Friday, October 30, 2009

MADAXII KRISHTAANIMADA SOMAALIYA OO LAGU DILAY MAGAALADA MARKA

Warbaahin ay leeyihiin Wadaadada Diinta Kirishtanka ayaa markii ugu horaysay shaaca ka qaaday in gudaha Somalia lagu laayay Dad Somali Kirishtaan ah oo in Mudda ah qarsanayay Gaalnimadooda kuwaas oo si qarsoodi ah u faafi jiray diinta Kirishtanka.

 

Warbixin Dheer oo lagu daabacay Bog ay leyihiin Tabshiiriyiin Masiixiyiin ah ayaa lagu daabacay dhibaato xoogan oo ay Shabaab u gaysatay Wakiiladii faafinta Diinta Kirishtanka ee Kooxahaasi ay Somalia ku lahaayeen .

 

Arrintan ayaa ka dhacday Gobalada Bay, Bakool, Jubbooyinka, Shabeelaha Hoose, Shabeelaha Dhexe oo dhamaantood lagu laayay Dad Diinta kabaxay oo Somalida kale ku hayay Gaalaysiin qarsoodi ah waxaana dhamaantood dishay koox loogu yeeray Xagjir oo Shabaab la dhaho.

 

Socdaal Iimaani ah oo muddo dheer uu ku jiray nin Soomaali ah oo Qarsanayay Diinta Kiristanka ayaa ku soo gaba gaboobay murugo kadib markii ay koox Islaami xag jir ah oo Maamula Koontarool Toogteen ka dib markii ay ka heleen Kitaabka Muqadas-ka ah ( Baybal).

 

Kooxda Islaamka Xag jirka ah ee Al-Shabaab ayaa dilay 69 jir lagu magacaabo Cumar Khalafe Talaadadii la soo dhaafay oo ay Taariikhdu ku beegnayd 15 September koontarool duleedka ka ah Magaalada Marka sida ay noo xaqiijiyeen ilo Kiristaan ah.

 

Cumart Khalafe ayaa ka soo amba baxay Magaalada Muqdisho asaga oo soo raacay gaari Bus ah 7:30 A.M asaga oo wada 25 Baybal oo Af-Soomaali ku turjuman kuwaas oo uu u waday Dad kirishtan Qarsoodi ah oo Soomaali ah.

 

10:30 A.M ayuu soo gaaray Barta Koontarool ee ay gacanta ku hayaan Al-Shabaab oo ah koox Mucaarad ah kuna xiran Al-Qacida taas oo gacanta ku haysa inta badan Dalka ay Dagaaladu Aafeeyeen.

 

Nin ku sugan Soomaaliya oo diiday in Magaciisa la shaaciyo ayaa u sheegay Shabakadda Jiheeyaha Toosan ee Kiristanka "Rakaabkii gaariga waxaa lagu amray in ay soo degtaan si loo baaro waxayna Islaamiyiinta Xagjirka ah ka heleen 25 Bible oo Soomaali ku Qoran mid ka mid ah Boorsooyinkii Rakaabka, markii ay Waydiiyeen cidda iska leh Bibladdaa dhamaan Rakaabkii way Aamuseen. Baaritaan ka dib Xag jirku waxay heleen dhowr Sawir oo Boorsada ku jirta waxayna Bilaabeen in ay isku fiirinayaan Sawirrada iyo Wajiyada Rakaabka oo ay cabsi dabooshay maadaama ay ogyihiin meesha uu ku danbayn doono Qofka lagu helo arrintan".

 

"Islaamiyiinta Xag jirka ah ayaa arkay in Sawirrada mid ka mid ah ay Shabahdo Odayga Da'da ah ee Cumar Khalafe waxayna Su'aaleen haddii uu leeyahay Bayballada wuuna aamusay dabadeedna way Toogteen".

 

Khalafe wuxuu kirishtan ahaa muddo 45 sano ah ayuu yiri ninka u waramay Shabakadda.

 

"Maydka waxaa loo qaaday Marka kooxda Alshabaabna 25-tii Baybal waxay dusha ka saareen Khalafe Maydkiisa ayaga oo digniin uga dhigaya ciddii danbe oo lagu helo fal noocan ah" ayuu yiri ninka u waramayay Wargeys-ka.

 

ilo Kiristan ah ayaa sheegay in 04:00 PM ay Radio Shabelle ka maqleen Alshabaab oo leh " Maanta waxaan qabanay Cumar, oo ah soomaali Kiristan noqday asaga oo wata 25 Baybal waxaana lagu qabtay Koontaroolka Marka wuxuu ka shaqaynayay in uu Soomaalida Diinta ka saaro oo Kirishtaan ka dhigo, maanta ayaa la toogtay 12:30 P.M".

 

Qoyska Khalafe oo Muqdisho ku sugan ayaa ogaaday geeridiisa ka dib markii ay ka dhagaysteen Raadiyaha waxayna la xiriireen Baadariga Kaniisadda Qarsoodiga ah ee Soomaaliya waxayna u sheegeen in uu Geeriyooday".

 

"Warka Geerida Cumar shoog ayuu igu riday" ayuu yiri Baadariga Hogaanka u haya Kaniisadda Qarsoodiga ah ee Soomaaliya Xilli uu khadka Taleefonka ugu waramayay Wargayska Jiheeyaha Toosan wuxuuna intaa raaciyay " Waxaa wakhti dheer u soo shaqaynaynay kirishtanka Soomaaliya, waa nasiib darro in aysan Baybaladu gaarin Dadkii loogu tala galay, waxaan hubaa haddii aysan heli lahayn Sawirka walaakeen wuu Noolaan lahaa".

 

Khalafe wuxuu ahaa Soomaalida Bantuu-ga wuxuuna u soo shaqeeyay wakaalado kala duwan oo kirishtan ah, xubnaha kaniisadda Qarsoodiga ah ee Soomaaliya waxay sheegeen in Cumar khalafe uu ahaa Matoorka ama Aaladda Kiristaan Faafinta wuxuuna gacan ka gaystay in badan oo ka soo wareegtay islaamka qaadatayna Kirishtanka.

 

Wuxuu ka tagay Haweeneey iyo 7 Caruur ah Qoyskiisu ma awoodaan in ay u baroor diiqaan cabsi ay ka qabaan in la beegsado mid ka mid ah wiilashiisa ayaa yiri " waa nasiib darro in aanan ka qayb gali Aaska Aabaheen. Ilaahay ayaa garanaya sida uu u Abaal Marinayo".

 

Fulinta Qasabka ah ee Shreecada Islaamka ayaa ka dhaqan galay dhul badan oo ay ka arrimiyaan Kooxda Hubaysan ee Al-shabAab kuwaas oo isku dayaya in ay xukunka ka ridaan Madaxweyne Sheekh Shariif Sheekh Axmed Dowladiisa Fadaraalka Kumeel Gaarka ah.

 

Bishii la soo dhaafay Kooxda Xag jirka ah ee Alshabaab ayaa cadayn u raadiyay in Nin Soomaali ah uu ka baxay Diinta Islaamka qaatayna Kirishtanka ka dibna way toogteen meel u dhow Xaduuda Soomaaliya iyo Kenya sida uu noo Xaqiijiyay Kirishtanka Qarsoodiga ah ee Dalka Dagaalku Aafeeyay " Xag jirku waxay dileen 41 jir lagu magacaabi jiray Axmed Mataan magaalada Buulo-Xaawo 18, Aug ee Sanadkan waxaana arrintaas Xaqiijiyay C/Qaadir Cabdi Ismaaciil Hogaamiyihii hore ee Kiristanka Qarsoodiga ah ee Soomaalia kuwaas oo uu mataan ka mid ahaa laga soo bilaabo 2001".

 

Mahadaay oo 100 KM Waqooyi uga beegan Muqdisho Islaamiyiinta Al-Shabaab waxay 7:00 A.M 20, July ee la soo dhaafay ku toogteen Nin kale oo ka baxay Islaamka kuna biiray Kiristanka kaas oo lagu magacaabi jiray Maxamed Sheekh C/raxmaan sida uu Wargeyskan u xajiiyay qof goob jooge ah waxayna Kirishtanka Qarsoodiga ah sheegen in Islaamiyiinta Mintidka ah ay u muuqdaan kuwo ugaarsanaya Dadka ka baxay Islaamka ee galay Kiristanka.

 

Maxamed Sheekh C/raxmaan waxaa uu ahaa hogaamiyaha Unug ka tirsan Kirishtanka Is qarinaya ee Soomaaliya wuxuuna ka tagay 2 Caruur ah oo 15 jir iyo 10 jir kala ah Xaaskiisiina waxay u geeriyootay xanuun 3 sano ka hor.

 

Go'aan Sifayn ah oo dhan ka ah Kiristanka Soomaaliya ayay Kooxda Xag jirka ah ee Al-Shabaab ku guda jirtaa waxayna isha ku haysaa Dadka ka baxaya Islaamka gaar ahaan Goobaha ay ka shaqeeyaan Hay'adaha Kiristanka ah ee bixiya gar gaarka & Caafimaadka sida Jowhar, Jamaame, Kismaayo & Baladweyn sida uu Wargeyska u xaqiijiyay mid ka mid ah Kirishtanka, mahadaay Weyne oo 22 KM u jirta Jowhar ayaa waxaa horay ugu yaalay Cisbitaal ay hay'ad Kirishtan ahi Sameysay.

 

Xag jirka ayaa Qoorta ka jaray 7 kirishtan ah Bishii 10, July sida ay sheegtay Wakaaladda Wararka Reuters kuwaas oo lagu dilay Baydhabo ayaga oo lagu eedeeyay in ay yihiin Kiristaanimo & Basaasnimo.

 

Bishii Feb, 21-deedi Xagjirka Al-Shabaab waxay qudha ka jareen 2 wiil oo yar-yar oo Soomaali ah sababta Aabahood oo Kirishtan ah isla markaana diiday in uu sheego macluumaad ku saabsan Baadariga Kaniisadda Qarsoodiga ah sida uu Wargeyska u sheegay Musa Maxamed Yuusuf kaas oo hadda ku nool Xeryaha Qaxootiga Kenya , wuxuuna ahaa Baadariga Kaniisadda Qarsoodiga ah ee Tuulada Yoontooy oo 30KM u jirta Kismaayo.

 

Kooxda Al-Shabaab ayaa waxay soo galeen Tuulada Yoontooy Feb,20 ayaga oo raadinaya guriga Muusa Maxamed Yuusf, way qabteen waxayna waydiiyeen Xiriirka uu la leeyahay Salat Mbera oo ah Baadariga Koox 66 Qof ka kooban oo Soomaali Kirishtan ah kaas oo ay kula kulmeen Gurigiisa Magaalo aan la shaacin, wuxuuna Yuusuf ku adkaystay in uusan waxba ka ogayn Mberwa uusanna wax xiriir ah la lahayn, xilligaas oo ay iska daayeen Mintidku balse ay u sheegeen in ay u soo laabanayaan Maalinta xigta.

 

Muuse ayaa isla maalintiiba u baxsaday Magaalada Kismaayo asaga oo aan waxba la socodsiin Xaaskiisa waxayna kooxda Al-Shabaab ku soo noqdeen maalintii xigtay ayaga oo markii ay waayeen Muuse la tagay 3 wiil oo u dhalay C/raxmaan Muse 11 jir ah Xussen Muse 12 jir ah iyo C/laahi Muuse oo 7 jir ah waxayna dileen 2-dii waaweyn kan yarna way soo daayeen asaga oo ooyaya.


3 comments:

Anonymous said...

"in gudaha Somalia lagu laayay Dad Somali Kirishtaan ah oo in Mudda ah qarsanayay Gaalnimadooda kuwaas oo si qarsoodi ah u faafi jiray diinta Kirishtanka."

Eryega gaalnimadooda waa mid fool-xun ee wax kale u adeegsada.
"Gaalnimo", waa diin la'aan, waana wax la yaso.

Anonymous said...

hogaamiyaha diinta islaamka muxuu yiri mataqaanaa sallaahu caleyhi wasalma "qofkii diintiisa badalaa waa diinta islaakee dila"

Unknown said...

Soomaliyana iska halmaama GAALOOY,waa talo.Anagii ayaa is laynanyna macadalaa diimo kale iyo dadyoow kale oo wata agenda dadkeena looga sarayo diinta islaamka,waa meelo aan laga marin qofka soomaliga,boqolaal ayaa isku dayey hortiin gumaystayaashii watay kaniisadaha diinta beenta ah ee masiixiga,HADA AYUEEY GAALO SOO TASHATAY oo umada iftiinka islaamka looga iibsado lacag iyo gaajadaan ka saaraynaa,qaxootinimada ayaa looga faidaysanayaa dadkeena qaarna baadi looga dhigay,sold your soul to the devil and the price was cheap,stay out of SOMALIA.