Saturday, June 26, 2004

Kulanka Culimada oo Fatwa Ku Riday Masiixiyiinta Soomaalida


Sheekh Nur Barud, The Vice Chairman of Kulanka Culimada Posted by Hello Soomaali sheegatay inay Kirishtaan yihiin oo Xukun lagu riday

[10-ka Feb. Somaaljecel - Muqdisho]

Shir degdeg ah oo maalintii Shalay ay magaalada Muqdisho ku yeesheen Culumaa’udiin Soomaaliyeed oo gaarayay 14-Wadaad ayaa Xukun Fatwo ah ku riday Dad Soomaali ah oo sheegtay in ay Kirishtaan yihiin. Dadkan oo warqado ku daadiyey magaalada Eldoret ee dalka Kenya, isla markaana ku dooday in Baarlamaanka uu yeelanayo dalka Soomaaliya Xubno laga siiyo ayaa waxay Culimada ku xukumeen Shan qodob oo kala ah:- 1. Dil, maadaama ay yihiin Murtidiin ridowday oo Diinta Islaamka ka baxday 2. Wax ma dhaxlayaan lamina dhaxlayo 3. Haddii ay Xaasas leeyihiin Xaasaskooda way ka furan yihiin 4. Dalka Soomaaliya oo dadkiisu 100% Muslim yihiin wax Xuquuq ah kuma laha 5. Laguma tukanayo Meydkooda, Qabuuraha Muslimiintana laguma duugayo. Culumada go’aanka Xukunka ah soo saartay waxay Dadweynaha Soomaaliyeed meel kasta oo ay dunida ka joogaan uga digayaan in ay iska ilaaliyaan dadkaas Murtdiinta ah ee gaaloobay iskana ilaaliyaan in Caqiidadooda & Diintooda islaamka ay soo farageliyaan. Sidoo kale Kooxaha Soomaalida ee ku shirsan magaalada Eldoret ee dalka Kenya ayaa loogu baaqay in shirkooda aysan ka soo qeyb gelinin dadkaas Kirishtaannimada sheegtay ee diintoodii Islaamka ka baxay, haddii xitaa lagu qasbo in ay shirka ku soo daraan Dadkaas ay iyaga shirka isaga soo baxaan. Dadkaas sheegtay inay Diinta Islaamka ka bexeen ayaa digniin kulul loogu jeediyey in aysan dalka Soomaaliya cagaha soo dhigi Karin, haddii ay dalka yimaadaanaa Xukunka u yaala uu yahay dil sida ay Shareecada Islaamku jideysay. Dadkan Soomaalida ee sheegtay in ay yihiin Kirishtaan ayaa la soo weriyey in ay tageen magaalada Eldoret ee dalka Kenya ayna Kooxaha Soomaalida ee shirku halkaa uga socdo weydiisteen in shirka laga qeyb geliyo oo ay leeyihiin Urur Kirishtaan ah oo ka madax bannaan qabiil, waxaana la sheegayaa in ilaa iyo hadda aan wax jawaab ah laga bixin codsigooda, inkastoo aysan dadkaasi si cad isu soo shaac bixin oo ay warqado ku daadiyeen madasha shirka Eldoret. Culimada Xukunka ka soo saartay dadkan Kirishtaannimada sheegtay ayaa magacyadooda waxa ay kala yihiin Sheekh Xasan Cali Calasow(Sheekh Xasan Cadde), Sheekh Maxamed Sh.C/salaan (Sheekh Maxamed Guud), Sheekh Cabdullaahi Minhaaj, Sheekh Nuur Baaruud Gurxan, Sheekh Maxamuud Cawaale, Sheekh Muuse Caga-weyne, Sheekh Xuseen Calasow Baaseey, Sheekh C/llaahi Cumar Nuur, Sheekh C/salaan Xuseen Cali, Sheekh Cumar Macalin Nuur, Sheekh C/raxmaan Sh.Abuukar, Sheekh Axmed Faarax Maxamed, Sheekh Cali Shiikhoow iyo Sheekh Axmed Cali Cusmaan.

Cabdiraxmaan Cumar Madoobe (Dalmar)

Dalmar@somaaljecel.com

No comments: