(A SOMALI MARTYR)
Dad badani marka ay ereyga shahiid maqlaan waxaa maskaxdooda ku soo dhacaya geesi naftiisa iyo maalkiisaba u huray difaaca diinta xaqa ah ee islaamka sida asxaabadii ka barbar dagaalamaysay nabigeenii suubanaa(scw) waqtigii muslimiintu aadka u tirada yarayd dhibta ba'anna lagu hayay.
Hadaba la dagaalanka gaalada oo keliya laguma gaaro shahiidnim ee muslimiinta qudhooda ayaa isku shahiida iyadoo qolo waliba ay sheeganayso inay iyagu yihiin kuwa xaqa ku taagan.
Dagaalka sokeeye ee qabiilooyinka Soomaaliyeed isku gumaadeen ayaa dadka qaarkiis u arkayeen mid shahiidnimo lagu kasban karo iyagoo isla markaana isku tilmaama inay yihiin mujaahidiin, halka Muuse Suudina uu u yaqaano dagaal oogihii iyo mooryaantii malageed galay shuhado.
Shahiidnimadu waa darajo qof kasta oo muslim ahi jecelyahay inuu hanto hase yeeshee dhabaha loo marayo lagu kala geddisanyahay.
Meelaha maanta dhibaatooyinku ka jiraan ee muslimiinta lagu gumaysto ayaa dad badani u arkaan janno dagatay iyo fursado shahiidnimo lagu kasban karo.
Hadaba Liibaan Ibraahim Xasan kama qayb qaadan dagaaladii Sokeeye kamana soo dagaalamin Afgaanistaan iyo Jejniya ee isagoo aan Muqdisho dhinacna u dhaafin ayaa kuwo ay diinta ku walaaloobeen siiyeen darajada shahiid dhimashadiisii ka dib.
Liibaan waxaa lagu toogtay magaalada muqdisho sababo u muuqda dhaqdhaqaaqiisa xagga fidinta diinta kristaanka ee caasimadda Soomaaliya sidaa waxaa qoray website ka hadla kiristaanka isla markaana ku takhasusay dacaayadaha raqiiska ah iyo sawirada qaldan ee Islaamaka laga fidiyo.
Website-kaas oo lagu magaabo Answering-Islam.org.uk ayaa qayb uu kaga hadlo muslimiinta kiristaanawday ku soo qaatay qoraal uu cinwaan uga dhigay "shahiidka Soomaaliayeed" (A Somali martyr) oo uu kaga sheekeeyay taariikh nololeedkii Liibaan iyo ku biiriddiisii diinta kiristaanaka. [Eeg halkan]
Hadaba iyadoo maalmahan ay qaylo ku saabsan ololaha kiristaamaynta Soomaalida ee ay wadaan hay'adaha gaalada ee isku tilmaama kuwo hawlo sama fal ah ka wada Soomaaliaya ka soo yeerayaso dalkii ayaan jeclaystay si aynu isugu baraarujino khatarta ololahan inaan qormadan ku soo qaato shahiidka Soomaaliyeed ee Kitistaanka ah.
Website-ka aan kor ku soo xusnay ayaa qayb uu ugu magac daray maxay isu badaleen(why they converted) ku taxay magacyo uu ku sheegay dad muslimiin ahaa oo kiristaanka soo galay iyo wadamadii ay u dhasheen.
Hadaba liiskaas waxa ku xusan laba qof oo Soomaaliyeed oo mid magaciisa la qariyay ka kalena lagu sheegay Liibaan Ibraahim Xasan.
Anigoo soo koobaya qoraalkaas ayaa gaaladaasi waxay ku andacoonayaan in Liibaan ay niman dabley ahi u galeen jid bacaad ah oo ku dhaw xafiiskiisii ammin ku beegnayd 7.30 subaxnimo isagoo u sii lugaynaya shaqada ayna ka toogteen meel dhaw taariikhdu markay ahayd 21 march 1994 daqiiqado ka dibna uu dhintay.
Liibaan wuxuu yaraantiisii dhageysan jiray idaacad kristaanka faafisa kuna baxda afafka Soomaliga iyo Ingriisiga.
1982 isagoo xilligaa da'diisu ahayd 16 jir ayaa wuxuu akhristay buug lagu magacaabo Riyooyin(dreams) oo uu qoray Sigmund Freud kaasoo khalkhal iyo hurdo la'aan ku dhaliyay.
Sheekh loo geeyo iyo quraan lagu akhriyo midna waxba ka tari waaye.
Qof kristaan ah ayaa wuxuu ugu deeqay kitaabka injiilka, waxaanu kula taliyay inuu akhristo.
Liibaan wuxuu noqday mid ay raali galin weyday muslinimadu sababo badan darteed.
Waxaa ka yaabisay sababta loogu tukado afka qalaad ee carabiga isla markaana loogu jeesto dhinaca maka.
Wuxuu ku wareeray waxyaabaha dhinaca akhlaaqda ah (ethical) gaar ahaan quraanka uu aaminsanaa oo ogolaanaya guursashada haween badan iyo ku xad gudubkoodaba.
Ugu dambaystii 1985 ayuu go'aansaday in kitaabka dhabta ahi yahay injiilka ee uusan ahayn quraanka.
Liibaan saaxiibadii waxay dareemeen isbedelka ku dhacay wuxuuna uga waramay caqiidadiisa cusub.
1992 ayuu guursaday gabar ay isku xaafad ahaayeen oo iyaduna isla sannadkaas ku biirtay diinta kiristaanka.
Liibaan oo kal kaaliye caafimaad ka ahaa isbitaal ku yaal magaalada Muqdisho ayaa hab dhaqankiisu ka duwanaa midka shaqaalaha kele ee ay isku meesha ka shaqeeyaan.
Dadka bukaanaka ah uma eegi jirin qabiil, waxaanu u muujin jiray kal gacal iyo niyad sami.
Waxa ay doodo diineed dhex mareen isaga iyo nin sheekha oo dhaawac ba'an oo soo gaaray dartiis isbitaalka loo dhigay, waxaanu ugu deeqay dhiig sheekhii.
Markii uu sheekhii bogsaday waxa uu Liibaan kula taliyay inuu dhagaysto idaacadda af Soomaaliga ku baxda ee laga faafiyo diinta masiixiga.
Ka dib sheekhii ayaa la xiriiray idaacaddaas kana codsaday qoraalo ka hadlaya kiristaanka iyo casharo aqoon dirsad ah.
Sheekhaasi waxa uu ka mid ahaa dad badan oo uu noloshooda saamayn ku yeeshay Liibaan.
Waxa uu ku dhiiri galin jiray dadka inay bartaan diinta masiixiga kuwana waabay qaateen.
Masiixiyiintii ku kala filiqsanaa Muqdisho ayuu gurgiisa isugu keeni jiray oo uu ku wacdiyi jiray.
Hay'adii sama falka ahayd ee uu u shaqayn jiray shaqaalaheeda oo dhammi isaga ayay ula iman jireen dhibaatadooda.
Xataa mooryaantii ka dagaalami jirtay dariiqyada Muqdisho oo qaar ka mid ahi ilaalo ka ahayd gawaarida sama falka ayaa ay nolashoodii isbeshay ka dib markii ay Liibaan la xiriireen.
Hadaba dhiiranidani waxay u keentay caanimo wadan ay dadkiisu in ku dhaw 100% muslim yihiin.
1993 ayay muslimiin xag jirtaa ku dhaleeceeyeen hawlihiisa qoraal ku soo baxay wargeys.
Sidaas ayuuna ugu damabeystii 21 march 1994 ku waayay naftiisii ka dib markii ay laba nin oo hubaysani jidka u galeen toogashana ku dileen.
Hadaba sheekadan oo aan ka soo qaatay intii ugu muhiimsanayd ayaa haddii ay u jirto sida ay gaaladu sheegayso waxay inoo caddaynaysaa in hawsha kiristaamaynta ee ka socota Soomaaliya ay ka weyn tahay caruur hadiyado masiixiyadda ku lug lah loo qaybiyo.
[Akhri: Ka hortagga ololaha Kirishtaamaynta]
Wadanka Soomaaliaya oo hore uga badbaaday inay wax raad ah ku yeeshaan gumaystayaashii ay horseedka u ahaayeen baadariyaashu ayaa waxaad hadda moodaa inay xoogga saarayaan kooxaha kiristaanaka faafiyaa sidii ay uga faa'idaysan lahaayeen dhibta iyo baahida haysata Soomalida xilligan oo wadanka aanay dawladi ka jirin.
Maadaama ay adeegyadii dawladdu fulin jirtay meesha ka baxeen ayaa waxaa xoogaystay kaalinta ururada sama falka ah ee kaalmeeya masaakiinta, ururadaas sama falka ee gaalada ayayna maanta ummadda badan koodu wax ka sugtaa.
Nina an saaxiib nahay oo horaantii sagaashaneeyadii booqday Soomaalya waqtiagaas oo xaalad adag dadku ku sugnaayeen ayaa ii sheeegay in duqydii iyo wax garadkii magaaladu ay canaanteen maadaama aanu gaalo wadin oo uu keligii isagoo iska socda yimid!
Inkastoo ururdaas gaaladu dadka kaalmeeyaan hadana shaki kuma jiro inay ujeedooyin gaar ka leeyihiin kaalmadooda siiba kuwa kaniisaddaha ka socda.
Waxaan xauustaa buug uu qoray nin saxafi ah oo uu kaga hadlayay hay'adaha dhaqaale ee caalamiga ah iyo kuwa sama falka. Buuggaas oo lagau magacaabo Lords of poverty ayaa wuxuu si baahsan uga waramaya sida ururadaasi uga faa'idaystaan baahidan iyo macaluusha haysata wadamada soo koraya, waxaanu tusaale u soo qaadanayaa hay'adihii samafalka ee ka hawl geli jiray Soomaaliya waqtigii ay dawladdu jirtay, kuwaasoo caawin jiray qaxootigii S/galbeed.
Hadaba ninkaas oo aad ula yaaban ujeedooyinka qarsoon ee hay'adahaas qaarkood siiba dhinaca faafinta kiristaanka ayaa wuxuu weydiiyay mid ka mid ahaa gaalada hay'dahaas u shaqeeya sababta ay diinta kiristaanka ugu faaafinayaan dadkan muslimiinta ah.
Jawaabtii la siiyay ayaa waxay ahayd sidee baa caqligayagu noo siin karaa inaanu dadkan ka badbaadino gaajo uguna ogolaano inay ku dhacaan dabka naarta!
Xilligaaasi waxay ahayd xilli wadanka dawladi ka jirtay daba gal weyna lagu hayay dadka ajaanibka ah, maxaadse u malaynaysaa maanta oo aanay dawladi jirin oo hay'addii doontaa iska soo geli karto wadanka waxay rabatama ka fushan karto.
Intii ka dambaysay qaraxyadii loo gaystay maraykanka waxaa xoogaystay nacaybka loo qabo muslimiinta iyadoo gaalo badnina qabaan sida keliya ee ay islaamaka uga guulaysan karaan inay tahay iyagoo ku fidiya diintooda iyo dhaqankooda.
Shaki kuma jiro in qof kasta oo muslim ah oo akhriya dacaayadaha beenta ah ee laga fidinayo Islaamku siiba kuw ku xusan web site-ka aan kor ku soo sheegnay uu aad uga xummanayo hase yeeshee muslimiinta oo dhammi ma aha kuw dhoohan oo iska mirqaamaya sida Soomaalida ee waxaa jira kuwo badan dadaal weyn ugu jira difaaca diintooda muqadaska sida Usama.
Akhristow uma jeedo Usamaha markiiba maskaxdaada ku soo dhacay ee waa wiil dhalin yaro ah oo degan wadanka Maraykanka sameeyayna web site lid ku ah midkaas gaalada ee aan soo sheegnay laguna magacaabo Answering Christianity [www.answering-christianity.com] oo banaanka ah soo dhigay beenta iyo khuraafaadka ay gaaladu aaminsantahay.
Ololaha kiristaamayntu waa mid ku baahsan wadanka oo dhan ayna horseed u yihiin Soomaali hore loo gaaleeyay wadanka gudihiisa ama dibadiisa midkay doonaan ha ku noolaadeen.
Ugu dambeystii shaki kuma jiro in haddi ayna soomaalidu tashan meelna uga soo wada jeedsan difaaca diintooda iyo dib u dhiska wadankooda ay magan u noqon doonaan weligood gaalada, mustaqbalkana ay ku dhici doonaan haadaamo ay hore uga badbaadeen oo uu iman doono mujtamac Soomaaliyeed oo ka geddisan midka hadda jira.
Ismail A. Hassan (khaliil)Khalka1@aol.com
Source: www.somalitalk.com May 9, 2004. (January 17, 2005).
No comments:
Post a Comment