Saturday, July 08, 2006

SADDEX-MIDNIMADA EEBBE - 2014

SADDEX-MIDNIMADA EEBBE
Tusmada Buugga
1. Mahadcelin

2. Afeef

3. Hordhac

4. Jidka Xaqa ahi waa mid keliya

5. Maxay tahay Saddex-midnimada Eebbe?

6. Tusaalooyin

7. Sayid Ciise Masiix waa Erayga Eebbe oo nool

8. Ilaahnimada Sayid Ciise Masiix

9. Isagu wey u dhammayd awoodda Ilaahnimo

10. Sayid Ciise Masiix oo caddaynaya Ilaahnimadiisa

11. Isagu dembi muu lahayn sida dadka kale oo dhan

12. Maxaa Isaga loogu yeeraa Wiilka Ilaah?

13. Eebbe waa meel walba jooge

14. Muhiimadda ay leedahay rumaynta Ilaahnimada Sayid Ciise Masiix

15. Muslimiinta ha rumeeyeen Kutubtii hore ama ha beeniyeen

16. Gabagabo



Mahadcelin
Ugu horrayntii waxaan si khushuuc leh ugu mahadcelinayaa Eebbaha Qaaddirka ah ee anigoo baadi ah oo weli gudcur madow dhex fadhiya naxariistiisa awgeed ii muujiyay tubtiisa toosan oo xaqa ah. Waxaa kalee aan Eebbe uga mahadcelinayaa xikmadda iyo hibada uu i siiyay iyo jacaylka weyn ee uu ii qabo, iyo weliba is-beddelka uu noloshayda ku sameeyay tan iyo wixii ka dambeeyay maalintii uu qalbigayga taabtay oo uu hanuunka aan galladdiisa ku helay igu deeqay.
Runtii inta i garanaysa oo idilna ay maanta hab-dhaqankaygan cusub si muuqata u wada dareemeen.
Waxaan Eebbe uga sii mahadnaqayaa xoogga uu i siiyay oo aan ku diyaariyay buuggan yar oo sifaha Saddex-midnimadiisa sharraxaadda kooban ka bixinaya. Haddaba Intaasoo idil iyo in ka badanba mahaddeeda Isaga ayaa leh ee ma aha waxaan aqoontayda iyo dadaal aan aniga la imid ku keensaday.

Marka xigana waxaan mahadcelin ballaaran halkan uga soo jeedinayaa walaalaha iga caawiyay xagga dhaqaalaha tan iyo maalintaan bilaabay hawsha qoraallada iyo weliba walaalaha kalee u guntaday bixinta kharashka lagu daabacay buugga, kuwaasoo dhammaantoodba kaalin weyn oo wax ku ool ah ka geystay hirgelinta qoraalkaan, waxaana shaki lahayn in iyaga la’aantood aanan runtii awoodi lahayn in aan diyaariyo qoraalkan isaga ah, taana waxay ku dhacday iyagoo waxay naftooda u baahnayd u huray inay ku bixiyaan dhismaha Boqortooyada Eebbe.

Dhanka kalena waxaan halkan uga mahadcelinayaa dhammaan walaalaha kalee igu dhiirrigeliyay diyaarinta qorista buuggan oo aan filayo in uu wax weyn u tari doono kuwa gudcurka weli dhex fadhiya oo uu quluubtooda Sheydaanka gilgilayo oo ay ku adag tahay inay fahmaan waxa saddex-midnimada loola jeedo.
Waxaan si gaar ahaaneed mahadcelin halkan uga soo jeedinayaa walaalaha sida gaarka ah waqtiyadooda ugu huray meel marinta buuggan, hadday ahaan lahayd dhanka sixitaanka amaba tala-siinta la xiriirta qorista qoraalkan ka hadlaya saddex-midnimada.

Gebagebadii waxaan mahadcelintayda ku soo gunaanadayaa, Eebbow waad ku mahadsan tahay dhammaan nimcooyinka aad igu mannaysatay iyo doorashada aad i dooratay anigoo dembiile ah. Ugu dambayntiina waxaan walaalaha kale oo dhan iyagana leeyahay, walaalayaal waad i dhiirrigeliseen waxaana idilkiinba idiin leeyahay waad ku mahadsan tihiin kaalintii ballaarnayd oo aad ka qaadateen meel marinta qoraalkan isaga ah.
Eebbe ha idiin barakadeeyo dhammaantiinba. Kolley anigu abaalkiinna ma gudi karayo balse waxaan Eebbe hortiisa ku ballanqaadayaa in aan mar walba idiin soo duceeyo. Isla markaana waxaan Eebbe idiin kaga baryayaa in uu idiinka dhigo kuwo had iyo jeerba Isaga daacad u ah oo si ay mukhlisnimo ku dheehan tahay ugu adeega Isaga iyo Boqortooyadiisaba. Aamiin


Afeef
Maaddaama ay jiraan dadyow fara badan oo mawduucan ah saddex-midnimada Eebbe u arki karaya in uu yahay mid ilaahnimada Eebbe meel uga dhacaya, ayaan doonayaa in aan horay uga sii afeefto in aanay dadkaas ka caroonin waxyaabaha ku qoran buuggan.
Sababta aan taa u leeyahayna ma aha in aan ka shakisanahay waxyaabaha aan soo qoray amaba aan uga dan leeyahay daandaansi aan iyaga ku daandaansanayo, balse dulucdayda waxay tahay dadka noocaas ah inayan xumaanta u deg-degin oo ay si wacan u dhuuxaan nuxurka uu qoraalkaan xambaarsan yahay.
Waayo wax kastoo nolosha aadanaha ku cusub waan garanayaa inayan si fudud uga daadagaynin maskaxdooda inay markiiba oggolaato.
Waxaanse jeclaan lahaa akhristaha buuggan in uusan markiiba cabbir xun iga qaadanin, balse uu si xikmad leh u akhristo sidii isagoo akhrisanaya sheeko xiiso leh oo weliba muhiim u ah noloshiisa uuna doonayo in uu ka salgaaro waxa uu gunaanadkeedu noqon doono.

Waxaa kaloo aan u sii sheegi lahaa akhristaha buuggan in uu ii garto in aan ahay nin marka hore waxa uu rumaysan yahay tusaale ka bixinaya, marka xigana si aan la qiyaasi karin ula jecel wanaag iyo badbaado ay la dersaan aakhiro iyo adduunba dhammaan dadka gaalnimada awgeed uga soo horjeeda jidka Eebbe oo xaqa ah.
Ujeeddadayduna ma aha in aan dadyow kale waxa ay rumaysan yihiin amaba diinta ay ku dhaqmayaan oo iyaga la qumman aan dhaawac iyo aflagaaddaba u geysto.

Halkanna waxaan si gaar ahaaneed afeef ugu soo qaddimayaa dadka ku abtirsada diinta Islaamka, maxaa yeelay waxay buuggan ku arkayaan aayado aan ka soo qaatay Kitaabka Qur’aanka ah oo ay iyagu rumaysan yihiin.
Sababta aan aayadahaas u soo qaatayna igama aha ku xadgudub aan ku xadgudbayo Qur’aanka, balse waxay iga tahay in aan u arkay inay wax weyn ka caawin karayaan dadka aan iyagu weli fursadda u helin inay akhristaan Kutubtii Tawreed, Sabuur iyo Injiil, isla mar ahaantaana aan wax dheeraad ah u fahamsiin lahaa si ay maskaxdooda dib ugu noqdaan ayna si dhab ah uga fekeraan macnaha runta ah oo la xiriira saddex-midnimada. Aayadahaasna waxaan hubaa inay dadkaas ka kaalmayn doonaan inay si bayaan ah u gartaan Saddex-midnimada iyo weliba kan uu yahay Sayid Ciise Masiix.

Ugu dambayntii waxaan doonayaa in aan dadkaas iyaga ah u caddeeyo in aan ahay nin aaminsan Eebbe keliya oo ah kan koonkan iyo waxa ku dhex jiraba abuuray, isla markaana ah mid aan wax dhalin lana dhalin oo aan bilow iyo dhammaad toona lahayn.
Sidaa awgeed aniga oo qirsan in uu Eebbe yahay mid xumo oo dhan ka hufan, ayaan haddana jecelahay in aan ka sii afeefto in uu akhristaha buuggan ii qaadanin nin aan macnaha Ilaahnimada wax ka garanaynin oo Eebbaha Qaaddirka ah si bareer ah gef ugu geysanaaya jiritaankiisa.

Hordhac
Qof kasta oo maanta dunida jooga waxaa dhab ah in uu ogsoon yahay in uu garaadka aadanahu yahay mid xaddidan oo aan awoodi karin in uu wax walba xaqiiqadooda ku soo saaro fahamkiisa.
Iyadoo ay taas jirto haddana waxaynu aragnaa in beni’aadamka oo kaashanaya aqoontiisa sare uu waxyaaba fara badan oo la yaab leh ku sameeyay dunida guudkeeda taasoo ka tarjumaysa tayada garaadkiisa.
Waxyaabaha uu aadane sameeyayna waxaa dunida maanta ugu cajiibsan aaladda loo yaqaanno Kombiyuuterka, aaladdaasoo qaabka ay u hawlgasho marka loo fiirsado ah mid mucjisa leh.
Waxaana hubaal ah inay immikaba jiraan dad aan yarayn oo dunida ku nool oo aanay ka dhaadhacaynin markay maqlaan sida yaabka leh oo ay aaladdaas u shaqaynayso iyagoo arka mooyaane.
Waxayna dadkaas la mid yihiin sida kuwii jiri jiray waqtigii ay duushay diyaaraddii ugu horraysay, kuwaasoo markay dhegahooda ku soo dheceen aqbali waayay in uu jiro gaadiid hawada sare maraya iyadoo aanay jirin xarko iyo tiirar xajinaya.

Laakinse kolkay dhab ahaan indhaha u saareen ayay xaqiiqsadeen jiritaanka gaadiidkaas oo markii hore ku adkayd inay maqal ahaan ku rumaystaan.
Waana wax iska caadi ah in aadanuhu uusan markiiba wax walba horay ka aaminin ilaa uu soo taabto gunta hoose.
Laakinse waxaa jira waxyaaba Rabbaani ah oo maskaxda aadanaha ku adag inay iskeed u garato haddii uusan Eebbe ku ilhaaminin.
Hase yeeshee waxyaabaha uu qofku baaritaan uu sameeyay ku soo ogaan karayo amaba uu kaga salgaari karayo waa waxyaabaha maskaxda beni’aadamka ka soo fulay oo keliya ee ma aha waxyaabaha Rabbaaniga ah oo sirta u ah Eebbaha Qaaddirka ah.

Haddaba aadanaha isagoo leh aqoontaas sare ayay haddana jiraan waxyaabo fara badan oo uu rumaysan yahay oo uusan awoodna u lahayn inay garashada aqoontiisa xaddidan sharraxaad cad ka bixiso xaqiiqada ay waxyaabahaas ku qotomaan.
Waxaynu tusaale ahaan u soo qaadan karaynaa in dadka oo dhan ay qirayaan jiritaanka sida nafta iyo ruuxda, caqliga iyo doqonnimada, iyo inay jiraan qurux iyo fool-xumo.
Waxyaabahaasna waa kuwo jiritaankooda la aaminay iyadoo aanay cidna awooddeeda garasho si muuqato oo la taaban karo ugu soo bandhigi karin, mana jirto cid maanta wax shaki ah ka muujinaysa amuurtaas.

Dadka qaarkiina waxaaba intaas u sii dheer inay rumaysan yihiin in uu jiro Eebbe keliya oo koonkan iyo waxa ku dhex jiraba abuuray, kaasoo ah mid aan wax dhalin lana dhalin oo aan bilow iyo dhammaad toona lahayn.
Dadkan iyaga ahna marka jiritaanka Eebbe shaki la geliyo ama ruux daffirayaba ay la kulmaan, runtii sida iyagoo dhaayaha saaray oo kale ayay u difaacaan Eebbe jiritaankiisa, isla markaana si aan labac-labac lahayn ayay ugu adkaystaan in uu yahay mid aan la arki karin balse Isagu wax walba ku eeganaya meesha ay joogaan. Isla mar ahaantaana uu yahay kan ay awood oo dhan Isaga u sugnaatay oo sida uu doonayana wax walba u sameeya.

Haddiise aad qof uun weydiisid su’aasha ah, maxaa caddaynaya in uu Eebbe yahay midka wax walba abuuray? Amaba ayaa ka markhaati ahaa oo Isaga la joogay maalmihii uu waxyaabahan abuurayay? Runtii ma jirto cid si qeexan oo muuqata sharraxaad waafi ah uga bixin karaysa taas.
Haddana qofka wuu rumaysan yahay oo wax shaki kama qabo taa iyada ah. Sidaa darteed waxaa caddaan ah in rumaysadkaas uusan ahayn mid dadka uu ku gaaray caqligiisa iyo garaadkiisa xaddidan, laakinse waxaa hubaal ah in rumaysadkaas uu yahay mid lagu helay gallad Eebbe xaggiisa ka ahaatay.

Dhanka kale haddii qofka laftigiisa xitaa wax laga weydiiyo xaaladda noloshiisa oo la yiraahdo “Xaggee bay naftu kaga jirtaa jirkaaga?”, runtii awood uma laha in uu wax tafaasiil ah ka bixiyo qaybta ay naftu kaga jirto jirkiisa. Hase yeeshee wuxuu si kalsooni leh u caddaynayaa inay nafi ku dhex jirto jirkiisa oo kan geliyayna uu yahay Eebbaha Qaaddirka ah.
Balse iyadoo uu qofku taas qabo ayuu haddana ka murmayaa arrimo qaarkood oo kuwaas u dhigma sida marka laga hadlayo saddex-midnimada Eebbe oo kale.
Murankaas oo marka dhab ahaan loogu fiirsado noqon karaya mid uu qofku ku xaddidayo awoodda Eebbe oo kaamilka ah.

Taana waxaa ka maragfuraya marka ay timaaddo dood-wadaagis caqiido salka ku haysa, inaynu inta badan aragno inayan dadku u fiirsanin awoodda kaamilka ah ee Eebbe. Maxaa yeelay dadka intiisa badan waxay aalaaba xoojiyaan fekradaha ay ka soo minguuriyeen waxyaabihii uga soo gudbay dhanka culimadii wax soo bartay iyaga.
Mana dhacdo inay inta badan qofka u sawiranto inay culimada, waalidiinta, walaalaha ama saaxiibbaduba yihiin kuwo beni’aadam ah oo sidii wax loogu soo sheegay uun wax u rumaystay, kuwaasoo aan weliba wax dabagal ah ku samaynin waxa ay rumaysan yihiin.
Qofkuna aad bay u yar tahay in uu shakhsi ahaantiisa isku taxalujiyo in amuurta jirta uu isaga iskiis u raadiyo isagoo Eebbe la kaashanaya si uu xaqiiqada dhabta ah ee jirta wax uga ogaado.
Dadka badankiisana cilladda taa ka hor taagan waxay tahay in uu qofkuba xusuusnayn mas’uuliyadda ka saaran nafsaddiisa oo maalinta xisaabtana uu Eebbe qof kastaba tiisa mooyaane aanu tu kale wax ka weydiin doonin.

Jidka Xaqa ah waa mid keliya
Si kastaba ha ahaato e, ma jirto cid maanta moogis u qabta inay jiraan diimo fara badan oo ay dadka kala duwan ee dunida guudkeeda saaran ku kala dhaqmaan. Su’aashuse waxay tahay miyay diimahaas dhammaantood yihiin kuwo xaqa ku wada taagan oo uu Eebbe raalli ka wada yahay? Jawaabtu waa maya. Waana midaan dhici karaynin taas. Maxaa yeelay Eebbe ma aha mid qorsheeyay inay dadkiisa habab kala duwan Isaga ku kala caabudaan.
Waxaanse shaki lahayn in uu jiro jid keliya oo xaq ah oo uu Eebbe u dooray dadkiisa. Balse haddii uusan qofku doondoonin jidka xaqa ah isla markaana Eebbe ka baryin in uu u muujiyo waxyaabaha naftiisa inay rumaysato ku adag, waxaa hubaal ah in uu qofkaas weligiiba ku sii jiri doono xaaladda uu ku sugan yahay markaas.
Kolleyse waa marag ma doonto inay jiri doonto maalin uu Eebbe la xisaabtami doono dadkiisa, maalintaasna waa maalin qof walba laga abaalmarin doono wixii uu mutaystay oo shar ama kheyr ah.

Waxaa kaloo aan shaki lahayn in qof walba uu fursad qaali ah haysto inta uu nool yahay oo keliya. Waayo qofku marka uu geeriyoodo suurtagal uma aha in uu mar dambe dib ugu soo noqdo dunida si uu mar kale isu saxo marka uu dhimashada dabadeed ogaado in uu ahaa mid intii uu noolaa jid qalloocan ku socon jiray.
Maxaa yeelay mar haddii uu albaabka towbadda uu ka xirmo qofkaas ma jirto cid cadaabta aakhiro ka badbaadin karaysa, waayo Eebbe ayaa horay inoogu sheegay ciddii towbad la’aan dhimata inay ku aroori doonto cadaabta weligeed ah.
Sidaa awgeed qof kasta waxaa waajib ku ah in uu raadiyo jidka keliya oo xaqa ah oo uu Eebbe u dooray dadkiisa.

Inta la nool yahay ayaana loo baahan yahay in wax walba si niyad ah loo baadi-goobo oo dadaal iyo waqti fara badanba loo huro.
Hase yeeshee inta badan ma dhacdo in uu beni’aadamku halgan dheer u galo raadinta jidka keliya oo xaqa ah, balse in uu hanti fara badan yeesho amaba magac weyn dunida ku lahaado waa amuur uu aadanuhu wax walba ka horraysiiyo oo uu aad iyo aad u danaynayo inta uu nool yahay oo dhan.
Runtii lama diiddana in nolol adduunyo la raadsado laakinse taa waxaa ka horreeya in marka hore Eebbe la doondoono, maxaa yeelay yar iyo weynba waxaa la ogsoon yahay inay dunidu tahay meel aan weligeed lagu sii negaan doonin oo laga tegayo lagana aadayo meel dhimashadeeda iyo nolosheeduba aanay dhammaad lahayn.
Sidaa darteed waa lagama maarmaan in uu qofku mudnaanta siiyo doon-doonista Eebbe iyo jidkiisa xaqa ah.

Marka qofka laga helo middaas waxaan shaki lahayn in uu Eebbena ugu dari doono dhammaan waxyaabaha uu u baahan yahay oo idil. Sidaa darteed ma aha in uu qofku dunida iyo waxyaabaheeda uun ku hawshoodo, balse sida aynu Erayga Eebbe oo xaqa ka dhadhansanayno waa in uu aadane kastaba uu ka fekeraa doondoonista Eebbe iyo boqortooyadiisa.
Arrintaasna waxaa si caddaan ah inoogu sheegaya Eebbaha Qaaddirka, sida ku xusan Cutubka 6aad, aayadaha 31aad ilaa iyo 33aad ee Injiilka sida uu Matayos u qoray oo leh sidatan:

“Sidaa darted ha ku welwelina idinkoo leh, Maxaannu cunaynaa? ama Maxaannu cabbaynaa? ama maxaannu huwanaynaa? Waayoo quruumuhu waxaas oo dhan ayay doondoonaan. Aabbihiinna jannada ku jiraa waa og yahay inaad waxaas oo dhan u baahan tihiin. Laakin horta doondoona boqortooyadii Ilaah iyo xaqnimadiisa, oo waxaas oo dhan waa laydinku dari doonaa”.

Haddaba sida aynu wada ogsoon nahay ma jirto cid iyada garashadeeda ku soo xaqiijisay jiritaanka Eebbe, maxaa yeelay maba aha wax uu aadanuhu caqligiisa ku soo saari karayo taas. Taana waxaa daliil cad u ah inay maantaba jiraan dad aan yarayn oo aqoon sare leh oo haddana aan aaminsanayn jiritaanka Eebbe, kuwaas oo wax walba ku tilmaamaya inay yihiin wax iska dabiici ah oo ay dabeecaddu samaysay.
Dhanka kalena waxaad ku arkaysaa mid aan waxna qorin waxna akhriyin oo haddana qiraya in uu jiro Eebbe koonkan iyo waxa soo raacaba sameeyay oo xaggiisana loo noqonayo.
Waayo rumaynta la rumaynayo jiritaanka Eebbaha awooddaas leh ma aha mid si fudud ku timaadda amaba ku xiran heerka aqooneed ee uu qofku gaarsiisan yahay.
Weliba wey adag tahay in si sahal ah markiiba looga dhaadhiciyo qof aan isagu Ilaahba horay u garanaynin oo aan jiritaankiisaba aaminsanayn.

Hase yeeshee waxaa la wada dareemayaa wax kastoo ay maskaxda aadanuhu diiddo amaba ay oggolaato, inay ku xiran tahay hadba sida uu qofkaas ugu tallaabo-qaado hubinta arrimaha hor yaal markaas.
Waxaase taas ka horreeya in uu qofku la yimaaddo niyad daacad ah oo muhiimad weyn siinaysa ahmiyadda ay leedahay arrinta uu xalka u raadinayo.
Wax walbana waxay ku habboon yihiin in marka horeba si fiican looga baaraan dego kaddibna dabagal lagu sameeyo ka hor inta aan go’aan si fudud ku curtay laga gaarin marxaladda in la gudbo amaba xaqiijinta u baahan markaas.

Maxaa yeelay arrin kasta oo uu qofku si gaar ah u danaynayo waa hubaal in uusan ku hungoobaynin mar allayaaliyo marka uu si dhab ah ugu tafo-xayto ka sal-gaaristeeda.
Wax uu qof aadane ah ku hawshoodana waxaa runtii ugu weyn raadinta jidka xaqa ah ee Eebbe. Mana jiraan waddooyin fara badan oo Eebbe xaggiisa loo sii marayo, laakinse jidka xaqa ah waa mid keliya kaas oo ah kan uu Eebbe u dooray dadkiisa inay ugu tagaan.

Maxay tahay Saddex-midnimada Eebbe?
Bal immikana aynu isla eegno sharraxaad kooban oo ka hadlaysa waxa loola jeedo saddex-midnimada Eebbe.
Runtii waxaa jira dad fara badan oo aanay taas u cuntamaynin oo u arka sida iyadoo gaalnimo loo bareerayo oo kale. Iskumana dayaan inay wax ka ogaadaan macnaha dhabta ah oo la xiriira amuurtaas.
Inta badanna iyagoo aan wax fekrad ah ka haysanin ayay si aan xikmad ku fadhiyin uga hor yimaaddaan qodobkaas isaga ah. Waxaase kala soocis u baahan labada qodob oo kala ah: Saddex Eebbe iyo Saddex-midnimada Eebbe.
Maxaa yeelay marka saddex-midnimada Eebbe la soo hadal qaado, dadka gaalada ah oo ka leexday jidka xaqa ah waxaa markiiba u sawirmaya in loola jeedo ilaahyo saddex ah. Laakinse macnaha dhabta ah ee Saddex-midnimada Eebbe ma aha kaas.

Waxaase saddex-midnimada Eebbe loola jeedaa in Ilaahay Isagoo keli ah uu haddana leeyahay saddex shakhsiyadeed oo uu ku hawlgalo. Saddexdaas shakhsiyadeedna waa kuwo uu Isagu isku magacaabay oo aanay cid bani’aadam ah u doorin.
Mana aha wax maanta ugub ah tilmaanta la tilmaamayo lahaanshaha uu Eebbe leeyahay saddex shakhsiyadeed. Hase yeeshee waa amuur soo jirtay oo in muddo ahaydba ay fahamsanaayeen kuwa xaqa rumeeyay oo dhan.

Sidaa awgeed, inkastoo aanay jirin wax abuurista Eebbe ka mid ah oo Isaga lala simi karo ayaan jeclaan lahaa in aan tusaale ahaan u soo qaato sida qofka bani’aadamka ah uga kooban yahay saddex qaybood oo kala ah jidh, naf iyo ruux isagoo ah mid keliya, sidaasoo kalena uu Ilaahay Isagoo mid keliya ah uu haddana leeyahay saddex shakhsiyadeed.
Qofkuna haddii uu aaminsan yahay inay awoodda Eebbe tahay mid aan xaddidnayn waxaa hubaal ah in uu fahmi doono xaqiiqada dhabta ah oo ay saddex-midnimada Eebbe ku qotonto. Waase haddii uu qofkaas niyad saafi ah u hayo in uu wax ka ogaado qodobkaas isaga ah.
Mar walbana waxaa lama huraan ah in uusan qofku isku hallaynin garashadiisa ama heerka ay gaarsiisan tahay aqoontiisa oo keliya balse uu talada saarto Eebbaha Qaaddirka ah oo wax walba awooda, shakina ma laha in uu Eebbe xaqa ku hagi doono qofkaas.

Maaddaama ay dunida ka jiraan diimo fara badan haddana kuwa lagu tilmaamo inay yihiin kuwa samaawiga ah (sida ay Muslimiintu qabaan) labo keliya ayaa ugu waaweyn diimahaas. Waana Masiixiyadda iyo midda Islaamka. Labadaas diimoodna waa kuwo meelo fara badan iskaga mid ah oo qodobbo dhawr ahna isku waafaqsan.
Inkastoo ay jiraan waxyaabo kale oo ay diimahaas isku diiddan yihiin haddana waa waxyaabo aan caqabad weyn ku ahayn dadka kala aaminsan labadaas diimood.

Balse qodobka ugu daran oo ay Masiixiyiinta iyo Muslimiintuba ku kala fog yihiin waa qodobka Saddex-midnimada Eebbe, kaas oo ah qodob ay Masiixiyiintu rumaysan yihiin Muslimiintuna ay si xad-dhaaf ah uga soo horjeedaan.
Waxa taa sababayna waxay tahay inaanay Muslimiinta dhammaantood waxba ka fahamsanayn waxa Saddex-midnimada looga jeedo iyo macnaha dhabta ah oo ay leedahay.
Mana dhacdo inay isku dayaan inay si degganaansho leh u baaraan arrintaas. Waxayna had iyo jeer ku andacoodaan in iyaga mooyaane aanay kuwa kale Ilaah keli ah rumaysnayn oo ay Ilaahyo saddex ah caabudaan.
Taana waa mid ay dembi weyn uga gelayaan dadka Masiixiyiinta ah kuwaas oo iyaguba rumaysan in uu jiro Eebbe keliya oo ah abuuraha koonkan iyo waxa ku dhex jiraba.

Mana aha Masiixiyiintu kuwo sida dadyowga kale qaarkii amuurahooda u tala saarta amaba isku halleeya abuurista Eebbe qaarkeed, sida malaa’igaha ama awliyada amaba nebi bashar ah, kuwaas oo dhammaantoodba sida aynu ogsoon nahay ka mid ah uunka uu Eebbe abuuray.
Weliba dadka noocaas u dhaqmaya oo aan Eebbe kelidii siinin mudnaanta koowaad waxay idilkoodba sheegtaan inay yihiin kuwo diin xaq ah haysta laakiinse isuma arkaan inay yihiin kuwo shirki ku dhex jira marka ay uunka sidooda oo kale ah har iyo habeen baryayaan iyagoo u bandhigaya baahidooda, sida marka ay wax la’aan, gaajo, caafimaad darro iyo ubad la’aan la soo gudboonaadaan.
Masiixiyiintuse kama suurtowdo inay u adeegaan ama ay weyneeyaan ama ay dhibaatadooda la kaashadaan jinka iyo insiga iyo wixii la mid ahba, taana waxyaabaha ka horjooga ayaa ah rumaynta ay rumaysan yihiin in uu jiro Eebbe keliya oo ay xaq tahay in Isaga mooyaane aan cid kale la caabudin isla mar ahaantaana aan layskuba hallaynin.

Si kastaba ha ahaato e, waxaan akhristaha buuggan ku dhiirri-gelin lahaa in uu isku dayo in uu si taxadder leh u dhuuxo macnaha runta ah oo looga gol leeyahay Saddex-midnimada Eebbe.
Xaqiiqaduse waxay tahay in aanay jirin saddex ilaahyo, balse loola jeedo Eebbaha Qaaddirka ah oo leh saddex shakhsiyadeed oo aan awoodda ilaahnimo waxba ku kala duwanayn balse ay shakhsiyad kastaba hawl u gaar ah qabato iyadoo uu maamulka guudna yahay mid meel keliya ka soo fula oo aan wax kala qaybsanaan ah ku dhex jirin.

Tusaale ahaan, shakhsiga beni’aadamka ah isagoo mid keliya ah ayuu haddana ka kooban yahay xubno badan, xubnahaasuna waxay kala qabtaan hawlo kala goonni ah balse halka laga maamulayo waa meel keliya meeshaasuna waa xubinta aynu ugu yeerno ‘maskaxda’.
Xubnaha dhammaantoodna waa kuwo isku wada xiran mana jirto xubin kelideed loogu yeerayo qof, balse xubin walba waxaa lagu sheegaa inay tahay xubin ka mid ah xubnaha uu qofka ka kooban yahay.
Haddaba Saddexdaas shakhsiyadeedna ee uu Eebbe ka kooban yahay waxaa loogu kala yeeraa Aabbaha, Wiilka iyo Ruuxa Qodduuska ah. Sharraxaadda ugu kooban ee Saddex-midnimaduna waa saddexdan qodob oo soo socda:

1. Waxaa jira Ilaah keliya.
2. Ilaah wuxuu leeyahay saddex shakhsiyadeed
3. Mid walba si buuxda ayuu Ilaah u yahay.


Tusaalooyin
Iyadoo aanay jirin wax Eebbe lagu tilmaami karo oo abuuristiisa ka mid ah, ayaan haddana jeclaan lahaa in aan soo qaato tusaalooyin aan is leeyahay wax bay ka tari karaan sharraxaadda Saddex-midnimada Eebbe. Haddaba tusaale ahaan, xabbadda ukunta ah waa mid keliya haddana waxay leedahay saddex qaybood oo kala geddisan.
Haddaba miyaynu oran karaynaa xabbadda ukunta ah waa saddex ukumood? Maya. Laakinse waxaynu aragnaa iyadoo mid keliya ah inay haddana u qaybsanto saddex qaybood oo saddex magac kala sita.
Tusaale kale oo kaa la mid ah waxaynu u soo qaadan karaynaa qorraxda. Sida aynu aragnana qorraxdu iyadoo mid keliya ah ayay iyana leedahay saddex astaamood oo uu qof kastaba ku garto markiiba kolka uu arko amaba uu dareemo astaamahaas mid ka mid ah.
Waxayna astaamahaas kala yihiin: Muuqaalka fadhigeeda, Ilayska iyo diirrimaadka ka soo baxa iyada. Runtiina saddexdaas qaybood midkoodna laguma sheegi karo in uu yahay wax ka baxsan astaanta qorraxda lagu yaqaan.
Midda kale haddii aynu u fiirsanno qaabka ay ishu u dhisan tahay waxaynu arkaynaa inay saddex qaybood ka kooban tahay oo ay qayb walbana qabato hawshii uu Eebbe ugu talagalay.
Marka isha laga hadlayana waxaa loogu yeeraa inay il keliya uun tahay ee laguma sheego inay saddex ilood tahay. Waxaa kalee aynu tusaale ahaan u soo qaadan karaynaa faraha beni’aadamka oo sida aynu wada aragno far walba iyadoo mid keliya ah ay haddana u qaybsanto saddex xubnood oo isku xiran oo ay xubin walbana iskeed u soo laabanto iyadoo ay xubinba xubinta kale toos ugu xiran tahay.

Sida aynu wada ogsoon nahayna kuwaas waxay ka mid yihiin waxyaabaha uu Eebbe abuuray. Marka kan abuuristaas sidaa u sameeyay miyaanu awood u lahayn in uu isu yeelo qaab ka kooban saddex shakhsiyadeed oo kala duwan? Haa, oo wuu u leeyahay awood.
Waxaana xaqiiqo ah in uu Eebbe qaabkuu doono iska dhigi karo uuna dadkiisa isugu muujin karo hadba sida ay Isaga la tahay inay u qaadan karaan. Mana jiraan wax Isaga ka hor is-taagi karaya amuurtaas.

Sayid Ciise Masiix waa Erayga Eebbe oo noolHaddaba waxaynu kor ku soo barannay sharraxaad kooban oo ka hadlaysa waxa loola jeedo Saddex-midnimada Eebbe oo macnaheedu yahay in uu Eebbe Isagoo mid keliya ah haddana uu leeyahay saddex Shakhsiyadeed oo uu jiritaan ahaan ka kooban yahay.
Saddexdaas Shakhsiyadeed mid ka mid ahna waxaynu ku soo sheegnay in uu yahay Sayid Ciise Masiix oo ah Erayga Eebbe oo nool. Sida dhabta ahna Masiixiyiinta iyo Muslimiintuba wey isla qabaan in Sayid Ciise Masiix loo aqoonsan yahay in uu yahay Erayga Nool oo Eebbe.
Mana jiro wax muran ah oo ay labaduba ka keenaan qodobkan. Haddaba sidee buu Qur’aanka wax uga sheegayaa qodobkan isaga ah?
Bal aynu isla eegno aayadda 39aad ee Suuradda Aali-Cimraan sida ay uga warramayso astaamaha Sayid Ciise Masiix. Haddaba aayaddu waxay ka hadlaysaa in uu Eebbe nebi Sakariya ugu bishaareeyay nebi Yaxye, kaasoo rumaynayay Kalimadda Eebbe. Waxayna aayaddu leedahay sidatan:

“Waxana u dhawaaqday malaa’igtii isagoo taagan oo ku tukanaya mixraabka, Eebbe wuxu kugu bishaarayn Yaxya isagoo rumayn Kalimadda Eebbe(Ciise) Sayidna ah dhawrsoonna,.....” (Aali-Cimraan # Aayadda 39).
Runtii, haddii aynu aayaddan iyada ah si wacan u dhuuxno waxaynu fahmaynaa in warkii nebi Sakariya ay malaa’igtu u sidday aanu ku koobnayn wiilkii loogu bishaaraynayay oo keliya, balse loo sii sheegayay imaatinka Sayid Ciise Masiix iyo in sababta uu nebi Yaxye u dhalan doono ay ahayd si uu uunka u sii ogeysiiyo Kalimadda Eebbe oo ku soo wajahan dunida oo dhan.
Tilmaanta uu Qur`aanku ka sii bixiyay Sayid Ciise Masiix kuma ekayn kalimad oo keliya, waxaase lagu sii sheegay in uu ahaa mid Sayid ah kaasoo weliba la sii raaciyay in uu yahay mid dhawrsoon.

Isla suuradda Aali-Cimraan dhexdeeda waxaynu ka helaynaa aayad kale oo iyaduna caddaynaysa in uu Sayid Ciise Masiix yahay Erayga Nool oo Eebbe. Waana aayadda 45aad oo leh sidatan:

“ (Xusuuso) markay tiri malaa’igtu Maryamooy, Eebbe wuxu kugu bishaarayn Kalimad xaggiisa ka ahaatay(wiil), magaciisuna yahay Masiix Ciise ina Maryama.....” (Aali-Cimraan # Aayadda 45).
Aayaddan iyada ah wey ka duwan tahay tii hore maxaa yeelay waxaa inooga dhex muuqanaya inay malaa’igtu si toos ah Maryama ugu soo tebinayso akhbaarta xagga Eebbe uga timid.
Waxayna aayadda si qeexan u tilmaamaysaa in la soo gaaray xilligii ay Kalimadda Eebbe dunida soo gaari lahayd. Haddii aynu dhanka kale ka eegnana waxay aayaddii hore sheegaysay rumaynta uu nebi Yaxye rumaynayo Kalimadda, balse middan iyada ah waxay caddayn buuxda ka bixinaysaa in uu Sayid Ciise Masiix yahay Kalimad xagga Eebbe ka ahaanaysa.

Haddaba Qur’aanku wax ka sheegidda uu Sayid Ciise Masiix wax ka sheegayo kuma uusan koobin kalimad oo keliya, balse wuxuu ka hadlayaa xitaa in uu Sayid Ciise Masiix ahaa Ruux xagga Eebbe ka ahaaday. Faah-faahinta amuurtaasna waxaynu ka helaynaa aayadda 171aad ee Suuradda An-Nisaa. Sidan bayna leedahay:

“......Masiix Ciise ina Maryama waa un Rasuulki Eebbe iyo Kalimaddiisi uu ku tuuray Maryama, iyo Ruux xaggiisa ka ahaaday......” (An-Nisaa # Aayadda 171).

Sidoo kale ayay aayadda 91aad ee Suuradda Al-anbiyaa iyana u qiraysaa in uu Sayid Ciise Masiix yahay Ruux xagga Eebbe ka ahaaday oo dadka looga dhigay calaamad. Sidan baana qoran:

“....oon ku afuufnay dhexdeeda Ruuxdannadii.....” (Al-Anbiyaa # 91)

Labadan aayadood oo kala ah aayadda 171aad ee Suuradda An-Nisaa iyo tan kale oo ah aayadda 91aad ee Suuradda Al-anbiyaa, runtii waa kuwo sii xoojinaya macnaha dhabta ah oo ay Kalimaddu leedahay. Sababtoo ah waxay ka hadlayaan waxa Maryama maxalkeeda ku beermay inay ahaayeen Kalimad iyo Ruux wada jira oo xagga Eebbe ka ahaaday.

Haddaba waxaynu soo sheegnay in Sayid Ciise Masiix uu yahay Erayga Nool oo Eebbe. Is-weydiintuse waxay tahay, miyay jiri karaan sababo kala sooci kara oo isla markaana inoo muujinaya inay Eebbe iyo Eraygiisu kala duwan yihiin? Maya.
Dhanka kalese miyaanay arrin iska muuqataba ahayn inay Eebbe iyo Eraygiisuba isku mid yihiin oo aanu jirin wax farqi ah oo u dhexeeya? Haa. Taasina waxay ka marag-furaysaa midnimada ka dhexaysa Sayid Ciise Masiix oo ah Erayga Eebbe iyo Aabbaha Qaaddirka ah ee samada jooga.
Balse qofka isku mid ahaanshaha Eebbe iyo Eraygiisa aan oggolayn waa arrin isaga u gaar ah oo ku kooban kelidii, mana aha wax lala yaabo waayoo wuxuu qofkaas la mid yahay sida kuwa maantaba dunida jooga oo kale oo sida weyn u daffiraya jiritaanka Eebbaha Qaaddirka ah oo iyaga abuuray. Kolleyse xaqiiqada jirta waxay tahay Eebbe iyo Eraygiisuba inay yihiin sida qof iyo harkiisa oo aan kala haraynin oo kale.

Sidaa awgeed qofkii doonaya in uu wax ka fahmo in Sayid Ciise Masiix uu yahay qayb ka mid ah saddexda Shakhsiyadeed oo uu Eebbe leeyahay, waxaan filayaa inay tusaalooyinkaas iyo aayadahaasba ugu filan yihiin arrimo uu wax ku qaato.
Sidaa awgeed waxaan rajaynayaa ciddii amuurtaas aan horay u ogeyn inay maantaba garato in uu Sayid Ciise Masiix yahay Erayga Nool oo Eebbe, ahna qayb ka mid ah saddexda Shakhsiyadeed oo uu Eebbe ka kooban yahay Isagoo haddana mid keliya ah.

Ilaahnimada Sayid Ciise MasiixSida aynu wada ogsoon nahay Sayid Ciise Masiix waa Erayga Eebbe. Qodobkaas isaga ahna waa qodob ay Masiixiyiinta iyo Muslimiintuba isla qabaan oo aanu wax muran ah ka taagnayn.
Haddaba kol haddii uu yahay Erayga Eebbe oo nool waxaa halkaas inoogu cad inaysan jirin sabab diidaysa in uu yahay isla Eebbaha Qaaddirka ah oo dadkiisa isugu muujiyay Isagoo leh qaab beni’aadam oo kale.
Eebbana Isaga ayaa garanaya sababta uu u doortay in uu dadkiisa dhex yimaaddo Isagoo jir aadane leh. Hase yeeshee waxaa jira waxyaaba fara badan oo innaga laftigeenna aynu sababo macquul ah uga dhigi karayno qaadashada uu Eebbe soo qaatay jirka aadanaha.
Aragtida taa macquul ka dhigi karaysana waxay tahay in uu Eebbe doortay in uu dadkiisa dhex yimaaddo si uu awooddiisa ilaahnimo oo jirta si la taaban karo ugu dhex muujiyo dunida guudkeeda iyo dadka dhexdiisaba.
Waxaanse shaki lahayn inay dadka qaadan-waa iyo fajicisaba ku noqon lahayd haddii uu Eebbe xilligaas si toos ah ugu sheegi lahaa iyaga in uu dunida imaanayo Isagoo jir aadane leh. Eebbase Isaga ayaa inooga aqoon badan habka ugu fudud oo uu markaas wax inoogu muujin karo iyo qaabka ugu habboon oo aannu muuqaalkiisa u xamili karayno.
Inkastoo uu Eebbe qarniyaal badan ka hor uu waxyi ahaan ugu soo tebiyay aadanaha inay taas dhici doonto, haddana amuurtan iyada ah waxaynu ku tirinaynaa inay salka ku hayso xikmadda xad-dhaafka ah oo uu Eebbe leeyahay.

Dhanka kalena Eebbe waa kan waxa uu doono u sameeya sida ay tahay doonistiisa. Inkastoo ay arrintaas horay u soo sheegeen kutubtii hore oo dhan, haddana Qur’aanka laftigiisa waxaa laga dhex helayaa in uu Eebbe leeyahay awooddaas iyada ah, waxayna ku caddahay aayadda 16aad ee Suuradda A-Buruuj oo leh sidatan:

“Waxa uu doonana wuu sameeyaa”. (Al-Buruuj # Aayadda 16).

Marka waa amuur la yaab leh kolka ay Muslimiintu diidayaan Ilaahnimada Sayid Ciise Masiix. Su’aashuse waxay tahay sidee bay ku rumaynayaan aayaddan iyada ah? Haddiise ay rumaysan yihiin Eebbe in uu yahay mid wixii uu doonayo sameeya, haddaba ma aha inay xaddidaan awoodda Eebbe oo kaamilka ah laakinse iyagoo xurmaynaya macnaha runta ah oo ay aayaddu ka hadlayso ayaan oran lahaa ha diidina in uu Eebbe isugu muujin karo dadkiisa hadba sida uu jeclaysto Isaga.
Waayo sida ku qoran Qorniinka Suuban oo ah Erayga Eebbe oo xaqa ah, gaar ahaan Kitaabka Ayuub Cutubkiisa 11aad, aayadda 7aad, waxay leedahay:

“War miyaad baari kartaa axwaalkiisa moolka dheer? Miyaadse Ilaaha Qaaddirka ahi si kaamil ahi u garan kartaa?” (Ayuub # 11:7).

Aayaddan su’aasha ay xambaarsan tahayna jawaabteedu waxay noqonaysaa maya. Maxaa yeelay ma jirto cid waxyaabaha Eebbe soo baari karaysa amaba si dadban iyo si toos ahba u soo ogaan karaysa. Cilmiyada Eebbena inta aynu ka garanayno ayaaba runtii iska ah wax yaroo aad u kooban.
Hase yeeshee waxaan qabaa inay qof kastaba waajib ku tahay inay garato inaysan awoodda Eebbe ahayn mid xaddidan, balse uu leeyahay awood wixii uu doonayo uu ku sameeyo. Haddiise uu qofku isku dayo in uu shuqullada iyo qorshooyinka Eebbe wax ka ogaado, waxaa hubaal ah in uusan weligii ka sal-gaari doonin uuna caqligiisa ku soo ogaan karaynin waxyaabaha qarsoodiga u ah Eebbe.
Laakinse aadanaha isagoo intaas iyo in kaleba garanaya ayuu mararka qaarkood u dhaqmayaa sida isagoo aan fahamsanayn inay awoodda Eebbe tahay mid aan xaddidnayn.

Haddii aynu qaab kale uga faalloonno Ilaahnimada Sayid Ciise Masiix (oo ah Erayga Eebbe), waxaa tusaale cagligal ah inoogu filan in uu yahay mid aad uga duwanaa anbiyadii iyo rusushii horay u yimid dunida. Marka xigana, run ahaantii ma jirin nebi ama rasuul kale oo taariikhda inagu soo maray oo Isaga la barbar dhigi karayo.
Maxaa yeelay mucjisooyinkii uu dunida ku dhex sameeyay ma ahayn kuwo uu aadane caadi ah samayn karo. Waayo wuxuu ahaa mid dad dhintay soo nooleeyay isla markaana kuwo indha la’aan ku dhashay aragga u soo celiyay.
Sayid Ciise Masiix wuxuu ahaa kan dadka naxariis aan caadi ahayn oo aanay aadane kale ka suurtoobin iyaga u naxariisan jiray, isla markaana kuwo bukay ka bogsiin jiray cudurrada weliba dembiyadoodana ka cafiyi jiray.
Marka haddii aan layska indha tiraynin shuqulladaas iyaga ah waa kuwo aannu ku garanayno Eebbaha Qaaddirka ah ayna Isaga kelidii u gaar yihiin.
Maxaa yeelay Eebbe wax walba oo uu samaynayo waa kan yiraahda “ahaaw” weyna ahaadaan. Arrintaana wey isla qabaan Qorniinka Suuban iyo Qur’aankuba. Sida ku cad Kitaabka la yiraahdo Bilowgii oo ka mid ah Tawreedda Cutubka 1aad aayadda 3aad oo leh:

“Ilaahna wuxu yiri iftiin ha ahaado, wuuna ahaaday.” (Bilowgii # 1:3)

Sidoo kale ayay Qur’aanka dhexdiisana ugu qoran tahay, gaar ahaan aayadda 35aad ee Suuradda Maryam, aayaddaasoo leh:

“….markuu doono amar wuxuu uun yiraa ‘Ahaaw’, wuuna ahaan.” (Maryam # Aayadda 35)

Sayid Ciise Masiixna shuqul kasta oo uu dunida guudkeeda iyo dadka dhexdiisaba ku sameeyay wuxuu adeegsan jiray isla eraygaas oo ah “Ahaaw” wax walbana siduu u amro ayay u fuli jireen.
Sida aynu ka warqabnana ma uusan ahayn mid sidii anbiyadii hore oo kale dadka u soo gudbin jiray farriin loo soo waxyooday oo ay malaa’iguhu xagga sare uga soo tebiyeen, laakinse shuqullada uu samaynayay waxay ahaayeen kuwo uu ku qabanayay awoodda iyo amarka uu ku leeyahay xagga samada iyo dhulkaba.

Haddaba mucjisooyinkaas heerka sare ah oo uu Sayid Ciise Masiix ku sameeyay dunida guudkeeda ma aha kuwo laga soo xigtay sheeko uu beni’aadam inoo sheegay, balse waa mucjisooyin ku dhex xusan Qorniinka Suuban oo ah kitaab uu ku qoran yahay Eebbe Eraygiisa xaqa ah.
Dhanka kalena Qur’aanka laftigiisa waxaa laga dhex helayaa mucjisooyinka noocaas ah oo la sheegayo in kan sameeyay uu yahay Sayid Ciise Masiix intii uu dunida joogay.

Tusaale ahaan, aayadda 49aad ee Suuradda Aali-Cimraan, waxay sheegaysaa sidatan:
“.......waxaanna idiin kaga abuuri dhoobada shimbiro oo kale, anigoo afuufi ooyna noqon shimbir idamka Eebbe, waxanna bogsiiyaa kan indha la’aanta ku dhashay, baraslaha, waxanna nooleeyaa maydka idamka Eebbe, waxanna idiin kaga warrami waxaad cunaysaan iyo waxaad ku kaydsanaysaan guryahiinna, taasina waxay idiin tahay calaamad haddaad rumaysanaysaan.” (Aali-Cimraan # 49)

Runtii marka aayaddan 49aad ee Suuradda Aala-Cimraan si fiican loogu kuur galo cid kasta ayaa dareemi karaysa awooddaas iyada ah in aanay ka suurtoobi karin in uu yeesho aadane abuurista ka mid ah, balse ay tahay awood caddaynaysa quwadda Ilaahnimo ee Sayid Ciise Masiix.

Midda kale in Sayid Ciise Masiix uu Ilaah yahay waxaa inoo caddaynaya Erayga Eebbe. Qodobkaas isaga ahna waxaynu ka akhrisan karaynaa, Cutubka 1aad aayaddiisa 1aad ee Injiilka sida uu Yooxanaa u qoray. Sidan baana qoran:

“Bilowgii waxa jiray Erayga, Erayguna wuxu la jiray Ilaah, Erayguna wuxu ahaa Ilaah.” (Yooxanaa # 1:1).

Maaddaama uu Eebbe qudhiisa inoo sheegayo in uu Eraygu yahay Ilaah, haddaba sidee baynu qodobkaas u shakiyi karaynaa mar haddii ay qof walba waajib ku tahay in uu Erayga Eebbe rumeeyo?
Ma jirto sabab uu qofku kaga shakiyo aayaddan iyada ah haddii uusan ahayn mid uu sheydaanku qalbiga u fariistay oo Erayga Eebbe dhegaha ka furaystay.
Waxaase hubaal ah qofka uu qalbigiisu ku weyn yahay Eebbe isla markaana ay Erayadiisu khushuuc ku beerayaan, in uusan wax shaki ah ka muujinaynin Ilaahnimada Sayid Ciise Masiix, maxaa yeelay qofkaas waa qof si dhab ah u garanaya Eebbe midka uu yahay iyo waxa ay tahay awooddiisa kaamilka ah.

Midda kale waxaan jeclaan lahaa in aan halkan ku xuso qodob kale oo caddayn weyn ka bixinaya Ilaahnimada Sayid Ciise Masiix. Qodobkaasna wuxuu yahay mid qeexaya in aanu Sayid Ciise Masiix ahayn mid la mid ah uunka la abuuray oo kale. Maxaa yeelay Isagu waaba Erayga Eebbe oo nool.
Runtii erayna ma noqon karo wax la abuuray sida loo abuuray malaa’igaha, aadanaha, xayawaanka, cirka, dhulka, dhirta, badaha, buuraha iyo waxyaabaha kalee soo raacaba.
Sidaa awgeed kuwa shakiga ka qaba oo Muslimiinta ah waxaa ku habboon inay is weydiyaan su’aasha ah, Qur’aanku ma abuurista Eebbe ayuu ka mid yahay mise waa wax soo jireen ah oo weligiiba soo jiray?
Mase dhici karaysaa inay Eebbe iyo Eraygiisa kala horreeyeen? Runtii su’aashaas jawaabteedu wey iska muuqataa mana aha arrin mad-madow la gelin karayo, waana arrin ay ka doodisteedu horay uga soo dhex taagnayd qaar ka tirsan culimada waaweyn ee Diinta Islaamka.
Sida aynu ka warqabnana sooyaalka Islaamka waxaynu ku soo barannay muddo fog waqti haatan laga joogo in culimadii Muctasilada ahaa iyo kuwii kale oo ahaa Ahlu-Sunnaha ay si xoog leh uga doodeen arrinta la xiriirta Qur’aanku in uu ka mid yahay abuurista iyo in kale.

Haddaba haddii aynu si kooban dib ugu noqonno amuurta ka hadlaysa arrintaas, sida aynu ka warhayno xilligii ay Khulufada ahaayeen Ma’muun iyo Muctasim waxaa dhacday inay dood ka dhex aloosantay Muctasilada iyo Ahlu-Sunnaha waxayna dooddaas ku saabsanayd su’aasha ah Qur’aanku ma makhluuq baa mise ma aha? Muctasiladu waxay yiraahdeen Qur’aanku waa makhluuq halka ay Ahlu-Sunnahuna qirayeen in uu yahay mid Qaddiim ah.
Waxay dooddaas sii socotana waxaa la gaaray heer uu Ma’muun oo markaas awoodda xukunka ay gacanta ugu jiraty uu amar ku bixiyay in jaydal lala dhaco Sheekh Axmed Ibnu Xambal oo ahaa caalim ka mid ah culimadii Ahlu-Sunnaha.
Waayoo wuxuu safka hore kaga jiray kuwii iyagu diiddanaa in Qur’aanka lagu sheego in uu ka mid yahay abuurista.
Dhanka kalena waxaynu xogogaal u nahay xilligii uu Ma’muun talada Islaamka hayay markay iyaga iyo boqotooyadii Roomaanka is-dhaafsanayeen maxaabiistii ay dagaallada ku kala qabsadeen uu kula heshiiyay boqortooyadii Roomaanka in aan loo soo celinin muslimiinta rumaysan in uu Qur’aanku yahay qaddiim, laakinse lagu soo wareejiyo oo keliya kuwa kale oo qaba in uu Qur’aanku yahay makhluuq.
Waxay arrintu soo jiidantaba waxaa la soo gaaray xilli uu xukunka la wareegay ninkii la oran jiray Mutawakil. Runtii ninkaas wuxuu garaystay inay sax tahay fekradda ay Ahlu-Sunnaha ka qabaan Qur’aanka, iyagii ayuuna ku raacay in uusan Qur’aanku ka mid ahayn makhluuqa.
Hase yeeshee markii la ogaaday in uu u janjeersaday dhinaca Ahlu-Sunnaha ayaa wiilkiisii la oran jiray Muctasi uu ka carooday is-beddelka fekradeed oo ku dhacay aabbihii, halkii buuna qudha kaga jaray xukunkiina kula wareegay.

Su’aashuse waxay tahay maxay culimada Muctasilada ahaa ay u diiddanaayeen in uu Qur’aanku yahay mid qaddiim ah oo soo jiray weligii, maaddaama ay rumaysan yihiin in uu yahay erayga Eebbe?
Runtii jawaabtu wey caddahay oo sababta taa ka horjoogtay ayaa ahayd, haddii ay qirtaan in Erayga Eebbe uu yahay mid weligiiba sida uu Eebbe u soo jiray isna ah soo jireen, inay wax dood ah ka jirin in uu Sayid Ciise Masiixna yahay Ilaah, mar haddii uu Qur’aankuba ku sheegayo in uu yahay Erayga Eebbe.

Haddaba dadka aan Muctasilada ahayn oo ka markhaati kacaya in Qur’aanku uu yahay mid qaddiim ah, sida uu ku noqdayna ay tahay in uu yahay Erayga Eebbe oo soo jireenka ahaa, maxay tahay sababata ay diidmada qayaxan uga keenaan marka Sayid Ciise Masiix la leeyahay waa Ilaah, sababta uu ku yahayna ay tahay in uu yahay Erayga Eebbe oo weligiiba soo jiray?
Haddii kale Muslimiintu (Ahlu-Sunnaha) ha ku sheegeen in Qur’aanka laftigiisu uu yahay mid dhoobo laga abuuray sida nebi Aadam oo kale amaba sida loo abuuray aadanaha intiisa kale.
Marka cidda Sayid Ciise Masiix ku sheegaysa aadane caadi ah waxaan oran lahaa ha garato inay dembi aan cafis lahayn ay ku gelayso Eebbe hortiisa, dembigaasna noqon doono mid maalinta xisaabta ay ciqaab ku mudan doonto haddii aanay arrintaas sida ugu dhaqsaha badan uga towbad keenin.

Haddaba Sayid Ciise Masiix ma aha bashar caadi ah balse waa Ilaah jir aadane qaatay oo leh qaababka kala ah kan aadanenimo iyo kan Ilaahnimo oo ay shuqulladiisu muujinayaan. Inkastoo ay badan yihiin aayadaha Ilaahnimada Sayid Ciise Masiix tusaalooyinka ka bixinaya, bal aynu immikana isla eegno aayado kale oo si cad u tilmaamaya in uu Sayid Ciise Masiix yahay Ilaah.
Waana aayadaha 6aad iyo 7aad ee Cutubka 9aad ee Kitaabka nebi Ishaacyaah. Sidan bayna leeyihiin:

“Waayo waxaa inoo dhashay ilmo, waxaa layna siiyay wiil oo boqornimadu garbahiisay u saarmi doontaa, oo magaciisana waxaa loo bixin doonaa Kan yaabka leh iyo La-taliye iyo Ilaaha Xoogga leh iyo Aabbaha Daa’imka ah iyo Amiirka Nabadda. Oo boqornimadiisa iyo nabaddu wey badnaan doonaan, dhammaadna uma lahaan doonaan carshiga Daa’uud iyo boqortooyadiisa, in la sii adkeeyo oo caddaalad iyo xaqnimo lagu sii hayo haatan iyo tan iyo weligeedba. Oo tan waxaa samayn doona qiirada Rabbiga Awoodda leh”. (Ishaacyaah # 9:6-7).

Haddaba Eebbe si uu dadkiisa ugu muujiyo Ilaahnimadiisa uuna si bayaan ah ugu dhex sameeyo shuqulladiisa dunida guudkeeda, ayuu doortay in uu dadkiisa dhex joogo Isagoo jir aadane leh.
Waxaana taas inoo sii caddaynaya aayadda 14aad ee Cutubka 1aad ee Injiilka sida uu Yooxanaa u qoray. Sidan baana qoran:

“Erayguna jir buu noqday, oo waa ina dhex joogay, oo waxaannu aragnay ammaantiisii, taas oo ahayd ammaantii u ekayd tan Wiilka keliya ee Aabbaha ee nimco iyo run ka buuxa.” (Yooxanaa # 1:14)

Kolley midka doonaya liibaan adduunyo iyo mid aakhiraba waxaan ku boorrin lahaa in uu maantaba rumaysto Ilaahnimada Sayid Ciise Masiix oo ah mid aan mad-madow lahayn marba hadii ay aayadahaas oo dhan si cad u qeexayaan amuurtaas.

Isagu wey u dhammayd awoodda Ilaahnimo
Waxaase hubaal ah dadka aan Masiixiyiinta ahayn balse aaminsan diimaha kale oo rumaynaya in uu jiro Eebbe keliya, inay si xoog leh gaashaanka ugu daruuraan marka laga hadlayo Ilaahnimada lagu sifaynayo Sayid Ciise Masiix. Taasoo ah mid aanay dhuuntaba marin karin, khaasatan marka la leeyahay Sayid Ciise Masiix ‘mar waa aadane marna waa Ilaah’.

Bal aynu haatanna isla eegno sida uu Sayid Ciise Masiix beni’aadam iyo Ilaah labaduba ku noqday. Haddaba kuwa aaminsan diimaha rumaynaya jiritaanka Eebbaha Qaaddirka ah, gaar ahaan Muslimiinta, waxaa kutubkooda ku qoran in Sayid Ciise Masiix uu yahay mid ka yimid Ruux xagga Eebbe ka ahaaday oo Maryama maxalkeeda lagu beeray iyo weliba in uu ahaa Erayga nool oo Eebbe.

Haddaba Qorniinka Suuban oo Erayga Eebbe ah (Kitaabka Qoduuska ah, The Holy Bible), sidee buu Sayid Ciise Masiix wax uga sheegayaa?
Sida ku cad Cutubka 7aad aayaddiisa 14aad ee Kitaabka nebi Ishacyaah waxay caddaynaysaa, in uu Eebbe u soo waxyooday nebigiisa uuna u caddeeyay qaabka uu Sayid Ciise Masiix dunida ku imaanayay. Sidan bayna aayaddu leedahay:

“Haddaba Rabbiga qudhiisa ayaa calaamad idin siin doona. Bal ogaada, gabar bikrad ah ayaa uuraysan doonta, waxayna dhali doontaa wiil, magaciisana waxay u bixin doontaa Cimmaanuu’eel”. (Ishaacyaah # 7:14)

Haddana aynu isla eegno Cutubka 1aad aayaddiisa 23aad ee Injiilka sida uu Matayos u qoray, taasoo caddaynaysa sida uu Sayid Ciise Masiix dunida ku soo galay iyo kan uu ahaaba. Aayadduna waxay leedahay sidatan:

“Gabar bikrad ah baa uuraysan doonta oo wiil umuli doonta, Magaciisa waxaa loo bixin doonaa Cimmaanuu’eel; kan micnihiisu yahay Ilaah baa inala jooga”. (Matayos # 1:23)

Runtii, haddii aynu hoos ahaan ugu fiirsanno aayaddan waa mid si cad u muujinaysa Ilaahnimada Sayid Ciise Masiix, waayoo magaca Isaga loo bixinayay oo loo soo waxyooday nebi Ishaacyaah ayaaba ahaa mid xambaarsan sharraxaad ah “Ilaah baa inala jooga”.
Sharraxaadda magacana waxaa sii ayidaya sida mucjisada lahayd oo ay gabadha bikradda ah u uuraysatay oo ah qaab aan weligii qof dumar ah soo marin.

Su’aashuse waxay tahay, sidee bay gabadha bikradda ah ku uuraysatay wiilkan dhalanayay? Haddaba gabadha bikradda ah waxay ka uuraysatay xagga Ruuxa Qodduuska ah ee ma ahayn mid u uuraysatay sida hablaha dunida soo maray oo kale.
Hablahaas oo sida aynu ka warqabno uu uuraysigoodu ku xiran yahay inay ruux lab ah isu galmoodaan oo keliya.
Balse arrintan Maryama la xiriirta inay sidaas ka duwanayd waxaa inoo qeexaya Cutubka 1aad aayadda 18aad ee Injiilka sida uu Matayos u qoray. Waxaana qoran sidatan:

“Dhalashadii Sayid Ciise Masiix sidan ayay ahayd. Oo kolkii hooyadiis Maryan u doonnayd Yuusuf, intaanay isu imanin ayaa la arkay iyadoo Ruuxa Qodduuska ah ka uuraysatay”. (Matayos # 1:18)

Marka la leeyahay ka ‘uuraysatay’ waxaa loola jeedaa in Eebbe oo awooddiisa Ilaahnimo adeegsanaya uu maxalka Maryam ku dhex beeray Wiil Qodduus ah. Maxaase ugu wacnaa in uu Wiilku noqdo mid Qodduus ah? Runtii, wuxuu ahaa Erayga Eebbe oo Daahirka ah oo qaab beni’aadam oo kale uu Eebbe si xikmad leh gabar aadane ah uurkeeda ugu dhex beeray.
Qodduusnimo kaamil ahna sida laga warhayo waxay u sugnaatay Eebbe oo keliya maxaa yeelay aadanuhu si kastoo uu u dadaalo ma gaari karayo qodduusnimo kaamil ah sida midda Eebbe oo kale.
Haddaba aayaddan waxay si cad u qeexaysaa Wiilka dhashay in uu ahaa mid Qodduus ah oo ka ahaaday xagga Ruuxa Qodduuska ee Eebbaha Qaaddirka ah.

Dhanka kalena haddii uu qofku si wacan baaritaan ugu sameeyo qaabka ay diimaha la kala rumaysan yahay uga hadlayaan aadanaha, gaar ahaan anbiyadii uu Eebbe horay u doortay, runtii kuma jirto cid aan Sayid Ciise Masiix ahayn oo lagu sheegay in uu Eebbe ku sifeeyay Qodduusnimo.
Marka taas waxay astaan muuqata u tahay Ilaahnimada Sayid Ciise Masiix kaas oo uu Eebbana ugu yeeray “Wiilkayga”.
Sidaa awgeed Aabbaha iyo Wiilka iyo Ruuxa Qodduuska ahba iyagoo isku mid ah ayuu haddana mid walba qabanayaa hawl isaga u gaar ah, taasoo ku ahaatay awoodda iyo qorshaha Eebbe uu ugu talagalay in uu dadkiisa isugu muujiyo hadba sida uu Isagu doonayo.
Maxaa yeelay ma jirto cid si buuxda u arki karaysa Eebbe.

Hase yeeshee Eebbe siyaabo kala duwan ayuu dadka weligiiba isugu muujin jiray. Wuxuuna dooranayay in qaab uu xamili karo markaas uu isugu muujiyo bani'aadamka. Sidoo kale marka Eebbe uu dadka isu muujinayo waxaa la arki karaa oo keliya qayb yar oo Isaga ka mid ah.
Tusaale ahaan, sida marka shakhsi meel taagan la eegayo oo kale runtii lama wada arki karo gebi ahaantiisa, laakinse qayb ka mid ah ayuumbaa ka muuqanaysa qofkaas. Midda kale aadane kasta wuxuu leeyahay astaan u gaar ah oo markiiba lagu garto qofka uu yahay.
Markaa ayaana qofkaas la oran karaa waa ‘hebel ama heblaayo’. Sidoo kale marka aynu Sayid Ciise Masiix aragno waxaynu oran karnaa Wiilka Ilaah baannu aragnay amaba Ilaah baannu aragnay. Inkastoo Ilaah aanu ku koobnayn Wiilka oo keliya haddana qayb Isaga ka mid ah ayaannu aragnay.

Tusaale ahaan, haddii ay gacantu hadli karayso la yaab ma laha hadday tiraahdo ‘amarka maskaxdayda ayaan raacayaa’.
Haddaba sida ay maskaxdu u maamusho gacanta gacantuna u fuliso awaamiirta maskaxda, sidoo kale ayay Wiilka iyo Aabbuhuna isugu xiran yihiin.
Laakinse Aabbaha iyo Wiilka iyo Ruuxa Qodduuska ah iyagoo isku mid ah ayay haddana kala amar qaataan. Maxaa yeelay waxaannu aragnaa in Sayid Ciise Masiix uu yeelo doonista Aabbaha, sida uu Ruuxa Qodduuska ahba u yeelo doonista Wiilka iyo tan Aabbahaba.
Sidaa darteed haddii Wiilka la ammaano waxay ka dhigan tahay in Aabbaha la ammaanay. Waxayna la mid tahay sida nin gacantiisa si fiican ugu garaacay kamanka oo ammaan ballaaran ku mutaystay gacantiisa awgeed.
Sidoo kale marka Wiilka la ammaano waxaa hubaal ah in uu Aabbahana ku ammaanmo.
Taana waxaa inoo caddaynaya Qorniinka Suuban oo uu Eebbe laftigiisa waxyi ahaan inoogu soo tebiyay si aannu wax badan uga ogaanno Ilaahnimada Sayid Ciise Masiix. Sidan buuna Erayga Eebbe wax inoogu qeexayaa.
Filiboy cutubka 2aad aayadaha 9-11 waxayna sheegayaan:

“Haddaba sidaas daraaddeed Ilaah Isaga aad buu u sarraysiiyay, oo wuxu Isaga siiyay magaca magac kasta ka sarreya; in jilib kastoo ah waxyaalaha samada ku jira iyo waxyaalaha dhulka jooga iyo waxyaalaha dhulka ka hooseeyaba, ay magaca Ciise u wada sujuudaan, iyo in carrab kastaaba qirto in Ciise Masiix yahay Sayidka in Ilaaha Aabbaha ah lagu ammaano”. (Filiboy # 2:9-11).

Haddaba haddii aynu aayadahan si deggan ugu fiirsanno waxaynu ka dhadhaminaynaa in Sayid Ciise Masiix uu yahay mid Eebbe uu sarraysiiyay, uuna siiyay magaca magac kasta ka sarreeya iyo weliba in uunka oo dhan ay u wada sujuudaan magaciisa isla markaana ay wada qirtaan in uu Masiixu yahay Sayidka ah kan Ilaaha Aabbaha ah lagu ammaano.
Haddii aan sii jilciyana waxaynu wada ogsoon nahay in uusan Eebbe raalli ka noqonaynin in Isaga mooyaane cid kale loo sujuudo amaba uu carrabkuba qirto.

Dhanka kalena sida ku cad aayadda 9aad, Cutubka 14aad ee Injiilka sida uu Yooxanaa u qoray, Sayid Ciise Masiix wuxuu yiri,

“…kii i arkay wuxuu arkay Aabbahay…”. (Yooxanaa # 14:9)

Haddaba marka uu Sayid Ciise Masiix sidaa leeyahay kama hadlaayo suuradda iyo qaab dhismeedka jirka uu sitay oo kale in uu Eebbena leeyahay, laakinse wuxuu ka hadlayaa dhanka dabeecadda iyo awoodda Ilaahnimo ee uu huwan yahay.
Wuxuuna taa ula jeedaa qofka Isaga indhaha saaray in uu arkay inta uu xamili karo oo ka mid ah Ilaahnimada, maxaa yeelay cidna si kaamil ah uma arki karayso Eebbe waayoo Isagu waa Nuur meel walba jooga.
Xaqiiqada jirtase waxay tahay wixii uu Sayid Ciise Masiix sameeyay oo dhan inay yihiin waxyaabihii uu Aabbuhu doonayay in uu si toos ah dadka ugu muujiyo.
Maxaa yeelay shuqullada uu Sayid Ciise Masiix dunida guudkeeda ku soo bandhigay ma aha kuwo uu qof aadane ah horay u soo sameeyay amaba uu dib u samayn doono.

Haddiise ay shuqulladu ahaan lahaayeen kuwo iska caadi ah oo ay cid kastaba fulin karayso amaba ay jireenba nebiyo kale oo horay u soo muujiyay shuqullo noocaas ah, waxaa hubaal ahaan lahayd in aanu Sayid Ciise Masiix afkaba soo marin lahayn ka hadlista shuqulladaas mucjisooyinka lahaa.
Waxaana amuurtaas sawir macquul ah inaga siinaysa aayadda 32aad ee Cutubka 9aad, sida uu Yooxanaa u qoray Injiilka, waxayna aayaddu leedahay sidatan:

“Tan iyo dunida bilowgeedii lama maqlin nin indhaha u furay qof indha-la’aan ku dhashay.” (Yooxanaa # 9:32)

Sidaa awgeed waxaannu halkaas ka dareemi karaynaa inay shuqulladu yihiin kuwo ay samayntoodu u gaar yihiin Eebbaha Qaaddirka ah. Taa iyada ahna waxay si muuqata uga markhaati kacaysaa awoodda Ilaahnimo ee Wiilka. Waana sababtaas sababta uu Sayid Ciise Masiix ku noqonayo aadane maaddaama uu jir aadane ku dhex jiray Isagoo haddana Ilaah ah.

Sayid Ciise Masiix oo caddaynaya Ilaahnimadiisa
Dhanka kale waxaa laga yaabaa inay dadka qaarkii is-weydiinayaan sababta uu Sayid Ciise Masiix si toos ah ugu hor oran waayay dadka in uu yahay Ilaah.
Runtii haddii aynu si fiican ugu kuurgalno Injiilka waxaynu ka helaynaa meelo badan oo uu Sayid Ciise Masiix ku caddaynayo Ilaahnimadiisa, haddii xitaa dhinac layska dhigo wixii uu sameeyay oo mucjisooyin ahaa.
Tusaale ahaan, aayadda 30aad ee Cutubka 10aad sida uu Yooxanaa u qoray Injiilka, Sayid Ciise Masiix marka uu leeyahay:

“Aniga iyo Aabbaha mid baanu nahay”. (Yooxanaa # 10:30).

Haddaba taas miyaanay caddayn inagu filan ahayn? Haa. Oo waa mid aan laga shakiyi karin. Waayo Isaga qudhiisa ayaa af-buuxa ku yiri, ‘Aniga iyo Aabbaha mid baannu nahay’.
Haddayse arrintu ahaan lahayd mid isaga uun ku kooban oo aan xagga Eebbe laga soo qorshaynin, runtii ma dhici lahayn in Sayid Ciise Masiix samada loo qaado isla markaana loo doorto in uu noqdo midka ugu dambayntii inta uu dunida dib u yimaaddo markaana wax xukumi doona.

Midda kale waxaynu fahmi karaynaa in Sayid Ciise Masiix aanu maalmihii ugu horreeyay kalaba hadlin xertiisa waxyaabaha qaarkood oo uu markii dambe u muujiyay iyaga. Maxaa yeelay xikmadda meesha ku jirtay ayaa ahayd in maskaxda aadanaha wax loogu shubo hadba sida ugu habboon oo ay wax ku qaadan karayso.
Inkastoo Sayid Ciise Masiix uu awood buuxdo u lahaa in uu dunida oo dhan mar keliya fahamsiiyo Ilaahnimadiisa, haddana si bareer ah uguma oranin dadka hortiisa ‘waxaan ahay Ilaah’, hase yeeshee si caddaan ah ayay u qeexayaan erayadiisa in uu ka hadlayay Ilaahnimadiisa kaamilka ah.
Waxaana amuurtaas aad inoogu sii bal-ballaarinaya marka uu inoo tilmaamayo in wax kastoo uu Aabbuhu leeyahay ay wixiisii yihiin, sida ku cad aayadda 15aad ee Cutubka 16aad sida uu Yooxanaa u qoray Injiilka.

“Wax kasta oo Aabbuhu leeyahay anigaa leh,…..” (Yooxanaa # 16:15)

Haddaba marka uu sidaas leeyahay ujeeddadiisu ma aha Aabbaha wixiisa ayaan la wadaagaa, balse dulucda meesha taal ayaa ah wax kastoo abuurista jirto ahba inay yihiin wax uu Isagu lahaa sababtooda, isla mar ahaantaana aanu jirin wax farqi ah oo u dhexeeya Isaga iyo Aabbaha.
Haddii aynu dhinac kale ka eegnana waxaynu ogsoon nahay in anbiyadii horay dunida u soo maray aanu ku jirin mid sida Sayid Ciise Masiix oo kale dadka la hor yimid erayo noocaas ah oo kale amaba kuwo la oran karo wey u dhigmayaan.

Isla qodobkaas qodob kale oo u dhigmana waxaynu ka akhrisan karaynaa Cutubka 14aad aayadaha 7aad sida uu Yooxanaa u qoray Injiilka oo leh sidatan:

“Haddaadi i garateen, Aabbahayna waad garan lahaydeen. Hadda kaddib waad garanaysaan, waadna aragteen.” (Yooxanaa # 14:7).

Runtii aayaddan waxay la halmaalaysaa aayaddii kale oo ahayd “kii i arkay wuxu arkay Aabbaha”. Waayoo aayaddan iyada ah oo aynu kor ku soo xusnay waxay inoo muujinaysaa in uu Sayid Ciise Masiix si toos ah ugu sheegayay xertiisa in uu yahay Ilaah, sababtoo ah wuxuu iyaga u iftiimiyay kol haddiiba ay Isaga dhaayaha saareen inay Aabbahana arkeen.

Balse marka uu Sayid Ciise Masiix sidaa wax u tusaalaynayay xertiisa, runtii fekradda madasha taal ma aha in uu Eebbe sida aadanaha oo kale jir leeyahay. Hase yeeshee taa wuxuu Sayid Ciise Masiix uga jeedaa in uu yahay Erayga Eebbe iyo in shuqullada sida mucjisooyinka, naxariista, samirka iyo dulqaadka, deeqsinimada, jacaylka, wax cafinta, wax bogsiinta iyo waxyaabo kale oo fara badan oo uu sameeyay ay yihiin shuqulladii Eebbe isla markaana uusan qof aadane ah awood u lahayn in uu sameeyo shuqulladaas oo kale.
Marka xaqiiqada laga hadlana shuqulladaas ayaa ah kuwo muujinaya Ilaahnimada Sayid Ciise Masiix, isla markaana kala soocaya awoodda Ilaahnimo iyo midda aadanenimo.

Maxaa yeelay haddii aynu dhab ahaan ugu fiirsanno shqulladaas waxaa inoo soo baxaya inay yihiin kuwo Eebbe mooyaane aanay cid kale samayn karin. Marka si uu Eebbe dadkiisa si la taaban karo wax uga tuso Ilaahnimadiisa kaamilka ah ayuu shuqulladaas iyaga dhexdooda ku sameeyay Isagoo jir aadane soo qaatay.
Waayo haddii ay shuqulladu ahaan lahaayeen kuwo la mid ah mucjisooyinkii kale oo ay anbiyadii Sayid Ciise Masiix ka horreeyay dunida guudkeeda iyo dadka dhexdiisa ku sameeyeen, ma dhici lahayn in Sayid Ciise Masiix Ilaahnimada uu sheegtay loo aqoonsado, balse taas waxay ku timid shuqullada la yaabka leh oo ka markhaati kacaya inay ku dhex jirto Awoodda Ilaahnimo oo kaamilka ah.

Arrin kale oo caddayn waafi ah dadka ugu filan waxay tahay sida uu Sayid Ciise Masiix maalinta xisaabta aadanaha ula hadli doono.
Sooyaalka diimeedna laguma hayo nebi sheegtay in uu maalintaas malaa’igahiisa la soo degi doono dadkana kala sooci doono oo kuwooda suuban xagga Jannada u qaadi doono oo kuwooda xun-xunna Naarta ku wada shubi doono. Waayo sida kutubta oo dhan ku cad Eebbe mooyaane ma jirto cid kale oo maalintaas beni’aadamka xisaabin doonta.
Haddaba haddii uu Sayid Ciise Masiix inoo sheegay in uu Isaga maalintaas garsoore noqon doono, waxaa cad inay halkaas ka muuqanayso inay Isaga u dhammayd awoodda Ilaahnimo. Waxaana amuurtaas ka hadlaya Cutubka 25aad aayadahiisa 31aad ilaa 46aad ee Injiilka sida uu Matayos u qoray oo leh sidatan:

“Goortii Wiilka Aadanahu ammaantiisa ku yimaado, Isaga iyo malaa’igaha oo dhan, markaasuu carshiga ammaantiisa ku fariisan doonaa. Quruumaha oo dhan ayaa hortiisa lagu soo ururin doonaa oo wuxuu u kala sooci doonaa mid mid sida arijirku u kala sooco idaha iyo riyaha.
Idaha wuxuu joojin doonaa midigtiisa, riyahana bidixdiisa. Markaasaa Boqorku kuwa midigtiisa jooga ku oran doonaa, kaalaya, kuwa aabbahay barakadeeyeyow, oo dhaxla boqortooyada tan iyo aasaaskii dunida laydiin diyaargareeyay. Waayo, waan gaajooday oo cuntaad i siiseen, waan harraadsanaa oo waad i waraabiseen, qariib baan ahaa oo waad i soo dhoweyseen, waan qaawanaa oo dhar baad i huwiseen, waan bukay oo waad i soo booqateen, xabsi baan ku jiray oo waad ii timaaddeen.
Markaasaa kuwa xaqa ahu u jawaabi doonaan iyagoo leh, Sayidow, goormaannu ku aragnay adigoo gaajaysan oo aannu cunto ku siinnay, ama adigoo harraadsan oo aannu ku waraabinnay? Goormaannu ku aragnay adigoo qariib ah oo aannu ku soo dhowaynay ama adigoo qaawan oo aannu wax ku huwinnay? Goormaannu aragnay adigoo buka ama adigoo xabsi ku jira oo aannu kuu nimid?
Markaasaa Boqorkii u jawaabi doonaa oo ku oran doonaa, runtii waxaan idinku leeyahay, in alla intaad u samayseen mid ka mid ah walaalahaygan u yaryar, waad ii samayseen.

Markaasuu kuwa bidixdiisa jooga ku oran doonaa, kuwa yahow inkaaranu, iga taga oo gala dabka weligiis ah kan Iblayska iyo malaa’igihiisa loo diyaargareeyay. Waayo, waan gaajooday, cuntana ima aydnaan siin, waan harradsanaa, imana aydnaan waraabin. Qariib baan ahaa, imana aydnaan soo dhowayn, waan qaawanaa, dharna ima aydnaan huwin, waanan bukay oo xabsi ku jiray oo ima aydnaan soo booqan.
Iyaguna markaasay u jawaabi doonaan oo ku oran doonaan, Sayidow, goormaannu ku aragnay adigoo gaajaysan ama harraadsan ama qariib ah ama qaawan ama buka ama xabsi ku jira oo aannu ku kaalmayn weynay?
Runtii waxaan idinku leeyahay, in alla intaad u samayn weydeen mid ka mid ah kuwan u yaryar, anigana waad ii samayn weydeen. Kuwanuna waxay geli doonaan taqsiirta weligeed ah, kuwa xaqa ahuse waxay geli doonaan nolosha weligeed ah”. (Matayos # 25:31-46)

Haddaba haddii aynu macnaha aayadahan ku jira si qumman u dhuuxno waxay inoo caddaynayaan kan dadka sidaa ula hadlaya in uu yahay Eebbaha Qaaddirka ah. Waayo waxay si cad uga tarjumayaan wanaagga uu Eebbe ka doonayo dadkiisa inay isu sameeyaan. Maxaa yeelay moogis uma qabno in uu Eebbe yahay mid isku filan oo aan abuuristiisa kaalmo uga baahnayn.
Balse si uu dadka u dareensiiyo muhiimadda ay waxyaabahaas oo dhan iyaga u leeyihiin, ayuu tusaale ahaan Isaga iskaga soo qaaday in uu ahaa mid gaajaysnaa oo aan la quudinin ama mid harraaddanaa oo aan la waraabinin ama mid qariib ahaa oo aan la soo dhowaynin ama mid qaawanaa oo aan dhar la huwinin ama mid bukay amaba xabsi ku jiray oo aan la soo booqanin.
Waase goormaa goorta uu Eebbe dadkiisa sidaa ku oran doono? Shaki ma laha inay maalintaas tahay maalinta Qiyaamaha oo uu dhici doono xisaabtanka caddaaladda ku salaysan.

Marka caddaynta Ilaahnimada uu Sayid Ciise Masiix sheegtay ma aha mid ku kooban oo keliya mucjisooyinkii uu dadka dhexdiisa iyo dunida guudkeeda ku sameeyay, balse waxaa kalee aynu ku garan karnaa in uu yahay kan maalinta xisaabta laftigeeda dadka u kala haadin doona sida loo kala sifeeyo buushaha iyo sarraynka oo kale, isla mar ahaantaana cid kastaba siin doona waxa uu yahay xukunkeeda oo ay mutaysatay intay dunida guudkeeda saarnayd.

Dhanka kale markuu Sayid Ciise Masiix ka hadlayay Ruuxa Qodduuska ah oo dunida imaan lahaa, runtii hadalladiisii kuma uusan soo koobin oo keliya Aabbaha ayaan idiin soo weydiinayaa in uu idiin soo diro laakinse wuxu yiri:

“Laakin runta ayaan idiin sheegayaa, waxaa idiin roon inaan tago. Haddaanan tegin Gargaaruhu idiinma iman doono, laakin haddaan tago waan idiin soo diri doonaa.” (Yooxanaa 16:7).

Haddaba taa laftigeeda miyaanay ka marag kacaynin in uu adeegsaday awooddiisa Ilaahnimo? Haa. Qofkiise wax shaki ah ka qabo waxaa ku filan in uu si niyad ah u rumeeyo una akhristo Qorniinka Suuban oo ah Erayga Eebbe oo xaqa ah.

Midda kale oo caddaynaysa Ilaahnimada uu Sayid Ciise Masiix isku tilmaamay waxaa ka mid ah in uu dadka dembiyada ka cafiyi jiray iyo in uu qalbiyadooda waxa ku jira oo ay ka fekerayaanba garan jiray.
Marka qalbiga laga hadlayana waa arrin uu qof kastaba garan karo in Eebbe mooyaane aanay jirin cid kale oo quluubta aadanaha waxa ku dhex aasan daalacan karaysa.
Qisadaasna waxaynu ka helaynaa Injiilka sida uu Markos u qoray waana Cutubka 2aad aayadaha 1 ilaa 12 oo leh sidatan:

“Dhawr maalmood dabadeed goortuu haddana Kafarna’um galay, waxaa la maqlay inuu guriga joogo. Markaasaa waxaa is-urursaday dad badan, sidaa daraaddeed meel ay joogsadaan ayay ka waayeen, xataa albaabka hortiisii, oo iyaga ayuu hadalkii kula hadlay. Kolkaasay u yimaadeen oo nin curyaan ah u keeneen, waxaana siday afar qof.
Goortay u soo dhowaan kari waayeen dadkii badnaa daraaddiis ayay saqafka dusha ka fureen meeshuu joogay. Goortay jebsheen, waxay ka soo dejiyeen sariirtii ninkii curyaanka ahaa ku jiifay. Ciise kolkuu rumaysadkoodii arkay, ayuu ninkii curyaanka ahaa ku yidhi, Wiilkow, dembiyadaadu waa cafiyan yihiin.
Laakiin halkaas waxaa joogay qaar culimada ah oo iska fadhiyey oo qalbiyadooda ka fikireyay, oo waxay isku yidhaahdeen, Ninkanu muxuu sidan ugu hadlayaa? Wuu caytamaya. Ayaa dembiyo cafiyi karaa Ilaah keliya maahee?
Kolkiiba Ciise ruuxiisuu ka ogaaday inay sidaas qalbiyadooda ka fikirayaan, oo wuxuu ku yidhi, Maxaad waxan qalbiyadiinna ugaga fikiraysaan? Iyamaa hawl yar, in curyaanka lagu yidhaahdo, Dembiyadaadu waa cafiyan yihiin, ama in lagu yidhaahdo, Kac oo sariirtaada qaado oo soco?
Laakiin si aad u garataan in Wiilka Aadanuhu dhulka ku leeyahay amar uu dembiyada ku cafiyo (ayuu ninkii curyaanka ahaa ku yidhi), Waxaan ku leeyahay, Kac oo sariirtaada qaado oo gurigaaga tag. Kolkiiba wuu kacay oo sariirtiisii qaatay; wuuna baxay dadkii oo dhan hortooda, sidaas daraaddeed ayay la wada yaabeen, wayna ammaaneen Ilaahay, oo waxay yidhaahdeen, Weligayo sidan oo kale ma aannu arag.” (Markos # 2:1-12)

Haddii aynu u kacno dhanka Kitaabka Qur’aanka oo ah kutubka ay Muslimiintu rumaysan yihiin, waxaynu ku arkaynaa inay jiraan aayado si cad u tilmaamaya in Sayid Ciise Masiix, Isagoo amarka Aabbaha fulinaya uu dadka u sheegayo in uu dhoobada shimbiro oo kale uga dhigo oo intuu afuufo shimbir ka yeelayo uuna bogsiinayo kan indha la’aanta ku dhashay iyo kan barasta qaba iyo in uu maydkana noolaynayo uuna uga warramayo waxay cunayaan iyo waxay guryahooda ku kaydsanayaanba.
Middase ugu sii cajiibsan oo awooddiisa Ilaahnimo sii muujinaysa waxay tahay, Isagoo dadka xalaal cad uga dhigaya waxyaabihii iyaga horay looga xarrimay. Ugumana uusan xalaalaynin sida rasuul u siday farriin amaba qaabkii ay anbiyadii hore dadka wax u soo gaarsiin jireen oo kale, laakinse Isaga ayaa si toos ah waxyaabaha qaarkood ugu xalaaleeyay.

Arrintaa iyada ahna waxay dadka si aan shaki lahayn u dareensiinaysaa in wax uu Eebbe horay uga xarrimay aanu aadane dadka u fasixi karin. Waxaase dhici karaysa dadka qaarkii inay u arki karaan amuurtaas sida nebi soo gudbinayay farriin loo soo dhiibay oo kale.
Hase yeeshee waxaa in la xusuusnaado u baahan in Sayid Ciise Masiix aanu ahayn sida anbiyadii hortii timid oo kale, maxaa yeelay weli meelna laguma hayo in uu ahaa mid soo tebinayay farriin waxyi ahaan Isaga loo soo gaarsiiyay laakinse wuxuu ahaa mid siday farriin uu Isaga samada kala yimid.
Balse sida aynu dhammaanteenba ka warhayno Sayid Ciise Masiix waa kan wax walba fulintooda u adeegsada amarka iyo awoodda uu ku leeyahay xagga sare ee samada iyo dunida guudkeedaba. Waxaas oo idilna waxaynu ka akhrisan karaynaa aayadaha 49aad iyo 50aad ee suuradda Aali-Cimraan oo leh sidatan:

“……..waxaana idiinka abuuri dhoobada shimbira oo kale, oon afuufi ooy noqon shimbir idamka Eebbe, waxaana bogsiiyaa indha la’aan ku dhashe, Baraslaha, waxaana nooleeyaa Maydka idamka Eebbe, waxaana idiinka warrami waxaad cunaysaan iyo waxaad ku kaydsanaysaan guryahiinna, taasina waxay idiin tahay calaamad haddaad rumaynaysaan.” (Aali-Cimraan # Aayadda 49).

“……..waxaan idiin bannayn wixii laydinka reebay qaarkiis, waxaana idiinla imid Calaamad xagga Eebbihiin ka ahaatay ee ka dhawrsada Eebbe, ina addeeca”. (Aali-Cimraan # Aayadda 50).

Qof kastoo waxgarad ahna wuu dhadhamin karaa in aadane caadi ah oo haddana nebinimo sheeganaya aanu ku dhiirran karin in uu erayo noocaas ah uunka la hor yimaaddo.
Inta badanse waxaynu kutubta oo dhan ka akharisannaa inay nebiyadii iyo rusushiiba midkoodna aanu afkiisa soo marinin erayo u dhow kuwa uu Sayid Ciise Masiix dadka ku hor qirtay oo kale.
Balse waxaynu Qorniinka Suuban dhexdiisa ku aragnaa in uu Sayid Ciise Masiix si bayaan ah isugu sheegay in uu yahay Ilaah. Marka qofna afkiisa sooma mariyo wax aanu shegashadeeda xaq u lahayn.

Sidaa awgeed waxaynu halkaas ka fahmaynaa waxa uu Sayid Ciise Masiix sheeganayay inay tahay arrin run ah oo uu isku hubay oo uu xagga samada kala soo degay.
Waxaanna taas ka akhrisan karaynaa Cutubka 1aad ee Kitaabka Muujinta aayadda 8aad iyo aayadaha 12aad ilaa iyo 18aad. Sayid Ciise Masiix markuu Jannada ku noqday kaddib wuxuu mar kale isu muujiyay Yooxanaa oo ka mid ahaa xertiisii. Sidan buuna ku yidhi:

“Anigu waxan ahay Alfa iyo Oomeega (Bilowga iyo Dhammaadka), oo ah Kan jira oo jiray oo iman doona iyo Qaaddirka“. (Muujinta # 1:8)
Markaasuu Yooxanaa muuqaalka uu arkay uga warramay sidatan soo socota:

“Oo anna dib baan u jeestay in aan arko codkii ila hadlay, oo markii aan dib u jeestay waxan arkay toddoba laambadood oo dahab ah. Oo laambadaha bartankooda waxan ku arkay mid u eg beni’aadam oo qaba khamiis dheer oo laabtana waxaa ugu xirnaa suun dahab ah.
Oo madaxiisa iyo timahiisuna waxay u caddaayeen sida suuf cad iyo sida baraf oo kale; oo indhihiisuna waxay ahaayeen sida dab ololkiis; oo cagahiisuna waxay u ekaayeen naxaas dhalaalaysa sidii iyadoo foorno lagu sifeeyay, codkiisuna wuxu u ekaa codka biyo badan.
Oo gacantiisa midigtana wuxu ku haystay toddoba xaddigood, oo afkiisa waxaa ka soo baxay seef soofaysan oo laba af leh, jaahiisuna wuxu u ekaa qorraxda oo xoog u dhalaalaysa. Oo markii aan arkay ayaan ku hor dhacay sidii mid dhintay.
Oo markaasuu gacantiisii midigta ahayd i saaray, oo wuxu igu yiri, ha cabsan. Anigu waxan ahay Kan ugu horreeyay iyo Kan ugu dambeeya, iyo Kan nool. Anigu waan dhintay oo bal eeg, waan noolahay tan iyo weligayba oo waxan haystaa furayaasha dhimashada iyo *Haadees. (Meeshii kuwii dhintay)” (Muujinta # 1:12-18).

Haddaba sida aynu ka warhayno Iblaysku wuxuu ahaa malaa’igaha Eebbe uu abuuray midka ugu sarreeyay oo maamulka sare u xilsaarnaa, balse markii uu fallaagoobay uuna hunguri ka galay in uu carshiga Eebbe isaga la wareego ayuu Eebbena ka eryay jagadii sare ee uu ka hayay xagga samada.
Taana waxaa sababay isla-weynidiisii iyo caasinimadiisii illowsiisay in uu ahaa abuurista Eebbe mid ka mid ah oo aan isaga is abuurin isla markaana wax awood ahba lahayn.
Waxaase hubaal ah haddii uu Iblaysku addeecid kaamil ah la imaan lahaa in uu weligiiba sii haysan lahaa jagadaas qiimaha weyn ku fadhiday oo uu Eebbe u magacaabay. Maxaa yeelay Eebbe ma aha mid wax dulmiya mana lumiyo addoomadiisa daacadadda u ah Isaga.

Dhacdadan iyada ahse waxay inoo caddaynaysaa in uusan Eebbe marnaba u sii deynaynin cid kastoo abuuristiisa ka mid ah inay awoodda iyo magaca Ilaahnimadiisa isku daydo inay la wadaagto amaba ay la sheegato inay leedahay amarro u dhigma amarrada Isaga aynu ku naqaanno oo kale.
Sidaa awgeed haddii Sayid Ciise Masiix uusan ahaan lahayn Ilaah oo jir aadane qaatay, ma ay dhici lahayn in uu Eebbe ugu dulqaato Isagoo aadanaha kale la mid ah in uu dadka dhexdiisa iyo dunida guudkeedaba ku sheegto in uu yahay Ilaah.
Waxaase dhici lahayd in sidii Iblayska awoodda iyo karaamadii uu lahaa looga xayuubiyay oo kale, Isagana dadka hortiisa awoodda looga qaadi lahaa laguna karaamo tiri lahaa, si loo garto in uu yahay aadane caadi ah oo ka been-abuuraya sheegashada uu sheeganayo awoodda Ilaahnimo.

Dhanka kale waxay dadka Muslimiinta ah rumaysan yihiin in uu Fircoon sheegtay ilaahnimo. Sheegashadaas iyada ahna ay Fircoon ka raacday cawaaqibxumo iyo inay ciribtiisii ku dambaysay bur-bur iyo halaag ugu dhacay caro xagga Eebbe uga timid awgeed.
Sidaa awgeed Eebbe ma aha mid addoomadiisa, iyagoo abuusristiisa ah, ka oggolaanaya inay ilaahnimo Isagoo Qaaddir ah la sheegtaan. Haddaba kuwa Ilaahnimada Sayid Ciise Masiix shakinaya bal ha isku dayeen inay tusaalooyinkaas wax ku qaataan.

Isagu dembi muu lahayn sida dadka kale oo dhanRuntii wey dhici karaysaa kuwa aan saddex-midnimada Eebbe aaminsanayn inay Ilaahnimada Sayid Ciise Masiix ka shakiyaan, maaddaama uu ahaa mid ay gabar aadane ah uurka ku qaadday.
Hase yeeshee qofku wuxuu taas kaga qanci karayaa marka uu baaro inayan hooyadu wax dhiig ah u gudbinin ilmaha inta ay uurkeeda ku jiraan, balse ay xuddunteeda nafaqada u sii mariso. Dhiigguse waa wax uu dadka kulaba beermo maxalka hooyada, wuxuuna ka yimaaddaa unugyo midoobay oo ka kala yimaadda ninka iyo naagta isu galmooda.
Sidaa awgeed Sayid Ciise Masiix ma aha mid ku uur-galay qaab galmo ay nin iyo naag isu-galmoodeen. Laakinse waa Mid Daahir Ah oo xagga sare uga yimid dunida, kaasoo Maryam maxalkeeda u adeegsaday sidii albaabka ugu horreeya oo aqal laga soo gelayo oo kale.
Inkastoo uu Eebbe karayo in uu dunida ku yimaaddo hadba sida uu Isagu doorbidayo, ayuu haddana qaabkaas uu dadku xamili karayay dunida ugaga soo gudbay xagga ilma-galeenka Maryam.

Haddii soomaali ahaan looga fekero amuurtan iyada ahna, waxaa dad badan u soo baxaya inay arrin macquul ah meesha ku jirto. Maxaa yeelay soomalidu waxay naagaha oo dhan ku tilmaamaan inay yihiin weel wax lagu shubtay, iyagoo weliba garanaya inay ilmuhu ku yimaaddaan galmo ninka iyo naagta dhex martay.
Marka qofka ay u sawiran tahay inay naaguhu yihiin weel wax lagu shubtay, wuxuu markiiba garanaya in uu Eebbe ka dhigtay maxalka Maryam weelkii uu ku dhex ilaashaday Eraygiisa Qodduuska ah. Haddiise uu Eebbe si toos ah cirka uga soo degi lahaa Isagoo leh jir aadane, taas waxay dadka ku noqon lahayd argaggax iyo naxdin aanay quluubtooda qaadan kari lahayn.

Balse qof kastoo aaminsan awoodda xad-dhaafka ah ee uu Eebbe leeyahay, la yaab kuma noqonayso in uu Eebbe dhex yimid dadkiisa iyo dunidaba Isagoo leh jir aadane.
Mana dhici lahayn in Sayid Ciise Masiix Ilaah lagu sheego haddiiba uu yahay mid uu jirkiisu ku jiro dhiig uu aadane leeyahay. Maxaa yeelay waxaa marag ma doonta ah in qof kastoo aadane ah uu yahay mid dhasha isagoo dembiile ah, dembigaasoo uga soo gudbaya xagga Aadam iyo Xaawa oo ahaa kuwii laga soo farcamay.

Dembigaasna wuxuu dadka u noqday dhaxalkii ugu xumaa oo ay abid ka heleen labadoodii waalid oo ku caasiyoobay Eebbe. Haddii aynu si kale u dhignana cidda wax laga dhaxlaa waa aabbe, kan lagu abtirsadaana waa aabbe, sidaa awgeed Sayid Ciise Masiix muuna lahayn aabbe aadane ah oo uu wax ka dhaxlay amaba uu farac ahaan uga soo jeeday.
Laakinse wuxuu ahaa Erayga Eebbe oo nool. Marka Sayid Ciise Masiix laga hadlayana, Qorniinka Suuban iyo Kitaabka ay Muslimiintu rumaysan yihiin oo ah Qur’aanka carabiga ah, intuba waxaad ka helaysaa aayado ka marfkhaati kacaya in uu ahaa mid haba yaraatee aan wax dembi ah lahayn sida dadka kale oo dhan.

Tusaale ahaan, haddii aynu Qorniinka Suuban oo ah Erayga Eebbe iyo Qur’aanka laftigiisaba eegno, runtii ma jirto cid kale oo aan Sayid Ciise Masiix ahayn oo lagu tilmaamay in uu yahay mid daahir ah oo aan wax dembi ah lahayn.
Waxaana taas caddaynaya aayadaha soo socda, sida aayadda 19aad ee Suuradda Maryam oo leh:

“Kuna yiri anigu waxan uun ahay rasuulka Eebbahaa in aan ku siiyo WIIL DAAHIR AH” (Maryam # Aayadda 19).
Isla daahirnimadaas oo uu Qur’aanku ku tilmaamayo Sayid Ciise Masiix ayuu Qorniinka Suuban oo ah Erayga Eebbe oo xaqa ah u caddaynayaa in uu yahay mid aan dembi iyo iin toona lahayn, sida ku cad Cutubka 7aad aayadda 26aad ee Cibraaniyadda oo sidatan leh:

“Waayo Wadaad Sare oo caynkan ahu (oo ah Sayid Ciise Masiix) waa inagu habboonaa, mid qoduus ah oo aan khiyaano iyo wasakh toona lahayn, oo dembiilayaasha ka soocan oo samooyinka laga sarraysiiyay” (Cibraaniyadda # 7:26).

Dhanka kale waxaynu aragnaa dad fara badan oo marka Sayid Ciise Masiix laga hadlayo tusaale u soo qaata Aadam, hase yeeshee waxaa habboonaan lahayd dadkaas inay marka hore si wacan ugu fiirsadaan kala duwanaanshaha meesha ku jira oo u dhexeeya Aadam iyo Sayid Ciise Masiix.
Haddii aan si kooban u sharraxana, Aadam wuxuu ahaa mid markiisii horeba dhoobo laga sameeyay oo kaddibna neefta nolosha lagu afuufay si bashar nool looga dhigo.
Cid kastoo farcanka Aadam ka mid ahna waxay asal ahaan ka soo jeeddaa dhoobadii markii hore isaga laga abuuray.

Laakinse Sayid Ciise Masiix wuxuu ahaa mid aad uga duwanaa qaabkii Aadam iyo uunka kaleba loo sameeyay.
Maxaa yeelay muu ahayn mid asalkiisii hore dhoobo laga abuuray oo markaa kaddibna neefta nolosha la geliyay. Amaba mid ka beermay unugyo midoobay oo ka yimid nin iyo naag isu galmooday.
Xaqiiqaduse waxay tahay in uu yahay Ruuxdii Daahirka ahayd oo muddo ku dhex negaatay ilma-galeenka Maryam, qaabkaasoo ah qaab aan loo abuurin cid kale oo inagu soo martay sooyaalka diimeed tan iyo inta uu Eebbe dunida iyo dadkiisaba abuuray.
Haddii uu Sayid Ciise Masiix ahaan lahaa bashar caadi ah may dhici lahayn in uu noqdo kan keliya ah oo kutubta oo dhan ay ku tilmaamayaan in uu yahay Mid Daahir ah.

Maxaa Isaga loogu yeeraa Wiilka Ilaah?Runtii dad markiiba baa aad uga carooda kolkay maqlaan Sayid Ciise Masiix oo loogu yeerayo Wiilka Ilaah. Waxayna ku andacoodaan in uusan Eebbe wax dhalin lana dhalin isla markaana aanu mudnayn in Isaga laga yeelo sida aabbe wax dhalay oo kale.
Haddaba Masiixiyiinta laftigoodu ma diiddana qodobkaaas ah in uusan Eebbe wax dhalin lana dhalin. Iyadoo ay taas jirto ayay haddana oggol yihiin yeerista Sayid Ciise Masiix loogu yeerayo Wiilka Ilaah.
Taana waxay ku timid rumaynta ay rumaynayaan Erayga Eebbe oo xaqa ah. Waxayna aaminsan yihiin haddii ay taas oggolaan waayaan inay ka dhigan tahay inay iyaguna Eebbe addeeci waayeen sida kuwa uu sheydaanku duufsaday oo kale oo ay quluubtooduna engegan tahay. Waayo Eebbe laftigiisa ayaaba ugu yeeray “Wiilkayga aan jecelahay.”
Sida ku cad Cutubka 3aad aayadda 17aad ee Injiilka sida uu Matayos u qoray, sidan bayna aayaddu leedahay:

“Oo cod baa samooyinka ka lahaa, kanu waa Wiilkayga aan jecelahay, oo aan ku faraxsanahay.” (Matayos # 3:17).

Haddiise aynu dhinac kale wax iska tusaalayno, su’aasha meesha taal waxay tahay marka dadka masaarida ah loogu yeerayo “Abnaa-u-niil” oo macanaheedu yahay “Ubadki-Niil”, ma waxaa la oran karaa webiga Niil ayay ka soo farcameen oo ah aabbihii iyaga ka dhalay hooyooyinkoodii hore? Jawaabtuse waa maya.
Balse waxaa halkaas ka muuqanaya in uu jiro macno kale oo maldahan, kaasoo ah inay yihiin kuwo ay noloshoodu ku xiran tahay webigaas. Midda kale mar kastoo uu Eebbe la hadlayo dadkiisa wuxuu wax u fahamsiiyaa hadba sida ay iyagu wax ku garan karaan.

Taana waxaan uga jeedaa xilligii uu Sayid Ciise Masiix dunida yimid meesha uu hawsha Boqortooyadiisa ka bilaabay ayaa ahayd deegaannada Yuhuudda dhexdooda. Sida aynu ka warqabnana quruun kastoo meel deggan waxay leedahay erayo iyada u gaar ah oo ay ugu halqabsato dhacdooyinka qaarkood oo la xiriira hab-dhaqanka bulshadeeda, sida xilligaasiba ay dadyowga Yuhuudda ah shakhsiyaadka ugu kala adeegsan jireen erayada kala ah: “Ina Sheydaan” iyo “Ina Ilaah”.
Erayga hore waxay ku sifayn jireen qofka markaas xumaanta la deriska ah, erayga dambana waxay ugu yeeri jireen qofka aan wax ceebaal ah lahayn oo nadiifka ah. Laakinse xaqiiqada jirta ayaa ah in kan ina Sheydaan loogu yeerayo aanu ahayn mid uu dhalay Sheydaanka laftigiisa, hase yeeshee dembiyada uu geysanayo awgood loo oran jiray ina Sheydaan. Sida midka kaleba uusan u ahayn dhashii Eebbe, balse suubanaanta awgeed loo dooray in lagu maamuuso derejada ah ina Ilaah.

Marka maaddaama uu Sayid Ciise Masiix ahaa Badbaadiye xagga Eebbe ka yimid ayuu Eebbe doonayay in uu u muujiyo dadkiisa in uu Sayid Ciise Masiix yahay mid aan wax iin ah lahayn oo suubane ah.
Marka taa laftigeeda waa arrin macquul ah in uu Eebbe sidaa u doortay in uu Sayidka ugu yeero “Wiilkayga”, si ay dadka ku gartaan in midka uu Eebbe “Wiilkiisa” ku tilmaamayo uu yahay mid dadyowga kale ka goonni ah oo aan lahayn wax ceebaal ah iyo dembi toona.
Annaga laftigeenna xitaa haddii aynu u fiirsanno sababta uu Eebbe ugu yeeray Sayid Ciise Masiix “Wiilkayga” waxaa kalee inoo soo baxaya in uu jiro xiriir soke oo labadooda ka dhexeeya, kaasoo ah mid aad iyo aad uga duwan xiriirka uu Eebbe la leeyahay aadanaha intiisa kale.

Inkastoo ay jiraan sababo badan oo ay dadku ku garan karaan ayaan haddana jecelahay inaan halkan qodobbada ugu muhiimsan wax yar uun ka taabto.
Haddaba kuwaas waxaa ka mid ah tusaalaha ah sida waalidka wanaagsan uu u jecel yahay ilmihiisa oo kale.
Waayo waxaynu wada ogsoon nahay in uu waalidku jacayl xad-dhaaf ah u qabo ubadkiisa. Hase yeeshee inta badan waxaynu aragnaa waalidka ilmo keliya ah dhalay in uu ka sii xagjiro midka carruurta badan leh.
Maxaa yeelay waalidka carruurta badan dhalay haddii uu mid ka dhinto carruurtiisa inkastoo uu u xanuunsanayo, haddana wuxuu haystaa qaar kale oo uu kaga samri karo kii ka geeriyooday. Laakinse waalidka ay ilmuhu madiga ku yihiin marka ilmuhu ka dhinto waxaa soo mara tiiraanyo ka daran tiiraanyadii soo martay waalidkaa kale.

Marka Eebbena si uu inoogu muujiyo jacaylka weyn oo uu u qabo dadkiisa ugana madax furto ciqaabta dembiyadooda ayuu u doorbiday in uu aadanaha wax u tusiyo sida aabbe wiilkiisa oo madiga ku ahaa bixinaya oo kale, si ay dunidu tusaale cad uga qaadato dhacdadaas iyada ah.

Haddii aynu innaguna u sii fiirsanno mawduucan isaga ah, waxaynu fahmaynaa inay aabbe iyo wiilkiisu isku qoys yihiin farcan ahaanna ay meel qura ka soo wada jeedaan. Waayo waxaynu ogsoon nahay in Eebbe aanu wax dhalin lana dhalin, balse midka uu ku sheegayo in uu yahay Wiilkiisa aanu shaki ku jirin in uu yahay mid ay isagu haayb wadaagaan oo asal ahaanna ku abtirsada Boqortooyadiisa.
Waana taas ayaynu oran karnaa sababta ugu weyn oo uu Eebbe u qorsheeyay in Sayid Ciise Masiix uu ugu yeero ‘Wiilkayga’ isla mar ahaantaana u oggolaaday in lagu qodbo isku-tallaabta si uu dhiiggiisa qaaliga ah kafaaragud ugu noqdo dembiyada dadka oo dhan, kaasoo uu u huray jacaylka uu dadkiisa u qabo awgii.
Sidii uu Nebi Ibraahiimba ugu quuray wiilkiisii Isxaaq ahaa in uu u gawraco muuijin uu muujinayo jacaylka uu Eebbe u qabay awgii.

Bixinta dhiigga qaaliga ah ee Sayid Ciise Masiixna waa arrin si run ah uga markhaati kacaysa jacaylka weyn oo uu Eebbe u qabo dadkiisa.
Maxaa yeelay qof aadane ah si kastoo uu kuu jecel yahay kama suurtowdo in uu adiga dartaa u huro kii isaga madiga ku ahaa oo uu dunida ka eeganayay.

Dhanka kalena waa muhiim inaynu garanno jacaylka Eebbe iyo kan aadanaha in aanay ahayn wax isu dhow oo lays barbar-dhigi karo. Sababtoo ah waxaynu dunida ku aragnaa dad berigii hore aad iyo aad isu jeclaa oo haddana markii dambe nacayb xun isu qaaday.
Laakinse jacaylka Eebbe uu u qabo dadkiisa iyagoo dembiileyaal ah, waa mid aan dhammaad lahayn oo xaqiiqdii aad uga duwan midka uu waalid u qaadi karo ubadkiisa amaba ay laba ruux oo aadane ah isu qabaan.
Waayo jacaylka Eebbe ma aha mid sida kan aadanaha oo kale markiiba idlaada, balse jacaylkiisu waa mid jiray haddana jira siina jiri doona oo waaraya weligiiba. Aamiin!
Taasna waxay ku caddahay aayadda 16aad ee Cutubka 3aad ee sida uuYooxanaa Injiilka u qoray taas oo oranaysa:

“Ilaah intuu dunida jacayl u qabay ayuu siiyey wiilkiisa madigaa in midkastoo isaga rumaystaa uusan lumin laakiinse uu lahaado nolosha weligeed ah”. (Yooxanaa # 3:16)

Mar haddiiba Sayid Ciise Masiix awgii lagu helayo nolol daa’im ah, waxaa halkaas ka muuqanaysa in jacaylka Eebbe u qabo dadkiisa uu yahay mid aan dhammaad lahayn.
Haddiise uu mid idlaanayo ahaan lahaa waxaan dhici lahayn in uu Eebbe u bixiyo Sayid Ciise Masiix sidii qurbaan gawrac lagu jiiday oo kale si uu dadkiisa ugu noqdo kafaaragud xagga dunuubtooda.
Kolleyse Eebbe ayuumbaa garanaya sababta dhabta ah oo uu Sayid Ciise Masiix ugu yeeray “Wiilkayga.”

Midda kale wuxuu Sayid Ciise Masiix dunida iyo dadka dhexdiisa shuqullada Ilaah ugu fuliyay sida wiil aabbihiis wakiil uga ah oo kale. Taasna waxaa ka tarjumaya oo laga dhadhansan karaa aayadaha 36-38aad ee Cutubka 10aad ee Injiilka sida uu Yooxanaa u qoray, halkaasoo uu Sayid Ciise Masiix iskaga difaacayay dadkii diiddanaa awooddiisa wakiilnimo, wuxuuna yidhi:

“Ma waxaad ku leedihiin kii Aabbuhu qodduus ka dhigay oo xagga dunida u soo diray, waad caytantaa, waayo, waxaan idhi, Wiilka Ilaah baan ahay? Haddaanan samayn shuqullada Aabbahay, ha i rumaysanina. Laakiin haddaan sameeyo, inkastoo aydaan i rumaysanin, shuqullada rumaysta, inaad ogaataan oo garataan in Aabbuhu igu jiro, anna Aabbaha aan ku jiro.” (Yooxanaa # 10:36-38).

Eebbe waa meel walba joogeUgu horrayntii, bal aynu u soo noqonno qodobkeennii ahaa faah-faahinta Ilaahnimada Sayid Ciise Masiix.
Runtii waxaynu horay u soo marnay qaybo aannu kaga soo hadalnay sifooyinka uu Sayid Ciise Masiix ku yahay Ilaah. Waxaa kaloo aynu ka soo hadalnay saddexda Shakhsiyadeed oo uu Eebbe leeyahay mid ka mid ah in uu yahay Sayid Ciise Masiix, kaasoo qayb ka ah jiritaanka Eebbe qaybtaasuna ay tahay mid uu isugu muujiyay dadkiisa si ay u xamili karaan, maxaa yeelay ma jirto cid si kaamil ah u arki karaysa Eebbaha Qaadirka ah.

Sida laga warhayana Eebbe waa kan awoodda u leh in uu wax walba u fuliyo hadba sida uu doonayo Isaga. Taana waxaan uga socdaa in marar badan ay dadka qaarkii yiraahdaan haddii uu Sayid Ciise Masiix Ilaah ahaa, haddaba ayaa carshiga iyo kursiga ku fadhiyay oo samadana wax ka maamulayay intii uu Isaga dunida joogay?
Jawaabtu waxay tahay, Eebbe meel kasta uu joogo ayuu koonka iyo waxa ku dhex jiraba ka maamulaa. Laakinse dadka qaarkii iyagoo sidaas ula socda ayay ka biyo-diidaan in uu Eebbe Isagoo jir aadane leh inta uu dunida yimaaddo uu halkaas hawlahiisa ilaahnimo ka sii maareeyo.

Marka qaabkaa wax loogu sheegana waxay dadkaa iyaga ah arrinta la noqotaa mid aan suurtagal ahayn, khaasatan marka Sayid Ciise Masiix laga hadlayo in uu ahaa Ilaah soo booqday dadkiisa oo doonayay in uu shuqullada ilaahnimo ku sameeyo iyaga dhexdooda.
Dadkaasna waxay u badan yihiin kuwa aaminsan diinta Islaamka. Waase arrin la yaab leh diidmada ay diidayaan Ilaahnimada Sayid Ciise Masiix, khaastan marka ay wax iska weydiinayaan cidda xagga samada wax ka maamulaysay intii uu Isagu ku sugnaa koonkan dushiisa, waayoo waxaa kitaabkooda ku xusan aayado badan oo si caddaan ah looga dhadhansan karo qodobka ah in uu Eebbe yahay mid xilliyada oo dhan meel kastaba xaadir ku ah.

Dhanka kalena kama fekeraan inay Qur’aankuba ku jirto aayad si cad uga markhaati furaysa arrintan ah in uu Eebbe yahay mid waqti kastaba awood u leh in uu meel walba joogo.
Haddii aanay asaraar uga jeedinna waxay taas si wacan uga daalacan karaan aayadda 7aad ee Suuradda Al-Mujaadalah, taasoo qeexaysa in uu Eebbe meel kastaba joogo. Sidan bayna aayaddu leedahay:

“Ma og tahay in Ilaahay og yahay cirka iyo dhulka waxa ku dhex jira, oo saddexdii faqaysaba Ilaah baa afareeya, shantana Ilaah baa lixeeya; waxa intaasi ka yar iyo waxa ka badanba Ilaah baa la jooga meesha ay ku sugan yihiinba......” (Al-Mujaadalah # Aayadda 7).

Haddaba waa ayaan darro in qofku dhinac ka rumeeyo awoodda Eebbe dhinaca kalena uu ka diido.
Su’aashuse waxay tahay, kan rumaynaya aayadda 16aad ee Suuradda Al-Buruuj oo sheegaysa in uu Eebbe yahay kan wixii uu doonayo sameeya, maxay tahay sababta ka horjoogta in uu Eebbe Isagoo jir aadane sita uu dunida yimaaddo uuna hawlahiisa oo idil Isagoo dadkiisa dhex jooga sii maamulo? Aadanuhuse miyuu awoodi karaa in uu cilmiyada Eebbe ku wada garto aqoontiisan xaddidan?
Taas waa mid aan dhici karaynin. Waxaanse oran lahaa kuwa iska indhatiraya oo idil inay u wanaagsan tahay intay goori goor tahay inay si wacan uga fiirsadaan dabagalna ku sameeyaan amuurtan iyada ah si ay u fahmaan waxyaabaha faraha badan oo weli mugdiga uga jira iyaga.

Midda kale haddiiba uu qofku rumaysan yahay in uu Eebbe dadka oo dhan la joogo halkay doonaanba ha ku sugnaadeene, sidee buu haddana isu weydiin karaa su’aasha ah haddii uu Sayid Ciise Masiix Ilaah ahaa ayaa cirka maamulayay intii uu dunida joogay?
Balse ka warran laftigaaga marka aad qof aan Ilaahba aaminsanayn ku tiraahdid Eebbe waa kan meel kastaba jooga! Miyaanu macna ahaan u qaadan karin inay jiraan ilaahyo tiro le’eg abuurista jirta oo dhan?
Haa. Waayo saddexdii meel joogtaba haddii uu ku afareeyo isla markaana uu yahay mid keliya, runtii waa loo qaadan karaa in uu mid keliya ka badan yahay.
Marka qofka rumaysan in uu Eebbe yahay kan awooddaas leh, waa u dembi in uu haddana ka hor yimaaddo in uu Eebbe koonka iyo waxa ku dhex jiraba ka maamuli karo hadba meesha uu ku sugan yahay.
Eebbese ma aha mid meel keliya ku kooban laakinse waa mid waqti kastaba meel walba jooga. Sidoo kalena qofka Eebbe u qiraya awooddaas xad-dhaafka ah maba aha in uu haddana ka madax adaygo in saddex shakhsiyadeed oo kala duwan oo haddana awood siman leh uu Eebbe yeelan karo Isagoo mid keliya ah.

Haddiise aan tusaale yar soo qaato, marka uu qof meel fadhiyo laakinse uu indhahiisa ku eegayo meel fog ma waxaa la oran karaa isaga iyo indhahiisu waa kala labo mar haddii aanay indhahiisuba ku koobnayn barta uu fadhiyo oo keliya?
Taa waa iska caddaan oo qofkaas iyo indhahiisa laba kala goonni ah ma aha, laakinse iyagoo haddana isku mid ah ayay laba aag ku kala maqnaan karaan laba magac oo kala duwanna kala leeyihiin.
Taasna wey dhacdaa oo waxaynu inta badan aragnaa annagoo qof ku leh ‘war xaggee bay ku maqan yihiin indhahaagu?’ Macnuhuse ma aha in uu qofkaas inoogu muuqdo sidii qof aanay indhaba ku oollin oo kale, laakinse isagoo indhihiisii qaba ayay haddana indhuhu meel kale u foofaan iyagoo isla mar ahaantaana ku shaqaynaya awoodda maskaxeed oo uu qofkaas leeyahay.
Sidaa awgeed waa lagama maarmaan inaynu mar walba niyadda ku hayno in uu Eebbe yahay kan wax walba ogsoon isla mar ahaantaana inala jooga meel kastoo aannu ku sugan nahay.

Muhiimadda ay leedahay rumaynta Ilaahnimada Sayid Ciise Masiix
Marka hore waxaa in laga dhawaajiyo u baahan inay nasiibdarro weyn tahay inay kuwo aad u fara badan iska daba galeen beenta uu Sheydaanku aadanaha la dhex meeraysto oo ah in Sayid Ciise Masiix uusan ahayn Ilaah balse uu yahay bashar caadi ah.
Fekraddaa iyada ahna waxay kuwa wax ma garatada ah u horseedaysaa bur-bur iyo halaag weligii ah.
Waayo Sayid Ciise Masiix waa Badbaadiye u yimid dunida in uu beni’aadamka ka badbaadiyo jahannamada aan idlaanin weligeed, isla markaana siiyo nolosha aan dhammaadka lahayn ee Jannada dhexdeeda ah. Maxaa yeelay Sayid Ciise Masiix wuxuu weligiiba la jiray uuna immikaba fadhiyaa gacanta midig ee Aabbaha oo ah Eebbaha Qaaddirka ah.
Sida ku cad aayadaha 6aad ilaa 11aad ee Cutubka 2aad ee Kitaabka Filiboy oo sidatan leh:

“Isagu wuxuu lahaa suuradda Ilaah, oo in uu Ilaah la mid ahaado kuma uu tirin in taasu tahay boobis, laakinse wuu is-madhiyay oo wuxu qaatay addoon suuraddiis, oo wuxu noqday mid dad u eg, oo markuu nin u ekaaday ayuu is-hoosaysiiyay oo addeecay in uu dhinto, xitaa in uu isku-tallaabta ku dhinto.
Haddaba sidaas daraaddeed Ilaah Isaga aad buu u sarraysiiyay, oo wuxu Isaga siiyay magaca magac kasta ka sarreya; in jilib kastoo ah waxyaalaha samada ku jira iyo waxyaalaha dhulka jooga iyo waxyaalaha dhulka ka hooseeyaba, ay magaca Ciise u wada sujuudaan, iyo in carrab kastaaba qirto in Sayid Ciise Masiix yahay Rabbiga in Ilaaha Aabbaha ah lagu ammaano”. (Filiboy # 2:6-11)
Caddayntaa mid la mid ahna waxaynu ka akhrisan karaynaa Cutubka 1aad ee Kitaabka Kolosay, aayadaha 15aad ilaa 20aad, sidan bay iyaguna leeyihiin,

“Isagu waa suuraddii Ilaaha aan la arki karin oo ah curadka uunka oo dhan; waayo wax kastaba Isagaa uumay, waxyaalaha la arki karo iyo waxyaalaha aan la arki karinba, hadday yihiin carshiyo ama sayidnimo ama madax ama amarro; wax walba isagaa uumay oo loo uumay.
Isagu wax kastaba wuu ka horreeyaa, oo wax kastaaba Isagay isku haystaan. Oo Isagu waa madaxa jirka kaaso oo ah kaniisadda, oo Isagu waa bilowgii iyo curudka kuwii dhintay ka kacay, si uu uga horreeyo wax kastaba.
Waayo waxaa Aabbaha ka farxisay in buuxnaanta oo dhamu ay Isaga ku jirto, iyo in uu Isaga wax kastaba xaggiisa kula heshiiyo, Isagoo kula nabday dhiigga Isku-tallaabtiisa; hadday yihiin waxyaalaha dhulka jooga ama hadday yihiin waxyaalaha samooyinka ku jiraba”. (Kolosay # 1:15-20).

Waxaase nasiibdarro kale ah in dad badan ay rumaysan yihiin inaanay uba baahnayn Badbaadiye xagga Eebbe ka ahaaday, balse ay ku badbaadi karayaan markay shuqulladooda wanwanaagsan ka miisaan cuslaadaan kuwooda xunxun.
Marka horese waxaa in lays weydiiyo mudan, Eebbe ma yahay Mid baahi u qaba in uu wanaagga iyo xumaha ay dadkiisu faleen u qaato miisaan uu ku kala miiso? Jawaabtu waa maya. Waxayse arrintaa miisaanka la xiriirta meel uga dhacaysaa garashada waafiga ah ee Eebbe.
Dadka waxyaabahaas rumaysan waa kuwo haddana isku halleeya maalinta Qiyaamaha in uu jiro nebi iyaga u shafeeca qaadi doona.

Haddayse arrintu sidaas tahay waxay u muuqanaysaa in aan baahiba loo qabin Eebbaha Qaaddirka ah oo la caabudo oo ah kan koonkan iyo waxa ku dhex jiraba abuuray.
Maxaa yeeylay haddii shuqullo wanwanaagsan oo la sameeyo oo keliya cadaabta Eebbe looga badbaadayo waxay ka dhigan tahay sida dad uu ganacsi ka dhexeeya oo kale ayna dhex yaallaan shurrudo iyaga kala xadaynaya, isla markaana ah kuwo aan kalaba maarmin oo isu qaba baahi labada dhinacba ka jirta, baahidaasoo ah mid aan ku koobnayn hal dhinac oo keliya.
Waxayna taas la macno tahay sida iyadoo uu jiro nidaam ah haddii uu qofku qabto shuqulkii loo diray in uu xaq u leeyahay in la siiyo kiradii uu mutaystay.

Waxaanna taa uga jeedaa haddii camal wanaagsan oo aannu shaqaysannay oo keliya ku helayno Eebbe Jannadiisa isla markaana uga badbaadi karayno cadaabtiisa daran, inaan wax hamuun ahba loo qabin in si khushuuc leh Isaga xiriir joogta ahba loola yeesho ama jacayl dhab ahba loo qaado.
Waayo waxaa inagu filanba inaynu ka fekerno oo keliya inaynu salaadaha, sadaqooyinka, soonka iyo waxyaabaha kalee soo raacaba u gudanno si annu waxyaabahaas Eebbe ugaga gadanno Jannadiisa. Taasna waxay ka tarjumaysaa sida annagoo Eebbe kula gorgortamayno in aannu wixiisii wax uga beddelanayno oo kale.

Dhanka kale haddiiba uu miisaan jiro waxaannu kala qaybsan karaynaa saacadaha maalinta ama maalmaha bilooyinka amaba sannadaha bilooyinkooda, tusaale ahaan waxaynu ogsoonnahay inay maalintu ka kooban tahay afar iyo labaatan saacadood, marka qofka ku tashanayo miisaanka miyaanu afar iyo labaatanka saacadood oo ay maalintu ka kooban tahay samayn karin in uu maalin walba ka soo qaato laba saacadood oo uu faraha la galo dembi kasta oo uu doonayo in uu sameeyo?
Haa. Maxaa yeelay wuxuu isku hallaynayaa laba iyo labaatanka saacadood ee kale oo uu waxyaaba fiic-fiican samayntooda ku sii talagelayo. Marka waxay arrintu ku soo biyo-shubanaysaa in qof kastee janno doon ah aanu uba baahnayn in uu Eebbe ka baryo, waayoo waa wax uu qofku iskiis u kasban karayo isagoo awooddiisa iyo maskaxdiisa kaashanaya.

Hase yeeshee waxaa xusid mudan in uusan Eebbe waxba uga baahnayn abuuristiisa, balse waa beni’aadamka kuwa baahida weyn u qaba Eebbaha abuuray iyaga. Haddiise uu aadanuhu u dhaqmo sidii isagoo ay shuqulladiisu ku filan yihiin oo kale, waxaa meeshaba ka baxaya macnaha dhabta ah oo uu leeyahay farqiga u dhexeeya Ilaahnimada iyo addoonnimada. Taasna cid kastoo garaad leh wey u muuqataa inay arrintu sidaas ka sii duwan tahay.

Midda kalena haddiiba uu jiro nebi cadaabta Eebbe dadka ka badbaadin karaya waxaa meeshaba ka baxaysa baahidii weynayd ee uu aadanuhu u qabay in uu si kalsooni leh isugu halleeyo Eebbe.
Waxaana hubaal ah cid kastoo aan ku tiirsanayn Badbaadiyaha dadka awgii xagga Eebbe looga soo diray in aanay helaynin nolosha weligeed ah. Waayo ma jirto cid aan Sayid Ciise Masiix ahayn oo wax badbaadin karaysa.
Dadkase, khaasatan Muslimiinta, aaminsan in uu jiro nebi maalinta xisaabta uga shafeeca qaadi doona xagga Eebbe, waxay taas uga qanci karayaan aayadda 19aad ee suuradda Az-zumar oo caddaynaysa in uusan nebi Muxammad laftigiisa qofna ka badbaadin karin cadaabta ay mutaysatay, sidan bayna aayaddu leedahay:

“Ruuxay u waajibtay erayga cadaab ma adaa nebiyow ka korin cid naar geli”. (Az-Zumar # Aayadda 19).

Haddaba marka ay Muslimiintu isku hallaynayaan in maalinta Qiyaamaha uu jiro nebi u shafeeca qaadi doona iyaga, miyaanay aayaddan wacyigelin cad ugu filnayn? Mise Eebbe ayaa kala hadlaya oo uu warkiisu is-burinayaa? Taas Eebbe kama suurtowdo waayo Eebbe ballanta uu qaado waa kan si xaq ah oo waafi ah u oofiya mana aha mid dulmiya addoomadiisa.
Sidaa awgeed Eebbe si cad ayuu dadkiisa ugu muujiyay kan iyaga badbaadin karaya oo ay madaxiisa ku heli karaan nolosha weligeed ah kaasoo ah Sayid Ciise Masiix oo dhiiggiisa qaaliga ah u huray dadka dembiyadooda awgood. Maxaa yeelay Isagoo dunida iyo dadka dhex jooga ayuu kuwo badan ka cafiyay dunuubtooda.
Mana ay jirin nebiyo amaba rasuullo kale oo dunida guudkeeda dadka ugu fidiyay dembi-dhaaf buuxa. Hase yeeshee Sayid Ciise Masiix oo keliya ayuu ahaa kan awooddaas iyo amarkaasba ku leh xagga sare ee samada iyo dhulka dushiisaba.

Midda kalese haddii ay shuqullada wanwanaagsan oo keliya waxtar leeyihiin, maxaa Aadam iyo Xaawa dembiga keliya ahaa oo ay sameeyeen awgii Jannadii looga soo saaray, Eebbese u tixgelin waayey shuqulladoodii wanwanaagsanaa oo ay horay u soo sameeyeen?
Sidoo kale muxuu Eebbe Iblayska uga xayuubiyay sharafkii, qiimihii iyo karaamadii uu agtiisa ku lahaan jiray dembigii keliya ahaa oo uu galay awgii? Muxuuse uu u eegi waayay camal suubanaantiisii iyo addeeciddiisii hore?
Haddaba qofka aaminsan in shuqul wanaagsan oo keliya Janno lagu mutaysanayo, sow looma arki karo qof caaddilnimada Eebbe meel uga dhacaya mar haddii uu Eebbe Aadam iyo Xaawa iyo Iblayskuba u tixgelin waayay wixii camal fiican ahaa oo ay horay u geysteen?
Runtii, marka uu qofku leeyahay rumaysad waa wax looga baahan yahay in uu camal suubanna la yimaaddo.

Camalkuse ma aha wax Eebbe Janno looga beddelanayo, balse waa mid ka markhaati furaya waxa addeecidda la yiraahdo.
Sidaa awgeed aadanuhu ma aha mid kaamil ah kaasoo kaamilnimo uu leeyahay awgeed Janno ku mutaysanaya. Balse waxa Jannada lagu galaa waa Eebbe oo inoo naxariista oo dunuubtayagana inaga cafiya.
Qorniinka Suubanna waxaa ku qoran in dadka oo dhan ay wada dembaabeen oo ay gaari waayeen ammaanta Ilaah oo ay kulligood galabsadeen inay galaan naarta weligeed ah.
Dembi dhacayna waa sida caano qubtay oo aan weelkii ay ku jireen iyagoo nadiif ah dib ugu soo noqonaynin oo kale. Amaba waa sida qof qof kale dharbaaxo dhabanka kaga jiiday oo kale oo aan dib u soo celin karin xanuunkii uu qofkaas u geystay in uu qofka ka cafiyo mooyaane.

Tusaale kalese wuxuu yahay, dembigu waa sida adigoo naf gooyay oo kale si kastoo aad isugu daydana suurtagal ma aha in aad naftii aad dishay nolosha dib ugu soo celiso adigoo lagaa saamaxo mooyaane.
Waayo waa fal aad geysatay oo ka dhacay farahaaga. Wanaag kastoo aad dib ka samaysana ma oran karaysid weligaaba in aad tahay mid nadiif ah oo xumo ka daahir ah. Dembi la galayna ma aha wax uu dadku sixi karayo haddii aanu ka cafiyin Eebbe.

Haddaba Qorniinka Suuban waxaa ku cad in Eebbe uu jecel yahay dadkiisa uuna doonayo inay badbaadaan dadka oo idil. Sida awgeed wuxuu Eebbe xikmaddiisa ku go’aansaday in uu jir beni’aadam ah galo oo dadka si la taaban karo ugu muujiyo jacaylkiisa iyo waxa ay doonistiisuba tahay. Mar haddii Eebbe uu yahay mid xaq ah waa in uu siiyo qof walba oo beni’aadam ah ganaaxa dembigeeda.

Haddana Sayid Ciise Masiix waxyaabihii uu sameeyey waa wax Eebbe oo keliya mooyaane aanay cid kale samayn karin. Ganaaxii dembiyadooda ayuuna dushiisa ku qaatay Isagoo oggollaaday in sida dembiile weyn oo kale isku-tallaabta lagu dilo.
In uu Masiixu awood u leeyahay in uu dadka sidaas ku badbaadiyana wuxuu ku caddeeyay in uu saddex maalmood markuu xabaasha ku jiray kaddib ka soo sara kacay kuwii dhintay.
Muddadaa wixii ka dambeeyayna uu la joogay xertiisa dabadeedna Isagoon dhimanin uu ku noqday halkii uu markii horeba ka yimid.

Haddiise aan qodobka dhimashada iyo sara-kicidda Sayid Ciise Masiix wax yar ka soo qaadanno, runtii Muslimiintu aad bay uga soo horjeedaan qodobkaas, laakinse Kitaabka ay rumaysan yihiin si waadix ah ayay ugu xusan tahay arrinta xaaladdaas ka hadlaysa, waana aayadda 55aad ee Suuradda Aali-Cimraan oo leh sidatan:

“Xusuuso markuu ku yiri Eebbe Ciisow waan ku oofsan waana ku kor yeeli, waana kaa daahirin kuwii gaaloobay, waxaanna kuwa adiga ku raacay ka sarraysiinaynaa kuwa kufriyay tan iyo maalinta Qiyaame, xaggaygaana laydiin soo celin waana xukumin waxaad dhexdiinna isku khilaafsanaydeen.” (Aali-Cimraan # 55).

Runtii marka aayaddan la soo hadal qaado ma jeclaystaan culimada Islaamka intooda badan inay faah-faahin dheeraad ah ka bixiyaan macnaynta aayaddan iyada ah.
Hase yeeshee waxaa jira qaar markiiba la soo boodaya in loola jeedo oofsashadaas iyo sare-u-qaadistaba marka uu Sayid Ciise Masiix dunida dib ugu soo laabto iyagoo weliba waqtigan xaadirka ahna kuu qiraya inay rumaysan yihiin in Sayid Ciise Masiix mar hore samada loo qaaday.
Laakinse aayaddu waxay nebi Muxummad xusuusinaysaa in uu Eebbe horay Sayid Ciise Masiix kula hadlay erayadaas inta aan samada loo qaadin ka hor. Maxaa yeelay Eebbe ma aha mid naxwe ahaan isku khaldaya fal tegay iyo mid soo socda.

Daliisha kalee taa loo hayana waxay tahay marka aad akhriso tarjumadda afka Ingiriiska ee Kitaabka Qur’aanka, kuma arkaysid inta badan meel oofsasho lagu soo hadal qaadayo waxaase tarjumadda lagu koobaa uun ‘Xaggaygaan sare kuugu soo qaadayaa’ oo keliya.
Marka maxaa sababaya in qaybta oofsashada si toos ah looga reebo marba haddii la tarjumay qaybihii kale? Waase su’aal akhristaha u taal oo aan jecelahay in uu si deggan uga fekero aayaddan iyada ah.

Haddaba qof kasta ayay u wanaagsan tahay in uu wax ka ogaado sababta ay muhiim u tahay Ilaahnimada Sayid Ciise Masiix. Maxaa yeelay Isagu waa jidka keliya oo loo sii maro xagga Eebbe, mana jirto cid iskeed isu badbaadin karta.
Badbaadadana waxaa lagu helaa rumaysadka la rumaysto dhimashada iyo sara-kicidda Sayid Ciise Masiix, taasoo ah midda keliya oo lagu heli karo nolosha weligeed ah.

Mana aha badbaadadu mid ku timaadda shuqul wanaagsan oo aannu samaynay awgii. Balse badbaadada waa gallad uu Eebbe ugu deeqay dadkiisa. Sayid Ciise Masiixna si muuqata ayuu u caddeeyay in uu Isagu yahay jidka iyo runta iyo noloshuba oo aanu qofna Eebbe u tegi karin Isaga la’aantii. Taana waxaynu ka akhrisan karaynaa Cutubka 14aad aayaddiisa 6aad sida uu Yooxanaa u qoray Injiilka oo leh sidatan:

“……Anigu waxan ahay jidka iyo runta iyo nolosha. Ninna Aabbaha uma yimaaddo, xaggayguu ku yimaado maahee”. (Yooxanaa # 14:6).
Haddaba haddii aynu si kooban u eegno macnaha weyn oo ay leedahay aayaddan, waxaynu garanaynaa in aanu qofku nolosha weligeed ah (Jannada) geli karaynin isagoo aan marka hore runta (Xaqa) garanin, runtuna waxaa lagu gartaa marka uu qofku helo Jidka (Masiixa), waayoo meel kastoo la tegayo waxay leedahay waddo loo sii maro, marka waddadaas la helo ayaa la gaari karaa halkii loo baahnaa.
Marka Sayid Ciise Masiix uu isku sheegayo in uu yahay Jidka iyo Runta iyo Nolosha, waa arrin dhab ah oo jirta waayoo kan Isaga rumeeya wuxuu helayaa jidka markuu Sayid Ciise Masiix u yimaaddana wuxuu garanayaa runta meesha ay jirto, markaa wixii ka dambeeyana waxaa hubaal ah in uu qofku heli doono nolosha weligeed ah.
Waxaana aan shaki lahayn kan aan rumaynin Sayid Ciise Masiix in aanu Aabbaha wejigiisa arki doonin maalinta xisaabta uuna ku aroori doono Haadees oo ah Jahannamada ay Muslimiintu u yaqaannaan Haawiyah.

Sidaa awgeed waxaa Eebbaha Qaaddirka ah hortiisa istaagi karaya dadka is hoosaysiiya oo qirta inaanay iskood isu badbaadin karin oo keliya. Kuwaasna waa kuwa aaminay in Sayid Ciise Masiix uu yahay kii iyaga soo madax furtay.
Qofkase diida haddiyaddaas weyn oo qaaliga ah isla markaana isku halleeya xooggiisa ama camalkiisa ama waxyaabaha soo raaci karaba, waxaa hubaal in dembi walba uu sameeyo loo xisaabin doono uuna geli doono cadaabta weligeed ah oo aanu abidkii Jahannamo ka bixi doonin.

Sababahaas ayaana muhiim ka dhigaya rumaynta la rumaynayo Ilaahnimada Sayid Ciise Masiix. Haddaba kan aanay weli soo marin fursaddaas dahabiga ah waxaan ku waanin lahaa in uu maantaba rumaysto amuurtaas iyada ah.

Muslimiinta ha rumeeyeen Kutubtii hore ama ha beeniyeen
Haddaba Muslimiinta waxay dhammaantood sheeganayaan inay yihiin kuwo ay waajib ku tahay inay rumeeyaan dhammaan kutubtii xagga Eebbe ka soo degay oo idil. Marka haddii ay arrintaas dhab ka tahay waxaa laga daalacan lahaa fekradahooda ku wajahan heerka ay xaggooda ka taagan yihiin kutubtaas.
Maxaa yeelay uma qiimeeyaan kutubtaas sida ay kan Qur’aanka ah u karaamadeeyaan oo kale. Waase arrin in lays wediiyo u baahan sababta iyaga ku kallifaysa inay afka uun ka yiraahdaan waannu rumaysan nahay Tawreedda, Sabuurka iyo Injiilka, mar haddii aanay oggolaynba aayadaha qaarkood oo ku qoran kutubtaas.
Maxaa yeelay suurtagal ma aha in uu qofku yiraahdo Erayga Eebbe waa rumaysnahay isagoo dhanka kalena ka diidaya. Inta badanna waxaa wax lala yaabo ah marka ay Muslimiintu ku sheegayaan Qorniinka Suuban oo uu Qawlkii Eebbe ku qoran yahay , in uu yahay mid waxyaaba fara badan laga tirtiray isla markaana waxyaaba kale oo khuraafaad ah lagu daray.

Haddaba miyaanay dadkaas ahayn kuwo si cad u beeninaya aayadaha qaarkood oo ku qoran Kitaabka Qur’aanka ah oo ay leeyihiin waannu rumaysan nahay iyagoo weliba qaba in uu yahay kutub xagga Eebbe ka soo degay?
Haa! Waayo marka ay Qorniinka Suuban ku sheegayaan in uu yahay mid la bed-beddelay, waxay si caddaan ah u beeninayaan aayadda 27aad ee Suuradda Al-Kahf oo leh sidatan:

“Akhri (oo raac) waxa laguu waxyooday oo kitaabka Eebbahaa ah, wax beddeli kalmadahiisa ma jiro…….” (Al-Kahf # Aayadda 27).

Runtii aayaddan waa mid si bayaan ah uga markhaati kacaysa in aanay jirin cid Erayga Eebbe beddeli karaysa. Hase yeeshee marka culimada Islaamka ah loo soo qaato aayaddan waxay ku koobaan uun aayadaha Qur’aanka oo keliya inay yihiin kuwo aan la taaban karin.
Balse su’aashu waxay tahay wixii Tawreedda, Sabuurka iyo Injiilka ku qornaa oo idil miyaanay ahayn Erayga Eebbe? Haa! Haddiise ay yihiin Erayga Eebbe sidee bay Qorniinka Suuban ugu quureen inay ku tilmaamaan wax uu aadane siduu doono wax uga beddeli karo habkii ay Erayada Eebbe ugu qornaayeen? Waa arrin la yaab leh! Mise Erayadii kutubtaas ku qornaa ayaa markii horeba iska ahaa kuwo daciif ah oo maskax aadane ka soo fulay?

Haddiise aanay arrintu sidaas ahayn, sidee bay Muslimiintu u oranayaan waa Qur’aanka uun midka aan la bed-beddeli karin?
Haddaba taas waxay ka dhigan tahay Qur’aanka mooyaane kutubtii hore waa waxba kama jiraan, mana aha kuwo uu ku qoran yahay Erayga Eebbe marba haddii iyaga loo aqoonsan yahay kuwo sidii la doono loo bed-beddeli karo.

Marka waxaan Muslimiinta oran lahaa kutubtii hore ee Tawreedda, Sabuurka iyo Injiilkaba, ha u rumeeyeen sida ay yihiin waxyaabaha ku qoran dhexdooda, haddii kale si toos ah ha u caddaysteen inayan rumaysnayn jiritaannadooda.
Waayo Erayga Eebbe ma aha mid maalinna la bed-beddeli karo, maalinna aan waxba laga beddeli karin.
Balse waxaa in la xusuusnaado u baahan in Eebbe Eraygiisu isku mid yahay shalay iyo maanta iyo weligiiba.
Qof kastoo Eebbe rumeeysanna kama suurtowdo inay qayb Eraygiisa ka mid ah ka dhigto daciif halka ay qaybta kalena ka dhigayso mid adag oo aan waxba laga beddeli karin.
Eebbena waa Isaga kan mar kastaba ilaashada Eraygiisa xaqa ah mana jirto cid wax ka dhimi karaysa amaba wax ku kordhin karaysa.

Sida awgeed kuwa Muslimka ahee sheeganaya inay Tawreed, Sabuur iyo Injiilkaba u rumaysan yihiin kutubo xaq ah oo uu ku qoran yahay Eebbe Eraygiisa, waxaa iyaga ku habboon inay aayadaha kutubtaas ku xusan sida ay maanta ugu qoran yihiin u qaataan, haddii kale ay si toos ah u caddaystaan inay yihiin kuwo aayaadka Eebbe si ulakac ah uga soo horjeestay.
Haddiise aayadaha Kutubtaas ku qoran ay u rumayn waayaan sida ay yihiin, la yaab ma laha oo waxay la mid yihiin sida kuwii uu Qur’aanka ay aaminsan yihiin ku timaamay inay noqonayaan ehelka Jaxiimo, sida ku cad dhammaadka aayadda 19aad ee Suuradda Al-Xadiid oo leh sidatan:

“….kuwase gaaloobay beeniyayna aayaadkannaga kuwaasi waa ehelka Naarta Jaxiimo”. (Al-Xadiid # Aayadda 19)

Gabagabo
Haddaba midka doonaya in uu sawir macquul ah ka qaato saddex-midnimada Eebbe bal ha isku dayo in uu fiiro gaar ah u yeesho sida uu Eebbe u abuuray ukunta, qorraxda, isha iyo faraha beni’aadamkaba Isagoo mid kastaba u yeelay saddex qaybood oo lagu garto isla markaana ka dhigay shey mid keliya ah u taagan.
Saddex-midnimada oo ay Masiixiyiintu Eebbe ka rumaysan yihiinna waxay tahay in uu Eebbe yahay Mid keliya, balse leh saddex shakhsiyadeed sida ay ukunta ama qorraxda ama isha amaba faraha dadkaba u leeyihiin saddex qaybood oo kala duwan oo haddana aan kala qaybsami karin oo mid keliya isku ah dhammaantood.

Eebbase wuu ka sarreeyaa in tusaalayntiisa loo soo qaato wax abuuristiisa ka mid ah, laakinse waxaan is leeyahay tusaalaha ukunta, midka qorraxda, kan isha iyo kan farahaba ha u noqdo mid akhristaha wax weyn ka fahamsiiya Saddex-midnimada Eebbe.
Maxaa yeelay midka dhab ahaan u jecel in uu saddex-midnimada fekrad macquul ah ka qaato waxaan hubaa haddii uu si niyadsami leh ugu fiirsado abuuristaas Eebbe inay wax weyn u soo kordhin doonto.

Saddex-midnimada Eebbena waxaa loo kala saaraa sidan soo socota:

1. Ilaaha Aabbaha ah oo loola jeedo, Nuurka shakhsiyadeed oo carshiga sare fadhiya.
2. Ilaaha Wiilka ahna waxaa loola jeedaa, Erayga Eebbe oo dunida jir ahaan u Yimid. (Sayid Ciise Masiix)
3. Ilaaha Ruuxa Qodduuska ahna waxaa loola jeedaa, Ruuxa Nool ee Eebbe oo ah Kan maantadan la joogo shaqada Ilaah ka fulinaya dunida iyo weliba si gaar ah kiniisadda (dadka rumaystayaasha) Sayid Ciise Masiix dhexdeeda.

Ugu dambayntiina waxaan akhristow kugu boorrinayaa inay towbaddu weli kuu furan tahay haddii aad tahay mid aan Eebbaha Qaaddirka ah qaabkaas u rumaysnayn. Isla markaana waxaan dardaaran dhaxalgal ah kaaga dhigayaa saddexdan aayadood ee soo socda in aad si fiican u akhrisatid kuna camal fashid. 1Tesaloniika Cutubka 5aad, aayadaha 19aad ilaa iyo 22aad, sidan bayna leeyihiin.

“Ruuxa ha deminina oo wax sii sheegiddana ha quursanina. Wax waliba tijaabiya, waxa fiicanna xajiya. Wax kastoo shar u egna ka fogaada”. (1Tesaloniika # 5:19-22).



DISCLAIMER:The opinion contained in this article is solely that of the writer, and does not necessarily represent the editorial opinions of Somalis For Jesus.