Showing posts with label Somalis-for-Jesus. Show all posts
Showing posts with label Somalis-for-Jesus. Show all posts

Wednesday, November 01, 2017

Gabay: Markhaatifur



Anigoo dhawaan safar dhulka ah kaga soo baxay Hargeisa kuna sii jeeda Berbera ayaan waxaan ku leexday tuulada Macalinkeed Disho oo aan habeen ku hoyday. Anigoo hurdadu meel wacan ii marayso ayaan riyo ku arkay walaashay, xagga ruuxa, Dr. Maryan Cabdullaahi Macalin Maxamed, oo 14 October ee sanadkan ku geeriyootay kharixii ka dhacay Zope. Waxay isoo fartay gabaygan in aan gaarsiiyo Soomaalida.

Dib u eegistii 1aad, 02 November 2017

Maryan ma ahayn Masiixi iyo waxaan, maqlayay maalmahan
Uu maqaal ku soo qoray Bashiir[1], meel walbana geeyay
Ii masabidaayaan gartaa, maalinya habeene
Milgaheeda yaan doonayaa, inaan mar uun sheego
I dhegaysta anigaa murtida, Eebbe igu miisay

Maro kuma xirna oo Bashiir, wuu mutuxan yahay
Ma wakiil ayuu iga yahoo, wuu i matalaayay?
Mindirraacintiisiyo bal eeg, iyo miraafkiisa
Is miidaamintiisan arkaa, meelna loo dayine
Miyuu gacan madoobaadayoo, waa musallif ruuxu?

Muslim Shaaficiya yaan ahaa, aan mala lahayne
Afar sanno mar laga joogo yaan, raacayna Masiixa
Magaciisu iga mayr dembigi, waanan mahadshaaye
Ku mutaystay jannadaan hedeer, aan mushaaxayaaye
Eebbaan ku mahadinahayaa, maqaamka aan joogo

Ina Maxamad aabbahy hadduu, Muslim igu sheegay
Magaciis ha raagee haddii, murugo ay saaqday
In Islaamku uu yahay muquuf, waa mid uu garane
Muqdishuu ku noolyahoo haddeer, la is muquunshaaye
Muslim laaya Muslimiinta yaa, meel walbaba taagan

Ehelkayga mid yaan oranayaa, werefku meermeershay
War Masiixa aamina intaan, maydku idin taaban
Maxamaddiyaddu diin maahine, maqla digniintayda
Waxaa lagu mutaysanahayaa, moolkii naareede
Ka soo baxa mirifkeeda oo, raacana Masiixa

Soomaali Maxamaday i maqal, haygana mashquulin
Muunad beel waxaa idinku riday, madax adayg baase
Hadaad Maxamad diidaan mar hore, raacdaana Masiixa
Muusannawgu wuu hari lahaa, Eebbe maragtiiye
Nabad iyo muwaafaqo ayaad, mudan lahaydeene

Sayiddii Masiixii ayaan, joogaa midigtiisa
I maashayday farxadoo ma qabo, murugoo idile
Maqsuud yaan runtii ahay hadeer, waana loo marage
Muslimnimo kumaan dhimanine, Eebbe mahadiise
Anigoo Masiixiya ayuu, mawdku i haleelay

In Masiixi aan ahay anigu, mar hore cadaystay
Mana dafarin weligay, anigu Macalin Nuurkeeye
Maskax yaanse leeyahoo runtii, aan miciin sadaye
Marinada  lamaan taagnahayn, milladda taydaaye
Garaadkaynu magansanuu na baray, Macalinkeenniiye


Rev. Sabaah Mohamed Omaar
Somalia Director, Somalis For Jesus






[1] Bashiir M. Xersi. Maryan Ma Ahayn Masiixiyad. Caasimada.net. 2017. Waxaan daalacday 01 November 2017.