Tuesday, November 30, 2004

Masaafo/Jiifto: Rabbiga Damaashaad Ku Suga!

Dannigii Xaawo iyo Aadan baa
Dadkii iyo Eebbe kala diloo
Shaydaan baa duufsaday naflihii

Waqay waa deeqsi jecel
In uu daajiyo nimcadiisa darar
Intii dooyadiisa noqota iyo
Intaan daba galin ibliis

Waa duul sharka dooniyoo
Ku bixi duf iyo belaayo oo
Dariiqii Eebbe diide oo
Sanam iyo dhagax doorte oo
Wixii dadka bi’inayiyo
Xumaan loo wada dareer

Docdiisaa la magansadaaye
Cadhaa daartoo Eebbe dhirif
Koluu dunida maansheeyo iyo
Dabkii Soddom iyo Gomoriyo
Ciqaab aan soo daahinoo
Degdeg wax gumaadi soo
Kuwii daba maray Waqood
Abaal uma helin dabeed

Dacdaro iyo silica daran
Ma doono Eebbe diif
Naxariisaan loo aaba dayin
Iyo isagaa leh deeqi badan

Ibraahin kuu doortay buu
Firkiisii ka door bidoo
Heshiis buu inaga dalboo
Faracii Daa’uud dhaliyo
Cadradii Yuusuf u doonanayd
Ruuxiisaa ku soo degoo
Jibriil baa u diiqay eray
Bishaaradii Eebbe daaranaa
Diric ay umuli doonto oo
uur bay dig tidhi dabeed
Yuusufna waa loo digoo
inuu daryeelaa la faray

Degmo san Beytulaxam
Habeenku goortuu dumaye
Dunidu ay wada seexataa
Dugaal iyo daar ma haysanine
Mooro dad kale leeyihiin
Maryama ay docatay fool
Masiixuna ku dhashay darteen

Samadii baa noo dillaacday oo
Xumihii waa la duugay oo
Dambigii waa dhamaaday oo
Sharkii baa dabar go’oo
Badbaadaa noo soo degtoo
Eebaa docdeena haatan yimid
Oo heshiis aan dumaynin baa
Qalinka lagu wada duugtayoo
Dambigii jacayl baa baddalay
Mashxarad aan abid damayn
Farxad hees durbaanka tuma

Yaraan wuxuu daalaa dhacaba
Durba wuu tabar galoo
Emmaanu’eel tii Eebbe doon
Dalkii uu joogi jiray iyo
Dushii Naasireet ka durug
Dulkaa iyo Galiile aad
Wabi Urdun dooxadiisii gaadh
Durdurkii mukhuur daf yidhi
Dadkii halkaa joogay iyo
Eraygu daaftoo dhan gaadh
Wax duulku la yaabo iyo
Murti laga wada durduur
Laysku wada daaray oo
Hadalkii meel dheer dawaaf
Nafluhu jacaylkiisii darar
Dul aan dhawayn iyo gucluhu
Illaa Dimishiq ka yimid

Kuwii aan waxba daalacane
Indhaha nuurkii ka demay
Durba waa loo furoo
Farxad bay daawani cariga

Kuwii aan dalan doolinee
Laxaadkii dar u beelay iyo
Curyaankii dawarsani jiriyo
Dhulkay dalan baabiyaan
Oo durdurada bootin dhistaan

Kuwii jinnigu dardaray
Ee waalida diblaha u xidhnaa
Masiixaa dabiib u noqdoo
Bushigii waa laga dul qaadayoo
Rabbay daacad u caabudaan

Kuwii qabriga la dul dhigee
Dadkoodii uu ka quustayee
U dawaafay aakhiro xaggeed
Geeridii waa laga daafacoo
Ruuxoodii la soo dabaalyayoo
Xayi baa durba laga dhigoo
Eebbay dar u caabudaan

Daab iyo cudur kuwuu
Jidhkoodu uu silic danqado
Sayidkaa ka daaweeyay oo
Fayo iyaga oo daahiray
Daanshaha farxad dakaynayaan

Kuwii daban jiray mallaay
Shabagga kolkay daadiyeen
Dalaq wax u yidhaahda iyo
Hadday daaleen wax li’i
Rabbigu soow uma doojinoo
Xadhkihii markii ay dareen
Dubaaqoodu wax uusan filan
Iyo dooni buuxda ma hanan

Kumaan kun kuwii soo didee
Isaga xigmad ka doonayee
U dib jiray dhaax aawadii
Kolkii daranyadii haysay iyo
Diiftiyo uu arkay gaajadii
Maxaa docdiina yaalla oo
Dadka laga dhex heli karaa
Su’aal iyagii soo ma dirin
Shan muufoo la soo dubiyo
Laba kalluun la soo dabay ah
Soo looma keenin durbaba
Duco soo ma uusan ku darin
Dool wixii halkaa joogay iyo
Durduur shan kuni ma dharag
Dibiradaa wixii ka hadhay
Toban iyo laba dambiil
Xertiisii dib soow uma gurin

Duufaan xumi goortay kacdee
Doontii khatar ay gashee
Xawaaridii baqo wada dideen
Gargaarkiisa ay dalbeen
Dabayshii soo dhacaysay iyo
Baddii soo ma uu dajinoo
Amarkiisa kuma uusan damin

Wax aan dareenkeennu garan
Fajac aan dulkaan ooli jirin
Masiixii noo soo degee
Noo daabaana qaaday baa
Dartii samuhu noogu duxay

Xigmad aan deelqaaf lahayn
Hadal aan durqumo ku jirin
Murti dux iyo nuxurba leh
Oon qarniyo laga daalahayn
Iyo waxaan dhaxallay dahab

Kuma durduursiin karee
Waxyar baan kuu dul mari
Eebbe deeqduu na siiyay iyo
In yar oo dulucdii ah baan
Ujeedada ka dambaysa iyo
Nuxurkeeda u daadagiye

Rabbaa duco la magansadaa
Masiix wixii laga doono iyo
Diiqi waxaa leh isaga
Dambigoo laynaga cafiyay
Badbaado aan dabar lahayn
Nimcada aan durduurano iyo
Daa’imkaa samo laga helaa

Kuwaa xaqa door bidee
Ruuxiisu dugaalka u yahay
Khayr baa ku soo degoo
Dacdaro waa laga dhawrayoo
Sharkana ka durkaa la yidhi

Jacayl ka Eebbe dugul
Deriska caashaq ku dara
Beentu waa shay darane
Dibnaha ka ilaasha dulun
Runta daanyo u noqdoo
Doonaa la yidhi kalgacal

Iimaan aan dahaadh lahayn
Dadabsi iyo dabbaal ahayn
Danaysi iyo daba ool muraad
Dariiqii Masiixa iyo dulkii
Sayidka aan daba galloo
Naf teenna u dooro daawadii
Dumarka oon dalaaqno iyo
dangalo aan la wadaajiniyo
Xaqa oo aan duudsinaa
Dalaaf iyo waa guul daree
Wax daran yaynaan daf odhan

Daleel u sahami naftoo
U diid daandaasi kibir
Dadkuna ha ka nabad galeen
Dibnaha qawl ka soo bixiyo
Addinkoo wax daara iyo
Dayrkood ka tallaabsatiyo
Daala dhaaf reero kale

Nafluhu gef ma daayo ee
Haddii lagu daaro xumo
Dhinac lagu dumiyo feedh
Dulxumo yay ku qaadinoo
Daafac yuu galin qudhee
U dhiib daankaaga kale
Darbada haw ceshee walaal

Dunidu waa eef yaree
U danqada kuwa bukoo
Bushigood ka dabiibto iyo
Daawaynta jiroolihiyo
duljoogsiga salaanta iyo
ducadood aamiin tidhaa
yaa deeqda naflaha cadiban

Daran iyo Eebaa leh deeq
Dadkuna waa galinba cayn
Mar baa lagu doojiyaa
Marna lagu daba marshaa
Hadday kuu da’do daruur
Laguu dumo maal dabeed
Bakhayl dayriya ha noqon

Dibjirkood quudisiyo
Dagaaga ood arad tirtiyo
Agoonta ood u diir naxdiyo
Daryeelka waayeel dayacan
Ayuu daa’imkaa ku faray
Adna lagugu doojin jeer

Waa duul insigu qaaliyee
Waligaa ha dayicin naflaha
Kuwa lagu duugay jeel
Loo diiday xoriyaddii
Dan iyo aan lahayn muraad
Wixii loo dawaro kolkaa
Iyo salaantuba waw danee
Ha dayn booqashada dabeed
Doorkaaga ha gabin bulshada

Ardaalkaan qab la doobyinee
Dallicin isla weyni doqon
Dagalka uu ku nool yihiyo
Beesha ay dan wadaag yihiin
Dabac iyo adeeggeeda duman
Daabad lagu reeyo iyo
Walaal door roone jira
Dirac loo baxsado iyo
Ikhwaan dalandalka jecel
Reeruhu ay ku diirsadaan
Masiixu kaasuu dooray oo
Derajo iyo jannadiiba degi

Rabboow adigaa leh dahar
Adaan duug noqonin waa
Daal adigaan xiiq lahayn
Adaan waligaa doorsoominoo
Waxaad doraad samaysay iyo
Naxariis taadu ay durduri

Adaa daanyi noo noqdoo
Dhiiggii aad noo daadisaa
Dambigii naga maydhay oo
Baraar kaan dubi jiriyo
Waaq dhaacin waad doorisoo
Samihii soo dabaashay oo
Daliil waxaa noogu filan
Ruuxaaga aad soo dirtiyo
Nimcada aan durduuraniyo
Xaqii oo daahir noqdiyo
Rajada aan ku daaqsaniyo
Kalgacal diiranoo ka yimid
Docdaa aad naga jirtiyo
Dushaada iyo samirka badan

Danigu waa male ducfiye
Waxaan darab kugu sugnaa
In aad soo degato oo
Intaad adigu dooratiyo
Dadkaaga aad qaado oo
Halkaad noo diyaarisiyo
Jannadii aan dakayno abid

Ducadaa waa la aqbalee
Ku dara aamiin dabeed
Rabbiga damaashaad ku suga

Brother Mohammed

No comments: