Friday, July 02, 2004

"Soomaalidu Waa Carabtee?"

Carabtu Islaamka hortiis waxay u qaybsanayd Carab Carab ah, Carab Carabowday iyo Carab Iscarabaysay.
Mowjaddii koowaad ee carabtu (Carab carab ah) waxay ahayd qabaa'ilkii reer Caad, reer Samuud, iwm.

Mowjaddii labaad (Carab Carabowday) ee aan asal ahaan carab ahayn, ha yeeshee caraboobay kedib markii reer Caad iyo reer Samuud eebbe xasuuqay, waxay ahaayeen qabaa'ilkii Yamanta ee reer Qaxdaan.

Mowjaddii saddexaad ee carabtu waa tii ayadu iscarabaysay ayaga oo ku dayanaya kuwii ka horreeyey ee caraboobay waana qabaa'ilkii Cadnaaniyiinta reer Makka.

Haddaba kol hadday carabtii carabta ahayd dhammaatay waxa garoonka isugu soo haray carabtii carabowday (Qaxdaaniyiin) iyo tii iscarabaysay (Cadnaaniyiin). Waxa ay isku kala garan jireen calaamado iyo dhaqan u gaar ah qolo walba sida Qaxdaaniyiinta oo qaadan jiray cimaamado iyo calamo leh midabka jaallaha, halka cadnaaniyiintu ay ka qaadan jireen cimaamado iyo calamo casaan ah, waxana ka dhaxayn jirtay colaad aan weligeed dhammaan.

Qaxdaaniyiintu markay Yaman degeen Cadnaaniyiintuna waxay degeen Makka. Haddaba kolkii uu dumay biyaxireenkii MA'RIB 532 CD Waxa dhalatay boqortooyadii SABA', halkaasi oo Qaxdaaniyiin fara badani ka haajireen Yaman una guureen meelo kala duwan. Qaar kamid ah Qaxdaaniyiintii Yaman ka haajiray waxay degeen Madiina, waana labada qabiil ee OOWS iyo KHASRAJ. Qaar kale waxay ku kala firdheen meelo kale oo kamid ah Jasiiradda Carabta iyo Suuriya.

Inkasta oo Islaamku uu babi'iyey waxa qabiilka la yiraahdo oo qabilladii oo dhan uu isugu geeyey ummad keliya, misna colaaddii iyo cadaawadii u dhaxaysay reer Qaxdaan iyo reer Cadnaan ma ayan dhammaan, waxanay sabab u noqotay masiibooyin badan oo markii dambe ku habsaday Carabta iyo Islaamka. Qaxdaaniyiintu waxay isu haysteen inay ka reer magaalsan yihiin Cadnaaniyiinta, waxanay ugu yeeri jireen "Qamiisyooley" iyagoo ku cayn jiray inay reer baadiye yihiin qamiisyada lebbista, halka Qaxdaaniyiintu iyagu ay ka lebbisan jireen dharka reer magaalka iyo waxyaabaha la isku qurxiyo intaba. Cadnaaniyiintu iyagu waxay Qaxdaaniyiinta ku cayn jireen inay "Qodato" yihiin shaqadooduna tahay beero qodashada, xirfaddaasi oo markaasi reer Cadnaan ula muuqatay wax ceeb ah oo mudan ruuxii ku shaqaysta in la yaso.

Kolkii ay billowdeen furitaannadii Islaamku casrigii khaliifkii Cumar bin Khaddaab (RC), Islaamku wuxuu ku fiday dalalka Shaam, Masar, Afrikada waqooyi (Liibiya, Tuuniisiya, Aljeeriya iyo Marooko). Masar waxa uu Islaamku uga sii gudbay Suudaan. Guud ahaan, dalalkaasi ma aanay ahayn carab, ha yeeshee kolkii ay diinta Islaamku gaartay bay luqada carabiga ka dhigteen luqadooda rasmiga ah, yeesheenna Saqaafad (Dhaqan + Aqoon + Luqad) carbeed, sidaasi bayna ku noqdeen mowjaddii afaraad ee carbeed, carabtaasi cusub oo markaasi loo bixiyey Carab Saqaafadeed.

Ummadihii kale ee Islaamka galay sida; Furus (Iiraan), Tattaar (Jamhuuriyadaha Aasiyada dhexe), Muslimiintii Hindiya, Maleeshiya, Indooniisiya, iwm., ma aanay qaadan luqada carabiga, balse waxay sii haysteen luqadohoodii hooyo ee asalka ahaa, halka dalalkii kale ee bariga dhexe; Shaam (Suuriya, falastiin iyo Lubnaan), Ciraaq, Masar, Suudaan iyo dalalka Afrikada waqooyi luqada carabigu ay kaga noqotay luqadoodii hooyo oo ay si wadajir ah ugu wada hadlaan dadka Muslimiinta ah iyo kuwa aan Muslimiinta ahayn ee dalalkaas ku nool dhammaan. Taa micneheedu waxa weeye in carabnimada saqaafaddu keentay ay teendhada carbeed soo wada gelisay dadyow aan ayagu asal ahaan markii hore carab ahayn kana dhana saddexdii mowjadood ee carbeed ee aynu soo tilmaannay. Dadyowga caynkaas ah waxa kamid ahaa Aashooriyiin, Kancaaniyiin, Fiinaqiyiin, Faraaciin, Nuubiyiin, Suudaaniyiin iyo Barbariyiin ku kala noolaa dalalkii Islaamku gaaray.

Haddaba aynu si caqli iyo xikmadi ku jirto isu weydiinno eh Soomaalidu waa carabtee?. Kol haddaanay reer Caad iyo reer Samuud ka soo jeedin ama reer Qaxdaan iyo reer Cadnaan amaba ahayn mowjaddii afaraad ee luqada dhaqanka iyo aqoonta carbeed qaadatay sidaana ku carabowday lana baxday carab saqaafadeed, xaggaynu ku carabownay?, maxaynu ku carabownay?, goormaynuse carabownay?.

Luqadu ma aha oo qura aalad loo adeegsado in la isku afgarto, balse waxa weeye buundo ay saqaafaddu ugu kala gudubto dadyowga luqadaasi ku hadla, waana dhaqan saameeya qofka shakhsiyaddiisa iyo hab dhaqankiisa guud, waana taa tan dadyowga carbeed (Muslin iyo Masiixi intaba) ka dhigtay kuwo isku dhaqan iyo caadooyin ah. Sharshal kolkii uu Masaarida ka warbixinayey waxa uu tilmaamay in aanu wax farqi ahi u dhaxayn qofkooda Muslinka iyo kooda Qibdiga ah aan ka ahayn in mid Masjidka galo kan kalena Kaniisadda. Sharshal waxa uu warbixintiisa uga jeeday in dhaqanka, caadooyinka iyo guud ahaan saqaafadda dadka Masaarida ahi diintay doonaan ha haysteene isku mid tahay.

Haddaba, carab ma sheegan karaa qof aanay hooyadii erey carabiya aqooni?. Maxay isku difaacayaan dadka carabta inagu daray kolka la weydiiyo maxaynu carab ku noqonnay?. Miyaanay inooga sharaf roonayn inaynu niraahno waxaynu nahay dal Islaam ah sida dalka adduunka ugu Islaamka badan (Indooniisiya) oo ay ku nool yihiin in ka badan laba boqol oo milyan oo Muslimiin ahi. Sida Maleeshiya, Bakistaan, Turkiga, Iiraan, iwm. Xiriirka naga dhexeeya annaga iyo carabtu miyaanu ku habboonayn inuu ahaado mid ku dhisan diinta Islaamka kol haddaynaan isku dhaqan iyo luqad midnaba ahayn. Markan hadalkaa leeyahay anigu qof ahaan waxan afka carabiga wax ku baranayey muddo koow iyo toban sano ah, waxanan carab la noolaa muddo fara badan, ha yeeshee imisa Soomaaliya ayaa ila mid ah oo sheegan karta inay carab ku saqaafad yihiin?. Miyaanay ceeb ahayn inaan carabnimo sheegto hooyaday oon "Kaalay" Af-Carabi ku oran karin?.

Mulsimiintu kolkay furteen degeenna dhulkii "Andalus" la oran jiray (Koofurta Isbeyn) inay ku midoobaan dareenkoodii diineed iskaba daaye waxay ku kala tageen dareenkii qabyaaladeed. Waxay u kala jajabeen qolooyin, madaxa qolo walibana waxa uu isku magacaabay inuu boqor qoladiisa u yahay. Halkii bay qolooyinkii carbeed caydii, cadaawadii iyo colaaddii kasii wadeen iyada oo qolo waliba ay ku caynayso tan kale reer baadiyenimo ama qodatonimo. Cadaawadaasi joogtada ah iyo dagaalkaasi aan dhammaanayn ee u dhexeeyey ummadda Islaamku waxay fursad siiyeen Isbaanishkii inay qolaba mar jebiyaan ilaa ay ugu dambeyntii jebiyeen boqortooyadii Garanaada, Muslimiintiina ku soo celiyeen galbeedka Afrika kedib markay siddeed boqol oo sano ka talinayeen Andalus.

Qofka taariikh yaqaanka ahi waa kan garanaya siduu u saameyn lahaa taariikhda lafteeda. Qofka si cilmiyeysan u darsa dhacdooyinka taariikhiga ahina waa kan awood u yeesha inuu naftiisa ka xoreeyo qoolal iyo silsilado fara badan oo ku xirxirnaa, awoodiisana u jiheeyo inuu ku qabto waxyaabo faa'iido u leh ummaddiisa iyo asaga laf ahaantiisa intaba.

Guntii iyo gunaanadkii, waxaan ummadda Soomaaliyeed iyo waxgaradkeeda kula talin lahaa inay ku dadaalaan laba umuurood:
Tan hore, Inay ku hoos midoobaan dalladda diinta Islaamka kana xoroobaan kala qoqobka iyo qolo-qolada, kuna cibra qaataan wixii ku dhacay dadyowgii iyaga ka horreeyey waddada ay iminka hayaan qaaday, qolada iyo qabiilkana qaaya mooday.
Tan labaad, inay ku faanaan diintooda Islaamka iyo dadnimadooda Soomaalinnimo, kana koraan tabaciyada iyo carab kadaba cararka, hadday carabi khayr leedahay iyadaa wax isku fali lahayd eh.

Qore
Sabriye Macallin Muuse
sabkaxaaji@hotmail.com



No comments: