Monday, February 23, 2009

Baroor Diiq - In Memory of Martyr Mansur Mohamed

GAALLIN INAY TAHAY SHABAAB

Gabay baroor diiq ah oo loo mariyay Shahiid Mansur Maxamed

AL SHABAB IS REVISIONIST

A Poem composed in memory of Martyr Mansur Mohamed.

 

1.      Geeridu waa lama huree, gadaafaha kalaa ka daran

Death is inevitable but a humiliating one is gruesome

Waxaan gayigeenna horay, Iyo gadaalba loo arkayn

Things never seen nor will be seen again in our country

Gadaf iyo xurmadii xaqay, gabood dhigeen gawaan

They do not know respect and they make fun of it

Dad miyaa la gooriyaa, sidii xoolaha la gawracaa?

Are people beheaded and slaughtered like animals?

Madaxii laga gooyay iyo, goroda gaalliso loo sudhaa

Is decapitated head used as a toy to play with?

Gaallin inay tahay Shabaab, gob aysan marnaba ahayn

Al Shabab is revisionist and not of noble birth

Falaadkoodaa laga gartaa, gaboodahay bulshada ka gali

Their deeds say it all—they oppress the populace

Gabadh aan wax gaysan iyo raggay xaqdarada god-dhabi

They decapitate innocent people not sparing little girls

 

2.      Maatada miyaa loo ganaa, nabsi miyaa laga gurtaa

The Lord will judge those who slaughter the weak for sport

Godob aan abidkeed hadhayn, gacalka miyaa laga gala

Loved ones should not be the target of ruthlessness

Xaqa miyaa laga gudaa, anaa manta kaa golweyn

The powerful should not tremble at the powerless

Miyaa la isugu goodiyaa, ruuxaan guluf kugula jirin

You should not threaten someone not bullying you

Miskiin ku gabani gacmaha, miyaa loo gaystaa guhaad

You should not attack those whose only shield is their hands

Gaallin inay tahay Shabaab, gob aysan marnaba ahayn

Al Shabab is revisionist and not of noble birth

Falaadkoodaa laga gartaa, gaboodahay bulshada ka gali

Their deeds say it all—they oppress the populace

Gabadh aan wax gaysan iyo raggay xaqdarada god-dhabi

They decapitate innocent people not sparing little girls

 

3.      Gayigay Soomaalidu lahayd, kuwan baday guul-darada

Those who humiliated the Land of the Somalis

Garacda yaa dhalay Shabaab, xaggay naga soo galeen

Where did the illegitimate Al Shabab come from?

Galgaal iyo gollidan baas, golxob iyo gudmaha watee

They are barren armed with daggers and hatchets

Ku gawriir saday dalkii, ka dhigay beelihii galgalin

They raped the country and obliterated the inhabitants

Guraca iyo gumaadka wada, ciday ka garqaadan jirin

They are dead wrong and not accountable to anyone

Gaallin inay tahay Shabaab, gob aysan marnaba ahayn

Al Shabab is revisionist and not of noble birth

Falaadkoodaa laga gartaa, gaboodahay bulshada ka gali

Their deeds say it all—they oppress the populace

Gabadh aan wax gaysan iyo raggay xaqdarada god-dhabi

They decapitate innocent people not sparing little girls

 

4.      Mansuur ragga madax guray, Waldiire gumaca ku gubay

They beheaded Mansur and executed Waldire

Ku garaacay Daa'uud rasaas, gablan ka dhigay geesiyaal

They shot Da'ud and massacred the children of heroes

U gartay gabanno agoon, haween gaariyadii u dhaxay

They orphaned children and widowed great women

Inay ciil la gawriirsadaan, gasariir aan garaw lahay

The victims are full of sorrow without solace

Gabxo waxay qoys dhigeen, ama gabawar reero badeen

They have bankrupted many families and isolated others

Gaallin inay tahay Shabaab, gob aysan marnaba ahayn

Al Shabab is revisionist and not of noble birth

Falaadkoodaa laga gartaa, gaboodahay bulshada ka gali

Their deeds say it all—they oppress the populace

Gabadh aan wax gaysan iyo raggay xaqdarada god-dhabi

They decapitate innocent people not sparing little girls

 

5.      Kuwaas gaaridana ku dilay, intay gulaammo kufsadeen

The little girl was raped by worthless Al Shabab gunmen

Gabantu way galmootay yidhi, god dheer u geeyay garbaha

They accused her of adultery and put her in a deep hole

Goonyaha kala maray dhadhaab, kaga gooyay naftana halgaad

They stoned her to death hurling huge rocks at her

Garsoor hadduu jiro cadliya, kuwii la yidhi u gude

Where are the men she "fornicated" with if there is justice?

Maxaan goobta looga helin, gartaa waa in dib loo naqaa

Why weren't they executed too? This is gross injustice

Gaallin inay tahay Shabaab, gob aysan marnaba ahayn

Al Shabab is revisionist and not of noble birth

Falaadkoodaa laga gartaa, gaboodahay bulshada ka gali

Their deeds say it all—they oppress the populace

Gabadh aan wax gaysan iyo raggay xaqdarada god-dhabi

They decapitate innocent people not sparing little girls

 

6.      Iyagoo goodigooda faan, garmaamaha dhulkii gadiyay

They are arrogant and haughty when they inveigh

Ganbiga markii la galay, guutadu ka timid galbeed

When the Ethiopians invaded with forces from the west

Xamar goonyaheeda la degay, shabaab soo kuwii gabaday

They cornered Mogadishu and Al Shabab hid out of fear

Qoryaha muska ay gasheen, iyagoo luli laba gacmood

They buried their guns and surrendered badly humiliated

Intay dumarka dhex galeen, kuwii guryaha isku xidhay

They sought protection behind women and children

Gaallin inay tahay Shabaab, gob aysan marnaba ahayn

Al Shabab is revisionist and not of noble birth

Falaadkoodaa laga gartaa, gaboodahay bulshada ka gali

Their deeds say it all—they oppress the populace

Gabadh aan wax gaysan iyo raggay xaqdarada god-dhabi

They decapitate innocent people not sparing little girls

 

7.      Raggu ganbay xidhan yihiin, waxay soo gashani khamiis

Their men cover their heads like women do

Gadhkii oon la xiiri Karin, waa inay shaarubada guraan

They cannot shave their beards but they shave their moustaches

Surwaalkuna u gaaban yahay, teendhay dumarkii u galin

Their pants are ankle high and they make women wear tents

Sidii aqal guura hayay, la ekaan labadaa gidaar

They look like a moving house as big as two walls

Wajiga waa inay gedfaan, sidii aan cidiba u garan

They cover their faces out of fear to hide their identity

Gaallin inay tahay Shabaab, gob aysan marnaba ahayn

Al Shabab is revisionist and not of noble birth

Falaadkoodaa laga gartaa, gaboodahay bulshada ka gali

Their deeds say it all—they oppress the populace

Gabadh aan wax gaysan iyo raggay xaqdarada god-dhabi

They decapitate innocent people not sparing little girls

 

8.      Ma laha guurti sugan, dhammaan waa godadlayaal

They have no chiefs and they practice polygyny

Waa niman garruumid badan, gudoodi naagaha u guda

They are womanizers chasing after women all the time

Goobaare haddana gaadaa, gabbaray dadkii ka guri

Their married men even marry more women

Gasiinna wax uma gadaan, intaa waxay raadin garab

They do not support their wives but they like many children

Hunguri way la gaylamaan, gadaalna wax uma dhigtaan

They are known for their gluttony not saving for tomorrow

Gaallin inay tahay Shabaab, gob aysan marnaba ahayn

Al Shabab is revisionist and not of noble birth

Falaadkoodaa laga gartaa, gaboodahay bulshada ka gali

Their deeds say it all—they oppress the populace

Gabadh aan wax gaysan iyo raggay xaqdarada god-dhabi

They decapitate innocent people not sparing little girls

 

9.      Ciil baa aniga i gubi, cadhaan la gadoodi dhaax

Sorrow burns me like a fire and I am very angry indeed

Inaan goosto aar sidii, markii laabta aan gashana

Whenever I think about taking revenge on them

Xeer baa ii cesha gadaal, eraygii sayidkaan gocdaa

The words of the Lord restrain me from vengeance

Wuxuu guuluhu na faray, haddii lagaa galo xumaan

The Lord taught me to forgive those who wrong me

In aadan gaafaysi galin, gacanta ay gartaadu noqon

The Lord also instructed me not pay evil for evil

Gaallin inay tahay shabaab, Gob aysan marnaba ahayn

Al Shabab is revisionist and not of noble birth

Falaadkoodaa laga gartaa, gaboodahay bulshada ka gali

Their deeds say it all—they oppress the populace

Gabadh aan wax gaysan iyo raggay xaqdarada god-dhabi

They decapitate innocent people not sparing little girls

 

10.  Galin ma seexdo habeen, gama'na ma lado hurdada

I am sleepless day and night and I am restless

Gabood nimanka wax falay, gulufka ay nagu wadaan

Al Shabab persecuted us and they are attacking us

Geeddanka aan wax tarin, gunburi weeye ee galgalin

They are worthless warriors grazing like zebras

Gaddeedii anoon ku celin, garwaan kii ay galeen

I should not repeat myself but they are oppressing us

Gibilka loo sudhin gartaa, gabalku ugu dhicin gawriir

They should face justice to reap what they have sown

Gaallin inay tahay Shabaab, gob aysan marnaba ahayn

Al Shabab is revisionist and not of noble birth

Falaadkoodaa laga gartaa, gaboodahay bulshada ka gali

Their deeds say it all—they oppress the populace

Gabadh aan wax gaysan iyo raggay xaqdarada god-dhabi

They decapitate innocent people not sparing little girls

 

 

Waxaa curiyey Mohamed Gurhan

Halkaraanka Kiniisadda Soomaaliyeed

 

Composed by Mohamed Gurhan

The gifted poet of the Somali Church

 

English translation by Brother Warsameh


5 comments:

Elizabeth K. Best, PhD said...

Beautiful and moving: my prayers are with you.

G. Edwards said...

Mansur Mohamed I mourn for you. your a man i could only hope to be. viewing your sacrifice has only made my faith in and those around me STRONGER God bless you. you and your family and those like you are in our prayers.

Muslimah said...

seriously people you can't bleave a word these people say. and i never seen a somali christian, they only tell you these beacuse they want money thats all. who on their right mind set will convert from islam. stop using peoples pictures in thses site and pluse they dont even look somali some west africans.
stop lieing and paying people to write shit.

Anonymous said...

Muslimah" you're very very stupid.
Of what gain will it be to pay people to do shit like this. You're just an idiot.

alshabaab group said...

Stupid...don't lay alshabab and somali muslims if you're unbeliever.
We didn't do that.