"Iska jir AIDS saa jiree, ibtaatu yeysan iil ku geyn!"
Bal aan tan beerka uga dhaco! AIDS waxaa laga soo gaabiyay “Auto Immune Deficiency Syndrome.” Haddii si kale loo yiraahdo, AIDS-ku waxaa uu tabar tiraa oo uu taag darreeyaa habka difaaca taasoo jirka ka dhigta mid aan iska difaaci karayn natiijooyinka halista ah ee ka dhasha qaaxada, kansarka, iyo oof wareenka iyo weliba cudurro kale oo fara badan. Haddii aan loo saldhigin halistan waxaa imanaya geeri—geeri runtii xanuun badan.
Waxaa jirta in jirku uu ka samaysan yahay hab isku dhafan iskuna xiran oo haddii hal hab ama xubini ay caafimaad darro soo food saarto waxay afka ku dhufataa qayla dhaan kaalmo doon ah. Qayla dhaantaas waxaa ay ku dooni in jirka intiisa kale uu la soo gaaro kaalmo degdeg ah; jirka ayaa xinjiraysta, maadooyin dawo ah ayuu jirku isku soo butaaciyaa kolkaasna waxaa xarigga soo goosta maadooyin jirka difaaca kuwaas oo burburiya jeermiskii nafta halista ku ahaa. Wakhti gudihiis, jirkii caafimaad qabaahi isaga ayaa is daweeya isna dayac tira dhib badan la’aan. Hababka caafimaadka qaba ayaa bogsiiya kuwii xanuunsanaa. Haddii uusan jirku sidan isugu soo gurman, xanuun iyo geeri ayaa ku billaaban xubnaha buka kuna fidaya kuwa kale oo dhan.
AIDS-ku hab wadashaqayneedka jirka ayuu minjaha u rogaa oo uu madaxa hoos u mariyaa. Jirka ayaa awoodi weynaya in uu is difaaco. Cudurkii ayaa kolkaas xoogaysan oo fidaya illaa jirka oo dhami uu taag beelo. Dhimasho ayaa kolkaas ku xigi.
Bal aan hadda muuqaalkaas sii qaadaa dhigno oo aan isla eegno benu’aadamka iyo jirkiisa la yaabka leh sida uu u samaysan yahay. Benu’aadamku waxaa uu ka kooban yahay shaqsiyaad gooni gooni ah oo aan aad uga duwanayn dhismaha jirka qofku ka kooban yahay. Qofkan isaga ah ee saas u samaysan ayaa ka mid ah bulshada, dadka iyo qarankaba kuwaas oo isku wada tiirsan qofkastaahina uu kaalintiisa ka soo baxo taas oo keenta caafimaad kuwada joog. Caafimaadka waxaa lagu dhowraa oo lagu daryeelaa habab kala duwan. Haddii hababka xanuunsani ay taageero u diri waayaan kuwa taagta daran oo buka, jirka “adduunka” naftiisa ayaa ugu dambaynta gacan gelaya.
Waa iska caddahay in rasuul Bawlos uu xiriirkan xasaasiga ah fahmay. “Waayo, sida aynu xubno badan ugu leennahay jidhkeenna, oo aan xubnaha oo dhammuna isku shuqul u ahayn, sidaas oo kalaan, innagoo badan, Masiixa isku jidh ku nahay, oo midba midka kale waa xubnihiisii.” (Rooma 12:4-5). “Laakiin Ilaah baa jidhka isku hagaajiyey isagoo tan ugu daran maamuus badan siinaya, inaan jidhku qaybsanaan, laakiin in xubiniba xubinta kale u welwesho. Haddii xubin qudha xanuunsato, xubnaha oo dhammu way la xanuunsadaan. Haddii xubin la maamuuso, xubnaha oo dhammu way la farxaan.” 1 Korintos 12: 24-26. “Naxariis lahaada sida Aabbihiin naxariis u leeyahay. Siiya oo waa laydin siin doonaa; qiyaas wanaagsan oo hoos u riixriixan oo ruxan oo buux dhaafaya ayaa laydinku siin doonaa faraqiinna, waayo, qiyaastii aad ku qiyaastaan ayaa laydiinku qiyaasi doonaa.” Luukos 6:36, 38.
Maaddaama aan nahay kiniisad caalami ah, masuuliyaddeenna ugu horraysaahi waa in aan aan garab istaagnaa xubnaha kale ee jirka Ciise Masiix: kuwa dhulgariirku halakeeyay ee ku sugan El Salvador, kuwa uu la tegay AIDS-ku ee ku sugan Africa, kuwa dagaalada sokeeye barakiciyeen sida Soomaalida iyo guud ahaanba Bariga Africa, kuwa ay daadadku dhibaateeyeen ee ku sugan Bangladesh iyo Mozambique, iyo kuwa duufaanado ku dhufteen ee ku sugan koofurta Maraykanka.
Haddii intaas laga soo tago, waxaan ku dhex jirnaa nolol dhammaystiran oo caadi ah waayo masiibooyin, cuduro, iyo dulmiba waa qayb ka mid ah xaqiiqta nolosha oo waa ay dhacaan. Deeqsinimadeenna waxaa mudan kuwa innaga liita. Kuwa wax haystaahi waa difaaca jirka, fuuq celin, iyo awoodda iyo kartida kuwa intaba la’.
Haddii aan sidaas yeeli weyno, miyaanba laga yaabin in innagu aan u gacan galno AIDS ruuxi ah oo faafa?
No comments:
Post a Comment