Sunday, November 06, 2005

Codka Nolosha Cusubow!

Codka Nolosha Cusubow haddaan, Caadil ka cabsoodo
Ciiseba adigaa i baray, ciilna iga saaray
Caasimadda dalkeenna anoo, cidla igu hayso
Carabi aanan garanayn anoo, ciridka taagtaagi
Carrabkaagu cillad malahane, Eebbe war ku caabud
Caqligaa adaan kaa heloo, kugu ciseeyaaye

Ciddaan Ciise garanayni waa, ehel cadaabeede
Injiilkaa caddeeyee ka eeg, Caadil Hadalkiisa
Cafis waxaa uun laga helaa, Ciisaha an sheegay
Soomaalidaan codkaa garan ayaa, ciilna igu haysa
Intaan Ciise soo laabanoo, caalamkan imaanin
Cafiskiisa waa in laga maqlaa, AWDAL cirifkeeda
WAQOOYIGA GALBEEDNA cod dheer, caawa ugu sheega

Casharkaaga waa in laga maqlaa, TOGDHEERTAAN ciseeyo
SOOL iyo SANAAG yaan cidina, cawadan moogeyne
BARIGAA Caluuladu ku taal, Ciiseba u baahan
MUDUG yaan Casiis uga baryaa, inuusan ceebaynin
NUGAAL yaan cilmigaad waddo, cimrigood diideyne
Axdiga Cusub wey rabaan, ciddaha joogaaye

GALGUDUUDA aan caashaqee, Caadil igu beeray
Culimiyo caamaba u gee, caynkan an higaadin
HIIRAAN cidlada hawga tegin, caaqilada jooga
In Casiis wadda an loo marayn, tan Ciise mooyaane
Waa in caadka looga qaado oon, cidina ceeboobin

BAAY iyo BAKOOL cidaha dega, caafimaad hele e
Cuurar dhawr ah yeey leeyihiin, Ciise wada raacay
SHABEELOOYINKA yaan cawada, Ciise u baryaaye
In uu Caadilkeen siiyo kuwo, Ciise u adeega
Oo ciidda tira dhaafa oo, cidna ka cabsoonin

Codkar yaa GEDO lagu yaqaan, cimrigood ha raagee
Casharada Masiixoy bartaan, yaa camari layde
JUBBOOYINKA cidahaa degee, Caadil ka cabsooda
Cibaada runa waa in ay bartaan, Ciisena adeecaan
Gabayo cusub waa in ay Rabbiga, toos ugu curshaane
Oo caalamkoo dhami maqlaa, Ciise jacaylkooda


Brother Warsameh

English Translation of the Poem: OH! THE VOICE OF NEW LIFE

Oh! The Voice of New Life, if I fear the Lord
You are the one who taught me about Jesus and freed me from misery
I was in the Somali capital and I was lonely
I was murmuring in Arabic, a language I did not know
“Your language is fine, worship God in it”!
I learned from you that wisdom and I respect you for that

Those who do not know Jesus are in danger of hell
The Gospel tells us that, take a look at the Word of God
Forgiveness comes only through the Jesus I mentioned
The Somalis who do not understand this make me sad
Before Jesus comes back and returns to this world
His forgiveness should be heard in the corners of AWDAL
Tell the people of WAQOOYIGA GALBEED in a loud voice

Your voice should be heard in the TOGDHEER I admire
SOOL and SANAAG are known to everyone
The BARRI where Caluula is located also needs Jesus
I pray to Jesus for MUDUG that they will not be shamed
NUGAAL will never reject the knowledge you herald
People who live there want the New Testament

The GALGUDUUD I love where the Lord knitted me
Convey this poem both the clergy and the laity
Do not leave the HIIRAAN sages in the dark
That Jesus is the only way to God
That should be made clear to them that no one will be disgraced

People of BAAY and BAKOOL are blessed indeed
Many of their folks are followers of Jesus
I pray to Jesus tonight for the people of SHABEELOOYINKA
That God my give them people who serve Jesus
Fearless people and more numerous than the sand

GEDO is known for eloquence, may God give them long life
Learning the lessons of the Messiah will prosper them
People of JUBBOYINKA who fear God
They should learn true worship and obey Jesus
They should compose new poems for the Lord
The whole world should hear how much they love Jesus


Brother Warsameh

No comments: