Wednesday, July 08, 2020

Masiixi Soomaaliyeed oo Xamar ku Geeriyooday



Sayid Cali Cumar Maxamed (Tees), 52, ayaa shalay ku geeriyooday degmada Wadajir oo ka tirsan Muqdisho. Sayid Cali ayaa ku soo biiray xerta Sayid Ciise Masiix 1997 isaga oo xiligaa ku noolaa Addis Ababa, Ethiopia. Sayid Cali ayaa wacdiye in muddo ah ka ahaa magaalada Dirir Dhabe halkaas oo uu oday ka ahaa kiniisad guriyeed xiligaas ku kulmi jirtay Xaafad Ciise ee magaalada Dirir Dhabe.

Sayid Cali ayaa 15kii sano ee la soo dhaafay masuul uga ahaa kiniisaddiisa degmooyinka Wadajir iyo Dharkaynley halkaas oo uu ka hirgeliyay dhowr kiniiisad guriyeed oo ilaa iyo iminka si toos ah u kulma.

Gabar hoggaamisa kiniisad guriyeed ku taal woqooyiga Muqdishu ayaa Sayid Cali ku tilmaantay “aabbahayga xagga ruuxa” maadaama uu qayb libaax ka qaatay sidii ay inantaasi Rabbiga u qabsan lahayd 9 sano ka hor.

Wadaaddo hoggaamiya kiniisad guriyeeduo ku kala yaal Hargeisa, Garowe iyo Baydhaba ayaa dhammaan tacsi u diraya dhammaan Masiixiyiinta Soomaaliyeed Soomaaliyeed meel kasta oo ay caalamka ka joogaanba

Sayid Cali ayaa dhowr jeer ka badbaaday shirqoollo lagu qaarijin lahaa 10 kii sano ee la soo dhaafay waana intii uu ka howl gelayay degmooyinka Wadajir iyo Dharkaynley.

Wadaad hoggaamiye kiniisad guriyeed ku taal Muqdisho ayaa ku tilmaamay Sayid Cali “geesi aan baqin oo Rabbiga aad u jecel.”

Sayid Cali waxaa uu ka tegay xaas iyo 3 caruur ah.

3 comments:

  1. Ilaahay ha u naxariistee,geesi ayaad tahay walaal

    ReplyDelete
  2. This comment has been removed by a blog administrator.

    ReplyDelete
  3. Ilahay hau naxaristo geesi lagu daydo. Nabad ku naso

    ReplyDelete