ( Organisme de
la Protection Sociale)-OPS-. Marxuunku wuxuu isla markaas ahaa xubin ka
mid ah ururkii gobanimo doonka ahaa ee LPAI ee u hogaaminaayay Xasan
Guuleed.
Ka dib markii u dhacay Cali Caarif
Burhaan, Marxuunku wuxuu noqday Kaliyaha Agaasimaha Xafiiskii Wasiirka
Kowaad oo ahaa Cabdallah Maxamad Kaamil, wuxuuna u xil saarnaa inuu
diyaariyo madaxda wadaniga ah ee maamulka cadaanka kala wareegayay.
Lix bilood ka dib wuxaa loo doortay Xildhibaan Golaha Baarlamanka ah, wuxuuna noqdey Xoghayihii Golahaas wakhtiyadii ay gudoonka aheen Axmad dini iyo Sacad Warsame oo ka dambeeyay. Xilkaas Xoghayenimo ayuu marxuunku iska casiley ka dib khilaaf siyaasadeed oo dhex marey shirgudoonka Barlamanka iyo xukumada.
1981-kii ilaa 1989 Jean-Paul Noël wuxuu ahaa Xoghayaha Gudiga joogtada ah ee Barlamanka, dabadeedna wuxuu ahaa Xoghaye Xafiiska Barlamanka laga bilaabo 1992-kii ilaa 1997-kii.
Taariikhdaa kooban ka dib, Jean-Paul Noël
wuxuu ahaa halyay u tafo xaytay difaaca cadaalada, difaaca
dulmaneyaasha iyo inta itaalka yar, wuxuu ahaa shaqsi la safta xaqa kuna
dhiiran inuu runta ka sheego xaqiiqooyinka dhabta ee ka jira dalka
Jabuuti. Marxuunka iyo Hay’adiisu waxay ahaayeen halka kaliye ee laga
helo war sugan oo khuseeya xaalada dhabta ah ee Xuquuqal iinsaanka
Jabuuti. Halgankaas xaqnimada ah Marxuunku wuxuu u soo mutay tacadi
badan, cadaadis, xadhig iyo cagajugleyn balse Jean Paul ma ahayn nin
xagal daaca oo dulmigu ka libin helo.
Allaha ha u naxariistee Jean Paul Noël
wuxuu ahaa shaqsi dadkiisa la sfatay, runta ehelkeeda, u hiiliyaha
dulmaneyaasha iyo shaqsi ishortaagay kibirka iyo kalidii-talisnimada
Afriki eedey. Jean Paul Noël wuu hoydey, ninkastoo reer Jabuuti ihina
wuu u agoomoobayaa. Wuxuu la miisaan yahay shaqsiyada kalidood marka la
waayo loo maleeyo iyo aduunkiiba gadoomay. Ilaahay Badal la mid ah reer
Jabuuti ha ka soo dhex saaro.
Jean-Paul wuu inaga tag, dadaalkiisiise wuxuu ku xardhanaan doonaa xasuusta iyo qalbiga inta xaqa la safatay sidiisii.
Wadhaf News waxaydhamaan reer Jabuuti ka
tacsiyadaynaysaa geeridan walaalkeen ehelkiisii iyo dhamaan reer
Jabuuti waxaan leenahay samir iyo iimaan, isagana maqaam wacan Eebe ha
geeyo.
Wadhaf News waxay
Ilaahay Naxariistiisii Ha ku Hagoogo –Aamiin-
Il Wareed: http://wadhaf.com/archives/9041
can you please translate in english. ?
ReplyDelete