Sunday, October 02, 2005

Daad Ku Soo Fool Leh Dadka & Dalka!

DOWLAD ISLAAMI AH: DAAD KU SOO FOOL LEH DOWLADDA CUSUB EE SOOMAALIYA

Sabti, October 01, 2005(HOL): Dhawaaqa dhismaha Dowlad Islaami ah waxaa uu todobaadkii hore ka soo yeeray qaar ka mid ah urur diimeedyada ka jira Soomaaliya oo markan adeegsanaya magac la mid ah kuwii ay adeegsan jireen jabhadaha ka abuurmay Soomaaliya markii la riday Dowladdii hore ee Mileteriga, kaasi oo ah Golaha Midnimada iyo Badbaadada Soomaaliyeed.

Inkastoo shirweynaha golahaasi cusbo looga dhigay qaar ka mid ah siyaasiyiin aan magac weyn lahayn oo ku hungoobay in ay ka dhex muuqdaan masraxa siyaasadda ee xiligan ayaa misana laga dhex sawiran karay in ay shirkaasi majaraha u hayeen xubnaha labo urur diimeed oo u muuqda kuwo ku shirkoobay in ay xididada u siibaan dowladda cusub ee Soomaaliya, walow cadaawadda ay u qabaan dowladda aaney ahayn mid ay xiligan si buuxda u muujiyaan maadaama ay aad isugu dhow yihiin qeyb ka mid ah dowladda oo ah kuwa ku sugan Muqdisho.

Guddoomiye ku xigeenka Baarlamaanka Md. Cusmaan Cilmi Boqorre oo lagu martiqaaday furitaankii shirweyne daad ku ah dowladda Federaalka ayaa ka jeediyay hadal aan ahayn midkii loogu yeeray, wuxuuna ka digay in shirweynaha golahan uu ka soo baxo wax dhibaato ku ah shacabka, taasoo u muuqatay in uu ogaa xanta la isla dhexmarayay ee ahayd in shirkaasi lagu dhisayo dowlad Islaami ah, maadaama ay ka qeybgelayeen xubno laga keenay deegaano aad u kala fog oo Soomaaliya ka tirsan, waxaana laga yaabaa in dareenka laga qaaday shirkaasi iyo shakiga uu muujiyay Guddoomiye ku xigeenka ay dib u dhigtay xitaa haddii ay qorsheysneyd in lagu dhawaaqo Dowlad Islaami ah.

Guddoomiye ku xigeenkaas ayaa la soo weriyay in uu canaan badan kala kulmay xubnaha kale ee Baarlamaanka, iyagoo ku eedeynaya in uu albaabka u furayay daad ku soo socda Dowladdooda, taasoo muujineysa in xitaa isu soo dhawaanshaha ka dhaxeeya wadaadada ku jira Golaha iyo Xubnaha Dowladda ee ku sugan Muqdisho ay tahay mid sahal u bur bureyso marka ay timaado in la soo damaaciyo awoodda dowladda, marka laga soo tago mowqifka fog ee ay mas’uuliyiinta Dowladda ee ku sugan Jowhar ay ka qabeen dhaqdhaqaaqa kooxda ku mideysan Golaha, kuwaasi oo sheegay in ay yihiin Wadaado hubeysan oo dadka jaha wareerinaya.

Shirkii Golahan ayaa ugu dambeyntii looga dhawaaqay in loo diyaargaroobayo dhismaha Dowlad Islaami ah oo sida la sheegayo howsheeda bilaabaneysa bilaha ka harsan sanadkan, waxaase laga yaabaa in arrimo farsamo doorkan looga dib dhigay waayo waxaa dhinaca kale suuqa ku jira dhaqdhaqaaqyo u muuqday kuwo lagu baadi goobayo dib u heshiisiinta xubnaha Dowladda Federaalka, taasoo waxa ay dhisaan ka dhigi kartay mid sahasha in ay mideyso dowladda is-khilaafsan, waxaanse haatan la ogeyn sida ay uga war sugayaan xaaladda ay ku dambeyneyso Dowladda cusub, taasoo khilaafkooda oo sii xoogeysta uu noqonayo mid mar kasta fursad siinaya xubnaha golahan oo warbaahinta si xoog leh uga sheegaya in shareecada Islaamka mooyee aaney jirin wax kale oo Soomaaliya lagu badbaadin karo, iyagoo si xoog leh u dhaliilay maamulladii soo maray Soomaaliya oo ay ku kala tilmaameen mid Jahliga ama Dimoqraadiyadda, kii ka dambeeyay ee shuuciyadda iyo midka Qabaa’ilka iyo Qabqablayaasha ee xiligii bur burka, waxayna ku beer laxawsanayaan shacabka in markan la tijaabiyo kacaan Islaami ah oo ka hirgala Soomaaliya oo aan ku dhisneyn Dimoqraadiyad ama 4.5 oo ah nidaamka ay Qabaa’ilka wax ku qeybsadaan.

Dabcan waa arrin aad u dhib badan hanashada awoodda ay ku taamayaan Urur Diimeedyada, inkastoo uu mid ka mid ah aas aasayaasha golahan oo ah Shiikh Xasan Daahir Aweys uu sheegay si loo gaaro hadafkaas in loo baahan yahay in la helo hub iyo hanti, walow aaney iminka qudheeda ahayn kuwo faro maran, sida loo soo dhisayo Dowladdaasna laga yaabee inay noqoto sida ay iminka qabqablayaashu ku soo xusheen xubnaha Baarlamaanka ay ka tirsan yihiin, taasoo ah in ay u doorteen hadba cidda la fikirka ah.

Ugu dambeyntiina dhawaqa ka soo yeeray Golaha ay u badan yihiin Wadaadada hubeysan ee Soomaaliya ayaan noqon doonin mid ku dhamaada meel cidlo ah, waxaanse la ogeyn in daadka ka soo socda uu xaaqi doono hoggaamiye kooxeedyada iyo xubnaha kale ee ku jira Dowladda Federaalka ama ha mideysnaadeen ama haku yimaado daadkaas iyagoo isu heysta sida ay haatan tahay xaaladdooda.

Salaad Iidow Xasan (Xiis) Hiiraan Onlinesxiis@hiiraan.comMogadishu, Somalia

Source:
http://www.hiiraan.org/2005/oct/wararka_maanta01.htm

No comments: