Saturday, September 05, 2009

Wiilkii shanaad oo Somali-American ah oo lagu dilay Muqdisho

Sabti, September 05, 2009(HOL):

 

Website lagu magacaabo Star Tribune  oo si weyn wax uga qora magaalooyinka mataanaha ah ee Minneapols iyo St-Paul ee gobolka Minnesota ayaa shaaciyay in wiilkii shanaad oo Somali-American ah dabayaaqadii todobaadkii hore lagu dilay magaalada Muqdisho isagoo ka dhinac dagaallamayay Xoogagga Xarakada Shabaabul Mujaahidiin.


 

Wiilkan Muqdisho lagu dilay oo lagu magacaabi jiray Maxamuud Xasan oo 23 jirna ahaa ayaa wuxuu ka tirsanaa Ardayda Jaamacadda Minnesota, wuxuuna baranayay Injineernimo, wuxuuna Soomaaliya aaday bishii November ee sanadkii hore.


"Runtii waa war xun geerida Maxamuud Xasan ee na soo gaartay"sidaas waxaa yiri Maxamuud Adeerkiis. Adeerka oo diiday in magaciisa la shaaciyo ayaa sheegay in uusan si rasmi ah u heynin goorta wiilkiisa la dilay hayeeshee ay maalmo dhow tahay.


C/risaaq Biixi oo si weyn ugu ololeeya arrimaha Beesha Soomaaliyeed ee Minnesota oo booqday Maxamuud Xasan Ayeeyadiis ayaa sheegay in wiilka ay Ayeeyada u tahay ay geeridiisa ogaatay kaddib markii ay farriin ka heshay qoys ay qaraabo yihiin, kaasi oo uu iyana wiilkooda aaday Soomaaliya si uu uga soo dagaallamo.


Wiilka la soo hadlay qoyskiisa ee soo sheegay geerida Maxamuud Xasan ayaa sheegay in uu taagan yahay meel Qabuuro ah oo lagu aasayo Maxamuud Xasan. Afhayeen u hadlay FBI-da Mareykankana wuxuu sheegay in uusan xaqiijin karin geerida Maxamuud Xasan. Jimcihii  shalay ahaa ayay qoyska, qaraabada Maxamuud Xasan waxay isugu tageen guriga Ayeeyada Maxamuud oo ku yaalla Cedar-Riverside si halkaas isugu tacsiyeeyaan.


C/risaaq Biixi wuxuu sheegay in qaraabada qoysas dhowr ah oo wiilashooda ay Soomaaliya ku geeriyoodeen xagaagii la soo dhaafay ay tacisdaas ka qeybgaleen, waxaana ka mid ahaa walaashiis Seynab Biixi oo wiilkeedii Burhan Xasan oo 18 sano jir ahaa bishii June ee aynu ka soo gudubnay lagu dilay Soomaaliya. "Waxay igu reebeysaa maalmo murugo leh, haa,"sidaas waxaa tiri Seynab Biixi oo inta badan la kulanta qoysaska dhibanayaasha ah ee caruurtooda lagu dilay Soomaaliya.


Maxamuud Xasan oo noqonaya wiilkii shanaad ee Somali-American ah oo lagu dilay Soomaaliya ayaa la rumeysan yahay in uu ka mid ahaa 20 dhalinyaro Soomaaliyeed ah oo ka tegay magaalooyinka mataanaha ah ee Minneapols iyo ST-Paul, kuwaasi oo Soomaaliya u aaday in ay la tababartaan, isla markaana ka dhinac dagaallamaan Xoogagga Al-Shabaab ee dagaalka kula jira Dowladda Soomaaliya iyo Ciidamada Amisom.


Horay waxaa Soomaaliya loogu dilay Shirwac Axmed oo 26 sano jir ahaa, Burhan Xasan oo 18 sano jir ahaa, Jamal Bana oo 20 sano jir ahaa iyo Zakaria Maruf oo 30 sano jir ahaa, kuwaasi oo lagu qalqaaliyay in ay dalka Mareykanka ka tagaan kaddibna ay dib ugu noqdaan Soomaaliya kana dagaallamaan.


Dhalinyaradan Soomaaliya lagu dilay ayaa dhamaantood waxay ahaayeen kuwo mustaqbalkooda ifayay, waxayna waxbarasho Jaamacadeed oo heer sare ah ku qaadanayeen Gobolka Minnesota. Hay'addaha Dembi-baarista Mareykanka ayaa waxay ilaa iyo haatan baadi-goobayaan ciddii qalqaalisay dhalinyaradan oo ugu dambeyntiina ka amba bixisay dalka Mareykanka.


Ugu dambeyntiina, waxaa la sheegaa in dhalinyaradan laga dhaadhiciyay in ay Soomaaliya aadaan kaddib markii ay Ciidamada Itoobiyaanka soo galeen Soomaaliya dabayaaqadii sanadkii 2006, xiligaas oo Soomaaliya laga soo sheegayay in Ciidamada Itoobiyaanka ay gabood-fallo ka dhan ah bani'aadannimada ay kula kacaan dadka biri-ma-geydada ah ee Soomaaliyeed, isla markaana haweenka kufsanayaan, dadka rayidka ahna ay u dilayaan si aan kala sooc lahayn.


Salaad Iidow Xasan (Xiis)

Hiiraan Online
sxiis@hiiraan.com

Muqdisho, Soomaaliya


No comments: